{"id":122503,"date":"2019-01-21T14:07:57","date_gmt":"2019-01-21T12:07:57","guid":{"rendered":"http:\/\/wardoon.net\/?p=122503"},"modified":"2019-01-21T14:07:57","modified_gmt":"2019-01-21T12:07:57","slug":"dowladda-soomaaliyaa-iyo-heyadaha-gargaarka-oo-ku-dhawaaqay-in-sanadkan-loo-baahan-yahay-1-08-bilyan-oo-dollar","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/wardoon.net\/so\/dowladda-soomaaliyaa-iyo-heyadaha-gargaarka-oo-ku-dhawaaqay-in-sanadkan-loo-baahan-yahay-1-08-bilyan-oo-dollar\/","title":{"rendered":"Dowladda Soomaaliyaa iyo hey\u2019adaha gargaarka oo ku dhawaaqay in sanadkan loo baahan yahay 1.08 bilyan oo dollar"},"content":{"rendered":"<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay\u2019adaha gargaarka ee waddanka ka shaqeeya maanta waxa ay ku dhawaaqeen Qorshaha ka Falcelinta Baahiyaha Bini\u2019aadamnimada ee 2019.<\/p>\n<p>Dowladda iyo Hay\u2019adahu waxa ay hoosta ka xarriiqeen baahida loo qabo deeq degdeg ah si howlaha gurmadka loo sii wado. Qorshaha maanta la shaaciyay waxa uu codsaday 1.08 bilyan oo doolar si caawinaad naf-badbaadis ah iyo kaalmo dhanka hab nololeedka ah loo gaarsiiyo 3.4 milyan oo ah dad ay saameeyeen colaado, is bedello dhanka cimilada ah iyo barakac.<\/p>\n<p>Horumarka laga gaaray dhanka sugnaanta cuntada kadib xilli roobaadkii Gu-ga ee 2018 oo si wanaagsan u da\u2019ay iyo gargaarka bini\u2019aadamnimada ee 2018 oo la joogteeyay waxaa ka dhalatay in tirada dadka u baahan kaalmo bini\u2019aadamnimo uu hoos uga soo dahco 6.2 milyan oo qof oo uu u dego 4.2 milyan oo qof, hoos u dhacan ayaa u dhigma boqolkiiba %32. Si kastaba ha ahaatee, colaado soo noqnoqday, isbedel ku yimid cimilada iyo deegaanka dartood waxaa laga cabsi qabaa in horumarkaas habac uu ku yimaado. Intaas waxaa wehliya, baahiyaha bini\u2019aadamnimadu waxay weli ka sarreeyaan halkii ay joogeen laba sano ka hor intii aysan bilaaban mashaqooyinka bini\u2019aadamnimada la xiriira. In ka badan 1.5 milyan oo qof oo u badan barakacayaal iyo reer miyi ayaa wajahaya xaalad cunta yari oo aad u adag (IPC 3) waxayna u baahanyihiin kaalmo aan soo daahin si naftooda loo caymiyo. Nafaqa darradu aad ayay u sarreysaa guud ahaan waddanka. In ka badan 2.6 milyan oo qof ayaa gudaha dalka ku barakacsan oo ku nool duruufo aad u adag. Dadkani aad ayay u nugulyihiin waxayna u baahanyihiin adeegyada aasaasiga ah iyo daryeel.<\/p>\n<p>\u201cHaddii aysan hay\u2019aduhu sii wadin gargaarka bini\u2019aadmnimada oo aysan sara u qaadin howlaha caawinaadda sannadkan horraantiisa waxaa halis loogu jiraa in guulihii la gaaray la xajin waayo, maadaama Soomaaliya ay tahay waddan ay soo daashadeen aafooyin iyo colaado socday waqti dheer. Mashaakilka ay keentay is bedelka cimilada sida xilli-roobaadka deyrtii dhoweyd oo aan wanaagsanayn oo ay wehliso colaado iyo barakac mudo lugu soo jiray ayaa sababi kara natiijooyin aan la mahadin, burburinna kara hab nololeedka dadka\u201d ayuu yiri Peter de Clerq, xiriiriyaha arrimaha bini\u2019aadamnimada ee Soomaaliya. \u201cwaxaan ugu yeerayaa beesha caalamka iney bixiyaan deeqo deg deg ah oo wax looga qaban karo baahiyaha jira. Mashaariicda maalgashiga iyo in la dhiso u adkeysiga aafooyinka ee dadka ayaa loo baahanyahay in xoogga la saaro si ugu danbeyn loo cirib tiro baahiyahan dadkuna ugu noolaadaan si sharaf leh\u201d<\/p>\n<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadineysaa dadaallada hay\u2019adaha gargaarka ee lugu badbaadinaayo dadka Soomaaliyeed, baahiyahana lugu yareynayo ayadoo loo maraayo in la dhiso adkaysiga dadka. \u201cQorshaha sannadkan wuxuu si cad u