{"id":157933,"date":"2021-03-17T22:59:56","date_gmt":"2021-03-17T19:59:56","guid":{"rendered":"http:\/\/wardoon.net\/?p=157933"},"modified":"2021-03-17T22:59:56","modified_gmt":"2021-03-17T19:59:56","slug":"dhagayso-james-swan-oo-kahadlaya-doorashooyinka-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/wardoon.net\/so\/dhagayso-james-swan-oo-kahadlaya-doorashooyinka-soomaaliya\/","title":{"rendered":"DHAGAYSO James Swan oo kahadlaya doorashooyinka Soomaaliya"},"content":{"rendered":"<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-157934\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/Capture-25.png\" alt=\"\" width=\"920\" height=\"571\" srcset=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/Capture-25.png 920w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/Capture-25-300x186.png 300w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/Capture-25-768x477.png 768w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/Capture-25-356x220.png 356w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/Capture-25-696x432.png 696w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/Capture-25-677x420.png 677w\" sizes=\"(max-width: 920px) 100vw, 920px\" \/>Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa si faahfaahsan uga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, sida doorashooyinka iyo khilaafka weli ka taagan, isku dhacyadii dhawaan ka dhashay banaanbaxyadii dhicisoobay ee ka dhacay Muqdisho iyo hadafka guud ee Qaramada Midoobey ee ku aaddan hayaanka dowladnimada Soomaaliya.<\/p>\n<p>Qeybtaan waxaan ku soo qaadeyneynaa intii uu James Swan ka yiri doorashooyinka Soomaaliya oo weli is mari waa xooggan uu ka taagan yahay.<\/p>\n<p>James Swan oo wareysigaan siiyey VOA Somali ayaa ugu horeyn sheegey in kulanka la filayo inay Muqdisho ku yeeshaan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada uu yahay mid muhiim u ah mustaqbalka Soomaaliya iyo heshiis laga gaaro muranka hanaanka doorashooyinka dalka.<\/p>\n<p>\u201cInkastoo aan ka niyad jabay doorashada Soomaaliya in aysan ku dhici doonin nidaamkii dastuurku dhigayey ee qof iyo cod, oo laga gaari waayey, hadana muhiim ayey aheyd in heshiis laga gaaro doorashada, sababtoo ah hadda waxaa la joogaa waqtigii shaqa hufan la qaban lahaa, waxaa la joogaa waqtigii la gaari lahaa heshiis kama dambeys ah, si horay loogu dhaqaaqo fulinta hanaankii lagu heshiiyey,\u201d ayuu yiri James Swan.<\/p>\n<p>Mar wax laga weydiiyey raja xumada dadka Soomaaliyeed ay ka muujinayaan qabsoomida shir kale oo ay isugu yimaadaan madaxda Soomaalida waxuu ku jawaabay.<\/p>\n<p>\u201cHoggaamiyeyaasha iyo siyaasiyiinta Soomaalidu waxay u leeyihiin dhaqan soo jireen ah oo ah inay isku yimaadaan oo ay ka wadahadlaan oo ay gaaraan go\u2019aano wadajir ah, waxaan baaqi ku sii ahaan doonaa kalsoonida aan ku qabno in madaxda Soomaalidu wadahadlaan, oo wax ku heshiiyaan, kuna dhaqaaqaan fulinta heshiiskaas,\u201d ayuu yiri James Swan.<\/p>\n<p>Dhankooda waxa uu balan qaaday inay sii wadi doonaan xiriirrada ay la leeyihiin mas\u2019uuliyiin muhiimka u ah hanaanka doorashooyinka Soomaaliya, kuwaas oo uu ka xusay Madaxweye Farmaajo, R\/Wasaare Rooble, hoggaamiyaasha maamul goboleedyada, madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan xusayaa inay dooneyno inaan Soomaalida siino taageero dhanka dhaqaalaha ah, taas waxaa naga codsaday xafiiska ra\u2019iisul wasaaraha, waxaana ku raacay xafiiska madaxweynaha, waxaan diyaarineynaa Teendho ama Hool ku yaalla garoonka diyaaradaha, waxaana bixin doonaa dhaqaalaha gobollada dalka looga keenayo ergooyinka maamul goboleedyada dalka, sidoo kale AMISOM waxaan kala shaqeyneynaa sugidda ammaanka, marka waxaan rajeynayaa in wada-hadalladani ay sii socdaan, iyaga oo ka dhacaya meel ammaan ah, sida ay isku raaceen madaxda Soomaalida,\u201d ayuu yiri Ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya.<\/p>\n<p><iframe loading=\"lazy\" src=\"https:\/\/www.voasomali.com\/embed\/player\/0\/5818409.html?type=audio\" width=\"100%\" height=\"144\" frameborder=\"0\" scrolling=\"no\" allowfullscreen=\"allowfullscreen\"><\/iframe><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa si faahfaahsan uga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, sida doorashooyinka iyo khilaafka weli ka taagan, isku dhacyadii dhawaan ka dhashay banaanbaxyadii dhicisoobay ee ka dhacay Muqdisho iyo hadafka guud ee Qaramada Midoobey ee ku aaddan hayaanka dowladnimada Soomaaliya. Qeybtaan waxaan ku soo qaadeyneynaa intii uu James Swan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":157934,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"rop_custom_images_group":[],"rop_custom_messages_group":[],"rop_publish_now":"initial","rop_publish_now_accounts":{"facebook_10221280388112155_325455220908133":""},"rop_publish_now_history":[],"rop_publish_now_status":"pending","footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-157933","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-somali-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v25.6 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>DHAGAYSO James Swan oo kahadlaya doorashooyinka Soomaaliya - Wardoon<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/dhagayso-james-swan-oo-kahadlaya-doorashooyinka-soomaaliya\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"DHAGAYSO James Swan oo kahadlaya doorashooyinka Soomaaliya - Wardoon\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa si faahfaahsan uga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, sida doorashooyinka iyo khilaafka weli ka taagan, isku dhacyadii dhawaan ka dhashay banaanbaxyadii dhicisoobay ee ka dhacay Muqdisho iyo hadafka guud ee Qaramada Midoobey ee ku aaddan hayaanka dowladnimada Soomaaliya. Qeybtaan waxaan ku soo qaadeyneynaa intii uu James Swan [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/dhagayso-james-swan-oo-kahadlaya-doorashooyinka-soomaaliya\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Wardoon\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2021-03-17T19:59:56+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/Capture-25.png\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"920\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"571\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/png\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"admin\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"admin\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"2 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/dhagayso-james-swan-oo-kahadlaya-doorashooyinka-soomaaliya\/\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/dhagayso-james-swan-oo-kahadlaya-doorashooyinka-soomaaliya\/\",\"name\":\"DHAGAYSO James Swan oo kahadlaya doorashooyinka Soomaaliya - Wardoon\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/dhagayso-james-swan-oo-kahadlaya-doorashooyinka-soomaaliya\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/dhagayso-james-swan-oo-kahadlaya-doorashooyinka-soomaaliya\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/Capture-25.png\",\"datePublished\":\"2021-03-17T19:59:56+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/dhagayso-james-swan-oo-kahadlaya-doorashooyinka-soomaaliya\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/wardoon.net\/so\/dhagayso-james-swan-oo-kahadlaya-doorashooyinka-soomaaliya\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/dhagayso-james-swan-oo-kahadlaya-doorashooyinka-soomaaliya\/#primaryimage\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/Capture-25.png\",\"contentUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/Capture-25.png\",\"width\":920,\"height\":571},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/dhagayso-james-swan-oo-kahadlaya-doorashooyinka-soomaaliya\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"DHAGAYSO James Swan oo kahadlaya doorashooyinka Soomaaliya\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/\",\"name\":\"Wardoon\",\"description\":\"News Media\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\",\"name\":\"admin\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"admin\"},\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"DHAGAYSO James Swan oo kahadlaya doorashooyinka Soomaaliya - Wardoon","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/wardoon.net\/so\/dhagayso-james-swan-oo-kahadlaya-doorashooyinka-soomaaliya\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"DHAGAYSO James Swan oo kahadlaya doorashooyinka Soomaaliya - Wardoon","og_description":"Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa si faahfaahsan uga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, sida doorashooyinka iyo khilaafka weli ka taagan, isku dhacyadii dhawaan ka dhashay banaanbaxyadii dhicisoobay ee ka dhacay Muqdisho iyo hadafka guud ee Qaramada Midoobey ee ku aaddan hayaanka dowladnimada Soomaaliya. Qeybtaan waxaan ku soo qaadeyneynaa intii uu James Swan [&hellip;]","og_url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/dhagayso-james-swan-oo-kahadlaya-doorashooyinka-soomaaliya\/","og_site_name":"Wardoon","article_published_time":"2021-03-17T19:59:56+00:00","og_image":[{"width":920,"height":571,"url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/Capture-25.png","type":"image\/png"}],"author":"admin","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"admin","Est. reading time":"2 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/dhagayso-james-swan-oo-kahadlaya-doorashooyinka-soomaaliya\/","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/dhagayso-james-swan-oo-kahadlaya-doorashooyinka-soomaaliya\/","name":"DHAGAYSO James Swan oo kahadlaya doorashooyinka Soomaaliya - Wardoon","isPartOf":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/dhagayso-james-swan-oo-kahadlaya-doorashooyinka-soomaaliya\/#primaryimage"},"image":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/dhagayso-james-swan-oo-kahadlaya-doorashooyinka-soomaaliya\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/Capture-25.png","datePublished":"2021-03-17T19:59:56+00:00","author":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28"},"breadcrumb":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/dhagayso-james-swan-oo-kahadlaya-doorashooyinka-soomaaliya\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/wardoon.net\/so\/dhagayso-james-swan-oo-kahadlaya-doorashooyinka-soomaaliya\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/dhagayso-james-swan-oo-kahadlaya-doorashooyinka-soomaaliya\/#primaryimage","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/Capture-25.png","contentUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/Capture-25.png","width":920,"height":571},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/dhagayso-james-swan-oo-kahadlaya-doorashooyinka-soomaaliya\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/wardoon.net\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"DHAGAYSO James Swan oo kahadlaya doorashooyinka Soomaaliya"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/","name":"Wardoon","description":"News Media","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28","name":"admin","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","caption":"admin"},"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/157933"}],"collection":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=157933"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/157933\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":157935,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/157933\/revisions\/157935"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/157934"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=157933"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=157933"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=157933"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}