Wasiirka Gaadiidka oo sheegay inuu xiran yahay Ajnabigii lagu qabtay garoonka Muqdisho

1644

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad (Oomar) ayaa ka hadlay wararka la xiriira Nin Ajnabi ah oo Sabtidii la soo dhaafay lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaasoo boorsadiisa laga helay walxo laga shakiyay, xilli uu raaci rabay Diyaaradda Ethiopian Airlines.

Wasiir Oomaar ayaa xaqiijiyay in Ninkan loo xiray shaki laga muujiyay waxyaabo laga helay boorsadiisa, Isagoo sheegay iney haatan socoto baaritaano lagu ogaanayo waxa uu ka damacsanaa waxyaabahaas.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad (Oomar) ayaa daboolka ka qaaday in waxyaabaha laga shakisan yahay ay u muuqdaan waxyaabaha dadka ka ilmeysiisa, wuxuuna hadalkiisa intaasi ku sii daray in boorsada lagu qabtay goobta u horeysay ee lagu baaro boorsooyinka waaweyn ee dadka qaataan.

Ninkan ayaa la sheegay inuu u dhashay dalka Ingiriiska, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in ninkan uu u shaqeynayay Shirkad Ajnabi ah oo xarunteeda tahay yahay Xeyndaabka Garoonka diyaaradaha.

Mr. Oomaar ayaa dadka ugu laab qaboojiyay in amniga garoonka Muqdisho uu yahay mid la isku haleyn karo, isagoo ku amaanay shaqaalaha amniga kaalinta ay ka qaateen qabashada Ninkan Ajnabiga ah, si gaar ah waxa uu arintan ugu bogaadiyay Shirkada maamusho garoonka Muqdihso ee FAVORI.

Diyaaradda Ethipian Airlines ayaa si KMG ah u hakisay duulimaadkeeda Muqdisho, sababo la xiriira ninka ka midka ahaa rakaabka diyaaradda ee boorsadiisa laga helay walxaha Gaaska ee laga shakisanyahay.

“maadaama uu baaris socdo xaqiiqda u horeysay ee noo sheegeen waxey eheyd ma aha wax qarxa, waxey kaloo inoo sheegeen in ey eheyd waxa dadka ka ilmeysiiya, Ninkanna uu ahaa shaqaale ka shaqeynayay wadanka gudihiisa, Wadankana ka tagayay oo hore u qaadanayay bahashaas oo hore u heystay” ayuu yiri Oomaar.

Ilo ku dhow dhow Garoonka diyaaradaha ayaa sheegaya in Maamulka Shirkadda ay soo weydiisatay Maamulka Garoonka Muqdisho inay faah faahiso ninka watay walxaha qarxa ee la qabtay sababtiisa iyo waxa uu damacsanaa, inkastoo ninkaas gacanta ugu jiro ciidamo aan aheyn kuwa Ammaanka Soomaaliya.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomar) ayaa ugu danbeyn sheegay in socdaalka Ninka la qabtay ay eheyd Yurub, waloow diyaarada uu raacayay ay eheyd Ethiopian Airlines.

Diyaaradda Ethiopian Airlines oo duulimaadkeeda Muqdisho bilowday bishii November ee sanadkii hora ayaa isbuucii timaadaa afar jeer maalmaha Sabti, Isniin, Arbaco iyo Jimco.