qeexayaa in aan baahiyaha bini\u2019aadamnimada la cirib tiri karin ayadoo aan lugu barbar wedin mashaariicda horumarinta, sidaas daraadeed waxaa loogu baaqayaa hay\u2019adaha ka shaqeeya mashaariicda horumarinta in ay kaalin mug leh ka qaataan arrintan\u201d ayuu yiri Xamsa Saciid Xamsa, Wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka xukuumadda Federaalka ah. \u201cWaxaan ka codsaneynaa deeq bixiyeyaasha in mudnaan la siiyo mashaariicda lugula tacaalayo caqabadaha ku gudban hormarinta. Waxaan diyaar u nahay ina aan la shaqeyno dhammaan saaxiibada caalamka si loo gaaro xal waara ayadoo la dhaqan gelinayo hannaanka kasoo kabashada nugeylka (Recovery and Resilience Framework)<\/p>\n<p>Ayadoo ay jirto caqabadaha amniga, hay\u2019adaha gargaarku waxa ay kaalmo gaarsiinayeen celcelis ahaan saddex milyan oo qof bishiiba sannadkii 2018. Qorshaha (HRP) ee 2019 waxaa lagu talo galay in la gaaro 3.4 milyan oo qof (oo boqolkiiba %81 ka ah 4.2ka milyan ee kaalmada u baahan), halka dalabka qorshaha HRP uu hoos uga soo dhacay 1.5 bilyan oo doolar 2018kii sannadkanna uu yahay 1.08 bilyan oo doolar. Howlaha gargaarka wuxuu sanadkan xoogga saarayaa naf badbaadinta, nafaqaynta, daryeelka iyo soo kabashada dadka nugul. Si aad u dejisid HRP 2019.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay\u2019adaha gargaarka ee waddanka ka shaqeeya maanta waxa ay ku dhawaaqeen Qorshaha ka Falcelinta Baahiyaha Bini\u2019aadamnimada ee 2019. Dowladda iyo Hay\u2019adahu waxa ay hoosta ka xarriiqeen baahida loo qabo deeq degdeg ah si howlaha gurmadka loo sii wado. Qorshaha maanta la shaaciyay waxa uu codsaday 1.08 bilyan oo doolar si caawinaad [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":122504,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"rop_custom_images_group":[],"rop_custom_messages_group":[],"rop_publish_now":"initial","rop_publish_now_accounts":{"facebook_10221280388112155_325455220908133":""},"rop_publish_now_history":[],"rop_publish_now_status":"pending","footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-122503","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-somali-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v25.6 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Dowladda Soomaaliyaa iyo hey\u2019adaha gargaarka oo ku dhawaaqay in sanadkan loo baahan yahay 1.08 bilyan oo dollar - Wardoon<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/dowladda-soomaaliyaa-iyo-heyadaha-gargaarka-oo-ku-dhawaaqay-in-sanadkan-loo-baahan-yahay-1-08-bilyan-oo-dollar\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Dowladda Soomaaliyaa iyo hey\u2019adaha gargaarka oo ku dhawaaqay in sanadkan loo baahan yahay 1.08 bilyan oo dollar - Wardoon\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay\u2019adaha gargaarka ee waddanka ka shaqeeya maanta waxa ay ku dhawaaqeen Qorshaha ka Falcelinta Baahiyaha Bini\u2019aadamnimada ee 2019. Dowladda iyo Hay\u2019adahu waxa ay hoosta ka xarriiqeen baahida loo qabo deeq degdeg ah si howlaha gurmadka loo sii wado. Qorshaha maanta la shaaciyay waxa uu codsaday 1.08 bilyan oo doolar si caawinaad [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/dowladda-soomaaliyaa-iyo-heyadaha-gargaarka-oo-ku-dhawaaqay-in-sanadkan-loo-baahan-yahay-1-08-bilyan-oo-dollar\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Wardoon\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2019-01-21T12:07:57+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/2019121636836499138994458astaanta.