Madaxwayne kuxigeenkii Kenya oo xilka laga qaady

55

Mudanayaasha baarlamaanka Kenya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay in xilka laga qaado madaxweyne ku xigeenka Kenya oo lagu eedeeyay musuqmaasuq.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale ku eedeeyay Rigathi Gachagua inuu ku dhaqmayo siyaasad isir ku saleysan oo uu ku wiiqayo dowladda.

Gachagua ayaa diiday in uu wax khalad ah sameeyay kadib markii dhawaan ay is khilaafeen madaxweyne William Ruto.

Habeenimadii Talaadada ayuu afhayeenka baarlamaanka Moses Wetangula ku dhawaaqay mooshin xil ka qaadis ah, waxaa xil ka qaadista aqbalay 281 mudane, waxaa diiday 44 mudane, hal mudanena wuu ka aamusay.

Arrintaan ayaa la micno ah in Gachagua uu noqday madaxweyne ku xigeenkii ugu horeeyay ee Kenya oo ay baarlamaanka xilka ka xayuubiyaan, inkasta oo ay harsantahay go’aanka aqalka Senetka.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa lagu eedeeyay in uu hanti ku helay qaab musuqmaasuq ah, balse khudbad dheer oo uu dhawaan jeediyay ayu uku sheegay in hantidaan oo u badan guryo iyo dhulal uu lahaa walaalkii oo geeriyooday.

Dhawr xildhibaan oo xulafo la ah Gachagua ayay booliisku u yeereen bishii hore, iyaga oo lagu eedeeyay inay maalgaliyeen mudaharaadyada, inkastoo aan wax dacwad ah lagu soo oogin.

Siyaasigaan 59-jirka ah, oo loo yaqaanno “Riggy G”, ayaa eedeymaha ka dhanka ah ku tilmaamay kuwo aad looga caroodo iyo “dacaayad qaawan.

Maxay tahay tallaabada xigta?

Cabdullaahi Calas oo ka faallooda arrimaha siyaasadda Kenya ayaa BBC-da u sheegay mooshinka baarlamaanka Kenya ay ka keeneen madaxweyne ku xigeenka waxa uuna sheegay in mooshinka uu ka koobnaa 11-eedood oo ay kamid yihiin musuqmaasuq, xalaaleysiga lacag, ku tagrifal awood, iyo dad jecleysi.

Dhanka kale waxa uu soo hadal qaaday in mooshinka laga keenay madaxweyne ku xigeenka Kenya ee xafiiska looga saarayo loo adeegsaday dastuurka Kenya qodobada 147 illaa 150.

Waxa uu qabsaday qareenno u dooda oo gaaraya illaa 20, sidoo kale waxa uu iska diiday dhamaan eedaha, waxaana la arki doonaa in aqalka Senetka go’aanka ay gaaraa,” ayuu yiri Cabdullaahi oo ka faallooda arrimaha Kenya.

Mr Calas ayaa soo hadal qaaday in madaxweyne ku xigeenka oo siyaasadda soo galay 2017, uuna noqday xildhibaan illaa 2020, ay u sahashay in ay is fahmaan madaxweynaha haatan talada hayya, sidoo kalena saamiqeybsiga ay tahay sababta u uku helay xilkaan iyo in ku dhawaad boqolkiiba affartan codadka u uku soo baxay madaxweynaha uu isaga keenay.

Tan iyo bishii June xiisado siyaasadeed ayaa ka taagnaa dalka Kenya, iyadoona markaan ay dhaceen dibadbaxyo ay dad ku dhinteen kuwaas oo ka dhashay canshuur kordhin, taas oo bannaanka soo dhigtay khilaaf xooggan oo u dhexeeya Ruto iyo Gachagua.

Ruto ayaa shaqada ka ceyriyay inta badan golihiisa wasiirada, waxaana uu keenay xubno ka tirsan mucaaradka ugu weyn ka dib dibadbaxyadii looga soo horjeeday canshuuraha, oo ay ku dhinteen in ka badan 50 qof.

Ka hor inta aan codeynta la qaadin, ayaa waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka magaalada caasimadda ah ee Nairobi, iyadoo la arkayay ciidamo boolis ah iyo waddooyinka waaweyn ee soo gala baarlamaanka oo la xiray shacabka.

Ruto ayaan weli si cad uga hadlin mooshinka xil ka qaadista, balse waxaa la diiwaan geliyay maalmihii ugu horreeyay ee uu xilka madaxweynaha ka yahay inuusan waligiis si cad u bahdilin ku xigeenkiisa.