Wariye Gurbiye oo la amray in Xabsiga lagu sii hayo

1766

Wariye C/casiis Axmed Gurbiye oo muddo saddex cisho ah u xiran dowladda Soomaaliya ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir ay amartay in si KMG ah xabsiga loogu sii haayo

Warqad ka soo baxday Garsooraha Maxkamadda Gobolka Banaadir oo ahaa amar xabsi ku sii heyn ah ayaa waxaa Taliyaha Xabsiga Dhexe lagu wargeliyay inuu xabsiga ku sii haayo Wariyaha.

Dad kala duwan ayaa si weyn u cambaareeyay xariga Wariye C/casiis Gurbiye, waxaana ay ka dalbadeen dowladda Federaalka in wariyaha ay xoriyaddiisa dib ugu soo celiyaan.

Halkan hoose ka akhriso warqada Garsooraha Maxkamadda Gobolka Banaadir:-