Tan iyo 1992-kii, Nasrallah waxa uu ahaa wejiga ugu weyn ee xisbiga iyo kan ugu sarreeya heerarkiisa, isagoo haya jagada xoghaye guud ee saddexaad ka dib dilkii loo geystay xoghayihii isaga ka horreeyay, Cabbaas al-Musawi.
Hadda oo jagadani bannaan tahay, hawsha doorashada qofka beddeli doona Nasrallah ayaa laga yaabaa inay noqoto mid ka mid ah mudnaanta ugu muhiimsan ee Xisbullah xilligan.
Waa maxay habka lagu dooranayo Xoghayaha Guud ee Xisbullah?
Sida uu dhigayo xeer-hoosaadka xisbiga, xoghayaha cusub waxa la dooranayaa ka dib markii ay doortaan xubnaha golaha shuurada oo ka kooban todoba xubnood, kuwaas oo mid kastaa masuul ka yahay fayl gaar ah oo xisbiga u gaarka ah.
Qoraaga siyaasadda Qaasim Qasiir ayaa ku tilmaamay inay tahay “Golaha Shuurada ee leh go’aan-qaadashada”. Qasiir oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in golaha shuurada ay yihiin kuwa qabta hoggaanka ugu sarreeya ee xisbiga, waxaana inta badan lagu soo doortaa shirweynaha golaha dhexe, kaasoo ay ka kooban yihiin kaadiriin iyo hoggaamiyeyaal Xisbullah ah.
Qasiir, ayaa sheegay in shirkan uusan qabsoomin muddo sanado ah, sababo la xiriira xaaladaha dagaalka ee Suuriya iyo Lubnaan.
Dallada Golaha Shuurada, xisbigu wuxuu leeyahay shan gole ah oo waaweyn oo kala ah.
Golaha fulinta, Golaha Garsoorka, Golaha Baarlamaanka, Golaha Siyaasadda, Golaha Jihaadka, oo u xilsaaran dhaqdhaqaaqyada ciidan ee xisbiga.
Xubnaha Golaha Shuurada ee hadda jira waa madaxda golayaashan waaweyn. ragga caanka ka ah Xisbullah ee haya xilalka muhimka ee sare waxaa ka mid ah.
Golaha Shuurada, Naciim Qaasim, ku xigeenka xoghayaha guud ee xisbiga, Mohammad Yazbek, madaxa golaha garsoorka, Ibraahim Amiin Al-sayid, madaxa golaha siyaasadda, Hashem Safi al-Diin oo ah madaxa golaha fulinta, Xuseen Khaliil, kaaliyaha siyaasadda ee Xoghayaha Guud iyo Mohammad Raad, madaxa golaha baarlamaanka iyo madaxa kooxda daacada u ah kooxda iska caabinta, kaas oo ah garabka siyaasadeed ee Xisbullah ee baarlamaanka Lubnaan.
Qoraa Qasiir, ayaa rajaynaya in Xizbullah aysan qaban doorashoyin xilliyada soo socda si ay u doortaan xoghaye cusub oo xisbiga ah, waxaana howlahaas loo dhiibi doonaa ku xigeenka xoghayaha guud ee xisbiga Naciim Qaasim, ilaa laga dhameeyo xaaladaha dagaal ee hadda jirta.
Astaamaha Xoghayaha Guud ee Xisbullah
Ururka Xisbullah waxaa la aasaasay horraantii 1980-meeyadii, waana koox siyaasadeed oo Shiico ah oo hubaysan oo ay hogaaminayaan wadaado aaminsan go’aankooda ku aaddan mabda’a “ilaalinta sharciga,” aragti uu aasaasay hoggaamiyihii sare ee Iran Ruxuollah Khumani ka dib sanadkii 1979-kii Kacaankii Islaamiga ahaa ee Iran.
Haddaba, sifooyinka ugu caansan ee looga baahan yahay qofka qabanaya xilka madaxnimada xoghaynta Xisbullah waxaa ka mid ah inuu wadaad yahay.
