Rooble oo tageray xilka qaadistii lagu sameyay G/dorashoyinka Hirshabele

691

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay xilka qaadistii uu Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe ku sameeyay Guddoomiyihii Guddiga doorashada Hirshabeelle Axmed Xasan Diini.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa lagu sheegay inuu Rooble si dhow ula socdo juhdina ku bixinayo dhammaystirka doorashada kuraasta Golaha Shacabka BFS ee wali harsan isagoo kala shaqaynaya Madaxda maamulada.

Ra’iisul Wasaaruha ayaa u hambalyeeyay Maxamed Xuseen Maxamed oo uu Madaxweyne Guudlaawe u magacaabay Guddoomiyaha Guddiga doorashada Hirshabeelle, kaas oo badalaya Axmed Xasan Diini oo xilka qaadis lagu sameeyay.

Rooble ayaa waxaa uu faray dhammaan Guddiyada doorashooyinka dalka inay ku shaqeeyaan habraacyada iyo heshiisyada Doorashada ilaaliyaanna kala danbaynta.

Ra’iisul Wasaaraha oo khadka taleefanka kula hadlay Madaxwaynaha Hirshabeelle ayay ka wada hadleen in kuraasta Xildhibaannada ee taalla Magaalada Baladwayne loogu tartamo, si furan isla markaana aan shaqsi gaar ah loo xirin.

Ugu danbayn Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu ku boorrinayaa Madaxda Jubbaland iyo Hirshabeelle in ay sida ugu dhaqsaha badan u soo dhammaystiraan Kuraasta Golaha Shacabka ee harsan.