{"id":138746,"date":"2019-12-01T12:55:36","date_gmt":"2019-12-01T09:55:36","guid":{"rendered":"http:\/\/wardoon.net\/?p=138746"},"modified":"2019-12-01T12:55:36","modified_gmt":"2019-12-01T09:55:36","slug":"qaramada-midoobay-oo-abiy-ahmed-ku-eedaysay-inuu-xasilooni-darro-kawado-somalia","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/wardoon.net\/so\/qaramada-midoobay-oo-abiy-ahmed-ku-eedaysay-inuu-xasilooni-darro-kawado-somalia\/","title":{"rendered":"Qaramada Midoobay: oo Abiy Ahmed ku eedaysay inuu xasilooni darro kawado Somalia"},"content":{"rendered":"<p>Dhowr bilood un kadib markii uu ku guuleysatay biladda caalamiga ah ee Nobel, ra\u2019iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa iska difaacaya eedeymo ku saabsan inuu faro-gelin ku hayo arrimaha dalalka deriska la ah.<\/p>\n<p>Laba warbixin oo ay soo saareen Guddiga Khubarada QM ayaa Abiy ku eedeeyey inuu xasilooni darro ka abuurayo South Sudan iyo Somalia, oo ah laba dal oo uu arrimahooda gudaha aad ugu lug leeyahay, sida uu qoray wargeyska Daily Nation ee Nairobi.<\/p>\n<p>Eedeymahan ayaa imanaya ayada oo Madasha Xisbiyada Qaran, iyo maamulka Jubaland ay ku eedeeyeen ciidamada Itoobiya inay dowladda Farmaajo ka caawinayaan inay faro-geliso arrimaha maamul goboleedyada.<\/p>\n<p>Dhinacyadan ayaa sheegaya in Ethiopia ay ciidamo aan Amisom ka tirsaneyn kusoo daabuleyso Soomaaliya, si ay u fuliyaan hadafyada madaxweyne Farmaajo uu kula wareegayo maamul goboleedyada.<\/p>\n<p>Safiirka Itoobiya ee Kenya Meles Alem, oo la hadlay Daily Nation ayaa sheegay in eedeymahan aysan xaqiiq ahayn.<\/p>\n<p>\u201cMid ka mid ah tiirarka siyaasadda arrimaha dibedda Itoobiya ayaa ah inaan la faro-gelin arrimaha gudaha ee dalalka kale. Taas waa taariikhdeena,\u201d ayuu yiri.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan si deris wanaag ah u cayaarnaa kaalin aan wax ku dhiseyno kaliya.\u201d<\/p>\n<p>Meles ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ee nabad-ilaalinta ay dalalka kale, oo Soomaaliya ay ku jirto, u joogaan hanaan nabadeed oo kaliya, islamarkaana ay raacaan xeerarka caalamiga ah.<\/p>\n<p>Ciidamada Itoobiya ayaa bishii December ee sanaddii 2018, waxay ayaga oo ay wehliyaan ciidamada Soomaaliya shacab ku xasuuqeen magaalada Baydhaba, si doorashadii madaxweynaha Koonfur Galbeed loo xaqiijiyo inuu kusoo baxo musharaxii dowladda ee Cabdicasiis Lafta-gareen.<\/p>\n<p>Ka hor inta aan bishii Febraayo eee sanaddii 2017 loo dooran madaxweynaha Soomaaliya, Farmaajo waxa uu ahaa siyaasi Soomaalida ka gaday inuu neceb yahay shisheeyaha, gaar ahaan Itoobiya.<\/p>\n<p>Waxa uu marar badan wareysiyo uu bixiyey ku sheegay in Itoobiya ay tahay cadowga koowaad ee Soomaaliya, islamarkaana aysan ahayn in marna ciidankooda ay joogaan Soomaaliya.<\/p>\n<p>Si kastaba, markii uu xukunka qabtay kadib, dhammaan mowqifyadiisii hore waa ay is-beddelaan. Waxa uu dowladda Itoobiya u gacan geliyey Cabdikariim Muuse Qalbi-Dhagax oo ahaa halgamaa Soomaaliyeed. Waxa uu aqbalay joogitaanka ciidamada Itoobiya, oo uu billaabay inuu dano siyaasadeed u adeegsado, waxaana kadib uu Itoobiya ka dhigtay isbahaysi.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/www.nation.co.ke\/news\/africa\/UN-accuse-Abiy-Ahmed-of-fanning-instability-Somalia--S--Sudan\/1066-5368636-11xkm63z\/index.html\"><span style=\"color: #0000ff;\"><strong>HALKAN KA AQRI WARBIXINTA QM<\/strong><\/span><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dhowr bilood un kadib markii uu ku guuleysatay biladda caalamiga ah ee Nobel, ra\u2019iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa iska difaacaya eedeymo ku saabsan inuu faro-gelin ku hayo arrimaha dalalka deriska la ah. Laba warbixin oo ay soo saareen Guddiga Khubarada QM ayaa Abiy ku eedeeyey inuu xasilooni darro ka abuurayo South Sudan iyo Somalia, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":138749,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"rop_custom_images_group":[],"rop_custom_messages_group":[],"rop_publish_now":"initial","rop_publish_now_accounts":{"facebook_10221280388112155_325455220908133":""},"rop_publish_now_history":[],"rop_publish_now_status":"pending","footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-138746","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-somali-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v25.6 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Qaramada Midoobay: oo Abiy Ahmed ku eedaysay inuu xasilooni darro kawado Somalia - Wardoon<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/qaramada-midoobay-oo-abiy-ahmed-ku-eedaysay-inuu-xasilooni-darro-kawado-somalia\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Qaramada Midoobay: oo Abiy Ahmed ku eedaysay inuu xasilooni darro kawado Somalia - Wardoon\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Dhowr bilood un kadib markii uu ku guuleysatay biladda caalamiga ah ee Nobel, ra\u2019iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa iska difaacaya eedeymo ku saabsan inuu faro-gelin ku hayo arrimaha dalalka deriska la ah. Laba warbixin oo ay soo saareen Guddiga Khubarada QM ayaa Abiy ku eedeeyey inuu xasilooni darro ka abuurayo South Sudan iyo Somalia, [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/qaramada-midoobay-oo-abiy-ahmed-ku-eedaysay-inuu-xasilooni-darro-kawado-somalia\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Wardoon\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2019-12-01T09:55:36+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/jkpic.