Puntland oo celisay diyaarad siday guddoomiye ku xigeenka barlamaanka Soomaaliya+SAWIRRO

534

Xukuumadd Puntland ayaa amartay in garoonka diyaaradaha Boosaaso laga celiyo, diyaarad ay saarnayd Kusimaha Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ahna Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka BJFS Sacdiya Salaad Samatar, taas oo siday deeq Gargaar ah oo loogu talo-galay dadka ay Abaaruhu saameeyeen.

Sacdiya oo kasoo jeeda deegaannada Puntland, ayaa maalmo kahor oo ay tagtay Garoowe si maqaam hoose ah loo soo dhaweeyey.

 

Diyaaradda ayaa hawada laga ceshay, taas oo muujinaysa xariirka Puntland iyo Federaalka in uusan aheyn wali mid dhameystiran, xili ay soo baxayaan macluumaad hoosadyo sheegaya in labada dhinac aysan isku faraxsaneyn.