Muqdisho waxaa Lagu Dilay Taliye Caan ah & Cidda dishay oo la ogaday,

1785

Taliyihii Guutada Gorgor ee Kumaandooska Xoogga dalka Maxaadeey Saleebaan ayaa caawa lagu dilay is rasaaseyn ka dhacday agagaarka Ex Hotelka Naasahablood 2 ee ku dhow Xaawo Taako.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya is rasaaseynta, waxaana la sheegayaa in Ilaalada Hotelka iyo Ciidamo kale oo goobta ka dhowaa ayaa rasaas ku furay gaariga uu saarnaa Taliyaha, iyagoo ka shakiyay.

Gaariga uu saarnaa Taliyaha ayaa la sheegay inuu ka yimid dhinaca Baar shabeelle, waxaana wadadaas ay tahay wado hal jiho.

Taliye Maxaadeey ayaa soo noqday Ilaalada gaarka ah ee Madaxweynayaashi hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, sidoo kale waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii dalka dibaddiisa waxbrashada u aaday

Sidoo kale Taliyahan ayaa hoggaaminayay howlgalkii Ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan Ciidamada kumaandooska lagu soo tababaray dalka Turkiga ee dhowaan la wareegay degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Hey’addaha Amnig ee dowladda Federaalka, waxaana lagu wadaa kn dhacdadan lagu dilay Taliyaha loo saaro guddi baaritaan ku sameeya