{"id":170739,"date":"2022-06-27T18:00:25","date_gmt":"2022-06-27T15:00:25","guid":{"rendered":"http:\/\/wardoon.net\/?p=170739"},"modified":"2022-06-27T18:00:25","modified_gmt":"2022-06-27T15:00:25","slug":"daawo-saddex-soomaali-ah-ayaa-gacanta-ku-haya-45-kikuyu-oo-ka-yimid-nairobi","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-saddex-soomaali-ah-ayaa-gacanta-ku-haya-45-kikuyu-oo-ka-yimid-nairobi\/","title":{"rendered":"DAAWO:-Saddex Soomaali ah ayaa gacanta ku haya 45 Kikuyu oo ka yimid Nairobi."},"content":{"rendered":"<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-170742\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/b40d6760-f5f6-11ec-bd41-87b161902afa.jpg.webp\" alt=\"\" width=\"800\" height=\"579\" srcset=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/b40d6760-f5f6-11ec-bd41-87b161902afa.jpg.webp 800w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/b40d6760-f5f6-11ec-bd41-87b161902afa.jpg-300x217.webp 300w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/b40d6760-f5f6-11ec-bd41-87b161902afa.jpg-768x556.webp 768w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/b40d6760-f5f6-11ec-bd41-87b161902afa.jpg-324x235.webp 324w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/b40d6760-f5f6-11ec-bd41-87b161902afa.jpg-696x504.webp 696w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/b40d6760-f5f6-11ec-bd41-87b161902afa.jpg-580x420.webp 580w\" sizes=\"(max-width: 800px) 100vw, 800px\" \/><\/p>\n<p>Murashaxa xilka barsaabka Nairobi iyo duqa magaalada caasimadda ah ugu tartamaya xisbiga talada Kenya haya ee Jubilee, Polycarp Igathe Kamau, ayaa ku khasbanaaday inuu raali-gelin ka bixiyo hadallo ka careysiiyay qayb ka mid ah shacabka daggan Nairobi.<\/p>\n<p>Igathe oo lagu eedeeyay in uu si gaar ah u bartilmaameedsaday bulsho cayiman, ayaa sheegay in hadalladiisa ay ka duwan yihiin sida loo fahmay ee ah in uu shakhsiyaad farta ku fiiqayay.<\/p>\n<p>Siyaasigan oo sharraxayay waxa uu horay u yiri ayaa sheegay in uu ka hadlayay oo kaliya sida loogu kala horreeyo fursadaha shaqada, dhaqaalaha iyo faa\u2019iidooyinka Nairobi.<\/p>\n<p>Raali-gelinta Polycarp Igathe Kamau ayaa daba socotay muuqaal si wayn u faafay oo laga duubay hadallo uu jeediyay isbuucii lasoo dhaafay.<\/p>\n<p>Muuqaalkaas ayuu ku sheegay in baarlamaan deegaanka ee Nairobi oo xubnihiisa \u201cay u badan yihiin qowmiyadda Kikuyu ay gacanta ku hayaan saddex xildhibaan oo Soomaali ah, kuwaas oo dhammaan xubnaha kale ay la haystayaal u yihiin\u201d.<\/p>\n<p>Hase yeeshee ma uusan sheegin magacyada saddexda ruux ee Soomaalida ah ee uu tilmaamayay inay Aqalka Wakiillada ee Nairobi \u201cmaamulkiisa awood ku haystaan\u201d.<\/p>\n<p>\u201cXildhibaannada Golaha Wakiillada ee Nairobi waa 45, oo wada Kikuyu ah, Waxaana idiin sheegi karaa in dhammaantood ay ku hoos jiraan maamulka saddex Soomaali ah. Taasi waa xaqiiq jirta. Qabsashadu waa mid dhab ah. Xitaa shalay waxay samaynayeen waxbaayo sharci darro ah,\u201d ayuu yiri Igathe oo laga maqlayo muuqaalka.<\/p>\n<p>Balse waxa uu hadda soo saaray bayaan uu raali-gelin uga bixinayo erayadaas oo uu ku andacooday in si khaldan loo fahmay.<\/p>\n<p>Hadallada horay ugasoo yeeray siyaasigan ayaa si wayn uga careysiiyay Soomaalida Kenya.<\/p>\n<p>Xildhibaanka Garissa, Aadan Ducaale ayaa ka mid ah siyaasiyiinta caanka ah ee ka fal celiyay hadalka Igathe oo uu ku qeexay mid \u201chayb soocaya Soomaalida\u201d.<\/p>\n<p>\u201cQabyaaladda sida xishood la\u2019aanta ah loo dhex dabaalanayo waa arrin nasiib darro ah. Waa wax aad looga naxo oo ka yimid qof sheeganaya in uu wax bartay,\u201d ayuu yiri Xildhibaan Ducaale.<\/p>\n<p>Igathe oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu cad cad ee u hanqal taagaya hoggaanka Nairobi ayaa sheegay in haddii la doorto uu ka shaqeyn doono sidii ay dhammaan reer Nairobi u heli lahaayeen fursado ay u siman yihiin.<\/p>\n<p>Doorashada guud ee Kenya ayaa la filayaa in ay dhacdo bisha August ee sanadkan.<\/p>\n<p><iframe loading=\"lazy\" style=\"border: none; overflow: hidden;\" src=\"https:\/\/www.facebook.com\/plugins\/video.php?height=476&amp;href=https%3A%2F%2Fwww.facebook.com%2Fkulanpost%2Fvideos%2F5257815714298573%2F&amp;show_text=false&amp;width=357&amp;t=0\" width=\"357\" height=\"476\" frameborder=\"0\" scrolling=\"no\" allowfullscreen=\"allowfullscreen\"><\/iframe><\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-170740\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/unnamed.jpeg\" alt=\"\" width=\"450\" height=\"600\" srcset=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/unnamed.jpeg 450w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/unnamed-225x300.jpeg 225w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/unnamed-315x420.jpeg 315w\" sizes=\"(max-width: 450px) 100vw, 