Sidaas waxa xaqiijiyey Cali Shukr, oo ah cilmi-baadhaha xiriirkaa caalamiga ah ee xarunta warfaafinta Carabta ee Beyruut, oo BBC-da u sheegay: “Dhammaan xubnaha golaha shuurada waxa ay awood u leeyihiin in ay hoggaanka xisbiga qabtaan, sidaa awgeedna xoghayaha guud waa in uu si dabiici ah u noqdaa wadaad khibrad u lahaa in uu xisbiga ka soo shaqeeyo muddo, awood jireed iyo mid maskaxeedna ku filan maamulida iyo hogaamintaba”.
“Xaaladda hadda ka jirta Lubnaan waxay u baahan tahay in la doorto qof awood u leh inuu maareeyo dhibaatada si xikmad leh, aragti dheer, iyo maamul sare, isla markaana leh go’aan qaadasho,” ayuu yiri Wissam Nassif, aqoonyahan iyo cilmi-baare xiriirka caalamiga ah.
Nassif, oo sannado badan la socday galka Xisbullah, ayaa BBC-da u sheegay, “Doorashada xoghayaha cusub ee xisbiga ma aha go’aan sahlan, sababtoo ah waxay u baahan tahay in la doorto qof hoggaamineed oo leh joogitaan gaar ah iyo xikmad sare.”
Wuxuu intaa raaciyey Nassif, inuu aaminsan in muddooyinka soo socda la dooran karo xoghaye cusub oo xisbigaasi yeelan doona, balse arrintu waxay ku xiran tahay xaaladda gudaha ee golaha shuurada.
“Tiro cusub ayaa la dooran karaa iyada oo aan la shaacin wakhtigan iyada oo laga baqayo in Israa’iil ay beegsato.”ayuu intaa raaciyey.
“Ducada Iiraan” iyo doorashada hoggaamiyaha cusub ee Xisbullah
Xisbullah ayaa dalal badan oo reer galbeedka ah u aqoonsan yihiin urur argagixiso, iyadoo loo tixgeliyo “koox iska caabbin sharci ah” ee Lubnaan, waxay taageero iyo maalgelin weyn ka heshaa Iiraan. Sidaa darteed, goobjoogayaashu waxay aaminsan yihiin in xulashada hogaamiyaha cusub ee Xisbullah lagu samayn doono ” barako Iran.” Sida uu qabo Cali Shukr oo ah cilmi-baare dhinaca xidhiidhka caalamiga ah.
Balse qoraa iyo falanqeeye siyaasadeed Faysal Cabdul Sater, oo ay isku dhow yihiin Xisbullah, ayaa khilaafsan aragtidan, isagoo BBC u sheegay: “Xulashada Xoghayaha Guud ee cusub ee Xisbullah waa arrin gudaha u ah xisbiga, shaqo kuma lahan Iran,” isagoo xusay in xubnaha golaha shuurada ay horay u doorteen xoghaye guud Xasan Nasrallah kaddib dilkii Cabaas Al-Musawi oo sidoo kale ay doorteen xubnaha golaha.
Sidaa darteed wuxuu tilmaamayaa in xubnaha xisbigu “ay dib u qaadan doonaan qaab la mid ah si ay u doortaan Xoghayaha Guud ee cusub, xitaa haddii wakhtigan xaadirka ah aanu ku habboonayn,” laakiin ma filayo inay wakhti badan qaadan doonto.
Sannadkii 1992-kii, xoghayihii labaad ee xisbigaas, Cabaas Al-Moussawi, ayaa la dilay isaga, xaaskiisa iyo wiil uu dhalay, kaddib markii diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Israa’iil ay weerar ku qaadeen kolonyo uu la socday xilli uu ka soo laabtay magaalada Jebchit, halkaasoo uu kaga qayb-galayay sannad-guuradii 8-aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay.
Maalin kadib dilkii al-Moussawi, golaha shuurada waxay si aqlabiyad ah ugu doorteen Xasan Nasrallah, oo markaas ahaa nin dhalinyaro ah oo 32 sano jir ah, kaas oo ugu danbayn isagan Israa’iil ay dileen jimcihii la soo dhaafay.
Xigasho BBC