{"id":141791,"date":"2020-02-05T00:58:11","date_gmt":"2020-02-04T21:58:11","guid":{"rendered":"http:\/\/wardoon.net\/?p=141791"},"modified":"2020-02-05T00:58:11","modified_gmt":"2020-02-04T21:58:11","slug":"midowga-yurub-oo-diiday-qorshaha-heshiiska-qarniga-uu-ku-dhawaaqay-trump","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/wardoon.net\/so\/midowga-yurub-oo-diiday-qorshaha-heshiiska-qarniga-uu-ku-dhawaaqay-trump\/","title":{"rendered":"Midowga Yurub oo diiday qorshaha Heshiiska Qarniga uu ku dhawaaqay Trump"},"content":{"rendered":"<p>Midowga Yurub ayaa diiday qeybo ka mid ah qorshaha Mareykanka ee nabadda Bariga Dhexe, ayaga oo sheegay inuu burinayo \u201cqaacidooyinka caalamiga ah ee la isku raacsan yahay,\u201d islamarkaana dhul kasta oo Falastiin ay leedahay oo Israel ay ku darsato uu noqon doono mid laga horyimaado.<\/p>\n<p>Qorshaha madaxweynaha Donald Trump uu ku dhowaaqay toddobaadkii tegay, oo loogu magac daray \u201cHeshiiska Qarniga\u201d, ayaa wxaaa si diiran usoo dhoweeyey Israel, waxaase ka hor-yimid Falastiiniyiinta. Waxa uu Israel siinayaa inta badan wixii ay sanado ku raadineysay dagaal, oo ay ku jiraan dhammaan dhulalkii Falastiin ee ay deegaanada ka sameysay.<\/p>\n<p>Midowga Yurub oo inta badan ay waqti dheer ku qaadato inay ka ajwaabaan arrimaha caalamiga ah, sababo la xiriira inay isku raacaan dhammaan 27-ka dal ee xubnaha ka ah ururka, ayaa toddobaadii tegay sheegay inay darsayaan qorshaha Trump, ka hor inta aysan go\u2019aan ku dhowaaqin.<\/p>\n<p>Waxay maanta ku dhowaaqeen go\u2019aankooda, ayada oo lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxda siyaadda arrimaha dibedda Josep Borrell.<\/p>\n<p>\u201cSi loo dhiso caddaalad iyo nabad waarta, arrimaha weli taagan ee aan la xalin waa in go\u2019aan looga gaaraa wada-hadallo u dhaxeeya labada dhinac,\u201d ayuu yiri Borell, isaga oo xusay xuduudaha dal Falastiin iyo maqaamka magaalada Qudus, iyo arrimaha kale ee weli lagu muransan yahay.<\/p>\n<p>\u201cHindisaha Mareykanka, sida lagu soo bandhigay 28-kii Janaayo, wuxuu ka tagayaa qaacidooyinka caalamiga ah ee la isku raacsan yahay,\u201d ayuu yiri Borell.<\/p>\n<p>Tallaabooyinka Israel ay ku qaadaneyso dhul Falastiin, \u201chaddii la fuliyo, ma noqon doonaan kuwa aan laga hor-iman,\u201d ayuu yiri Borell.<\/p>\n<p>Siyaasadda Midowga Yurub ee Bariga Dhexe ayaa inta badan ah mid ku dhisan taxaddar, maadaama ururkan ay ku jiraan dalal kala taageera Falastiin iyo Israel. Xubno ka mid ah ayaa Falastiin u aqoonsan dal, inkasta oo ururka uusan ku raacsaneyn, kuna baaqo in arrintan wada-hadla lagu xaliyo.<\/p>\n<p>Midowga Yurub wuxuu horey u cambaareeyey go\u2019aanka Trump uu 2017-kii Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israel.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/www.euronews.com\/2020\/02\/02\/eu-foreign-policy-chief-josep-borell-to-make-first-iran-visit\"><span style=\"color: #000080;\"><strong>HALKAN KA AQRI DIIDMADA MIDOWGA YURUB<\/strong><\/span><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Midowga Yurub ayaa diiday qeybo ka mid ah qorshaha Mareykanka ee nabadda Bariga Dhexe, ayaga oo sheegay inuu burinayo \u201cqaacidooyinka caalamiga ah ee la isku raacsan yahay,\u201d islamarkaana dhul kasta oo Falastiin ay leedahay oo Israel ay ku darsato uu noqon doono mid laga horyimaado. Qorshaha madaxweynaha Donald Trump uu ku dhowaaqay toddobaadkii tegay, oo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":141792,"comment_status":"closed","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"rop_custom_images_group":[],"rop_custom_messages_group":[],"rop_publish_now":"initial","rop_publish_now_accounts":{"facebook_10221280388112155_325455220908133":""},"rop_publish_now_history":[],"rop_publish_now_status":"pending","footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-141791","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-somali-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v25.6 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Midowga Yurub oo diiday qorshaha Heshiiska Qarniga uu ku dhawaaqay Trump - Wardoon<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/midowga-yurub-oo-diiday-qorshaha-heshiiska-qarniga-uu-ku-dhawaaqay-trump\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Midowga Yurub oo diiday qorshaha Heshiiska Qarniga uu ku dhawaaqay Trump - Wardoon\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Midowga Yurub ayaa diiday qeybo ka mid ah qorshaha Mareykanka ee nabadda Bariga Dhexe, ayaga oo sheegay inuu burinayo \u201cqaacidooyinka caalamiga ah ee la isku raacsan yahay,\u201d islamarkaana dhul kasta oo Falastiin ay leedahay oo Israel ay ku darsato uu noqon doono mid laga horyimaado. Qorshaha madaxweynaha Donald Trump uu ku dhowaaqay toddobaadkii tegay, oo [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/midowga-yurub-oo-diiday-qorshaha-heshiiska-qarniga-uu-ku-dhawaaqay-trump\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Wardoon\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2020-02-04T21:58:11+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/image.