Kenya oo Britain iyo Norway ku eedaysay inay kaga hiilinayaan Somalia

1612

Dowladda Kenya ayaa la sheegay inay ku hawlan tahay dadaalo cusub oo ay DFS kula xaajooto, si loo dhameeyo Colaadda Badda ee u dhexeys labada Waddan, kadib, markii ay fashilmeen Wada-xaajoodyadii hore.

Saraakiil ka tirsan Dowladda Kenya oo la hadlay Wargeyska Axadlaha ee Sunday Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa sheegay inay Kenya buuxisay dacwado ka dhan ah Dowladaha Britain iyo Norway oo ay ku eedeynayso inay hurinayaan colaadda Kenya iyo Somalia.

Afhayeenkii hore ee Dowladda Kenya,Cyrus Oguna oo la hadlay Sunday Nation ayaa sheegay inuu Wada-xaajoodku yahay xalka ugu wanaagsan ee lagu xalin karo Khilaafka Kenya iyo Somalia.

Waxa uu intaasi raaciyey inay tubtaasi tahay tan ay Kenyan ahaan haatan ku raad-joogaan oo ay hiigsanayaan si xal looga gaaro Khilaafkaasi.

Tallaabadan cusub ayaa timid, kadib, markii ay Guddiga QM ee Kormeerka cunaqabataynta saaran Somalia ka digeen inay sahminta dalalka Reer Galbeedka ee Shidaalka Somalia ay colaad hor leh ka qarxin karto gudaha Somalia.

Khilaafka Somalia iyo Kenya waxa uu sare u kacay bishi iAugust ee sannadkii 2014-kii, kadib, markii ay Dowladda Somalia ay dacwad ka dhan ah Dowladda Kenya u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka(ICJ) oo fadhigeeda dhexe ku yaallo magaalladda The Hague ee dalka Holland.

Professor Peter Kagawanja oo ah Khabiir dhanka Ammaanka iyo Madaxa Machadka Siyaasadda ee Afrika (The Africa Policy Institute) ayaa sheegay inay Somalia buuxisay Fayl-dacwadood ka kooban 10 qeyb oo ka kooban ugu yaraan 250 bog,oo ay u gudbisay Maxkamadda ICJ, halka ay Dowladda Kenya buuxisay gal-dacwadeed hal qeyb ah.

Waxa uu intaasi ku daray inay Somalia taageero dhaqaale iyo mid La-talin Sharci ka helayso Dowlado Reer Galbeed ah, waa sida uu hadalka u dhigay.

Saraakiisha Dowladda Kenya ee la hadlay Wargeyska Toddobaadlaha eeSunday Nation waxay ku eedeeyeen Madaxweynaha DFS iyo Ra’isul-wasaaraha inay qaar ka mid ah Dowladaha Reer Galbeedka iyo Hay’addaha Calaamiga kala shaqeynayaan sidii loo sii hurin lahaa Khilaafka Badda, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Wargeyska waxa uu sii qoray in Madaxweyne Farmaajo haysto labada dhalasho ee Somalia iyo Maraykanka, halka Ra’isul-wasaare Kheyre oo haysto dhalashadda Somalia iyo Norway uu horey u ahaa Agaasimihii Fulinta ee Shirkadda Shidaalka eeSoma Oil and Gas oo ah Shirkad Gaar loo leeyahay oo la asasaay sannadkii 2013-kii, si ay Kheyraadka Dabiiciga uga sahmiyaan Badda Somalia.

Dhinaca kale, Agaasimaha Machadka Caalamiga ee Daraasaadka Istaraatijiyadda ee Horn International Institute for Strategic Studies, Dr. Xasan Khanenje ayaa u sheegay Wargeyska inay jiraan Dowlado kale oo door muhiim ah ka ciyaarayo muranka Badda ee Kenya iyo Somalia, wuxuuna farta ku fiiqay inay dalalkaasi ka mid yihiin Turkiga, Sacuudiga, Masar iyo Imaaraadka Carabta.

Waxa uu intaasi ku daray haddii ay Kenya ku guul-daraysato dacwadda Muranka Badda ee taalla Maxkamadda ICJ inay Kenya lumin doonto qeybo badan oo Badda, isla markaana ay natiijadu noqon doonto inay fasax ka qaataan Somalia ama Tanzania si ay u isticmaalaan Badweynta Hindiya.

Xukunka noocaasi ee ICJ waxa kale oo uu dhaawacayaa dalalka kale ee ay Dekedaha Kenya u soo maraan Badeecadaha oo ay ka mid yihiin Uganda, Burundi, Rwanda, South Sudan iyo qeybo ka mid ah Tanzania.

Professor Duncun Ojwang oo wax ka dhiga Jaamacadda Africa Nazarene University oo la hadlay WargeyskaSunday Nation waxa uu ku booriyey inay Dowladda Kenya indhaha ka laabato hawsha socota ee Maxkamadda ICJ, isla markaana ay ka shaqeyso sidii Khilaafka Badda ee Somalia loo xalin lahaa sidii Arrin Gobaleed oo kale, waa sida uu hadalka u dhigay.

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN