{"id":154566,"date":"2020-12-20T12:28:04","date_gmt":"2020-12-20T09:28:04","guid":{"rendered":"http:\/\/wardoon.net\/?p=154566"},"modified":"2020-12-20T12:28:27","modified_gmt":"2020-12-20T09:28:27","slug":"wararkii-ugu-dambeeyey-xadka-soomaaliya-iyo-kenya","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wararkii-ugu-dambeeyey-xadka-soomaaliya-iyo-kenya\/","title":{"rendered":"Wararkii ugu dambeeyey xadka Soomaaliya iyo Kenya"},"content":{"rendered":"<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-154568\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/Ciidamada1.jpg\" alt=\"\" width=\"640\" height=\"427\" srcset=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/Ciidamada1.jpg 640w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/Ciidamada1-300x200.jpg 300w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/Ciidamada1-630x420.jpg 630w\" sizes=\"(max-width: 640px) 100vw, 640px\" \/>Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee dhaca koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta dhaq-dhaqaaqyo culus oo iska soo horjeedo laga dareemayo xaduuda dheer ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.<\/p>\n<p>Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya ayaa lagu soo warramayaa inay dhaq-dhaqaaqyo milatari ka wadaan magaalooyinka Beledxaawo iyo Mandera oo ka kala tirsan labada dal.<\/p>\n<p>Wararkaayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyey dowladda Soomaaliya ciidamo badan ay geysay degmada Beledxaawo, kuwaas oo ka yimid dhinaca magaalooyinka Luuq iyo Duulow, si ay ugu biiraan, una xoojiyyaan ciidamada ku sugan halkaasi.<\/p>\n<p>Sidoo kale Kenya ayaa dhankeeda dhaq-dhaqaaqyo iyo abaabul xoogan ka wada dhinaca magaalada Mandera oo ka tirsan gobolka Waqooyi Bari, halkaas oo iyana lagu arkayo diyaarado dagaal, gaar ahaan nooca Helicopter-ka ah oo joog hoose ku duulaya.<br \/>\nXaaladda ayaa haatan aad u kacsan, iyadoona dadka deegaanka ee ku dhaqan xadka ay cabsi ka muujinayaan in dagaal uu ka dhaco halkaasi.<\/p>\n<p>Dhanka kale Maxamed Axmed Caraaye oo ah guddoomiye ku xigeenka magaalada Mandhera ayaa sheegay in xaaladda ay si adkaaneyso, islamarkaana shacabka ku nool labada magaallo ay saameyn ku yeesheen dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan labada dal.<\/p>\n<p>Caraaye oo BBC-da la hadlay ayaa ugu baaqay madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya inay wada-hadal u ku dhameeyaan xiisada u dhexeysa labada dowladood.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan ugu baaqayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta inay isku noqdaan oo xiriirka labada dal dib u soo celiyaan, wixii dhib jira wada hadal lagu xaliyo, awalba xuduuda waa xirnaa, balse waa la isu gudbi jiray xaalada waa sii adkaaneysaa,\u201dayuu yiri.<\/p>\n<p>Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada oo maanta dalka Jabuuti uu ka furmayo shirka Urur Goboleedka IGAD oo looga hadlayo khilaafka u dhexeeya Soomaaliya &amp; Kenya.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee dhaca koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta dhaq-dhaqaaqyo culus oo iska soo horjeedo laga dareemayo xaduuda dheer ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya. Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya ayaa lagu soo warramayaa inay dhaq-dhaqaaqyo milatari ka wadaan magaalooyinka Beledxaawo iyo Mandera oo ka kala tirsan labada dal. Wararkaayaa sheegaya [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":154568,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"rop_custom_images_group":[],"rop_custom_messages_group":[],"rop_publish_now":"initial","rop_publish_now_accounts":{"facebook_10221280388112155_325455220908133":""},"rop_publish_now_history":[],"rop_publish_now_status":"pending","footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-154566","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-somali-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v25.6 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Wararkii ugu dambeeyey xadka Soomaaliya iyo Kenya - Wardoon<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wararkii-ugu-dambeeyey-xadka-soomaaliya-iyo-kenya\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Wararkii ugu dambeeyey xadka Soomaaliya iyo Kenya - Wardoon\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee dhaca koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta dhaq-dhaqaaqyo culus oo iska soo horjeedo laga dareemayo xaduuda dheer ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya. Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya ayaa lagu soo warramayaa inay dhaq-dhaqaaqyo milatari ka wadaan magaalooyinka Beledxaawo iyo Mandera oo ka kala tirsan labada dal. Wararkaayaa sheegaya [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wararkii-ugu-dambeeyey-xadka-soomaaliya-iyo-kenya\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Wardoon\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2020-12-20T09:28:04+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2020-12-20T09:28:27+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/Ciidamada1.