{"id":145764,"date":"2020-05-18T23:30:29","date_gmt":"2020-05-18T20:30:29","guid":{"rendered":"http:\/\/wardoon.net\/?p=145764"},"modified":"2020-05-18T23:30:29","modified_gmt":"2020-05-18T20:30:29","slug":"turkiga-oo-kusoo-biiray-loolanka-yemen","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/wardoon.net\/so\/turkiga-oo-kusoo-biiray-loolanka-yemen\/","title":{"rendered":"Turkiga oo kusoo biiray loolanka Yemen"},"content":{"rendered":"<p>Dowlada Turkiga ayaa la sheegay in ay kordhineeyso joogitaankeeda dhulka xeebaha ah ee koofurta Yemen, si ay u ballaariso saldhigeeda marinka Baabul Mandeb, taasi oo wer-wer ku abuurtay Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta.<\/p>\n<p>Dhaq-dhaqaaqa Turkiga waxaa taageraya islamarkaana maal-gelinaya Dowladda Qatar oo u mareysa hogaanka siyaasadda iyo qabaa\u2019ilka Yemen ee xiriirka la leh dhaq-dhaqaaqa Ikhwaanul Muslimiin.<\/p>\n<p>\u201cDhaq-dhaqaaqa Turkiga ee Yemen oo gabi ahaanba si taxadar leh loo qariyay, hadda waxaa uu diiradda saarayaa saddex goobood oo ah aagga xeebaha Yemen: Shabwah, Socotra, iyo degmada al-Makha,\u201d ayaa lagu sheegay war uu daabacay wergeyska todobaadlaha ah ee Arab Weekly.<\/p>\n<p>Xubno ka tirsan sirdoonka Turkiga oo ka howlgala Shabwah, kuna shaqeeya magaca Hey\u2019adda gar gaarka ee Humanitarian Relief Foundation (IHH) iyo saameynta sii kordheeysa Ikhwaanul Muslimiin ay ku leeyihiin Yemen, ayuu wargeysku ka waramay.<\/p>\n<p>Waxaa uu wargeysku sheegay in Ikhwaanul Muslimiin ay rajeynayaan in ay la wareegan agga al-Alam ee Shabwah iyo dekedda Balhaf si ay uga faa\u2019iideystaan dhoofinta muhiimka ah ee gaaska iyo baahida loo qabo xeebtan oo looga maarmayo badda Carbeed.<\/p>\n<p>Dekedda Balhaf iyo dhul xeebedka kale ee koofurta Yemen waxaa ay muhiim u yihiin faragelinta Turkiga ee mustaqbalka iyo marsiinta shixnadda ka imaaneysa saldhigga military-ga Turkiga ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>Warbixintaan ayaa Turkiga waxa ay ku eedeeysay in uu uga sii darayo xiisadda Yemen isagoo cawimaad siinaya Gudoomiyaha Socotra Ramzi Mahrousi, taasi oo ay caddeyn u tahay booqasho qarsoodi ah oo uu ku tagay Istanbul, halkaas oo uu kula kulmay sarakiil ka tirsan sirdoonka Qatar iyo Turkiga iyo hogaamiyeyaasha Ikhwaanul Muslimiin.<\/p>\n<p>\u201cArrimahaan soo cusboonaaday waxa ay muujinayaan in Turkigu uu door weyn oo siyaasadeed ka qaadanayo koofurta Yemen isagoo umaraya garabka maxaliga ah ee Ikhwaanul Muslimiin, taasi oo sidoo kale hey\u2019adaha gar-gaarka Turkiga ka caawineysa in ay saameyn yeeshan,\u201d ayaa lagu sheegay warbixinta.<\/p>\n<p>\u201cXisbiga Islaax waxaa uu u taagan yahay in uu Hey\u2019addaha Turkiga, Dowladda iyo dhamman cid walba ee u shaqayneysa sida ururo kheyri ah in ay galaangal ku yeeshan magaalooyinka Yemen,\u201d sida uu sheegayo Maxamuud Al-Taahir oo taxliiliya siyasadda Yemen lana hadlay Wargeyska Arab Weekly.<\/p>\n<p>\u201cTurkigu waxaa uu doonayaa in uu kal-kaalo Ikhwaanul Muslimiinka Islamarkaana uu ku awood siiyo gudaha Yemen,\u201d ayuu Maxamuud hadalkiisa ku daray.<\/p>\n<p>Warbixintu waxaa ay sheegeysaa in saraakiil xiriir la leh Ikhwaanul Muslimiinka ay booqdeen Ankara si ay ugu ololeeyaan in xisbiga AKP ee Madaxweyne Erdogan uu door muuqda ku yeesho Yemen, gaar ahaan mal gelinta wadooyinka iyo dekedaha.<\/p>\n<p>Bartamihii bishii January, wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha ee Turkiga Ismaaciil Catakli ayaa booqday magaladda Caden, halkaas oo fadhi u ah Dowladda caalamku aqoonsanyahay ee Cabdu Rabbu Mansoor Haadi.<\/p>\n<p>Safarkiisu waxaa uu ku soo aaday, laba bilood kadib markii, Salax Al-Jabwani oo ahaa wasiirkii Gaadiidka xukuumadda Hadi uu booqday Turkiga sii ugala soo hadlo in Turkigu maareeyo dekedaha Yemen.<\/p>\n<p>Dhaq-dhaqaaqa xukuumadda Ankara ee Yemen waxaa uu qayb ka yahay ololeheeda ay ku ballaarineyso saameynteeda ilinka koofureed ee Badda Cas, sida uu wargeysku sheegayo.