{"id":155874,"date":"2021-01-27T13:00:02","date_gmt":"2021-01-27T10:00:02","guid":{"rendered":"http:\/\/wardoon.net\/?p=155874"},"modified":"2021-01-27T13:00:43","modified_gmt":"2021-01-27T10:00:43","slug":"df-soomaaliya-oo-jabuuti-ku-eedeysay-inay-kala-safatay-kenya-video","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/wardoon.net\/so\/df-soomaaliya-oo-jabuuti-ku-eedeysay-inay-kala-safatay-kenya-video\/","title":{"rendered":"DF Soomaaliya oo Jabuuti ku eedeysay inay kala safatay Kenya +VIDEO"},"content":{"rendered":"<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-155876\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/Farmaajo-iyo-Geelle.jpg\" alt=\"\" width=\"720\" height=\"479\" srcset=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/Farmaajo-iyo-Geelle.jpg 720w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/Farmaajo-iyo-Geelle-300x200.jpg 300w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/Farmaajo-iyo-Geelle-696x463.jpg 696w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/Farmaajo-iyo-Geelle-631x420.jpg 631w\" sizes=\"(max-width: 720px) 100vw, 720px\" \/>Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo shir jaraa\u2019id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in guddigii xaqiiqa raadinta ahaa ee loo diray xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, uu la saftay dowladda Kenya.<\/p>\n<p>Guddigaas oo laga iclaamiyey shirkii 20-kii bishii December ay madaxda IGAD ku yeesheen dalka Jabuuti ayaa loo diray xuduuda si loo baaro waxa ka jira cabashada Soomaaliya ee ah in Kenya ay jabhad ka abaabuleyso xuduuda ay wadaagaan labada dal.<\/p>\n<p>Guddiga oo shalay soo saaray warbixin ayaa sheegay in xuduuda aysan ku soo arkin wax cadeynaya sheegashada Soomaaliya ee ah in Kenya ay abaabuleyso jabhad weerarro uga fulisa gudaha Soomaaliya.<\/p>\n<p>Wasiir Dubbe ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay warbixintii guddiga, isagoo ku eedeeyey in aysan dhexdhaxaad aheyn oo ay soo saareen warbixin hal dhinac ah.<\/p>\n<p>\u201cMarkii uu xumaaday xiriirkii aan la laheyn Kenya waxaa la isugu tegay shirkii Jabuuti, waxaa lagu heshiiyey in guddi loo saaro arrinta, Soomaaliya way ku faraxday markii Jabuuti loo xil saaray baaritaankaas, warbixintii waa soo baxday, balse dowladda Soomaaliya waxuu ku noqday fajac iyo amakaag, wax kasta oo Soomaaliya ay dhibsatay oo ay ka dacwootay guddigu waxa uu ka dhigay waxba kama jiraa,\u201d ayuu yiri wasiir Dubbe.<\/p>\n<p>Waxa uu sheegay in guddigu uu Soomaaliya qaladka saaray, isla markaana ay qoreen in arrinta cilaaqaadka xumeysay ay tahay mid hore, haatana aysan jirin wax ka dhaxeeya labada dal oo aan aheyn arrinta badda.<\/p>\n<p>\u201cWarbixinta guddiga nuqul kasta waxaa ku qoran \u2018wasiirka difaaca Kenya ayaa noo sheegtay\u2019 dhaliisheenu waxay tahay hal dhinac ayey warkeeda qaateen, waana diiday guddigu inuu tago dhulka Soomaaliyeed oo laba jeer ayey gudaha Kenya ku noqdeen, waxaan ku bariran Beled-Xaawo u soo gudba waana diideen, mar ay Muqdisho noogu yimaadeen waxay sidoo kale waxay naga diideen inaan diyaarad ku qaadno oo Beled-Xaawo geyno, shaki ayaa markiiba na galay, hadana warxibintooda waxay ku soo aadiyeen dagaalkii Beled-Xaawo,\u201d ayuu hadalkiisa ku sii daray Dubbe.<\/p>\n<p>Wasiirka ayaa sheegay in ururka Midowga Afrika uu qiray in dagaalkii Beled-Xaawo uu u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Kenya, balse dowladda Jabuuti oo aan walaalo nahay ay intaas awoodi weysay.<\/p>\n<p>\u201cMarabo in arrintu naga noqoto Soomaaliya iyo Jabuuti, warkeenu waxuu ku kooban yahay warbixintaas qaldan, guddigu waa qaldami karaa oo waa bini\u2019aadan, laakiin Jabuuti waa walaaleheen aan soo korinay oo xornimadooda aan dhib badan u marnay,\u201d ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Aadan Dubbe.<\/p>\n<p>Xubnaha guddiga loo diray xuduuda oo ah 7-qof oo lix ka mid ah ay Jabuuti ka socdaan waxaa ka mid ah, Yacin Elmi Bouh, oo ah safiirka Jabuuti ee Kenya, Aden Hassan Aden, oo ah safiirka Jabuuti ee Soomaaliya, General Taher Ali Mohamed, Colonel Ali Aden Houmed, Colonel Mohamed Barkad Aden, iyo Taliye Houssein Idriss Egueh, oo ka wada tirsan ciidamada Jabuuti, iyo Taliye Abebe Muluneh, oo ah agaasimaha waaxda amniga ee IGAD.