{"id":165849,"date":"2021-12-23T17:33:42","date_gmt":"2021-12-23T14:33:42","guid":{"rendered":"http:\/\/wardoon.net\/?p=165849"},"modified":"2021-12-23T17:33:42","modified_gmt":"2021-12-23T14:33:42","slug":"daawo-isimada-puntland-ayaa-sii-fogeeyay-colaada-boosaaso","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-isimada-puntland-ayaa-sii-fogeeyay-colaada-boosaaso\/","title":{"rendered":"DAAWO:-Isimada Puntland ayaa sii fogeeyay colaada Boosaaso"},"content":{"rendered":"<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-165850\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/thumbnail.jpeg\" alt=\"\" width=\"660\" height=\"364\" srcset=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/thumbnail.jpeg 660w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/thumbnail-300x165.jpeg 300w\" sizes=\"(max-width: 660px) 100vw, 660px\" \/><\/p>\n<p>Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa si adag uga hadlay xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Boosaaso, taasi oo u dhaxeysa ciidamada PSF iyo kuwa Puntland.<\/p>\n<p>Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay in Isimada dhaqanka Puntland ee ku sugan Boosaaso ay qeyb ka yihiin colaadda Boosaaso, islamarkaana ay sii huriyeen, kadib qoraalkii ay kasoo saareen dagaalka.<\/p>\n<p>\u201cIsimadii qoraalka soo saaray iyagaa wax sii fogeeyay, ma aysan qaadan doorkii ay lahaayeen. Waxaad moodaa inay isku ku qasan yihiin doorka ay leeyihiin Isimada iyo doorka dowladda,\u201d ayuu yiri Cabdiraxmaan Faroole.<\/p>\n<p>Sidoo kale waxa uu ku dhaliilay qaabka ay Isimada u wajaheen xiisadda dagaal ee ka dhex aloosan Saraakiisha ciidamada PSF iyo maamulka Puntland oo uu hogaamiyo Saciid Deni.<\/p>\n<p>Faroole ayaa si adag uga soo horjeedeystay in Isimada ay door ku yeeshaan arrimaha siyaasadda iyo maamulka, maadama uu ku dooday in doorkooda uu yahay keliya inay sulux wax ku xaliyaan.<\/p>\n<p>Isimada dhaqanka Puntland ee ku sugan Boosaaso ayaa bayaan ay kasoo saartay xiisadda dagaal ee ka taagan magaaladaasi, ku baaqay in xabadda la joojiyo si shuruud la\u2019aan ah, islamarkaana loo turo shacabka.<\/p>\n<p>Inkasta oo uu Faroole si cad u sheegen waxa ay xiisadda dagaal ku huriyeen Isimada, haddana waxa uu si weyn u dhaliilay qaabka ay ku wajaheen xiisadaas, oo ayadu ka dhalatay xil ka qaadis lagu sameeyay agaasimihii hay\u2019adda PSF.<\/p>\n<p>Hadalkan ayaa imanaya xili ay baaq nabadeed soo jeediyeen siyaasiyiin uu qeyb ka yahay Faroole iyo siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda Puntland, sida Cabdwali Gaas iyo Cumar Cabdirashiid, oo shalay kulan ku yeeshay magaalada Nairobi.<\/p>\n<p>Sidoo kale waxay si wada-jir ah u sheegen inay sharci tahay wareegtadii uu madaxweyne Deni xilka uga qaaday agaasimaha PSF, maadama uu xika yahay meerto, sunaha maamulkana ku dhisan yahay.<\/p>\n<p>Madaxweyne Deni iyo maamulkiisa ayaa waxay usoo jeediyeen in xal ka gedisan xabadda uu ku raadiyo dhaqan-gelinta wareegtadiisa, islamarkaana hab nabadeed loo wajahayo sidii loo dhameyn lahaa xiisadda dagaal ee ka taagan Boosaaso.<\/p>\n<p>Baaqyadan ayaa ku soo aadaya, ayada oo Wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan uu ku dhowaaqay xabad joojin deg-deg ah oo ka dhaqan-geleyso magaalada Boosaaso, si loo joojiyo dagaalka ka socda gudaha magaaladaasi.<\/p>\n<p>Wasiirka amniga ayaa xusay in Puntland ay haatan diyaar u tahay inay wada-hadal la gasho PSF, si degenaan loogu dhammeeyo xiisadda haatan taagan, hase yeeshe waxaa saaka dhawaaqa hubka culus laga maqlayay gudaha magaalada.<\/p>\n<p><iframe loading=\"lazy\" style=\"border: none; overflow: hidden;\" src=\"https:\/\/www.facebook.com\/plugins\/video.php?height=476&amp;href=https%3A%2F%2Fwww.facebook.com%2Fahmedabdi.baydhabo%2Fvideos%2F601077824288284%2F&amp;show_text=false&amp;width=476&amp;t=0\" width=\"476\" height=\"476\" frameborder=\"0\" scrolling=\"no\" allowfullscreen=\"allowfullscreen\"><\/iframe><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa si adag uga hadlay xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Boosaaso, taasi oo u dhaxeysa ciidamada PSF iyo kuwa Puntland. Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay in Isimada dhaqanka Puntland ee ku sugan Boosaaso ay qeyb ka yihiin colaadda Boosaaso, islamarkaana ay sii huriyeen, kadib qoraalkii [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":165850,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"rop_custom_images_group":[],"rop_custom_messages_group":[],"rop_publish_now":"initial","rop_publish_now_accounts":{"facebook_10221280388112155_325455220908133":""},"rop_publish_now_history":[],"rop_publish_now_status":"pending","footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-165849","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-somali-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v25.6 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>DAAWO:-Isimada Puntland ayaa sii fogeeyay colaada Boosaaso - Wardoon<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-isimada-puntland-ayaa-sii-fogeeyay-colaada-boosaaso\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"DAAWO:-Isimada Puntland ayaa sii fogeeyay colaada Boosaaso - Wardoon\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa si adag uga hadlay xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Boosaaso, taasi oo u dhaxeysa ciidamada PSF iyo kuwa Puntland. Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay in Isimada dhaqanka Puntland ee ku sugan Boosaaso ay qeyb ka yihiin colaadda Boosaaso, islamarkaana ay sii huriyeen, kadib qoraalkii [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-isimada-puntland-ayaa-sii-fogeeyay-colaada-boosaaso\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Wardoon\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2021-12-23T14:33:42+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/thumbnail.jpeg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"660\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"364\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"admin\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"admin\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"2 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-isimada-puntland-ayaa-sii-fogeeyay-colaada-boosaaso\/\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-isimada-puntland-ayaa-sii-fogeeyay-colaada-boosaaso\/\",\"name\":\"DAAWO:-Isimada Puntland ayaa sii fogeeyay colaada Boosaaso - Wardoon\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-isimada-puntland-ayaa-sii-fogeeyay-colaada-boosaaso\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-isimada-puntland-ayaa-sii-fogeeyay-colaada-boosaaso\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/thumbnail.jpeg\",\"datePublished\":\"2021-12-23T14:33:42+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-isimada-puntland-ayaa-sii-fogeeyay-colaada-boosaaso\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-isimada-puntland-ayaa-sii-fogeeyay-colaada-boosaaso\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-isimada-puntland-ayaa-sii-fogeeyay-colaada-boosaaso\/#primaryimage\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/thumbnail.jpeg\",\"contentUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/thumbnail.jpeg\",\"width\":660,\"height\":364},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-isimada-puntland-ayaa-sii-fogeeyay-colaada-boosaaso\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"DAAWO:-Isimada Puntland ayaa sii fogeeyay colaada Boosaaso\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/\",\"name\":\"Wardoon\",\"description\":\"News Media\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\",\"name\":\"admin\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"admin\"},\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"DAAWO:-Isimada Puntland ayaa sii fogeeyay colaada Boosaaso - Wardoon","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-isimada-puntland-ayaa-sii-fogeeyay-colaada-boosaaso\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"DAAWO:-Isimada Puntland ayaa sii fogeeyay colaada Boosaaso - Wardoon","og_description":"Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa si adag uga hadlay xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Boosaaso, taasi oo u dhaxeysa ciidamada PSF iyo kuwa Puntland. Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay in Isimada dhaqanka Puntland ee ku sugan Boosaaso ay qeyb ka yihiin colaadda Boosaaso, islamarkaana ay sii huriyeen, kadib qoraalkii [&hellip;]","og_url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-isimada-puntland-ayaa-sii-fogeeyay-colaada-boosaaso\/","og_site_name":"Wardoon","article_published_time":"2021-12-23T14:33:42+00:00","og_image":[{"width":660,"height":364,"url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/thumbnail.jpeg","type":"image\/jpeg"}],"author":"admin","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"admin","Est. reading time":"2 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-isimada-puntland-ayaa-sii-fogeeyay-colaada-boosaaso\/","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-isimada-puntland-ayaa-sii-fogeeyay-colaada-boosaaso\/","name":"DAAWO:-Isimada Puntland ayaa sii fogeeyay colaada Boosaaso - Wardoon","isPartOf":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-isimada-puntland-ayaa-sii-fogeeyay-colaada-boosaaso\/#primaryimage"},"image":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-isimada-puntland-ayaa-sii-fogeeyay-colaada-boosaaso\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/thumbnail.jpeg","datePublished":"2021-12-23T14:33:42+00:00","author":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28"},"breadcrumb":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-isimada-puntland-ayaa-sii-fogeeyay-colaada-boosaaso\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-isimada-puntland-ayaa-sii-fogeeyay-colaada-boosaaso\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-isimada-puntland-ayaa-sii-fogeeyay-colaada-boosaaso\/#primaryimage","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/thumbnail.jpeg","contentUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/thumbnail.jpeg","width":660,"height":364},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-isimada-puntland-ayaa-sii-fogeeyay-colaada-boosaaso\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/wardoon.net\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"DAAWO:-Isimada Puntland ayaa sii fogeeyay colaada Boosaaso"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/","name":"Wardoon","description":"News Media","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28","name":"admin","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","caption":"admin"},"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/165849"}],"collection":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=165849"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/165849\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":165851,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/165849\/revisions\/165851"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/165850"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=165849"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=165849"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=165849"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}