Shirka Muqdisho ku dhex maraya madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Jubaland iyo Puntland ayaa la filayaa in heshiis cusub looga gaaro doorashooyinka dalka ka dhacaya kadib markii labada madaxweyne goboleed ay diideen heshiiskii Dhuusamareeb 3.
Hase yeeshee waxaa shirka Muqdisho ka maqan saddexda madaxweyne goboleed ee Galmudug Axmed Cabdi Qoor Qoor, HirShabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, oo qeyb ka ahaa heshiiskii Dhuusamareeb 3.
Haddaba sidee loo gaari doonaa heshiis ay ka maqan yihiin?
Xog aan helnay ayaa sheegeysa in shirka Muqdisho ujeedkiisa uu yahay in lagu xaliyo qodobo dhowr ah oo ku jiray Dhuusamareeb 3, oo ay diidan yihiin Jubaland iyo Puntland, kuwaasi oo ay aad isugu hayaan madaxda dowladda federaalka. Qodobadaas waxaa ka mid ah awoodda guddiga madax-banaan ee doorashooyinka, tirada ergooyinka dooranaya xildhibaanada, magaalooyinka ay ka dhacayaan doorashooyinka iyo arrimo kale.
Marka ay heshiis buuxa gaaraan madaxweyne Farmaajo iyo Deni iyo Axmed Madoobe, ayaa la filayaa in loo yeero Qoor Qoor, Waare iyo Lafta-gareen kadibna heshiis kale mar qura la wada saxiixo.
Tani waa astaan kale oo muujineysa in loolanka siyaasadda Soomaaliya uu u dhaxeeyo oo kaliya madaxweyne Farmaajo oo dhinac ah iyo Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo dhinac kale ah, wixii kasoo harana ay labadaas dhinac kala raacsan yihiin.
Maxay tahay kaalinta Qoor Qoor, Lafta-gareen iyo Waare?
Saddexda madaxweyne goboleed ee kasoo haray Deni iyo Jubaland waa kuwa aan siyaasad ahaan madax banaaneyn, oo saameyntooda siyaasadda Soomaaliya ay aad u yar tahay haddiiba aysan jirin.
Tusaale, Lafta-gareen waa madaxweyne ay Villa Somalia keensatay oo dhiig badan loo daadiyey inuu madaxweyne noqdo, sidaas darteedna wuxuu si buuxda siyaasad ahaan iyo aragti ahaan ugu xiran yahay madaxtooyada.
Waare oo horey uga mid ahaa isbaheysiga Jubaland iyo Puntland ayaa ugu dambeyn heshiis la galay Villa Somalia, isaga oo dhaafsaday in kursigiisa loo bad-baadiyo iyo dhaqaale, sidaasna ugu biiray xulufada madaxweynaha.
Qoor Qoor, waxa uu kursiga ku yimid hab la mid ah Lafta-gareen oo kale. Hase yeeshee markii la doortay kadib, dhowr toddobaad ayuu isu muujiyey inuu yahay madaxweyne go’aan kaligiis qaadan kara, oo madax-banaan, taasi oo uu ku muteystay inuu madaxda dalka oo dhan marti-geliyo oo la aamino. Hase yeeshee, waxay dhammaatay markii la isugu tegay Dhuusamareeb 3, markaasi oo uu iscaddeeyey inuu ka mid yahay xulufada madaxweyne Farmaajo.