<\/p>\n<p>\u201cDadaaladda uu Turkigu ku kordhinayo joogitaankiisa Baabul Mandab oo ay marto saliida gacanka Persia ka hor inta aysan u gudbin Kanaalka Zues, waxaa ay khatar gelinayaan amniga dalalka carbeed ee gacanka Persia,\u201d ayey xustay warbixintu.<\/p>\n<p>Libya waa meel kale oo ay isku riixayaan Turkiga oo dhinac ah iyo Imaaradka iyo Sacuudi Carabiya oo dhinac kale ah.<\/p>\n<p>Sucuudi Carabiya, Imaaraadka iyo Masar waxaa ay taageerayaan Generalka fallaagada ah ee Khaliifa Haftar, halka Turkiguna uu kaabayo Dowladda caalamku aqoonsanyahay ee Libya.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowlada Turkiga ayaa la sheegay in ay kordhineeyso joogitaankeeda dhulka xeebaha ah ee koofurta Yemen, si ay u ballaariso saldhigeeda marinka Baabul Mandeb, taasi oo wer-wer ku abuurtay Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta. Dhaq-dhaqaaqa Turkiga waxaa taageraya islamarkaana maal-gelinaya Dowladda Qatar oo u mareysa hogaanka siyaasadda iyo qabaa\u2019ilka Yemen ee xiriirka la leh dhaq-dhaqaaqa Ikhwaanul Muslimiin. [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":145765,"comment_status":"closed","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"rop_custom_images_group":[],"rop_custom_messages_group":[],"rop_publish_now":"initial","rop_publish_now_accounts":{"facebook_10221280388112155_325455220908133":""},"rop_publish_now_history":[],"rop_publish_now_status":"pending","footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-145764","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-somali-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v25.6 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Turkiga oo kusoo biiray loolanka Yemen - Wardoon<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/turkiga-oo-kusoo-biiray-loolanka-yemen\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Turkiga oo kusoo biiray loolanka Yemen - Wardoon\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Dowlada Turkiga ayaa la sheegay in ay kordhineeyso joogitaankeeda dhulka xeebaha ah ee koofurta Yemen, si ay u ballaariso saldhigeeda marinka Baabul Mandeb, taasi oo wer-wer ku abuurtay Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta. Dhaq-dhaqaaqa Turkiga waxaa taageraya islamarkaana maal-gelinaya Dowladda Qatar oo u mareysa hogaanka siyaasadda iyo qabaa\u2019ilka Yemen ee xiriirka la leh dhaq-dhaqaaqa Ikhwaanul Muslimiin. [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/turkiga-oo-kusoo-biiray-loolanka-yemen\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Wardoon\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2020-05-18T20:30:29+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/05\/Erdogan-1.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"1200\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"800\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"admin\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"admin\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"3 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/turkiga-oo-kusoo-biiray-loolanka-yemen\/\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/turkiga-oo-kusoo-biiray-loolanka-yemen\/\",\"name\":\"Turkiga oo kusoo biiray loolanka Yemen - Wardoon\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/turkiga-oo-kusoo-biiray-loolanka-yemen\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/turkiga-oo-kusoo-biiray-loolanka-yemen\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/05\/Erdogan-1.jpg\",\"datePublished\":\"2020-05-18T20:30:29+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/turkiga-oo-kusoo-biiray-loolanka-yemen\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/wardoon.net\/so\/turkiga-oo-kusoo-biiray-loolanka-yemen\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/turkiga-oo-kusoo-biiray-loolanka-yemen\/#primaryimage\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/05\/Erdogan-1.jpg\",\"contentUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/05\/Erdogan-1.jpg\",\"width\":1200,\"height\":800},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/turkiga-oo-kusoo-biiray-loolanka-yemen\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Turkiga