{"id":155978,"date":"2021-01-30T13:46:51","date_gmt":"2021-01-30T10:46:51","guid":{"rendered":"http:\/\/wardoon.net\/?p=155978"},"modified":"2021-01-30T13:46:51","modified_gmt":"2021-01-30T10:46:51","slug":"kenya-oo-shuruud-kuxirtay-kala-bixitaanka-ciidanka-ka-jooga-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/wardoon.net\/so\/kenya-oo-shuruud-kuxirtay-kala-bixitaanka-ciidanka-ka-jooga-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Kenya oo shuruud kuxirtay kala bixitaanka ciidanka ka jooga Soomaaliya"},"content":{"rendered":"<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-155979\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/Monica.jpg\" alt=\"\" width=\"960\" height=\"600\" srcset=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/Monica.jpg 960w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/Monica-300x188.jpg 300w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/Monica-768x480.jpg 768w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/Monica-696x435.jpg 696w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/Monica-672x420.jpg 672w\" sizes=\"(max-width: 960px) 100vw, 960px\" \/><\/p>\n<p>Dowladda Kenya ayaa ka hadashay hadal hayn maalmihii dambe taagneyd, taasi oo la xiriirtay ciidamadeeda ka jooga Soomaaliya ee qeybta ka ah howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM.<\/p>\n<p>Wasiirka difaaca dalka Kenya, Monica Juma ayaa sheegtay in xukuumadeedu aysan laheyn go\u2019aan ka gaarida inay la baxaan ciidamadooda ka jooga Soomaaliya, balse ay arrintaasi ku dhici karto heshiis la wada-gaaro, sida ay hadalka u dhigtay.<\/p>\n<p>\u201cIn Ciidamada Kenya ka baxaan Soomaaliya xilligaan ma go\u2019aamin karno waa in uu ka yimaadaa Midowga Afrika, mana ahan mid quseeya xiriirka xumaaday ee labada dale e Soomaaliya iyo Kenya,\u201d ayey tiri Monica Juma.<\/p>\n<p>Waxay carabka ku adkeysay in arrinta la bixida ciidamada aysan marnaba quseyn xiriirka sii xumaaday ee labada dal, kaasi oo keenay in dowladda federaalka ay xiriirka diblumaasiyadeed u jarto xukuumadda Nairobi, oo ay ku eedeysay faro-gelin ka dhan ah arrimaha gudaha dalka.<\/p>\n<p>Munica ayaa sidoo kale waxay warbaahinta u sheegtay in go\u2019aanka kama dambeysta ah ee ciidamada Kenya looga saarayo Soomaaliya ay waajib tahay inay qaraar ku ansixiso Qaramada Midoobay.<\/p>\n<p>Ciidamada Kenya ee jooga gudaha Soomaaliya ayaa tiradooda lagu qiyaasa ku dhawaad saddex kun oo Askari, kuwaasi oo qeyb ka ah la dagaalanka argagixisada, waxayna inta badan weeraro kala kulmaan kooxda Al-Shabaab.<\/p>\n<p>Si kastaba, hadalkan ayaa imanay xili uu sii xumaaday xiriirka labada dal, taasi oo keentay hadal hayn ku aadan in Kenya ay ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya, kadib markii dowladda federaalka ay ceyrisay safiirkeedii, isla markaana u jartay xiriirkii diblumaasiyadeed.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Kenya ayaa ka hadashay hadal hayn maalmihii dambe taagneyd, taasi oo la xiriirtay ciidamadeeda ka jooga Soomaaliya ee qeybta ka ah howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM. Wasiirka difaaca dalka Kenya, Monica Juma ayaa sheegtay in xukuumadeedu aysan laheyn go\u2019aan ka gaarida inay la baxaan ciidamadooda ka jooga Soomaaliya, balse ay arrintaasi ku dhici karto [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":155979,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"rop_custom_images_group":[],"rop_custom_messages_group":[],"rop_publish_now":"initial","rop_publish_now_accounts":{"facebook_10221280388112155_325455220908133":""},"rop_publish_now_history":[],"rop_publish_now_status":"pending","footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-155978","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-somali-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v25.6 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Kenya oo shuruud kuxirtay kala bixitaanka ciidanka ka jooga Soomaaliya - Wardoon<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/kenya-oo-shuruud-kuxirtay-kala-bixitaanka-ciidanka-ka-jooga-soomaaliya\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Kenya oo shuruud kuxirtay kala bixitaanka ciidanka ka jooga Soomaaliya - Wardoon\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Dowladda Kenya ayaa ka hadashay hadal hayn maalmihii dambe taagneyd, taasi oo la xiriirtay ciidamadeeda ka jooga Soomaaliya ee qeybta ka ah howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM. Wasiirka difaaca dalka Kenya, Monica Juma ayaa sheegtay in xukuumadeedu aysan laheyn go\u2019aan ka gaarida inay la baxaan ciidamadooda ka jooga Soomaaliya, balse ay arrintaasi ku dhici karto [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/kenya-oo-shuruud-kuxirtay-kala-bixitaanka-ciidanka-ka-jooga-soomaaliya\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Wardoon\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2021-01-30T10:46:51+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/Monica.