Qaraxyo Ismiidaamin ah oo ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

236

Wararka naga soo gaaraya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee saakay halkaasi ay ka dhaceen laba qarax oo Ismiidaamin ah oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimaasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed.

 

Qaraxyadaan ayaa la sheegay in ahayeen kuwa loo adeegsaday laba baabuur oo noocoodu yahiin Saruf, waxaana wararka soo baxaya ay sheegayaan in labadaasi qarax ay ku geeriyoodeen dad kor u dhaafaya 15 ruux dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay.

Qaraxa koowaad ayaa la sheegay in lala eegtay Guri Maxaas muddooyinkii dambe ay ka deganayeen masuuliyiinta dowladda ee hormuudka ka ahaa howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab, hayeeshee xiliga qaraxa uu dhacay waxaa la sheegay iney ku sugnayeen guriga Askar kaliya.

Labada Gaari ee lagu fuliyay qaraxyadaan Ismiidaaminta ah ayaa la tilmaamay iney degmada Maxaas kasoo galeen dhanka deegaanka Wabxo oo mudo ka hor ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka iney Al-shabaab kala wareegeen, hadana dib uga soo laabteen.

Wararkii ugu dambeeyay ee kasoo gaaraya Maxaas ayaa sheegaya in dadka dhintay qaraxyadan ay u badan yihiin hal qoys oo ka koobnaa 11 ruux oo uu ka badbaaday 1 qof kaliya.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa goordhaw war kasoo saaray qaraxyadii Ismiidaaminta ahaa ee saakay aroornimadii hore ka dhacay magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan ee geystay khasaaraha in ka badan 15 ruux oo dhimasho ah iyo dhaawac intaasi ka badan.

 

Warka kasoo baxay maamulka gobolka ayaa ugu horeyn Tacsi tiraanyo leh waxaa loogu diray ehelkii qarabadii iyo qoysaskii ay Ka baxeen dadkii shacabka ahaa ee saakay ku geeriyooday labada qarax ee ismiidaaminta ahaa.

Gudoomiyaha gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ugu baaqay hay’addaha kala duwan ee Cafimaadka iney sameeyaan gargaar Caafimaad oo deg deg si loo badbaadiyo Shacabka dhaawaca ah ee u baahan daryeel Cafmaad.

“Maamulka Gobolka Hiiraan waxuu wadaa Dadaaladii ugu dambeeyey ee lagu soo Afjarayo haraadiga Argagixisada Al-shabaab waxuuna gurmad u fidinayo Shacabka dhibaatadu ka soo gaartay Weerarada argagixisanimo. Khawaarijta argagixisada Al-shabaab ee looga Adkaaday gulufka howlgalada ka dhanka ah ee Gobalka hiiraan ma cabsi gelin doonan marnaba Dadka reer hiiraan waxeeyna wadi doonaan Halganka iyo la Dagaalanka ka dhanka ah khawaarijta Al-shabaab ficiladoodane ma Cabsi Gelin doonaan guud ahaan maamulka iyo Shacabka” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay maamulka gobolka Hiiraan.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Maxaas ayaa sheegaya in halkaasi ay goordhaw diyaarad ka qaaday dadka qaba dhaawacyada halista ah ee aan wax looga qaban karin magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay iney wadaan tirakoobka rasmiga ee dadka waxyeelada kasoo gaartay labada qarax ee saakay mid ka mid ah uu ka dhacay afaafka hore ee gurigiisa, halka mid ka kalana uu ka dhacay hoyiga uu magaalada ka daganaa Xildhibaan Jacfar, hayeeshee xiliga qarax uu dhacay ka maqna gurigiisa.

Magaalada Maxaas waxay ka mid aheyd magaalooyinka ugu nabdoon koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo horay ugama dhicin qaraxyo wa weyn oo noocaan oo kale ah.