{"id":131440,"date":"2019-07-27T10:52:58","date_gmt":"2019-07-27T08:52:58","guid":{"rendered":"http:\/\/wardoon.net\/?p=131440"},"modified":"2019-07-27T11:12:19","modified_gmt":"2019-07-27T09:12:19","slug":"daawo-duq-magaalo-oo-iska-dhigay-curyaan","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-duq-magaalo-oo-iska-dhigay-curyaan\/","title":{"rendered":"Daawo Duq Magaalo oo iska dhigay Curyaan"},"content":{"rendered":"<p>Qeyb kamid ah tijaabo aan caadi aheyn oo uu ugu kuur-galayay wax ka ogaanshaha nolosha ay ku nool yihiin dadka baahiyaha gaarka ah qaba, maayar u dhashay dalka Mexico ayaa iska dhigay cuuryaan si uu u fahmo daryeelka ay siin karaan shaqaalaha rayidka qofka naafada ah.<br \/>\nKaddib cabasho badan oo kaga timid naafada iyo dadka danyarta oo ay kaga sheeganayaan shaqaalaha dowladda hoose, Carlos Tena oo ah maayarka Cuauhtimoc, oo kamid ah magaalooyinka Mexico, waxaa ku adkaaday sax iyo qalad meesha laga jiro. Wuxuu markaas go\u2019aansaday inuu ka sal-gaaro xaqiiqda sheekada \u2013 tijaabiyana hannaanka macaamiil ee shaqaalihiisu kula dhaqmaan naafada. Waxay ku qaadatay laba bilood inuu ururiyo xogo la rumeysan karo. Kaddibna wuxuu u biyeystay inuu adeeg ka doonto xafiisyada shaqaalaha dowladda hoose \u2013 isaga oo iska dhigaya naafo kuna socda gaariga cuuryaamiinta.<\/p>\n<p>Xirashada buste weyn oo ilaa wejigiisa lagu daday, koofiyad iyo indha-gashi iyo faashad uu iskaga dhigayo inuu ku duubayo dhaawaca daanka uga dhacay, Carlos Tena wuxuu isaga oo ku socda gaarigiisa cuuryaamada u galay xafiiska horumarinta bulshada si loo caawiyo. Wuxuu weydiistay cunno bilaash oo sida sharciga ah loo oggol yahay xubnaha nugul ee bulshada ku jira. Hayeeshe waa la iska indha-tiray, waana la takooray.<\/p>\n<p>Markii uu ku hungoobay tijaabada koowaad, wuxuu haddana u jeestay inuu aado xafiiskiisa si uu u tijaabiyo. Wuxuu codsaday inuu la kulmo maayarka, waxaase loo sheegay inuusan joogin. Markii uu weydiistay inuu la hadlo xog-hayaha Golaha Degaanka waxaa si adag loo sheegay inuu ku sugo qeybta fadhiga. Kaddibna wuxuu ku sugnaa isla fadhiga muddo ku dhow laba saac cidna uma soo jeesan si ay u kaalmeyso. Halkaas wuxuu ku ogaaday in tabashada ay usoo gudbiyeen dadka naafada ah ay tahay mid sax ah, sidaas darteed wuxuu kasoo kacay fadhigii gaariga cuuryaanka, waxaana la-yaab sunniyaha lala taagay ku noqotay shaqaalihii goobta ku sugnaa.<\/p>\n<p>\u201cHadafka aan ka lahaa tijaabadani waxay aheyd inaan ogaado xaqiiqda ay la nool yihiin muwaadininta maalin walba iyo dayaca iyo takoorka ay kala kulmaan shaqaalaha rayidka,\u201d ayuu yiri maayarka.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan tallaabadan u qaaday si aan u ogaado cidda eedda iska leh \u2013 ma muwaadinka mise shaqaalahayga,\u201d ayuu sii raaciyay.<\/p>\n<p>Wargeyska Eldorado ayaa soo sheegaya in Tena uu caan ku ahaa u doodista iyo daryeelka dadka baahiyaha gaarka ah qaba, wuxuu hadda kahor uga digay shaqaalaha rayidku inaysan ku kadsoomin inay iska indha-tiraan baahiyahooda. Balse waanidiisa dheg jalaq looma siin.<\/p>\n<p>\u201cMarka isaga oo aan cidna la hadlin ayuu bannaanka u aaday si uu xaqiiqda usoo arko,\u201d ayuu yiri afhayeenka gobalka.<\/p>\n<p>Tena ayaa sheegay inuu aad uga niyad-jabay wixii uu kala kulmay shaqaalihiisa, waxaase uu ka digay inaysan soo laaban cabasho kale oo ka timaada naafada, haddii kale lala kulmi doono cawaaqib xun.<\/p>\n<p><iframe loading=\"lazy\" src=\"https:\/\/www.youtube.com\/embed\/QC4980Szffc\" width=\"850\" height=\"720\" frameborder=\"0\" allowfullscreen=\"allowfullscreen\"><\/iframe><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/mexiconewsdaily.com\/news\/mayor-disguises-himself-as-social-services-client\/\"><span style=\"color: #0000ff;\"><strong>HAKAN KA AQRI SHEEKADAN<\/strong><\/span><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Qeyb kamid ah tijaabo aan caadi aheyn oo uu ugu kuur-galayay wax ka ogaanshaha nolosha ay ku nool yihiin dadka baahiyaha gaarka ah qaba, maayar u dhashay dalka Mexico ayaa iska dhigay cuuryaan si uu u fahmo daryeelka ay siin karaan shaqaalaha rayidka qofka naafada ah. Kaddib cabasho badan oo kaga timid naafada iyo dadka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":131441,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"rop_custom_images_group":[],"rop_custom_messages_group":[],"rop_publish_now":"initial","rop_publish_now_accounts":{"facebook_10221280388112155_325455220908133":""},"rop_publish_now_history":[],"rop_publish_now_status":"pending","footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-131440","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-somali-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v25.6 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Daawo Duq Magaalo oo iska dhigay Curyaan - Wardoon<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-duq-magaalo-oo-iska-dhigay-curyaan\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Daawo Duq Magaalo oo iska dhigay Curyaan - Wardoon\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Qeyb kamid ah tijaabo aan caadi aheyn oo uu ugu kuur-galayay wax ka ogaanshaha nolosha ay ku nool yihiin dadka baahiyaha gaarka ah qaba, maayar u dhashay dalka Mexico ayaa iska dhigay cuuryaan si uu u fahmo daryeelka ay siin karaan shaqaalaha rayidka qofka naafada ah. Kaddib cabasho badan oo kaga timid naafada iyo dadka [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-duq-magaalo-oo-iska-dhigay-curyaan\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Wardoon\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2019-07-27T08:52:58+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2019-07-27T09:12:19+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/07\/Skjermbilde-52.png\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"832\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"582\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/png\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"admin\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"admin\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"2 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-duq-magaalo-oo-iska-dhigay-curyaan\/\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-duq-magaalo-oo-iska-dhigay-curyaan\/\",\"name\":\"Daawo Duq Magaalo oo iska dhigay Curyaan - Wardoon\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-duq-magaalo-oo-iska-dhigay-curyaan\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-duq-magaalo-oo-iska-dhigay-curyaan\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/07\/Skjermbilde-52.png\",\"datePublished\":\"2019-07-27T08:52:58+00:00\",\"dateModified\":\"2019-07-27T09:12:19+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-duq-magaalo-oo-iska-dhigay-curyaan\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-duq-magaalo-oo-iska-dhigay-curyaan\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-duq-magaalo-oo-iska-dhigay-curyaan\/#primaryimage\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/07\/Skjermbilde-52.png\",\"contentUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/07\/Skjermbilde-52.png\",\"width\":832,\"height\":582},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-duq-magaalo-oo-iska-dhigay-curyaan\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Daawo Duq Magaalo oo iska dhigay Curyaan\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/\",\"name\":\"Wardoon\",\"description\":\"News Media\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\",\"name\":\"admin\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"admin\"},\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Daawo Duq Magaalo oo iska dhigay Curyaan - Wardoon","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-duq-magaalo-oo-iska-dhigay-curyaan\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Daawo Duq Magaalo oo iska dhigay Curyaan - Wardoon","og_description":"Qeyb kamid ah tijaabo aan caadi aheyn oo uu ugu kuur-galayay wax ka ogaanshaha nolosha ay ku nool yihiin dadka baahiyaha gaarka ah qaba, maayar u dhashay dalka Mexico ayaa iska dhigay cuuryaan si uu u fahmo daryeelka ay siin karaan shaqaalaha rayidka qofka naafada ah. Kaddib cabasho badan oo kaga timid naafada iyo dadka [&hellip;]","og_url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-duq-magaalo-oo-iska-dhigay-curyaan\/","og_site_name":"Wardoon","article_published_time":"2019-07-27T08:52:58+00:00","article_modified_time":"2019-07-27T09:12:19+00:00","og_image":[{"width":832,"height":582,"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/07\/Skjermbilde-52.png","type":"image\/png"}],"author":"admin","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"admin","Est. reading time":"2 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-duq-magaalo-oo-iska-dhigay-curyaan\/","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-duq-magaalo-oo-iska-dhigay-curyaan\/","name":"Daawo Duq Magaalo oo iska dhigay Curyaan - Wardoon","isPartOf":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-duq-magaalo-oo-iska-dhigay-curyaan\/#primaryimage"},"image":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-duq-magaalo-oo-iska-dhigay-curyaan\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/07\/Skjermbilde-52.png","datePublished":"2019-07-27T08:52:58+00:00","dateModified":"2019-07-27T09:12:19+00:00","author":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28"},"breadcrumb":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-duq-magaalo-oo-iska-dhigay-curyaan\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-duq-magaalo-oo-iska-dhigay-curyaan\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-duq-magaalo-oo-iska-dhigay-curyaan\/#primaryimage","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/07\/Skjermbilde-52.png","contentUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/07\/Skjermbilde-52.png","width":832,"height":582},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-duq-magaalo-oo-iska-dhigay-curyaan\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"http:\/\/wardoon.net\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Daawo Duq Magaalo oo iska dhigay Curyaan"}]},{"@type":"WebSite","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/","name":"Wardoon","description":"News Media","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28","name":"admin","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","caption":"admin"},"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/131440"}],"collection":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=131440"}],"version-history":[{"count":3,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/131440\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":131444,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/131440\/revisions\/131444"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/131441"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=131440"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=131440"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=131440"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}