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"426\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"325\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"admin\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"admin\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"3 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/dowladda-soomaaliyaa-iyo-heyadaha-gargaarka-oo-ku-dhawaaqay-in-sanadkan-loo-baahan-yahay-1-08-bilyan-oo-dollar\/\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/dowladda-soomaaliyaa-iyo-heyadaha-gargaarka-oo-ku-dhawaaqay-in-sanadkan-loo-baahan-yahay-1-08-bilyan-oo-dollar\/\",\"name\":\"Dowladda Soomaaliyaa iyo hey\u2019adaha gargaarka oo ku dhawaaqay in sanadkan loo baahan yahay 1.08 bilyan oo dollar - Wardoon\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/dowladda-soomaaliyaa-iyo-heyadaha-gargaarka-oo-ku-dhawaaqay-in-sanadkan-loo-baahan-yahay-1-08-bilyan-oo-dollar\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/dowladda-soomaaliyaa-iyo-heyadaha-gargaarka-oo-ku-dhawaaqay-in-sanadkan-loo-baahan-yahay-1-08-bilyan-oo-dollar\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/2019121636836499138994458astaanta.jpg\",\"datePublished\":\"2019-01-21T12:07:57+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/dowladda-soomaaliyaa-iyo-heyadaha-gargaarka-oo-ku-dhawaaqay-in-sanadkan-loo-baahan-yahay-1-08-bilyan-oo-dollar\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"http:\/\/wardoon.net\/so\/dowladda-soomaaliyaa-iyo-heyadaha-gargaarka-oo-ku-dhawaaqay-in-sanadkan-loo-baahan-yahay-1-08-bilyan-oo-dollar\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/dowladda-soomaaliyaa-iyo-heyadaha-gargaarka-oo-ku-dhawaaqay-in-sanadkan-loo-baahan-yahay-1-08-bilyan-oo-dollar\/#primaryimage\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/2019121636836499138994458astaanta.jpg\",\"contentUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/2019121636836499138994458astaanta.jpg\",\"width\":426,\"height\":325},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/dowladda-soomaaliyaa-iyo-heyadaha-gargaarka-oo-ku-dhawaaqay-in-sanadkan-loo-baahan-yahay-1-08-bilyan-oo-dollar\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Dowladda Soomaaliyaa iyo hey\u2019adaha gargaarka oo ku dhawaaqay in sanadkan loo baahan yahay 1.08 bilyan oo dollar\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/\",\"name\":\"Wardoon\",\"description\":\"News Media\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\",\"name\":\"admin\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"admin\"},\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Dowladda Soomaaliyaa iyo hey\u2019adaha gargaarka oo ku dhawaaqay in sanadkan loo baahan yahay 1.08 bilyan oo dollar - Wardoon","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"http:\/\/wardoon.net\/so\/dowladda-soomaaliyaa-iyo-heyadaha-gargaarka-oo-ku-dhawaaqay-in-sanadkan-loo-baahan-yahay-1-08-bilyan-oo-dollar\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Dowladda Soomaaliyaa iyo hey\u2019adaha gargaarka oo ku dhawaaqay in sanadkan loo baahan yahay 1.08 bilyan oo dollar - Wardoon","og_description":"Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay\u2019adaha gargaarka ee waddanka ka shaqeeya maanta waxa ay ku dhawaaqeen Qorshaha ka Falcelinta Baahiyaha Bini\u2019aadamnimada ee 2019. Dowladda iyo Hay\u2019adahu waxa ay hoosta ka xarriiqeen baahida loo qabo deeq degdeg ah si howlaha gurmadka loo sii wado. Qorshaha maanta la shaaciyay waxa uu codsaday 1.08 bilyan oo doolar si caawinaad [&hellip;]","og_url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/dowladda-soomaaliyaa-iyo-heyadaha-gargaarka-oo-ku-dhawaaqay-in-sanadkan-loo-baahan-yahay-1-08-bilyan-oo-dollar\/","og_site_name":"Wardoon","article_published_time":"2019-01-21T12:07:57+00:00","og_image":[{"width":426,"height":325,"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/2019121636836499138994458astaanta.