Midowga Afrika ayaa la filayaa in Sabtida iyo Axadda ay qabtaan doorashada guddoomiyaha, iyo ku xigeenka guddoomiyaha, ayadoo guddiga fulinta uu doortay komishanerrada uu golaha soo magacaabay.
Komishanerrada oo Arbacadii iyo Khamiistii ay doorashadoodu dhacday, muddada xil hayntoodana waa afar sano taas oo mar kaliya dib loo cusboonaysiin karo.
Haddaba doorashadii dhacday labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa Eswatini waxa ay ku guulaysatay xafiiska beeraha, horumarinta reer miyiga, dhaqaalaha buluugga, iyo deegaanka ayadoo ka guulaysatay Congo-Brazzaville.
Koofur Afrika waxay iyadana ku guulaysatay 41 cod, ayada oo qabanaysa xafiiska tamarta iyo kaabayaasha.
Bankole Adeoye oo u dhashay Nigeria ayaa isna dib u hantay jagadiisa saamaynta badan leh ee arrimaha siyaasadda, nabadda iyo amaanka, isagoo wareeggii ugu horreeyey helay aqlabiyad 3 meelood oo laba ah, kana guulaystay Jean Jacques Demafouth oo ka socday Jamhuuriyadda Afrikada dhexe.
Morocco waxay iyadana xannibtay Algeria oo doonaysay inay la wareegto koontaroolka golaha nabadda iyo amaanka ee Afrika. Algeria waxay heshay 30 cod, halka Morocco ay heshay 15 cod, waxaana sidaa lagu waayey tiradii loo baahnaa.
Madaxweynaha Angola Joao Lourenco ayaa isna la filayaa inuu xilka kala wareego madaxweynaha Mauritania Mohamed Ould Ghazouani, isagoo haynaya guddoomiyenimada wareegtada ah oo sannad-sannad ay u qabtaan madaxda qaaradda.
Waxaa hadda aad loo eegayaa doorashada guddoomiyaha midowga Afrika iyo ku xigeenkiisa.
“Golaha loo dhan yahay ee madaxda qaaradda ayaa dooranaya oo magacaabaya guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka marka ay fadhiga yeeshaan 15-16 Febraayo 2025” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray midowga Afrika.
Wuxuu intaa ku daray in nidaamku yahay in doorashooyinka guddoomiyaha, ku xigeenka, iyo komishanarrada ay soconayaan ilaa iyo inta murashaxiintu ay ka helayaan aqlabiyad 3 meelood oo 2 ah.
“Hanaanka cod bixinta ayaa ku bilaabanaya ayadoo murashaxiinta oo dhan ay aadayaan sanduuqa codaynta. Seddex goor ayaa la codaynayaa. Haddii codaynta 3aad ay noqon waydo mid lagu kala baxo, oo musharraxna uu heli waayo aqlabiyadda 3 meelood oo 2da ah, murashaxa ugu codadka yar ayaa ka baxaya, waxaana wareegga xiga u gudbaya murashaxiinta kale” ayuu sheegay midowga Afrika.
Waxaa intaa lagu sii daray in haddii laba murashax oo kaliya ay tartamayaan, oo midkoodna uu heli waayo aqlabiyadda loo baahan yahay wixii ka dambeeya wareegga 3aad, in markaas uu murashaxa codadka yar hela uu ka bixi doono tartanka, ayadoo murashaxa soo hara uu u gudbi doono wareegga xiga.
“Haddii murashaxa soo hara uu ku guul darraysto inuu helo aqlabiyadda loo baahan yahay ee 3 meelood oo 2 ah, guddoonka waxaa looga baahan yahay inuu joojiyo doorashada” ayaa lagu yiri qoraalka midowha Afrika.
Maxaa dhacaya haddii hal qof oo kaliya uu u tartamayo jagada? Midowga Afrika wuxuu sheegay in haddii arrintaas naadirka ah ay dhacdo, taasoo ah in hal qof uu jagada u sharraxan yahay, uuna keeni waayo 3 meelood oo 2, guddoonka markaas xilka haya ayaa looga baahan yahay inuu sidoo kale joojiyo doorashada.
Xilka Guddoomiyenimada waxaa hadda u sharraxan Maxamuud Cali Yuusuf oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti, Raila Amolo Odinga oo ah ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya, iyo Richard Randriamandrato oo ah wasiirkii arrimaha dibadda ee Madagascar.
Musharraxii doonaya inuu ku guulaysto xilka guddoomiyenimada waxaa laga doonayaa inuu helo taageerada 3 meelood oo 2 dalalka qaaradda, wuxuu baddalayaa Moussa Faki Mahamat oo u dhashay Chad. Laakinse ma aha dalalka qaaradda oo dhan kuwo codaynaya ee waxaa jira dalal aan ka qayb gali doonin codaynta.
Dalalkaas oo ah lix dal waxay kala yihiin Niger, Mali, Guinea, Gabon, Burkina Faso iyo Sudan, waxaana dalalkaas looga joojiyey inay codeeyaan sababo la xiriira afgambi iyo dagaallo sokeeye.
Xilka guddoomiye ku xigeenka waxaa u taagan Saalax Francis – Algeria, Selma Malika – Algeria, Maxamed Axmed Fatxi – Masar, Hanan Morsy – Masar, Najam M Elhajjaji – Libya, Latifa Akharbach – Morocco.