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"600\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"400\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"admin\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"admin\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"2 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/qaramada-midoobay-oo-abiy-ahmed-ku-eedaysay-inuu-xasilooni-darro-kawado-somalia\/\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/qaramada-midoobay-oo-abiy-ahmed-ku-eedaysay-inuu-xasilooni-darro-kawado-somalia\/\",\"name\":\"Qaramada Midoobay: oo Abiy Ahmed ku eedaysay inuu xasilooni darro kawado Somalia - Wardoon\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/qaramada-midoobay-oo-abiy-ahmed-ku-eedaysay-inuu-xasilooni-darro-kawado-somalia\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/qaramada-midoobay-oo-abiy-ahmed-ku-eedaysay-inuu-xasilooni-darro-kawado-somalia\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/jkpic.jpg\",\"datePublished\":\"2019-12-01T09:55:36+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/qaramada-midoobay-oo-abiy-ahmed-ku-eedaysay-inuu-xasilooni-darro-kawado-somalia\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/wardoon.net\/so\/qaramada-midoobay-oo-abiy-ahmed-ku-eedaysay-inuu-xasilooni-darro-kawado-somalia\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/qaramada-midoobay-oo-abiy-ahmed-ku-eedaysay-inuu-xasilooni-darro-kawado-somalia\/#primaryimage\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/jkpic.jpg\",\"contentUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/jkpic.jpg\",\"width\":600,\"height\":400},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/qaramada-midoobay-oo-abiy-ahmed-ku-eedaysay-inuu-xasilooni-darro-kawado-somalia\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Qaramada Midoobay: oo Abiy Ahmed ku eedaysay inuu xasilooni darro kawado Somalia\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/\",\"name\":\"Wardoon\",\"description\":\"News Media\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\",\"name\":\"admin\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"admin\"},\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Qaramada Midoobay: oo Abiy Ahmed ku eedaysay inuu xasilooni darro kawado Somalia - Wardoon","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/wardoon.net\/so\/qaramada-midoobay-oo-abiy-ahmed-ku-eedaysay-inuu-xasilooni-darro-kawado-somalia\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Qaramada Midoobay: oo Abiy Ahmed ku eedaysay inuu xasilooni darro kawado Somalia - Wardoon","og_description":"Dhowr bilood un kadib markii uu ku guuleysatay biladda caalamiga ah ee Nobel, ra\u2019iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa iska difaacaya eedeymo ku saabsan inuu faro-gelin ku hayo arrimaha dalalka deriska la ah. Laba warbixin oo ay soo saareen Guddiga Khubarada QM ayaa Abiy ku eedeeyey inuu xasilooni darro ka abuurayo South Sudan iyo Somalia, [&hellip;]","og_url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/qaramada-midoobay-oo-abiy-ahmed-ku-eedaysay-inuu-xasilooni-darro-kawado-somalia\/","og_site_name":"Wardoon","article_published_time":"2019-12-01T09:55:36+00:00","og_image":[{"width":600,"height":400,"url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/jkpic.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"admin","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"admin","Est. reading time":"2 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/qaramada-midoobay-oo-abiy-ahmed-ku-eedaysay-inuu-xasilooni-darro-kawado-somalia\/","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/qaramada-midoobay-oo-abiy-ahmed-ku-eedaysay-inuu-xasilooni-darro-kawado-somalia\/","name":"Qaramada Midoobay: oo Abiy Ahmed ku eedaysay inuu xasilooni darro kawado Somalia - Wardoon","isPartOf":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/qaramada-midoobay-oo-abiy-ahmed-ku-eedaysay-inuu-xasilooni-darro-kawado-somalia\/#primaryimage"},"image":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/qaramada-midoobay-oo-abiy-ahmed-ku-eedaysay-inuu-xasilooni-darro-kawado-somalia\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/jkpic.jpg","datePublished":"2019-12-01T09:55:36+00:00","author":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28"},"breadcrumb":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/qaramada-midoobay-oo-abiy-ahmed-ku-eedaysay-inuu-xasilooni-darro-kawado-somalia\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/wardoon.net\/so\/qaramada-midoobay-oo-abiy-ahmed-ku-eedaysay-inuu-xasilooni-darro-kawado-somalia\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/qaramada-midoobay-oo-abiy-ahmed-ku-eedaysay-inuu-xasilooni-darro-kawado-somalia\/#primaryimage","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/jkpic.jpg","contentUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/jkpic.jpg","width":600,"height":400},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/qaramada-midoobay-oo-abiy-ahmed-ku-eedaysay-inuu-xasilooni-darro-kawado-somalia\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/wardoon.net\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Qaramada Midoobay: oo Abiy Ahmed ku eedaysay inuu xasilooni darro kawado Somalia"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/","name":"Wardoon","description":"News Media","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28","name":"admin","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","caption":"admin"},"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/138746"}],"collection":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=138746"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/138746\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":138750,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/138746\/revisions\/138750"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/138749"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=138746"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=138746"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=138746"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}