Maxkamadda Aduunka ee ICC oo amartay in la soo xiro Netanyahu

110

Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada (ICC), ka dib bilo wadatashi ah, ayaa maanta ku dhawaaqday in ay soo saartay amarro caalami ah oo lagu soo xirayo ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Netanyahu iyo wasiirkii hore ee difaaca, Yoav Gallant oo lagu helay inay geysteen dambiyo dagaal.

Si dhaqso leh Netanyahu, ayaa diidday go’aanka Maxkamadda, isagoo ku sheegay ICC inay ka soo horjeedo Israel iyadoo la iswaydiinayo sida uu ku hirgeli karo go’aankan iyo maxuu macno leeyahay

Maxkamadda ICC ayaa muddo dheer laga sugayay inay soo saarto go’aankan xili Mareykanka iyo qaar ka mid ah dalalka galbeedka ay ku cadaadinayeen inay ka fogaadaan inay warran u jaraan Netanyahu, balse ugu dambeyn maanta maxkamadda waxay ku dhawaaqday go’aankeeda ay ku caddeysay inay dambiyo dagaal galeen Netanyahu iyo Gallant

Maxkamadda ayaa cuskatay qodobbo halis ah sida inay cunada u adeegsadeen hoggaanka Israa’iil, sida hub dagaal, sabab la xiriirta inay dadka Qasa ka hor istaageen inay helaan gargaar, tan oo ah dambi aan laga baxsan karin.

Go’aanka ka soo baxay Maxkamadda wuxuu ku qasbayaa dalalka xubnaha ka ah ICC iyo saxiixayaashii heshiiskii Roma inay qabtaan oo ay xiraan Netanyahu iyo Gallant waxa ugu yar ee labadan nin ay kala kulmayaan xukunkan waa inan arki doono dhaqdhaqaaqooda oo hoos u dhaca, waxayna geli doonaan go’doon siyaasadeed iyo mid diblomaasi ah.

Waxaa kale go’aanka maxkamadda uu ku qasbaya dalalka Yurub inay ka fogaadaan hubka ay siinayaan Israa’iil iyo la macaamiilka Netanyahu iyo Gallant, tana waa caqabad kale oo ay wajihi doonto Israa’iil.