<\/p>\n<p><iframe loading=\"lazy\" src=\"https:\/\/www.youtube.com\/embed\/-zbX3049YdQ\" width=\"999\" height=\"562\" frameborder=\"0\" allowfullscreen=\"allowfullscreen\"><\/iframe><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo shir jaraa\u2019id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in guddigii xaqiiqa raadinta ahaa ee loo diray xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, uu la saftay dowladda Kenya. Guddigaas oo laga iclaamiyey shirkii 20-kii bishii December ay madaxda IGAD ku yeesheen dalka Jabuuti ayaa loo diray xuduuda si loo baaro waxa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":155876,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"rop_custom_images_group":[],"rop_custom_messages_group":[],"rop_publish_now":"initial","rop_publish_now_accounts":{"facebook_10221280388112155_325455220908133":""},"rop_publish_now_history":[],"rop_publish_now_status":"pending","footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-155874","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-somali-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v25.6 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>DF Soomaaliya oo Jabuuti ku eedeysay inay kala safatay Kenya +VIDEO - Wardoon<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/df-soomaaliya-oo-jabuuti-ku-eedeysay-inay-kala-safatay-kenya-video\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"DF Soomaaliya oo Jabuuti ku eedeysay inay kala safatay Kenya +VIDEO - Wardoon\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo shir jaraa\u2019id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in guddigii xaqiiqa raadinta ahaa ee loo diray xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, uu la saftay dowladda Kenya. Guddigaas oo laga iclaamiyey shirkii 20-kii bishii December ay madaxda IGAD ku yeesheen dalka Jabuuti ayaa loo diray xuduuda si loo baaro waxa [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/df-soomaaliya-oo-jabuuti-ku-eedeysay-inay-kala-safatay-kenya-video\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Wardoon\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2021-01-27T10:00:02+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2021-01-27T10:00:43+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/Farmaajo-iyo-Geelle.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"720\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"479\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"admin\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"admin\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"2 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/df-soomaaliya-oo-jabuuti-ku-eedeysay-inay-kala-safatay-kenya-video\/\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/df-soomaaliya-oo-jabuuti-ku-eedeysay-inay-kala-safatay-kenya-video\/\",\"name\":\"DF Soomaaliya oo Jabuuti ku eedeysay inay kala safatay Kenya +VIDEO - Wardoon\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/df-soomaaliya-oo-jabuuti-ku-eedeysay-inay-kala-safatay-kenya-video\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/df-soomaaliya-oo-jabuuti-ku-eedeysay-inay-kala-safatay-kenya-video\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/Farmaajo-iyo-Geelle.jpg\",\"datePublished\":\"2021-01-27T10:00:02+00:00\",\"dateModified\":\"2021-01-27T10:00:43+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/df-soomaaliya-oo-jabuuti-ku-eedeysay-inay-kala-safatay-kenya-video\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"http:\/\/wardoon.net\/so\/df-soomaaliya-oo-jabuuti-ku-eedeysay-inay-kala-safatay-kenya-video\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/df-soomaaliya-oo-jabuuti-ku-eedeysay-inay-kala-safatay-kenya-video\/#primaryimage\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/Farmaajo-iyo-Geelle.jpg\",\"contentUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/Farmaajo-iyo-Geelle.jpg\",\"width\":720,\"height\":479},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/df-soomaaliya-oo-jabuuti-ku-eedeysay-inay-kala-safatay-kenya-video\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"DF Soomaaliya oo Jabuuti ku eedeysay inay kala safatay Kenya +VIDEO\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/\",\"name\":\"Wardoon\",\"description\":\"News