Ra’isul Wasaaraha Iraq oo lagu qaaday weerar drone loo adeegsaday

965

Ra’iisul Wasaaraha waddanka Ciraaq Mustafa al-Kadhimi ayaa sheegay in isagoon wax dhibaata ah soo gaarin uu ka badbaaday weerrar lagu soo qaaday gurigiisa ku yaal magaalada Baqdaad ee caasimadda waddankaasi.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in hoyga ra’iisul wasaaraha oo ku yaal aagga Green Zone-ka loo yaqaan lagu soo weerraray diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah ee drone-ka oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, arrintaas oo loo malaynayo inay tahay iskuday lagu khaarijin rabay.

Warar ay baahiyeen warbaahinta ayaa goor hore lagu sheegay in Mr al-Kadhimi loo qaaday isbitaalka.

Farriin uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu ku baaqay in “la isdajiyo oo cidwalba la iska xakameeyo, iyadoo la eegayo danta dalka Ciraaq”.

Saraakiisha ayaa sheegay in lix qof oo ka tirsan ciidammada ilaalada ee ra’iisul wasaaraha lagu dhaacaway weerrarkaasi.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerrarka lagu qaaday goobtan ka tirsan magaalada caasamidda ah ee ay ku yaallaan dhismooyin badan oo kuwa dowladda ah iyo safaaradaha shisheeye.

Mr al-Kadhimi, oo ah madaxii hore ee sirdoonka, ayaa xilka ra’iisul wasaaraha waxaa loo dhaariyay bishii May ee sanadkii tegay.

Todobaadyadii la soo dhaafay, taageerayaasha kooxaha siyaasadda ee u janjeera dhanka Iiraan ayaa meel u dhaw aagga Green Zone-ka waxa ay ka dhigayeen dibadbaxyo.

Waxa ay ka mudahaaradayeen natiijooyinka doorashadii guud ee la qabtay bishii la soo dhaafay, taas oo ay sheegeen in cododka lagu shubtay.

Iyadoo in ka badan 100 qof ay ku dhaawacmeen iskudhacyo qalalaase watay oo todobaadkan dhexmaray dibadbaxayaasha iyo ciidammada ammaanka.