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"admin","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"admin","Est. reading time":"3 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/dowladda-soomaaliyaa-iyo-heyadaha-gargaarka-oo-ku-dhawaaqay-in-sanadkan-loo-baahan-yahay-1-08-bilyan-oo-dollar\/","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/dowladda-soomaaliyaa-iyo-heyadaha-gargaarka-oo-ku-dhawaaqay-in-sanadkan-loo-baahan-yahay-1-08-bilyan-oo-dollar\/","name":"Dowladda Soomaaliyaa iyo hey\u2019adaha gargaarka oo ku dhawaaqay in sanadkan loo baahan yahay 1.08 bilyan oo dollar - Wardoon","isPartOf":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/dowladda-soomaaliyaa-iyo-heyadaha-gargaarka-oo-ku-dhawaaqay-in-sanadkan-loo-baahan-yahay-1-08-bilyan-oo-dollar\/#primaryimage"},"image":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/dowladda-soomaaliyaa-iyo-heyadaha-gargaarka-oo-ku-dhawaaqay-in-sanadkan-loo-baahan-yahay-1-08-bilyan-oo-dollar\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/2019121636836499138994458astaanta.jpg","datePublished":"2019-01-21T12:07:57+00:00","author":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28"},"breadcrumb":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/dowladda-soomaaliyaa-iyo-heyadaha-gargaarka-oo-ku-dhawaaqay-in-sanadkan-loo-baahan-yahay-1-08-bilyan-oo-dollar\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["http:\/\/wardoon.net\/so\/dowladda-soomaaliyaa-iyo-heyadaha-gargaarka-oo-ku-dhawaaqay-in-sanadkan-loo-baahan-yahay-1-08-bilyan-oo-dollar\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/dowladda-soomaaliyaa-iyo-heyadaha-gargaarka-oo-ku-dhawaaqay-in-sanadkan-loo-baahan-yahay-1-08-bilyan-oo-dollar\/#primaryimage","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/2019121636836499138994458astaanta.jpg","contentUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/2019121636836499138994458astaanta.jpg","width":426,"height":325},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/dowladda-soomaaliyaa-iyo-heyadaha-gargaarka-oo-ku-dhawaaqay-in-sanadkan-loo-baahan-yahay-1-08-bilyan-oo-dollar\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"http:\/\/wardoon.net\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Dowladda Soomaaliyaa iyo hey\u2019adaha gargaarka oo ku dhawaaqay in sanadkan loo baahan yahay 1.08 bilyan oo dollar"}]},{"@type":"WebSite","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/","name":"Wardoon","description":"News Media","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28","name":"admin","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","caption":"admin"},"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/122503"}],"collection":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=122503"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/122503\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":122505,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/122503\/revisions\/122505"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/122504"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=122503"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=122503"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=122503"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}