{"id":139573,"date":"2019-12-11T16:46:57","date_gmt":"2019-12-11T13:46:57","guid":{"rendered":"http:\/\/wardoon.net\/?p=139573"},"modified":"2019-12-11T17:06:14","modified_gmt":"2019-12-11T14:06:14","slug":"cabdikariin-guuleed-shaki-kuma-jiro-inalshabaab-loo-fududeeyay-weerarkii-syl","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/wardoon.net\/so\/cabdikariin-guuleed-shaki-kuma-jiro-inalshabaab-loo-fududeeyay-weerarkii-syl\/","title":{"rendered":"Cabdikariin Guuleed shaki kuma jiro in alshabaab loo fududeeyay weerarkii SYL"},"content":{"rendered":"<p>Qaar ka mid ah siyaasiyiin xilal hore soo maray, iyo qaar hadda xil ka haya dawladda Soomaaliya ayaa shaki geliyay in Al-Shabaab loo fududeeyay weerarkii ay xalay ku qaadeen HOTEL SYL ee magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo mar soo noqday madaxweynaha maamulka Galmudug, ayaa kamid ah siyaasiyiinta ka hadlay weerarkaan wuxuuna ugu horeyn ka tacsiyey dhibaatadii ka dhalatay weerarkii ay Al-Shabaab Xalay ku qaadeen Hotel SYL oo ku yaalo meel u dhow madaxtooyada Soomaaliya.<\/p>\n<p>\u201cWaxaa ka tacsiyeynayaa dhibaatada dhimasho, dhaawac iyo burbur ee uu geystay weerarkii xalay ka dhacay hotel SYL, waxaan leeyahay intii inaga dhimatay Allah ha u naxariisto intii ku dhaawacantayna Rabi ha u boogo dhayo\u201d ayuu yiri Cabdikariin Guuleed.<\/p>\n<p>Wuxuu sheegay in Shabaabkii weerarka kusoo qaaday xalay HOTEL SYL loo fududeeyay inay halkaasi ay gaaraan maadaama Hotel-ka uu ku yaallo goob amnigeeda si aad ah loo sugo islamarkaana loo soo maro dhowr barkoontarool oo ciidamo Koofiya Cas ah ay ku suganyihiin.<\/p>\n<p>\u201cDhanka kale waxaa wax lala yaabo ah oo aan marnaba la qadan karin, in ciidamo hubeysan oo gaadiid saaran ay hotel SYL soo gaaraan oo ay weerar ka geystaan, ayadoo la ogyahay waxa jidgooyooyin, dhagax iyo xanibaad la dhigay magaalada muqdisho, kuwaaso shacabkii dhaqdhaqaaqiisii dhaqaalahiisii iyo adeegyadii oo idil dhibka weyn u geystay\u201d ayuu sii raaciyey.<\/p>\n<p>Cabdirkariin ayaa intaas ku daray inaysan wax shaki ah ku jirin in qof awood iyo amar leh uu u fududeeyey Al-Shabaab inay fuliyaan weerarkaas iyo inay soo gaaraan goobtii ay weerarka la damacsanaayeen.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan shaki ku jirin in arinkaas laga dheehan karo inay jirto cid amar iyo awood leh oo la shaqeysay kooxdaas, una fududeysay weerarkaas iyo inay halkaas soo gaaraan\u201d ayuu sii raaciyey.<\/p>\n<p>Ugu dambeyntii Cabdikariin ayaa hey\u2019adaha Amniga usoo jeediyey inay baaritaan dhab ah ku sameeyaan weerarkaan iyo ciddii fududeysay.<\/p>\n<p>\u201d Haddaba waxaan masuuliinta dowladda iyo madaxda laamaha amniga u soo jeedinayaa in arinkaas lagu sameeyo baaritaan dhab ah, hufan oo aad u qoto dheer, cid alla ciddii ay ku cadaatana sharciga la hor keeno\u201d ayuu warkiisa kusoo gabagabeeyey.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Qaar ka mid ah siyaasiyiin xilal hore soo maray, iyo qaar hadda xil ka haya dawladda Soomaaliya ayaa shaki geliyay in Al-Shabaab loo fududeeyay weerarkii ay xalay ku qaadeen HOTEL SYL ee magaalada Muqdisho. Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo mar soo noqday madaxweynaha maamulka Galmudug, ayaa kamid ah siyaasiyiinta ka hadlay weerarkaan wuxuuna ugu horeyn ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":139574,"comment_status":"closed","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"rop_custom_images_group":[],"rop_custom_messages_group":[],"rop_publish_now":"initial","rop_publish_now_accounts":{"facebook_10221280388112155_325455220908133":""},"rop_publish_now_history":[],"rop_publish_now_status":"pending","footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-139573","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-somali-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v25.6 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Cabdikariin Guuleed shaki kuma jiro in alshabaab loo fududeeyay weerarkii SYL - Wardoon<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/cabdikariin-guuleed-shaki-kuma-jiro-inalshabaab-loo-fududeeyay-weerarkii-syl\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Cabdikariin Guuleed shaki kuma jiro in alshabaab loo fududeeyay weerarkii SYL - Wardoon\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Qaar ka mid ah siyaasiyiin xilal hore soo maray, iyo qaar hadda xil ka haya dawladda Soomaaliya ayaa shaki geliyay in Al-Shabaab loo fududeeyay weerarkii ay xalay ku qaadeen HOTEL SYL ee magaalada Muqdisho. Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo mar soo noqday madaxweynaha maamulka Galmudug, ayaa kamid ah siyaasiyiinta ka hadlay weerarkaan wuxuuna ugu horeyn ka [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/cabdikariin-guuleed-shaki-kuma-jiro-inalshabaab-loo-fududeeyay-weerarkii-syl\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Wardoon\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2019-12-11T13:46:57+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2019-12-11T14:06:14+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/GULED-1.