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"960\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"600\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"admin\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"admin\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"1 minute\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/kenya-oo-shuruud-kuxirtay-kala-bixitaanka-ciidanka-ka-jooga-soomaaliya\/\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/kenya-oo-shuruud-kuxirtay-kala-bixitaanka-ciidanka-ka-jooga-soomaaliya\/\",\"name\":\"Kenya oo shuruud kuxirtay kala bixitaanka ciidanka ka jooga Soomaaliya - Wardoon\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/kenya-oo-shuruud-kuxirtay-kala-bixitaanka-ciidanka-ka-jooga-soomaaliya\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/kenya-oo-shuruud-kuxirtay-kala-bixitaanka-ciidanka-ka-jooga-soomaaliya\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/Monica.jpg\",\"datePublished\":\"2021-01-30T10:46:51+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/kenya-oo-shuruud-kuxirtay-kala-bixitaanka-ciidanka-ka-jooga-soomaaliya\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"http:\/\/wardoon.net\/so\/kenya-oo-shuruud-kuxirtay-kala-bixitaanka-ciidanka-ka-jooga-soomaaliya\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/kenya-oo-shuruud-kuxirtay-kala-bixitaanka-ciidanka-ka-jooga-soomaaliya\/#primaryimage\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/Monica.jpg\",\"contentUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/Monica.jpg\",\"width\":960,\"height\":600},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/kenya-oo-shuruud-kuxirtay-kala-bixitaanka-ciidanka-ka-jooga-soomaaliya\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Kenya oo shuruud kuxirtay kala bixitaanka ciidanka ka jooga Soomaaliya\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/\",\"name\":\"Wardoon\",\"description\":\"News Media\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\",\"name\":\"admin\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"admin\"},\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Kenya oo shuruud kuxirtay kala bixitaanka ciidanka ka jooga Soomaaliya - Wardoon","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"http:\/\/wardoon.net\/so\/kenya-oo-shuruud-kuxirtay-kala-bixitaanka-ciidanka-ka-jooga-soomaaliya\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Kenya oo shuruud kuxirtay kala bixitaanka ciidanka ka jooga Soomaaliya - Wardoon","og_description":"Dowladda Kenya ayaa ka hadashay hadal hayn maalmihii dambe taagneyd, taasi oo la xiriirtay ciidamadeeda ka jooga Soomaaliya ee qeybta ka ah howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM. Wasiirka difaaca dalka Kenya, Monica Juma ayaa sheegtay in xukuumadeedu aysan laheyn go\u2019aan ka gaarida inay la baxaan ciidamadooda ka jooga Soomaaliya, balse ay arrintaasi ku dhici karto [&hellip;]","og_url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/kenya-oo-shuruud-kuxirtay-kala-bixitaanka-ciidanka-ka-jooga-soomaaliya\/","og_site_name":"Wardoon","article_published_time":"2021-01-30T10:46:51+00:00","og_image":[{"width":960,"height":600,"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/Monica.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"admin","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"admin","Est. reading time":"1 minute"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/kenya-oo-shuruud-kuxirtay-kala-bixitaanka-ciidanka-ka-jooga-soomaaliya\/","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/kenya-oo-shuruud-kuxirtay-kala-bixitaanka-ciidanka-ka-jooga-soomaaliya\/","name":"Kenya oo shuruud kuxirtay kala bixitaanka ciidanka ka jooga Soomaaliya - Wardoon","isPartOf":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/kenya-oo-shuruud-kuxirtay-kala-bixitaanka-ciidanka-ka-jooga-soomaaliya\/#primaryimage"},"image":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/kenya-oo-shuruud-kuxirtay-kala-bixitaanka-ciidanka-ka-jooga-soomaaliya\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/Monica.jpg","datePublished":"2021-01-30T10:46:51+00:00","author":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28"},"breadcrumb":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/kenya-oo-shuruud-kuxirtay-kala-bixitaanka-ciidanka-ka-jooga-soomaaliya\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["http:\/\/wardoon.net\/so\/kenya-oo-shuruud-kuxirtay-kala-bixitaanka-ciidanka-ka-jooga-soomaaliya\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/kenya-oo-shuruud-kuxirtay-kala-bixitaanka-ciidanka-ka-jooga-soomaaliya\/#primaryimage","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/Monica.jpg","contentUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/Monica.jpg","width":960,"height":600},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/kenya-oo-shuruud-kuxirtay-kala-bixitaanka-ciidanka-ka-jooga-soomaaliya\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"http:\/\/wardoon.net\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Kenya oo shuruud kuxirtay kala bixitaanka ciidanka ka jooga Soomaaliya"}]},{"@type":"WebSite","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/","name":"Wardoon","description":"News Media","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28","name":"admin","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","caption":"admin"},"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/155978"}],"collection":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=155978"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/155978\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":155980,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/155978\/revisions\/155980"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/155979"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=155978"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=155978"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=155978"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}