Mustafe oo loo doortay Hoggaamiye ku xigeenka Xisbiga DDS

1677

Ergooyinka kala duwan ee kala socday degmooyinka dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa maanta doortay hoggaanka cusub ee Xisbiga ka dib Isbedel weyn oo dhawaan ka dhacay dowlad degaanka.

Gudoomiyaha Xisbiga ayaa loo doortay Axmed Shide Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, waxaana uu horay u ahaa Gudoomiyaha KMG ah ee Xisbiga tan iyo markii xilka laga tuuray Cabdi Maxamuud Cumar.

Waxaa sidoo kale Gudoomiye ku xigeenka xisbiga loo doortay Madaxweynaha dowlad degaanka degaanka Mustafe Maxamed Cagjar.

Hoggaanka dhexe ee xisbiga ayaa isbedel weyn lagu sameeyay, waxaana doorashaddaan goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.