Mareykanka oo shaacisay in ay eegeyso xiriirka Somaliland

17

Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Christopher Landau, ayaa sheegay inuu eegayo suurtagalnimada in xiriir diblomaasiyadeed oo toos ah lala yeesho Somaliland. 

  

Landau ayaa xaqiijiyay arrintan isagoo qoraal soo dhigay barta X (oo hore loo oran jiray Twitter), waxaana qoraalkiisu jawaab u ahaa taageere Somaliland ah oo Maraykanka ugu baaqay inuu joojiyo maalgelinta Soomaaliya, kuna taageero Somaliland himilooyinkeeda istiraatiijiyadeed. “Aad ayaan ugu kuur galay xaaladdan,” ayuu ku yiri qoraalkiisa. 

  

Jawaabta Landau ee uu soo dhigay aroornimadii hore ee Sabtida ayaa ahayd markii ugu horreysay oo sarkaal sare oo Maraykan ahi si shaacsan u muujiyo in Washington dib-u-qiimeynayso mowqifkeedii muddo dheer ay ku diidday aqoonsiga Somaliland, oo madax-bannaanideeda ku dhawaaqday 1991 balse aan weli helin aqoonsi caalami ah. 

  

Somaliland, oo leh dawlad u gaar ah, lacag iyo ciidan madax-bannaan, ayaa hore u diidday inay xiriir la samayso Shiinaha, tallaabadaasoo soo jiidatay indhaha siyaasiyiinta reer Galbeedka ee doonaya inay ka hortagaan saameynta sii kordheysa ee Shiinaha iyo Iiraan ee Bariga Afrika. 

  

Magaalada dekedda leh ee Berbera ayaa loo arkaa goob muhiim u ah istiraatiijiyadda gobolka, iyadoo ku dhow marinka muhiimka ah ee Baab al-Mandab iyo Badda Cas, waxayna noqon kartaa xarun muhiim ah oo taageero u ah hawlgallada Maraykanku ka fuliyo gobolka. 

  

Dhinaca kale, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u aragta Somaliland inay tahay qayb muhiim ah oo ka tirsan dhulkeeda, waxayna waddaa olole siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed oo xooggan si ay uga hortagto xiriir kasta oo toos ah oo Maraykanku la yeesho magaalada Hargeysa. 

 

Si looga hortago in maamulka Trump la-macaamilo Somaliland, dowladda federaalka ayaa qaaday tallaabooyin dhowr ah, oo ay ka mid tahay in ay Maraykanka usoo bandhigtay in ay maamulaan dekedaha istaraatiijiga ah ee Gacanka Cadmeed. 

  

Warqad uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u diray Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, kuna taariikheysa Maarso 16, oo ay heshay Caasimada Online, ayaa lagu xusay in Soomaaliya ay Maraykanka usoo bandhigtay “hanti istaraatiiji ah” oo kor u qaadi karta saameynta Maraykanka ee gobolka, hubin karta marin aan hakad lahayn oo milatari iyo saadka ah, isla markaana looga hortagayo tartamayaasha shisheeye inay saldhig ka sameystaan marinka istaraatiijiga ah ee Gacanka Cadmeed. 

  

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu warqaddiisa ku xusay xiriirkii taariikhiga ahaa ee Soomaaliya iyo Maraykanka oo bilowday xilligii madaxweynihii hore ee Maraykanka Ronald Reagan, markaas oo xukuumaddii militariga ee Soomaaliya ay ogolaatay in Maraykanku uu isticmaalo saddex garoon oo kala ah Muqdisho, Kismaayo, iyo Berbera. 

  

Hase yeeshee, goobaha la soo bandhigay — dekedda iyo saldhigga Berbera ee Somaliland iyo dekedda iyo saldhigga Bosaso ee Puntland — kama hoos shaqeeyaan dowladda Soomaaliya, balse Muqdisho waxay u aragtaa dhammaan goobahaas inay ka mid yihiin dhulkeeda qaran.