Waa kuma hoggaamiyaha ruuxiga ee Duruusiyiinta Suuriya

29

Gobolka koonfurta Suuriya ee Sweyda waxaa ka jira qalalaase iyo xasilooni-darro. Magaca sheekh Hikmat Al-Hijri ayaa lagu soo qaatay wararka. Markii hore waxaa lagu yaqaanay in uu yahay hoggaamiyaha diinta bulshada Duruusiyiinta ee Suuriya, balse hadda waxa uu noqday mid siyaasadeed.

Ilaa iyo markii uu soo shaac-baxay waxay wax weyn ka badashay qaab dhismeedka awoodeed ee Suuriya. Inta badan hoggaamiyayaasha kooxaha ayaa layska indha tiri jiray xiligii dalka uu ka talinayay xisbiga Bacath, hadda kaalin weyn ayey kaga jiraan dalka. Haddaba muxuu yahay sheekhan? Maxaase iska baddelay doorkiisa dhawaan?

Hoggaamiyahan kooxda Duruusiyiinta wuxuu xiriir qoto dheer ah la leeyahay Latin America. Bishii July 9-keeda sanadkii 1965-tii ayuu ku dhashay Venezuela halkaas oo aabihiis Sheekh Salman Axmed Hijri uu ka shaqeynayay.

“Hoggaamiyahan sida walaalkii ee geeriyooday waxa uu haystaa dhalashada Venezuela, waxa uuna ka tirsan yahay koox weyn oo ah qowmiyada Duruusiyiinta ee Venezuela taas oo aan aniguba ka mid ahay”, ayuu BBC-da u sheegay Adel al-zughir oo ka mid ahaan jiray baarlamaanka Venezuela.

Sida laga soo xigtay bogga Al-emamah oo ah bog ay leeyihiin qowmiyada Duruusiyiinta, Sheekh Hijri wuxuu ku soo laabtay Suuriya isaga iyo qoyskiisa markii uu dhowr iyo toban jirka ahaa, halkaas ayuuna tacliintiisa ku qaatay. Wuxuu jaamacada Dimishiq ka bartay cilmiga sharciga intii u dhexeysay sanadihii 1985 ilaa iyo 1990-kii.
Sida uu sheegay bogga wararka Syria Direct ee fadhigiisu yahay Urdun kaas oo Jarmalka ay maalgeliyaan, sheekha wuxuu Venezuela ku laabtay mar kale sanadkii 1993-dii si uu uga shaqeeyo, ugu dambeyn wuxuu ku soo laabtay Sweyda sanadkii 1998-dii, wuxuuna dagay magaalada Qanat halkaas ayuuna ka dhigtay xaruntiisa diimeed.

Wuxuu ku koray meel diin looga dhaqmo isagoo bulshadiisa ka gaaray darajo sare, wuxuuna xilka kala wareegay walaalkiis Axmed sanadkii 2012-kii ka dib markii uu ku dhintay shil aan la fahmin sida uu ku yimid.

Mar dowladda ayuu xulufo la ahaa marna waa ka horjeeday
BBC-da laanta afka carabiga waxay sheegtay in Hikmat Al-Hijri uu ahaa hoggaamiyaha diinta ee Duruusiyiinta Suuriya ilaa iyo sanadkii 2012-kii, wuxuu xiriir dhow la lahaa dowladdii Bashar al-Assad ee la riday.

Intii uu socday dagaalka sokeeye ee Suuriya, waxa uu Hikmat ugu baaqay kooxda Duruusiyiinta in ay hubka qaataan oo difaacaan taliska Assad.

Si kasta ha ahaatee, taleefoon uu kula hadlay janaraal ka tirsan ciidamada Suuriya sanadkii 2021-kii ayaa wax kasta baddelay, waxayna taas keentay in uu ka fogaado taliska Assad.

Sida u sheegay Hijri, “aflagaado” khadka taleefoonka ku dhexmartay ayaa dibadbaxyo ka abuurtay Sweyda taas oo xoog looga hortagay.

Kaddib markii la riday taliskii Assad, sheekha wuxuu si taxadar leh u soo dhaweeyay dowladda cusub.

Dagaalo dhiig ku daatay oo dhawaan dhacay ayaa kala fogeeyay dowladda cusub ee Suuriya iyo hoggaamiyaha Duruusiyiinta.

Laga soo bilaabo qarnigii 19-aad ilaa iyo bartamahii qarnigii 20-aad, kumanyaal Duruusiyiin ah ayaa degay Venezuela. Sidoo kale waxaa halkaas tagay Suuriyaan kale iyo lubnaan. Waxaa soo jiitay horumarka dhaqaale ee ka jiray dalkaas.

“Aabahay wuxuu u aaday Venezuela sanadkii 1950-kii sababo dhaqaale si la mid ah kumanyaal muhaajiriin ah oo ka soo jeeday Talyaani, Boortaqiis iyo koonfurta Yurub kuwaas oo ka qaxay faqrigii dhacay ka dib dagaalkii labaad ee adduunka” ayuu BBC-da u sheegay Adel al-zughir oo ahaa xildhibaan hore uga tirsanaa baarlamaanka Venezuela oo intaas ku daray in aabihiis uu ahaa beeraley iyadoo xiligaas ay Suuriya aheyd meel aan xasilooneyn halka Venezuela ay aheyd waddan xasiloon oo barwaaqo ahaa.

Qowmiyada Duruusiyiinta ee Suuriya waxay cadaadis iyo dagaal kala kulmeen qowmiyahada kale iyo diimaha kale ee dalka.

Ka hor inta aysan aadin Venezuela, waxaa lagu qiyaasayay in ay dalka ku noolaayeen 300,000 iyo 500,000
Hugo Chavez oo ahaa madaxweynihii hore Venezuala waxa uu xukunka qabsaday sanadkii1999-kii, xiligaas dad badan oo ka soo jeeda qowmiyada Duruusiyiinta ay xilal ka qabtay dowladiisa.

Tariq al-Aissami ayaana ka mid ahaa dadka ugu caansan qowmiyada Duruusiyiinta ee xil ka qabtay dowaldaasi, isagoo noqday wasiirka arrimaha gudaha iyo sidoo kale duq magaalo. Ugu dambeyn wuxuu madaxweyne ku xigeen u noqday Nicolas Maduro. Sida qowmiyada Duruusiyiinta ay uga muuqdaan Suuriya ayey Venezuela-na uga muuqdaan.

XIGASHO BBC