450px\" \/> <img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-170741\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/8defb9d0-f5fa-11ec-bfa6-89ae37be3a04.jpg.webp\" alt=\"\" width=\"800\" height=\"533\" srcset=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/8defb9d0-f5fa-11ec-bfa6-89ae37be3a04.jpg.webp 800w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/8defb9d0-f5fa-11ec-bfa6-89ae37be3a04.jpg-300x200.webp 300w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/8defb9d0-f5fa-11ec-bfa6-89ae37be3a04.jpg-768x512.webp 768w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/8defb9d0-f5fa-11ec-bfa6-89ae37be3a04.jpg-696x464.webp 696w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/8defb9d0-f5fa-11ec-bfa6-89ae37be3a04.jpg-630x420.webp 630w\" sizes=\"(max-width: 800px) 100vw, 800px\" \/> <img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-170742\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/b40d6760-f5f6-11ec-bd41-87b161902afa.jpg.webp\" alt=\"\" width=\"800\" height=\"579\" srcset=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/b40d6760-f5f6-11ec-bd41-87b161902afa.jpg.webp 800w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/b40d6760-f5f6-11ec-bd41-87b161902afa.jpg-300x217.webp 300w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/b40d6760-f5f6-11ec-bd41-87b161902afa.jpg-768x556.webp 768w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/b40d6760-f5f6-11ec-bd41-87b161902afa.jpg-324x235.webp 324w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/b40d6760-f5f6-11ec-bd41-87b161902afa.jpg-696x504.webp 696w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/b40d6760-f5f6-11ec-bd41-87b161902afa.jpg-580x420.webp 580w\" sizes=\"(max-width: 800px) 100vw, 800px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Murashaxa xilka barsaabka Nairobi iyo duqa magaalada caasimadda ah ugu tartamaya xisbiga talada Kenya haya ee Jubilee, Polycarp Igathe Kamau, ayaa ku khasbanaaday inuu raali-gelin ka bixiyo hadallo ka careysiiyay qayb ka mid ah shacabka daggan Nairobi. Igathe oo lagu eedeeyay in uu si gaar ah u bartilmaameedsaday bulsho cayiman, ayaa sheegay in hadalladiisa ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":170743,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"rop_custom_images_group":[],"rop_custom_messages_group":[],"rop_publish_now":"initial","rop_publish_now_accounts":{"facebook_10221280388112155_325455220908133":""},"rop_publish_now_history":[],"rop_publish_now_status":"pending","footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-170739","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-somali-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v25.6 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>DAAWO:-Saddex Soomaali ah ayaa gacanta ku haya 45 Kikuyu oo ka yimid Nairobi. - Wardoon<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-saddex-soomaali-ah-ayaa-gacanta-ku-haya-45-kikuyu-oo-ka-yimid-nairobi\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"DAAWO:-Saddex Soomaali ah ayaa gacanta ku haya 45 Kikuyu oo ka yimid Nairobi. - Wardoon\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Murashaxa xilka barsaabka Nairobi iyo duqa magaalada caasimadda ah ugu tartamaya xisbiga talada Kenya haya ee Jubilee, Polycarp Igathe Kamau, ayaa ku khasbanaaday inuu raali-gelin ka bixiyo hadallo ka careysiiyay qayb ka mid ah shacabka daggan Nairobi. Igathe oo lagu eedeeyay in uu si gaar ah u bartilmaameedsaday bulsho cayiman, ayaa sheegay in hadalladiisa ay [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-saddex-soomaali-ah-ayaa-gacanta-ku-haya-45-kikuyu-oo-ka-yimid-nairobi\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Wardoon\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2022-06-27T15:00:25+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/unnamed-1.jpeg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"750\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"587\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"admin\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"admin\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"2 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-saddex-soomaali-ah-ayaa-gacanta-ku-haya-45-kikuyu-oo-ka-yimid-nairobi\/\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-saddex-soomaali-ah-ayaa-gacanta-ku-haya-45-kikuyu-oo-ka-yimid-nairobi\/\",\"name\":\"DAAWO:-Saddex Soomaali ah ayaa gacanta ku haya 45 Kikuyu oo ka yimid