Wiil dhaqtar ahaa oo lagu dilay Muqdisho

1945

Rag ku hubeysnaa bastoolado ayaa xalay xaafadda Tabakaayo Madoow ee degmada Dharkeenleey ku dilay dhaqtar dhallinyaro ahaa, oo lagu magacaabay Dr. Cabdullaahi Yusuuf Suudaani.

Dr. Cabdullaahi Yusuuf Suudaani ayaa waxa uu xarun dadka lagu daaweeyo oo Farmshiye ah uu ku lahaa kasoo horjeedka masjidka Al-Nuur degmada Dharkeenley.

Dr. Cabdullaahi ayaa markii la dilayey waxa uu ku howlanaa sidii uu u xiri lahaa Farmashiyaha si uu u aado salaadda Cishaha oo lagu jirey.

Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya, oo u diyaar garoobayey dhaqan gelinta bandowga la saarey Muqdisho, ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in ay ciidamada xir-xireen dhallinyaro ku sugneyd meel aan ka fogeyn halka lagu diley Cabdullaahi.

Ururka Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda dilka wiilka dhaqtarka ahaa ayaa u jeediyey eedeyn yaab leh oo ahaa inuu ahaa sirdoon.

Al-Shabaab ayaa sheegtay Dr. Cabdullaahi uu ka tirsanaa ciidamada sirdoonka dowladda, gaar ahaan qaybta dharcadka, balse eheladiisa qaar ayaa arrintaasi been abuur ku tilmaamay.

Wiil qaraabo dhaw la ah Cabdullaahi ayaa sheegay inay tahay war been abuur ah hadalka ka soo baxay Al-Shabaab ee lagu sheegay in Dr. Cabdullaahi uu ahaa askari ka tirsan Nabad-Suggida.

Allaha u naxariistee Marxuumka Al-Shabaab xalay ay dileen ayaa wuxuu Jaamacad uga soo baxay dalka Sudan, halkaasi uu ku soo bartay Cilmiga Caafimaadka.