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"640\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"427\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"admin\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"admin\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"1 minute\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wararkii-ugu-dambeeyey-xadka-soomaaliya-iyo-kenya\/\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wararkii-ugu-dambeeyey-xadka-soomaaliya-iyo-kenya\/\",\"name\":\"Wararkii ugu dambeeyey xadka Soomaaliya iyo Kenya - Wardoon\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wararkii-ugu-dambeeyey-xadka-soomaaliya-iyo-kenya\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wararkii-ugu-dambeeyey-xadka-soomaaliya-iyo-kenya\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/Ciidamada1.jpg\",\"datePublished\":\"2020-12-20T09:28:04+00:00\",\"dateModified\":\"2020-12-20T09:28:27+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wararkii-ugu-dambeeyey-xadka-soomaaliya-iyo-kenya\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wararkii-ugu-dambeeyey-xadka-soomaaliya-iyo-kenya\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wararkii-ugu-dambeeyey-xadka-soomaaliya-iyo-kenya\/#primaryimage\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/Ciidamada1.jpg\",\"contentUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/Ciidamada1.jpg\",\"width\":640,\"height\":427},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wararkii-ugu-dambeeyey-xadka-soomaaliya-iyo-kenya\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Wararkii ugu dambeeyey xadka Soomaaliya iyo Kenya\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/\",\"name\":\"Wardoon\",\"description\":\"News Media\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\",\"name\":\"admin\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"admin\"},\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Wararkii ugu dambeeyey xadka Soomaaliya iyo Kenya - Wardoon","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wararkii-ugu-dambeeyey-xadka-soomaaliya-iyo-kenya\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Wararkii ugu dambeeyey xadka Soomaaliya iyo Kenya - Wardoon","og_description":"Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee dhaca koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta dhaq-dhaqaaqyo culus oo iska soo horjeedo laga dareemayo xaduuda dheer ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya. Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya ayaa lagu soo warramayaa inay dhaq-dhaqaaqyo milatari ka wadaan magaalooyinka Beledxaawo iyo Mandera oo ka kala tirsan labada dal. Wararkaayaa sheegaya [&hellip;]","og_url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wararkii-ugu-dambeeyey-xadka-soomaaliya-iyo-kenya\/","og_site_name":"Wardoon","article_published_time":"2020-12-20T09:28:04+00:00","article_modified_time":"2020-12-20T09:28:27+00:00","og_image":[{"width":640,"height":427,"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/Ciidamada1.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"admin","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"admin","Est. reading time":"1 minute"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wararkii-ugu-dambeeyey-xadka-soomaaliya-iyo-kenya\/","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wararkii-ugu-dambeeyey-xadka-soomaaliya-iyo-kenya\/","name":"Wararkii ugu dambeeyey xadka Soomaaliya iyo Kenya - Wardoon","isPartOf":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wararkii-ugu-dambeeyey-xadka-soomaaliya-iyo-kenya\/#primaryimage"},"image":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wararkii-ugu-dambeeyey-xadka-soomaaliya-iyo-kenya\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/Ciidamada1.jpg","datePublished":"2020-12-20T09:28:04+00:00","dateModified":"2020-12-20T09:28:27+00:00","author":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28"},"breadcrumb":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wararkii-ugu-dambeeyey-xadka-soomaaliya-iyo-kenya\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["http:\/\/wardoon.net\/so\/wararkii-ugu-dambeeyey-xadka-soomaaliya-iyo-kenya\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wararkii-ugu-dambeeyey-xadka-soomaaliya-iyo-kenya\/#primaryimage","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/Ciidamada1.jpg","contentUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/Ciidamada1.jpg","width":640,"height":427},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wararkii-ugu-dambeeyey-xadka-soomaaliya-iyo-kenya\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/wardoon.net\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Wararkii ugu dambeeyey xadka Soomaaliya iyo Kenya"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/","name":"Wardoon","description":"News Media","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28","name":"admin","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","caption":"admin"},"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/154566"}],"collection":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=154566"}],"version-history":[{"count":2,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/154566\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":154569,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/154566\/revisions\/154569"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/154568"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=154566"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=154566"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=154566"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}