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"1116\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"628\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"admin\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"admin\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"2 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/midowga-yurub-oo-diiday-qorshaha-heshiiska-qarniga-uu-ku-dhawaaqay-trump\/\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/midowga-yurub-oo-diiday-qorshaha-heshiiska-qarniga-uu-ku-dhawaaqay-trump\/\",\"name\":\"Midowga Yurub oo diiday qorshaha Heshiiska Qarniga uu ku dhawaaqay Trump - Wardoon\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/midowga-yurub-oo-diiday-qorshaha-heshiiska-qarniga-uu-ku-dhawaaqay-trump\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/midowga-yurub-oo-diiday-qorshaha-heshiiska-qarniga-uu-ku-dhawaaqay-trump\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/image.jpg\",\"datePublished\":\"2020-02-04T21:58:11+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/midowga-yurub-oo-diiday-qorshaha-heshiiska-qarniga-uu-ku-dhawaaqay-trump\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"http:\/\/wardoon.net\/so\/midowga-yurub-oo-diiday-qorshaha-heshiiska-qarniga-uu-ku-dhawaaqay-trump\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/midowga-yurub-oo-diiday-qorshaha-heshiiska-qarniga-uu-ku-dhawaaqay-trump\/#primaryimage\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/image.jpg\",\"contentUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/image.jpg\",\"width\":1116,\"height\":628},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/midowga-yurub-oo-diiday-qorshaha-heshiiska-qarniga-uu-ku-dhawaaqay-trump\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Midowga Yurub oo diiday qorshaha Heshiiska Qarniga uu ku dhawaaqay Trump\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/\",\"name\":\"Wardoon\",\"description\":\"News Media\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\",\"name\":\"admin\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"admin\"},\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Midowga Yurub oo diiday qorshaha Heshiiska Qarniga uu ku dhawaaqay Trump - Wardoon","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"http:\/\/wardoon.net\/so\/midowga-yurub-oo-diiday-qorshaha-heshiiska-qarniga-uu-ku-dhawaaqay-trump\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Midowga Yurub oo diiday qorshaha Heshiiska Qarniga uu ku dhawaaqay Trump - Wardoon","og_description":"Midowga Yurub ayaa diiday qeybo ka mid ah qorshaha Mareykanka ee nabadda Bariga Dhexe, ayaga oo sheegay inuu burinayo \u201cqaacidooyinka caalamiga ah ee la isku raacsan yahay,\u201d islamarkaana dhul kasta oo Falastiin ay leedahay oo Israel ay ku darsato uu noqon doono mid laga horyimaado. Qorshaha madaxweynaha Donald Trump uu ku dhowaaqay toddobaadkii tegay, oo [&hellip;]","og_url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/midowga-yurub-oo-diiday-qorshaha-heshiiska-qarniga-uu-ku-dhawaaqay-trump\/","og_site_name":"Wardoon","article_published_time":"2020-02-04T21:58:11+00:00","og_image":[{"width":1116,"height":628,"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/image.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"admin","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"admin","Est. reading time":"2 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/midowga-yurub-oo-diiday-qorshaha-heshiiska-qarniga-uu-ku-dhawaaqay-trump\/","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/midowga-yurub-oo-diiday-qorshaha-heshiiska-qarniga-uu-ku-dhawaaqay-trump\/","name":"Midowga Yurub oo diiday qorshaha Heshiiska Qarniga uu ku dhawaaqay Trump - Wardoon","isPartOf":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/midowga-yurub-oo-diiday-qorshaha-heshiiska-qarniga-uu-ku-dhawaaqay-trump\/#primaryimage"},"image":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/midowga-yurub-oo-diiday-qorshaha-heshiiska-qarniga-uu-ku-dhawaaqay-trump\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/image.jpg","datePublished":"2020-02-04T21:58:11+00:00","author":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28"},"breadcrumb":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/midowga-yurub-oo-diiday-qorshaha-heshiiska-qarniga-uu-ku-dhawaaqay-trump\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["http:\/\/wardoon.net\/so\/midowga-yurub-oo-diiday-qorshaha-heshiiska-qarniga-uu-ku-dhawaaqay-trump\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/midowga-yurub-oo-diiday-qorshaha-heshiiska-qarniga-uu-ku-dhawaaqay-trump\/#primaryimage","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/image.jpg","contentUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/image.jpg","width":1116,"height":628},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/midowga-yurub-oo-diiday-qorshaha-heshiiska-qarniga-uu-ku-dhawaaqay-trump\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"http:\/\/wardoon.net\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Midowga Yurub oo diiday qorshaha Heshiiska Qarniga uu ku dhawaaqay Trump"}]},{"@type":"WebSite","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/","name":"Wardoon","description":"News Media","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28","name":"admin","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","caption":"admin"},"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/141791"}],"collection":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=141791"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/141791\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":141793,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/141791\/revisions\/141793"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/141792"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=141791"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=141791"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=141791"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}