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"215\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"234\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"admin\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"admin\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"2 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/cabdikariin-guuleed-shaki-kuma-jiro-inalshabaab-loo-fududeeyay-weerarkii-syl\/\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/cabdikariin-guuleed-shaki-kuma-jiro-inalshabaab-loo-fududeeyay-weerarkii-syl\/\",\"name\":\"Cabdikariin Guuleed shaki kuma jiro in alshabaab loo fududeeyay weerarkii SYL - Wardoon\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/cabdikariin-guuleed-shaki-kuma-jiro-inalshabaab-loo-fududeeyay-weerarkii-syl\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/cabdikariin-guuleed-shaki-kuma-jiro-inalshabaab-loo-fududeeyay-weerarkii-syl\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/GULED-1.jpg\",\"datePublished\":\"2019-12-11T13:46:57+00:00\",\"dateModified\":\"2019-12-11T14:06:14+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/cabdikariin-guuleed-shaki-kuma-jiro-inalshabaab-loo-fududeeyay-weerarkii-syl\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"http:\/\/wardoon.net\/so\/cabdikariin-guuleed-shaki-kuma-jiro-inalshabaab-loo-fududeeyay-weerarkii-syl\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/cabdikariin-guuleed-shaki-kuma-jiro-inalshabaab-loo-fududeeyay-weerarkii-syl\/#primaryimage\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/GULED-1.jpg\",\"contentUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/GULED-1.jpg\",\"width\":215,\"height\":234},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/cabdikariin-guuleed-shaki-kuma-jiro-inalshabaab-loo-fududeeyay-weerarkii-syl\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Cabdikariin Guuleed shaki kuma jiro in alshabaab loo fududeeyay weerarkii SYL\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/\",\"name\":\"Wardoon\",\"description\":\"News Media\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\",\"name\":\"admin\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"admin\"},\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Cabdikariin Guuleed shaki kuma jiro in alshabaab loo fududeeyay weerarkii SYL - Wardoon","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"http:\/\/wardoon.net\/so\/cabdikariin-guuleed-shaki-kuma-jiro-inalshabaab-loo-fududeeyay-weerarkii-syl\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Cabdikariin Guuleed shaki kuma jiro in alshabaab loo fududeeyay weerarkii SYL - Wardoon","og_description":"Qaar ka mid ah siyaasiyiin xilal hore soo maray, iyo qaar hadda xil ka haya dawladda Soomaaliya ayaa shaki geliyay in Al-Shabaab loo fududeeyay weerarkii ay xalay ku qaadeen HOTEL SYL ee magaalada Muqdisho. Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo mar soo noqday madaxweynaha maamulka Galmudug, ayaa kamid ah siyaasiyiinta ka hadlay weerarkaan wuxuuna ugu horeyn ka [&hellip;]","og_url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/cabdikariin-guuleed-shaki-kuma-jiro-inalshabaab-loo-fududeeyay-weerarkii-syl\/","og_site_name":"Wardoon","article_published_time":"2019-12-11T13:46:57+00:00","article_modified_time":"2019-12-11T14:06:14+00:00","og_image":[{"width":215,"height":234,"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/GULED-1.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"admin","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"admin","Est. reading time":"2 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/cabdikariin-guuleed-shaki-kuma-jiro-inalshabaab-loo-fududeeyay-weerarkii-syl\/","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/cabdikariin-guuleed-shaki-kuma-jiro-inalshabaab-loo-fududeeyay-weerarkii-syl\/","name":"Cabdikariin Guuleed shaki kuma jiro in alshabaab loo fududeeyay weerarkii SYL - Wardoon","isPartOf":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/cabdikariin-guuleed-shaki-kuma-jiro-inalshabaab-loo-fududeeyay-weerarkii-syl\/#primaryimage"},"image":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/cabdikariin-guuleed-shaki-kuma-jiro-inalshabaab-loo-fududeeyay-weerarkii-syl\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/GULED-1.jpg","datePublished":"2019-12-11T13:46:57+00:00","dateModified":"2019-12-11T14:06:14+00:00","author":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28"},"breadcrumb":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/cabdikariin-guuleed-shaki-kuma-jiro-inalshabaab-loo-fududeeyay-weerarkii-syl\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["http:\/\/wardoon.net\/so\/cabdikariin-guuleed-shaki-kuma-jiro-inalshabaab-loo-fududeeyay-weerarkii-syl\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/cabdikariin-guuleed-shaki-kuma-jiro-inalshabaab-loo-fududeeyay-weerarkii-syl\/#primaryimage","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/GULED-1.jpg","contentUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/GULED-1.jpg","width":215,"height":234},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/cabdikariin-guuleed-shaki-kuma-jiro-inalshabaab-loo-fududeeyay-weerarkii-syl\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/wardoon.net\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Cabdikariin Guuleed shaki kuma jiro in alshabaab loo fududeeyay weerarkii SYL"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/","name":"Wardoon","description":"News Media","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28","name":"admin","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","caption":"admin"},"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/139573"}],"collection":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=139573"}],"version-history":[{"count":2,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/139573\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":139583,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/139573\/revisions\/139583"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/139574"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=139573"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=139573"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=139573"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}