Media\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\",\"name\":\"admin\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"admin\"},\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"DF Soomaaliya oo Jabuuti ku eedeysay inay kala safatay Kenya +VIDEO - Wardoon","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"http:\/\/wardoon.net\/so\/df-soomaaliya-oo-jabuuti-ku-eedeysay-inay-kala-safatay-kenya-video\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"DF Soomaaliya oo Jabuuti ku eedeysay inay kala safatay Kenya +VIDEO - Wardoon","og_description":"Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo shir jaraa\u2019id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in guddigii xaqiiqa raadinta ahaa ee loo diray xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, uu la saftay dowladda Kenya. Guddigaas oo laga iclaamiyey shirkii 20-kii bishii December ay madaxda IGAD ku yeesheen dalka Jabuuti ayaa loo diray xuduuda si loo baaro waxa [&hellip;]","og_url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/df-soomaaliya-oo-jabuuti-ku-eedeysay-inay-kala-safatay-kenya-video\/","og_site_name":"Wardoon","article_published_time":"2021-01-27T10:00:02+00:00","article_modified_time":"2021-01-27T10:00:43+00:00","og_image":[{"width":720,"height":479,"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/Farmaajo-iyo-Geelle.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"admin","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"admin","Est. reading time":"2 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/df-soomaaliya-oo-jabuuti-ku-eedeysay-inay-kala-safatay-kenya-video\/","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/df-soomaaliya-oo-jabuuti-ku-eedeysay-inay-kala-safatay-kenya-video\/","name":"DF Soomaaliya oo Jabuuti ku eedeysay inay kala safatay Kenya +VIDEO - Wardoon","isPartOf":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/df-soomaaliya-oo-jabuuti-ku-eedeysay-inay-kala-safatay-kenya-video\/#primaryimage"},"image":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/df-soomaaliya-oo-jabuuti-ku-eedeysay-inay-kala-safatay-kenya-video\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/Farmaajo-iyo-Geelle.jpg","datePublished":"2021-01-27T10:00:02+00:00","dateModified":"2021-01-27T10:00:43+00:00","author":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28"},"breadcrumb":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/df-soomaaliya-oo-jabuuti-ku-eedeysay-inay-kala-safatay-kenya-video\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["http:\/\/wardoon.net\/so\/df-soomaaliya-oo-jabuuti-ku-eedeysay-inay-kala-safatay-kenya-video\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/df-soomaaliya-oo-jabuuti-ku-eedeysay-inay-kala-safatay-kenya-video\/#primaryimage","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/Farmaajo-iyo-Geelle.jpg","contentUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/Farmaajo-iyo-Geelle.jpg","width":720,"height":479},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/df-soomaaliya-oo-jabuuti-ku-eedeysay-inay-kala-safatay-kenya-video\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"http:\/\/wardoon.net\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"DF Soomaaliya oo Jabuuti ku eedeysay inay kala safatay Kenya +VIDEO"}]},{"@type":"WebSite","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/","name":"Wardoon","description":"News Media","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28","name":"admin","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","caption":"admin"},"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/155874"}],"collection":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=155874"}],"version-history":[{"count":2,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/155874\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":155877,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/155874\/revisions\/155877"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/155876"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=155874"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=155874"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=155874"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}