Nairobi. - Wardoon\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-saddex-soomaali-ah-ayaa-gacanta-ku-haya-45-kikuyu-oo-ka-yimid-nairobi\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-saddex-soomaali-ah-ayaa-gacanta-ku-haya-45-kikuyu-oo-ka-yimid-nairobi\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/unnamed-1.jpeg\",\"datePublished\":\"2022-06-27T15:00:25+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-saddex-soomaali-ah-ayaa-gacanta-ku-haya-45-kikuyu-oo-ka-yimid-nairobi\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-saddex-soomaali-ah-ayaa-gacanta-ku-haya-45-kikuyu-oo-ka-yimid-nairobi\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-saddex-soomaali-ah-ayaa-gacanta-ku-haya-45-kikuyu-oo-ka-yimid-nairobi\/#primaryimage\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/unnamed-1.jpeg\",\"contentUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/unnamed-1.jpeg\",\"width\":750,\"height\":587},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-saddex-soomaali-ah-ayaa-gacanta-ku-haya-45-kikuyu-oo-ka-yimid-nairobi\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"DAAWO:-Saddex Soomaali ah ayaa gacanta ku haya 45 Kikuyu oo ka yimid Nairobi.\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/\",\"name\":\"Wardoon\",\"description\":\"News Media\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\",\"name\":\"admin\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"admin\"},\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"DAAWO:-Saddex Soomaali ah ayaa gacanta ku haya 45 Kikuyu oo ka yimid Nairobi. - Wardoon","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-saddex-soomaali-ah-ayaa-gacanta-ku-haya-45-kikuyu-oo-ka-yimid-nairobi\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"DAAWO:-Saddex Soomaali ah ayaa gacanta ku haya 45 Kikuyu oo ka yimid Nairobi. - Wardoon","og_description":"Murashaxa xilka barsaabka Nairobi iyo duqa magaalada caasimadda ah ugu tartamaya xisbiga talada Kenya haya ee Jubilee, Polycarp Igathe Kamau, ayaa ku khasbanaaday inuu raali-gelin ka bixiyo hadallo ka careysiiyay qayb ka mid ah shacabka daggan Nairobi. Igathe oo lagu eedeeyay in uu si gaar ah u bartilmaameedsaday bulsho cayiman, ayaa sheegay in hadalladiisa ay [&hellip;]","og_url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-saddex-soomaali-ah-ayaa-gacanta-ku-haya-45-kikuyu-oo-ka-yimid-nairobi\/","og_site_name":"Wardoon","article_published_time":"2022-06-27T15:00:25+00:00","og_image":[{"width":750,"height":587,"url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/unnamed-1.jpeg","type":"image\/jpeg"}],"author":"admin","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"admin","Est. reading time":"2 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-saddex-soomaali-ah-ayaa-gacanta-ku-haya-45-kikuyu-oo-ka-yimid-nairobi\/","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-saddex-soomaali-ah-ayaa-gacanta-ku-haya-45-kikuyu-oo-ka-yimid-nairobi\/","name":"DAAWO:-Saddex Soomaali ah ayaa gacanta ku haya 45 Kikuyu oo ka yimid Nairobi. - Wardoon","isPartOf":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-saddex-soomaali-ah-ayaa-gacanta-ku-haya-45-kikuyu-oo-ka-yimid-nairobi\/#primaryimage"},"image":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-saddex-soomaali-ah-ayaa-gacanta-ku-haya-45-kikuyu-oo-ka-yimid-nairobi\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/unnamed-1.jpeg","datePublished":"2022-06-27T15:00:25+00:00","author":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28"},"breadcrumb":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-saddex-soomaali-ah-ayaa-gacanta-ku-haya-45-kikuyu-oo-ka-yimid-nairobi\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-saddex-soomaali-ah-ayaa-gacanta-ku-haya-45-kikuyu-oo-ka-yimid-nairobi\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-saddex-soomaali-ah-ayaa-gacanta-ku-haya-45-kikuyu-oo-ka-yimid-nairobi\/#primaryimage","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/unnamed-1.jpeg","contentUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/unnamed-1.jpeg","width":750,"height":587},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-saddex-soomaali-ah-ayaa-gacanta-ku-haya-45-kikuyu-oo-ka-yimid-nairobi\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/wardoon.net\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"DAAWO:-Saddex Soomaali ah ayaa gacanta ku haya 45 Kikuyu oo ka yimid Nairobi."}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/","name":"Wardoon","description":"News Media","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28","name":"admin","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","caption":"admin"},"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/170739"}],"collection":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=170739"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/170739\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":170744,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/170739\/revisions\/170744"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/170743"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=170739"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=170739"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=170739"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}