{"id":151684,"date":"2020-10-12T15:37:06","date_gmt":"2020-10-12T12:37:06","guid":{"rendered":"http:\/\/wardoon.net\/?p=151684"},"modified":"2020-10-12T15:38:56","modified_gmt":"2020-10-12T12:38:56","slug":"qm-oo-salaam-somali-bank-ku-eedeysay-inay-isticmaasho-al-shabaab","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/wardoon.net\/so\/qm-oo-salaam-somali-bank-ku-eedeysay-inay-isticmaasho-al-shabaab\/","title":{"rendered":"QM oo Salaam Somali Bank ku eedeysay inay isticmaasho\u2019 Al-Shabaab"},"content":{"rendered":"<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-151685\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/IMG_081EAE-FF4619-4F9104-688BB6-51A1B9-F749BC.png\" alt=\"\" width=\"2000\" height=\"1334\" srcset=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/IMG_081EAE-FF4619-4F9104-688BB6-51A1B9-F749BC.png 2000w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/IMG_081EAE-FF4619-4F9104-688BB6-51A1B9-F749BC-300x200.png 300w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/IMG_081EAE-FF4619-4F9104-688BB6-51A1B9-F749BC-1024x683.png 1024w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/IMG_081EAE-FF4619-4F9104-688BB6-51A1B9-F749BC-768x512.png 768w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/IMG_081EAE-FF4619-4F9104-688BB6-51A1B9-F749BC-1536x1025.png 1536w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/IMG_081EAE-FF4619-4F9104-688BB6-51A1B9-F749BC-696x464.png 696w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/IMG_081EAE-FF4619-4F9104-688BB6-51A1B9-F749BC-1068x712.png 1068w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/IMG_081EAE-FF4619-4F9104-688BB6-51A1B9-F749BC-630x420.png 630w\" sizes=\"(max-width: 2000px) 100vw, 2000px\" \/>Wargeyska New York Times, oo soo xiganaya warbixin kasoo baxday Golaha Ammaanka QM ayaa qoray in kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ay u adeegsadeen qaar ka mid ah Bankiyada Soomaaliya inay lacago ku kala wareegsadaan.<\/p>\n<p>Inkasta oo xayiraadaha Golaha Ammaanka lagu mamnuucay in hay\u2019adaha maaliyadda ay la macaamilaan Al-Shabaab, haddana warbixinta ayaa sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay heshay habab ay akoonada banki iyo adeegga lacagaha la isgu diro ee milobe-ka ugu adeegsandaan inay ku keydsadaan, ku kala gudbiyaan kuna sameystaan maal-gashi.<\/p>\n<p>Warbixinta ayaa waxaa soo saaray kooxda khubarada QM ee kormeerka Soomaaliya, waxaana helay New York Times ka hor inta aan si rasmi ah loo shaacin.<\/p>\n<p>Warbixinta ayaa heshay caddeymo muujinaya in howl-wadeeno ka tirsan Al-Shabaab ay lacago dhigteen islamarkaana ku kala gudbiyeen akoono ka tirsan bankiga Salaam Somali Bank, oo ka mid ah bankiyada ugu weyn dalka.<\/p>\n<p>Bankiga Salaam Somali Bank oo jawaab siiyey New York Times ayaa sheegay inaysan marnaba akoon u furin shaqsiyaad iyo hay\u2019ado ay saaran yihiin cunqabateeno, islamarkaana ay qaadeen tallaabo ka dhan ah akoonada laga shakisan yahay.<\/p>\n<p>Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa qiray awoodda ay Al-Shabaab u leedahay inay ka faa\u2019iideysato hanaanka bankiyada Soomaaliya.<\/p>\n<p>\u201cAl-Shabaab waxay hanaanka bankiyada Soomaaliya u adeegsadaan inay u sahlaan inay si deg deg ah ugu kala gudbiyaan uguna qeybiyaan lacagaha tirada badan, oo ay ku jirto goobaha aysan maamulin, taasi oo meesha ka saartay halistii ku qasbi lahayd inay lacagaha u kala gudbiyaan kaash ahaan,\u201d ayaa lagu yiri warbixinta.<\/p>\n<p>Warbixinta oo dabooleysa bishii December 2019 illaa August 2020 ayaa qorayaasheeda waxay ku heleen caddeymo muujinaya in Al-Shabaab ay mudadaas soo xareeyeen dakhli dhan 13 milyan oo dollar. Lacagtaas ayaa waxaa ku jira 2.4 milyan oo dollar oo laga ururiyey jidgooyooyin Al-Shabaab u yaalla Jubbooyika, halka 5.8 milyan oo dollar ay Al-Shabaab ka qaadeen ganacsatada iyo dekadda magaalada Kismaayo.<\/p>\n<p>Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in laba akoon oo ku xiran Al-Shabaab ay lacago ku shubeen xarumo ganacsi iyo hay\u2019ado alaabaha dhoofiya, lacagtaas oo gaareysa 3 milyan oo dollar.<\/p>\n<p>Afhayeen u hadlay Salaam Bank ayaa sheegay inay qaadeen tallaabooyin ka dhan ah dhowr akoon oo shaki uu soo galay ama sameeyey dhaq-dhaqaaqyo laga shakiyey.<\/p>\n<p>Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh ayaa qiray in Al-Shabaab ay si aan toos ahayn u adeegsadaan bankiyada.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan la kulmeynaa Bankiyada, anaga oo ku wargelin doonna halista ay ku sugan yihiin,\u201d ayuu yiri.