{"id":170870,"date":"2022-07-01T21:19:37","date_gmt":"2022-07-01T18:19:37","guid":{"rendered":"http:\/\/wardoon.net\/?p=170870"},"modified":"2022-07-01T21:19:37","modified_gmt":"2022-07-01T18:19:37","slug":"daawo-prof-george-wajackoyah-oo-ballanqaaday-in-caasimadda-kenya-u-bedelayo-magaalo-soomaaliyeed","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-prof-george-wajackoyah-oo-ballanqaaday-in-caasimadda-kenya-u-bedelayo-magaalo-soomaaliyeed\/","title":{"rendered":"DAAWO:-Prof George Wajackoyah oo Ballanqaaday in Caasimadda Kenya u bedelayo magaalo Soomaaliyeed"},"content":{"rendered":"<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-170871\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/images-66.jpeg\" alt=\"\" width=\"678\" height=\"452\" srcset=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/images-66.jpeg 678w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/images-66-300x200.jpeg 300w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/images-66-630x420.jpeg 630w\" sizes=\"(max-width: 678px) 100vw, 678px\" \/><\/p>\n<p>Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha dalka Kenya ayaa wada olole xoogan ay ku raadsanayaan codadka iyo kalsoonida dadka Kenya, xilli la filayo in bisha Agoosto ee sannadkan dalkaasi ka dhacdo doorashada Madaxweynaha.<\/p>\n<p>Soomaali ku dhaw hal milyan oo qof ayaa sannadkan la filayaa in codkooda dhiibaataan ayna wax ka doortaan Madaxweyne, waxaana musharaxiinta tartameysa ballanqaadyo u sameenayaan bulshada Soomaaliyeed ee Kenya degan si codadkooda u helaan.<\/p>\n<p>Musharax Madaxweyne Prof George Wajackoyah, oo kamid ah musharaxiinta sannadkan u tartamaya xilka Madaxweynaha Kenya ayaa ballanqaadyo waa weyn u sameeyay Soomaalida Kenya haddii uu doorashada ku guuleesto.<\/p>\n<p>Waxa uu sheegay musharaxan in bulshada Soomaaliyeed ee Kenya u dhalatay la kulmaan dhibaatooyin badan aysan qabin bulshooyinka kale ee Kenya, waxa uuna ballanqaaday in wax badan ka qaban doono dhibka sida gaarka ah loogu hayo Soomaalida.<\/p>\n<p>\u201cLabo jeer ayaa la ciqaabaa Soomaalida, midda koowaas waa in ay Soomaali yihiin darteed, tan labaadna waa in mar walba oo ay sharciga aqoonsiga raadsanayaan ay ku khasban yihiin inay afar wax ka badan afar jibaar dadka kale ee reer Kenya caddeeyaan inay u dhasheen Kenya, haddii la i doorto aniga arrintaas way dhammaan doontaa,\u201d ayuu yiri Musharax George Wajackoyah.<\/p>\n<p>Musharaxa ayaa sidoo kale sheegay in Soomaalida kunool Kenya uu siin doono abaalmarin qaali ah, uuna caasimadda Kenya ka rari doono Nairobi una bedeli doono magaalada Soomaalida ku badan tahay ee Isiolo.<\/p>\n<p>\u201cWaxaana u xaqiijin karaa bulshada Soomaalida inaysan meelna u soconin oo ay waddankan kusii noolaan doonaan, waxaana idinku abaalmarin doonnaa inaan caasimadda waddankeenna ka baddalno halkan kana dhigno magaalada Isiolo,\u201d ayuu yiri Wajackoyah .<\/p>\n<p>Musharaxiinta kale ee ugu cadcad xilka Madaxweynaha Kenya ee Raila Odinga iyo William Ruto ayaa dhankooda sidoo kale codad ka raadinaya bulshada Soomaaliyeed, waxa ayna ballanqaadeen in waxyaabo badan u qaban doonaan Soomaalida Kenya.<\/p>\n<p><iframe loading=\"lazy\" title=\"Prof. George Wajackoyah's Roots Party Manifesto Launch at KICC in Nairobi\" src=\"https:\/\/www.youtube.com\/embed\/NBe_C0U21Hg\" width=\"910\" height=\"512\" frameborder=\"0\" allowfullscreen=\"allowfullscreen\"><\/iframe><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha dalka Kenya ayaa wada olole xoogan ay ku raadsanayaan codadka iyo kalsoonida dadka Kenya, xilli la filayo in bisha Agoosto ee sannadkan dalkaasi ka dhacdo doorashada Madaxweynaha. Soomaali ku dhaw hal milyan oo qof ayaa sannadkan la filayaa in codkooda dhiibaataan ayna wax ka doortaan Madaxweyne, waxaana musharaxiinta tartameysa ballanqaadyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":170871,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"rop_custom_images_group":[],"rop_custom_messages_group":[],"rop_publish_now":"initial","rop_publish_now_accounts":{"facebook_10221280388112155_325455220908133":""},"rop_publish_now_history":[],"rop_publish_now_status":"pending","footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-170870","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-somali-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v25.6 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>DAAWO:-Prof George Wajackoyah oo Ballanqaaday in Caasimadda Kenya u bedelayo magaalo Soomaaliyeed - Wardoon<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-prof-george-wajackoyah-oo-ballanqaaday-in-caasimadda-kenya-u-bedelayo-magaalo-soomaaliyeed\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"DAAWO:-Prof George Wajackoyah oo Ballanqaaday in Caasimadda Kenya u bedelayo magaalo Soomaaliyeed - Wardoon\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha dalka Kenya ayaa wada olole xoogan ay ku raadsanayaan codadka iyo kalsoonida dadka Kenya, xilli la filayo in bisha Agoosto ee sannadkan dalkaasi ka dhacdo doorashada Madaxweynaha. Soomaali ku dhaw hal milyan oo qof ayaa sannadkan la filayaa in codkooda dhiibaataan ayna wax ka doortaan Madaxweyne, waxaana musharaxiinta tartameysa ballanqaadyo [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-prof-george-wajackoyah-oo-ballanqaaday-in-caasimadda-kenya-u-bedelayo-magaalo-soomaaliyeed\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Wardoon\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2022-07-01T18:19:37+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/images-66.jpeg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"678\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"452\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"admin\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"admin\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"1 minute\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-prof-george-wajackoyah-oo-ballanqaaday-in-caasimadda-kenya-u-bedelayo-magaalo-soomaaliyeed\/\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-prof-george-wajackoyah-oo-ballanqaaday-in-caasimadda-kenya-u-bedelayo-magaalo-soomaaliyeed\/\",\"name\":\"DAAWO:-Prof George Wajackoyah oo Ballanqaaday in Caasimadda Kenya u bedelayo magaalo Soomaaliyeed - Wardoon\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-prof-george-wajackoyah-oo-ballanqaaday-in-caasimadda-kenya-u-bedelayo-magaalo-soomaaliyeed\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-prof-george-wajackoyah-oo-ballanqaaday-in-caasimadda-kenya-u-bedelayo-magaalo-soomaaliyeed\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/images-66.jpeg\",\"datePublished\":\"2022-07-01T18:19:37+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-prof-george-wajackoyah-oo-ballanqaaday-in-caasimadda-kenya-u-bedelayo-magaalo-soomaaliyeed\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-prof-george-wajackoyah-oo-ballanqaaday-in-caasimadda-kenya-u-bedelayo-magaalo-soomaaliyeed\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-prof-george-wajackoyah-oo-ballanqaaday-in-caasimadda-kenya-u-bedelayo-magaalo-soomaaliyeed\/#primaryimage\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/images-66.jpeg\",\"contentUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/images-66.jpeg\",\"width\":678,\"height\":452},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-prof-george-wajackoyah-oo-ballanqaaday-in-caasimadda-kenya-u-bedelayo-magaalo-soomaaliyeed\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"DAAWO:-Prof George Wajackoyah oo Ballanqaaday in Caasimadda Kenya u bedelayo magaalo Soomaaliyeed\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/\",\"name\":\"Wardoon\",\"description\":\"News Media\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\",\"name\":\"admin\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"admin\"},\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"DAAWO:-Prof George Wajackoyah oo Ballanqaaday in Caasimadda Kenya u bedelayo magaalo Soomaaliyeed - Wardoon","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-prof-george-wajackoyah-oo-ballanqaaday-in-caasimadda-kenya-u-bedelayo-magaalo-soomaaliyeed\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"DAAWO:-Prof George Wajackoyah oo Ballanqaaday in Caasimadda Kenya u bedelayo magaalo Soomaaliyeed - Wardoon","og_description":"Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha dalka Kenya ayaa wada olole xoogan ay ku raadsanayaan codadka iyo kalsoonida dadka Kenya, xilli la filayo in bisha Agoosto ee sannadkan dalkaasi ka dhacdo doorashada Madaxweynaha. Soomaali ku dhaw hal milyan oo qof ayaa sannadkan la filayaa in codkooda dhiibaataan ayna wax ka doortaan Madaxweyne, waxaana musharaxiinta tartameysa ballanqaadyo [&hellip;]","og_url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-prof-george-wajackoyah-oo-ballanqaaday-in-caasimadda-kenya-u-bedelayo-magaalo-soomaaliyeed\/","og_site_name":"Wardoon","article_published_time":"2022-07-01T18:19:37+00:00","og_image":[{"width":678,"height":452,"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/images-66.jpeg","type":"image\/jpeg"}],"author":"admin","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"admin","Est. reading time":"1 minute"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-prof-george-wajackoyah-oo-ballanqaaday-in-caasimadda-kenya-u-bedelayo-magaalo-soomaaliyeed\/","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-prof-george-wajackoyah-oo-ballanqaaday-in-caasimadda-kenya-u-bedelayo-magaalo-soomaaliyeed\/","name":"DAAWO:-Prof George Wajackoyah oo Ballanqaaday in Caasimadda Kenya u bedelayo magaalo Soomaaliyeed - Wardoon","isPartOf":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-prof-george-wajackoyah-oo-ballanqaaday-in-caasimadda-kenya-u-bedelayo-magaalo-soomaaliyeed\/#primaryimage"},"image":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-prof-george-wajackoyah-oo-ballanqaaday-in-caasimadda-kenya-u-bedelayo-magaalo-soomaaliyeed\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/images-66.jpeg","datePublished":"2022-07-01T18:19:37+00:00","author":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28"},"breadcrumb":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-prof-george-wajackoyah-oo-ballanqaaday-in-caasimadda-kenya-u-bedelayo-magaalo-soomaaliyeed\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-prof-george-wajackoyah-oo-ballanqaaday-in-caasimadda-kenya-u-bedelayo-magaalo-soomaaliyeed\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-prof-george-wajackoyah-oo-ballanqaaday-in-caasimadda-kenya-u-bedelayo-magaalo-soomaaliyeed\/#primaryimage","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/images-66.jpeg","contentUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/images-66.jpeg","width":678,"height":452},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-prof-george-wajackoyah-oo-ballanqaaday-in-caasimadda-kenya-u-bedelayo-magaalo-soomaaliyeed\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"http:\/\/wardoon.net\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"DAAWO:-Prof George Wajackoyah oo Ballanqaaday in Caasimadda Kenya u bedelayo magaalo Soomaaliyeed"}]},{"@type":"WebSite","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/","name":"Wardoon","description":"News Media","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28","name":"admin","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","caption":"admin"},"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/170870"}],"collection":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=170870"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/170870\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":170872,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/170870\/revisions\/170872"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/170871"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=170870"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=170870"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=170870"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}