oo kusoo biiray loolanka Yemen\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/\",\"name\":\"Wardoon\",\"description\":\"News Media\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\",\"name\":\"admin\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"admin\"},\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Turkiga oo kusoo biiray loolanka Yemen - Wardoon","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/wardoon.net\/so\/turkiga-oo-kusoo-biiray-loolanka-yemen\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Turkiga oo kusoo biiray loolanka Yemen - Wardoon","og_description":"Dowlada Turkiga ayaa la sheegay in ay kordhineeyso joogitaankeeda dhulka xeebaha ah ee koofurta Yemen, si ay u ballaariso saldhigeeda marinka Baabul Mandeb, taasi oo wer-wer ku abuurtay Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta. Dhaq-dhaqaaqa Turkiga waxaa taageraya islamarkaana maal-gelinaya Dowladda Qatar oo u mareysa hogaanka siyaasadda iyo qabaa\u2019ilka Yemen ee xiriirka la leh dhaq-dhaqaaqa Ikhwaanul Muslimiin. [&hellip;]","og_url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/turkiga-oo-kusoo-biiray-loolanka-yemen\/","og_site_name":"Wardoon","article_published_time":"2020-05-18T20:30:29+00:00","og_image":[{"width":1200,"height":800,"url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/05\/Erdogan-1.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"admin","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"admin","Est. reading time":"3 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/turkiga-oo-kusoo-biiray-loolanka-yemen\/","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/turkiga-oo-kusoo-biiray-loolanka-yemen\/","name":"Turkiga oo kusoo biiray loolanka Yemen - Wardoon","isPartOf":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/turkiga-oo-kusoo-biiray-loolanka-yemen\/#primaryimage"},"image":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/turkiga-oo-kusoo-biiray-loolanka-yemen\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/05\/Erdogan-1.jpg","datePublished":"2020-05-18T20:30:29+00:00","author":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28"},"breadcrumb":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/turkiga-oo-kusoo-biiray-loolanka-yemen\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/wardoon.net\/so\/turkiga-oo-kusoo-biiray-loolanka-yemen\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/turkiga-oo-kusoo-biiray-loolanka-yemen\/#primaryimage","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/05\/Erdogan-1.jpg","contentUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/05\/Erdogan-1.jpg","width":1200,"height":800},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/turkiga-oo-kusoo-biiray-loolanka-yemen\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/wardoon.net\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Turkiga oo kusoo biiray loolanka Yemen"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/","name":"Wardoon","description":"News Media","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28","name":"admin","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","caption":"admin"},"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/145764"}],"collection":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=145764"}],"version-history":[{"count":2,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/145764\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":145767,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/145764\/revisions\/145767"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/145765"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=145764"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=145764"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=145764"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}