Wafdi Xildhibaano ah oo tagay Cadaado+SAWIRRO

1555

Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa gaaray Wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya,iyadoo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga ayaa waxaa hogaaminayay Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare ee dalka Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari),waxaana qeyb ka ahaa xubno ka tirsan labada Golle Baarlamaanka,isla markaana waxaa Cadaado ksuoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug.

Wafdiga oo si kooban warbaahinta ula hadlay ayaa waxaa ay ka mahadceliyeen sida wanaagsan ee halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Ujeedka wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya ay u tageen Magalada Cadaado ayaa waxaa ay tahay sidii loo xalin lahaa Khilaafka ka dhex jira Madaxda sare ee maamulka Galmudug iyo arrimo kale oo la xiriira dhanka Doorashada dowlad Goboleedka Galmudug.

Sidoo kale inta halkaas ay ku sugan yihiin Madaxda dowladda ayaa waxaa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan Madax sare oo ka tirsan maamulka Galmudug iyo Bulshada ku dhaqan deegaanka,isla markaana waxaa isna Magaaladaas ku wajahan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo saacadaha soo socda gaarayo.

Qaban-qaabada soo dhaweeynta Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa siweyn looga dareemayaa Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.