<\/p>\n<p>Al-Shabaab ayaa la rumeysan yahay in magacyo kala duwan iyo shaqsiyaad aan ayaga ka tirsaneyn ku adeegsadaan inay Bankiyo u furaan, ayaga oo u hanjabaya, taaasi oo ku adkeyneysa bankiyada inay wax ka qabtaan.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/www.nytimes.com\/2020\/10\/11\/world\/africa\/feared-shabab-exploit-somali-banking-and-invest-in-real-estate-un-says.html\"><span style=\"color: #ff0000;\"><strong>HALKAN KA AQRI SHEEKADAN<\/strong><\/span><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wargeyska New York Times, oo soo xiganaya warbixin kasoo baxday Golaha Ammaanka QM ayaa qoray in kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ay u adeegsadeen qaar ka mid ah Bankiyada Soomaaliya inay lacago ku kala wareegsadaan. Inkasta oo xayiraadaha Golaha Ammaanka lagu mamnuucay in hay\u2019adaha maaliyadda ay la macaamilaan Al-Shabaab, haddana warbixinta ayaa sheegtay in kooxda Al-Shabaab [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":151685,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"rop_custom_images_group":[],"rop_custom_messages_group":[],"rop_publish_now":"initial","rop_publish_now_accounts":{"facebook_10221280388112155_325455220908133":""},"rop_publish_now_history":[],"rop_publish_now_status":"pending","footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-151684","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-somali-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v25.6 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>QM oo Salaam Somali Bank ku eedeysay inay isticmaasho\u2019 Al-Shabaab - Wardoon<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/qm-oo-salaam-somali-bank-ku-eedeysay-inay-isticmaasho-al-shabaab\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"QM oo Salaam Somali Bank ku eedeysay inay isticmaasho\u2019 Al-Shabaab - Wardoon\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Wargeyska New York Times, oo soo xiganaya warbixin kasoo baxday Golaha Ammaanka QM ayaa qoray in kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ay u adeegsadeen qaar ka mid ah Bankiyada Soomaaliya inay lacago ku kala wareegsadaan. Inkasta oo xayiraadaha Golaha Ammaanka lagu mamnuucay in hay\u2019adaha maaliyadda ay la macaamilaan Al-Shabaab, haddana warbixinta ayaa sheegtay in kooxda Al-Shabaab [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/qm-oo-salaam-somali-bank-ku-eedeysay-inay-isticmaasho-al-shabaab\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Wardoon\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2020-10-12T12:37:06+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2020-10-12T12:38:56+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/IMG_081EAE-FF4619-4F9104-688BB6-51A1B9-F749BC.png\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"2000\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"1334\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/png\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"admin\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"admin\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"2 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/qm-oo-salaam-somali-bank-ku-eedeysay-inay-isticmaasho-al-shabaab\/\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/qm-oo-salaam-somali-bank-ku-eedeysay-inay-isticmaasho-al-shabaab\/\",\"name\":\"QM oo Salaam Somali Bank ku eedeysay inay isticmaasho\u2019 Al-Shabaab - Wardoon\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/qm-oo-salaam-somali-bank-ku-eedeysay-inay-isticmaasho-al-shabaab\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/qm-oo-salaam-somali-bank-ku-eedeysay-inay-isticmaasho-al-shabaab\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/IMG_081EAE-FF4619-4F9104-688BB6-51A1B9-F749BC.png\",\"datePublished\":\"2020-10-12T12:37:06+00:00\",\"dateModified\":\"2020-10-12T12:38:56+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/qm-oo-salaam-somali-bank-ku-eedeysay-inay-isticmaasho-al-shabaab\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"http:\/\/wardoon.net\/so\/qm-oo-salaam-somali-bank-ku-eedeysay-inay-isticmaasho-al-shabaab\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/qm-oo-salaam-somali-bank-ku-eedeysay-inay-isticmaasho-al-shabaab\/#primaryimage\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/IMG_081EAE-FF4619-4F9104-688BB6-51A1B9-F749BC.png\",\"contentUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/IMG_081EAE-FF4619-4F9104-688BB6-51A1B9-F749BC.png\",\"width\":2000,\"height\":1334},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/qm-oo-salaam-somali-bank-ku-eedeysay-inay-isticmaasho-al-shabaab\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"QM