Midowga Africa oo sheegay inay ka xumaadeen tallaabo ay qaaday dowladda Soomaaliya

1274

Midowga Afrika ayaa muujiyey sida uu uga xun yahay go’aanka Soomaaliya ay ku diiday magacaabistii madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama oo loo magacaabay wakiilka cusub ee Soomaaliya.

Dowladdda federalka ah ee Soomaaliya oo ku doodeysa in madaxweynihii hore ee dalka Ghana uu xiriir ballaaran la leeyahay Kenya, oo khilaaf siyaasadeed kala dhexeeyo Soomaaliya ayaa diidey magacaabista Mama taasi oo dhabarjab ku noqotay qorshaha midowga Africa.

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda xil gaarsiinta ah ee Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in Mama uu xiriir dhow la leeyahay mas’uuliyiinta dalka Kenya isla markaana uu cabaqad ku noqon doono qorshaha dowladda Soomaaliya ee kiiska badda.

Soomaaliya ayaa warqad u qortay Gudoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat oo ay ku wargalisay in ay taageero u haynin wakiilka cusub isla markaana ay ka soo horjeeddo qorshaha uu qaaday midowga Africa.

“Waxaan muujineynaa sida ay uga xun tahay go’aanka ay qaadatay dowladda Soomaaliya, iyadoo diiday magacaabista H.E. Mr John Dramani Mahama, isagoo ah Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya. Waxaan ku boorrinaynaa Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika inuu sii wado wadahadalka uu la leeyahay DFS si loo xalliyo khilaafka jira isla markaana uu warbixin uga siiyo Golaha sida loogu dhaqaaqayo la macaamilka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Golaha Amniga (PSC) ayaa lagu yiri bayaanka.