Liverpool oo dheeraysatay hogaanka Premier League+ SAWIRRO

2105

Norwich City iyo Liverpool ayaa ku nastay bar bar dhac bilaa goolal ah waxa uuna kulankaan ka tirsanaa wareegga 26-aad ee horyaalka Ingiriiska

Liverpool iyaga ayaa ku badnaa kubadda balse ma jirirn halis gillin muuqata oo ay ku sameeyeen goosha Norwich City

Kooxda martida loo ahaa waxa ay ku tiirsanayeen kubadhaha rogaal celiska ah halka dafacaooda uu ahaa mid adag oo si wacan ayay ilaalo uga hayeen weerarka Liverpool .

Norwich daqiiqdii 34-aad fursad xaqiiq ah ayay isak cuneen ka dib markii goolhayaha Liverpool uu ka qabtay kubad lagu laadi lahaa goosha xilligaas oo laba laacib Nowrich ay hor taagnaayeen

Waxa ay kooxda.com xuseysaa in Liverpool qeybtaas hore ay ka sheeganeysay isku xer la`aan dhanka qadka dhexe ah halka weerarkooda uu ahaa mid deg degaya oo diiradda ma aysan sareyn kubadda balse kubadda iyaga ayaa maamulayay .

Qeybta labaad , labada koox kubadda waa u furneyd waliba Norwich afka hore ayay tagayeen waxaana muuqaneysay in labada dhinac laga filan karo goolal.

Liverpool , weerarka ayay xoojiyaan waxaana ka go`naa gool waxaana daqiiqaddii 58-aad laba fursad hal mar ah ka bad baadiyay goolhayaha Norwich City , Salah ayaa kubadda ku laaday waa uu soo celiyay waxaa ku sii celiyay Keïta hadana waa u bad baaidyay

Ka dib macalin Klopp waxa uu sameeyay badel si kubadda haysashada ugu turjumaan goolal waxa uu soo giliyay Fabinho iyo Sadio Mane oo daqiiqaddii 60-aad loo saaray Georginio Wijnaldum iyo Alex Oxlade-Chamberlain.

Norwich waxa ay ciyaarayeen kubad geesinimo leh iyo daafac halka Liverpool ahaayeen duulaan waliba Salah baxsad u ahaa gool uu dhaliyo , halka Nowrich daqiiqaddii 78 -aad ku sigteen gool ay dhaliyaan balse birta goosha ayay ku dhacday .

Norwich waxa ay Liveprool ku sigayeen kubadaha rogaal celiska ah waxa ayna qeybta labaad ciyaarta aheyd mid ka xaraarad badan qeybtii hore xilli Liverpool ay keeneen gool waxaana u dhaliyay Mane daqiiqaddii 78-aad , waxaana ansixisay VAR ka dib markii dood laga keenay in Mane uu riixay daafac Norwich City ah .

Ka dib dhacdadaas , Liverpool waa ay ciqaabeen kooxda ay martida u ahaayeen waliba goolal kale ayay ku dhawanayeen xilli Norwich ku adkeyd in dhamaadkii ay kubadda ka soo fogeeyaan aagga gooshooda .

Liverpool qeybtii labaad aad ayay u wacaanyeen waxa ayna daqiiqaddii 84-aad soo giliyeen Milner oo loo saaray Naby Keita , waxa ayna ciyaarat aheyd dhamaakdii mid Liverpool ay ku sareysya maamulka waxa ayna ku dhameeyeen halkaas gool.