oo Salaam Somali Bank ku eedeysay inay isticmaasho\u2019 Al-Shabaab\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/\",\"name\":\"Wardoon\",\"description\":\"News Media\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\",\"name\":\"admin\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"admin\"},\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"QM oo Salaam Somali Bank ku eedeysay inay isticmaasho\u2019 Al-Shabaab - Wardoon","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"http:\/\/wardoon.net\/so\/qm-oo-salaam-somali-bank-ku-eedeysay-inay-isticmaasho-al-shabaab\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"QM oo Salaam Somali Bank ku eedeysay inay isticmaasho\u2019 Al-Shabaab - Wardoon","og_description":"Wargeyska New York Times, oo soo xiganaya warbixin kasoo baxday Golaha Ammaanka QM ayaa qoray in kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ay u adeegsadeen qaar ka mid ah Bankiyada Soomaaliya inay lacago ku kala wareegsadaan. Inkasta oo xayiraadaha Golaha Ammaanka lagu mamnuucay in hay\u2019adaha maaliyadda ay la macaamilaan Al-Shabaab, haddana warbixinta ayaa sheegtay in kooxda Al-Shabaab [&hellip;]","og_url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/qm-oo-salaam-somali-bank-ku-eedeysay-inay-isticmaasho-al-shabaab\/","og_site_name":"Wardoon","article_published_time":"2020-10-12T12:37:06+00:00","article_modified_time":"2020-10-12T12:38:56+00:00","og_image":[{"width":2000,"height":1334,"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/IMG_081EAE-FF4619-4F9104-688BB6-51A1B9-F749BC.png","type":"image\/png"}],"author":"admin","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"admin","Est. reading time":"2 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/qm-oo-salaam-somali-bank-ku-eedeysay-inay-isticmaasho-al-shabaab\/","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/qm-oo-salaam-somali-bank-ku-eedeysay-inay-isticmaasho-al-shabaab\/","name":"QM oo Salaam Somali Bank ku eedeysay inay isticmaasho\u2019 Al-Shabaab - Wardoon","isPartOf":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/qm-oo-salaam-somali-bank-ku-eedeysay-inay-isticmaasho-al-shabaab\/#primaryimage"},"image":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/qm-oo-salaam-somali-bank-ku-eedeysay-inay-isticmaasho-al-shabaab\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/IMG_081EAE-FF4619-4F9104-688BB6-51A1B9-F749BC.png","datePublished":"2020-10-12T12:37:06+00:00","dateModified":"2020-10-12T12:38:56+00:00","author":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28"},"breadcrumb":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/qm-oo-salaam-somali-bank-ku-eedeysay-inay-isticmaasho-al-shabaab\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["http:\/\/wardoon.net\/so\/qm-oo-salaam-somali-bank-ku-eedeysay-inay-isticmaasho-al-shabaab\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/qm-oo-salaam-somali-bank-ku-eedeysay-inay-isticmaasho-al-shabaab\/#primaryimage","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/IMG_081EAE-FF4619-4F9104-688BB6-51A1B9-F749BC.png","contentUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/IMG_081EAE-FF4619-4F9104-688BB6-51A1B9-F749BC.png","width":2000,"height":1334},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/qm-oo-salaam-somali-bank-ku-eedeysay-inay-isticmaasho-al-shabaab\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"http:\/\/wardoon.net\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"QM oo Salaam Somali Bank ku eedeysay inay isticmaasho\u2019 Al-Shabaab"}]},{"@type":"WebSite","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/","name":"Wardoon","description":"News Media","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28","name":"admin","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","caption":"admin"},"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/151684"}],"collection":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=151684"}],"version-history":[{"count":3,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/151684\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":151688,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/151684\/revisions\/151688"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/151685"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=151684"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=151684"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=151684"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}