{"id":171595,"date":"2022-07-23T11:08:19","date_gmt":"2022-07-23T08:08:19","guid":{"rendered":"http:\/\/wardoon.net\/?p=171595"},"modified":"2022-07-23T11:21:41","modified_gmt":"2022-07-23T08:21:41","slug":"daawo-gabdho-sheegay-in-la-afduubtay-oo-booliska-beeniyay","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-gabdho-sheegay-in-la-afduubtay-oo-booliska-beeniyay\/","title":{"rendered":"DAAWO:-Gabdho sheegay in la afduubtay oo booliska beeniyay"},"content":{"rendered":"<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-171615\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/ku-xigeenka-afhayeenka-ciidanka-booliska-Soomaaliya-Cabdifitaax-Cali-Xasan.webp\" alt=\"\" width=\"608\" height=\"470\" srcset=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/ku-xigeenka-afhayeenka-ciidanka-booliska-Soomaaliya-Cabdifitaax-Cali-Xasan.webp 608w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/ku-xigeenka-afhayeenka-ciidanka-booliska-Soomaaliya-Cabdifitaax-Cali-Xasan-300x232.webp 300w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/ku-xigeenka-afhayeenka-ciidanka-booliska-Soomaaliya-Cabdifitaax-Cali-Xasan-543x420.webp 543w\" sizes=\"(max-width: 608px) 100vw, 608px\" \/><\/p>\n<p>Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay wariyeyaasha ayaa faahfaahin ka bixiyey dhacdo ka dhacday degmada Dayniile, taas oo ku saabsan Afduub jileen ah oo ay sameeyeen laba gabdhood walaalo ah.<\/p>\n<p>Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa marka hore beeniyey in la afduubtay gabdhahaasi, sida ay warisay warbaahinta qaar, kuwaas oo lagu kala magacaabo Asmo Cabdullaahi Cismaan iyo Shaadiyo Cabdullaahi Cismaan, isla-markaana ah 15 sano jir iyo sidoo kale 13 sano jir.<\/p>\n<p>Afhayeenka ayaa tilmaamay in afduubka uusan jirin, balse ay soo abaabuleen labada gabdhood oo waalidiintooda u sheegay in la afduubtay.<\/p>\n<p>\u201cAfduubka la sheegay ee warbaahinta laga baahiyey ma\u2019aha afduub sax oo jira waa afduub ay gabdhaha abaabuleen iyaguna ay waalidiintooda u sheegeen in la afduubtay,\u201d ayuu yiri.<\/p>\n<p>Sababta ay sidaas u sameeyeen ayuu afhayeenku ku sheegay cabsi ka qabeen Aabahood oo Macalin Dugsi ah, kadib markii ay kasoo daaheen gurigooda, xilli habeen ah.<\/p>\n<p>\u201cGabdhaha oo la wareystay xaqiiqdana la ogaaday ayna caddeeyeen inay ka baqayeen Aabahooda, maadaama ay xilli habeen ah soo habsaameen,\u201d ayuu sii raaciyey.<\/p>\n<p>Dhankiisa Aabe Cabdullaahi Cismaan Abkow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu walwal xoogan dareemay markii uu waayey carruurtiisa, wuxuuna tilmaamay in mar xitaa loo sheegay in gabdho meydad ah lasoo dhigay xaafadda Tiida ee magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>\u201cIntii ay gabdheheyga maqnaayeen laba gabdhood oo meyd ah ayaa lasoo dhigay xaafadda Tiida ayaa leygu dhahay\u201d ayuu yiri Aabe Cabdullaahi, wuxuuna u mahadceliyey Booliska.<\/p>\n<p>Arrintaan ayaa waxaa ka dhashay walaac xoogan iyo cabsi soo wajahday dadka deegaanka, maadaama markii hore la sheegay in labada gabdhood laga afduubtay gurigooda, taas oo uu haatan beeniyey Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo saameey baaris dheeri ah.<\/p>\n<p><iframe loading=\"lazy\" style=\"border: none; overflow: hidden;\" src=\"https:\/\/www.facebook.com\/plugins\/video.php?height=314&amp;href=https%3A%2F%2Fwww.facebook.com%2Fshabelletv%2Fvideos%2F580450460152379%2F&amp;show_text=false&amp;width=560&amp;t=0\" width=\"560\" height=\"314\" frameborder=\"0\" scrolling=\"no\" allowfullscreen=\"allowfullscreen\"><\/iframe><\/p>\n<p><iframe loading=\"lazy\" style=\"border: none; overflow: hidden;\" src=\"https:\/\/www.facebook.com\/plugins\/video.php?height=314&amp;href=https%3A%2F%2Fwww.facebook.com%2Fshabelletv%2Fvideos%2F733807671057943%2F&amp;show_text=false&amp;width=560&amp;t=0\" width=\"560\" height=\"314\" frameborder=\"0\" scrolling=\"no\" allowfullscreen=\"allowfullscreen\"><\/iframe><\/p>\n<p><iframe loading=\"lazy\" style=\"border: none; overflow: hidden;\" src=\"https:\/\/www.facebook.com\/plugins\/video.php?height=314&amp;href=https%3A%2F%2Fwww.facebook.com%2FRAYSTVSOMALI%2Fvideos%2F417492606832847%2F&amp;show_text=false&amp;width=560&amp;t=0\" width=\"560\" height=\"314\" frameborder=\"0\" scrolling=\"no\" allowfullscreen=\"allowfullscreen\"><\/iframe><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay wariyeyaasha ayaa faahfaahin ka bixiyey dhacdo ka dhacday degmada Dayniile, taas oo ku saabsan Afduub jileen ah oo ay sameeyeen laba gabdhood walaalo ah. Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa marka hore beeniyey in la afduubtay gabdhahaasi, sida ay warisay warbaahinta qaar, kuwaas oo lagu kala magacaabo Asmo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":171585,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"rop_custom_images_group":[],"rop_custom_messages_group":[],"rop_publish_now":"initial","rop_publish_now_accounts":{"facebook_10221280388112155_325455220908133":""},"rop_publish_now_history":[],"rop_publish_now_status":"pending","footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-171595","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-somali-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v25.6 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>DAAWO:-Gabdho sheegay in la afduubtay oo booliska beeniyay - Wardoon<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-gabdho-sheegay-in-la-afduubtay-oo-booliska-beeniyay\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"DAAWO:-Gabdho sheegay in la afduubtay oo booliska beeniyay - Wardoon\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay wariyeyaasha ayaa faahfaahin ka bixiyey dhacdo ka dhacday degmada Dayniile, taas oo ku saabsan Afduub jileen ah oo ay sameeyeen laba gabdhood walaalo ah. Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa marka hore beeniyey in la afduubtay gabdhahaasi, sida ay warisay warbaahinta qaar, kuwaas oo lagu kala magacaabo Asmo [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-gabdho-sheegay-in-la-afduubtay-oo-booliska-beeniyay\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Wardoon\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2022-07-23T08:08:19+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2022-07-23T08:21:41+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/Screenshot-2022-07-22-at-09.00.53.png\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"1272\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"760\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/png\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"admin\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"admin\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"1 minute\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-gabdho-sheegay-in-la-afduubtay-oo-booliska-beeniyay\/\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-gabdho-sheegay-in-la-afduubtay-oo-booliska-beeniyay\/\",\"name\":\"DAAWO:-Gabdho sheegay in la afduubtay oo booliska beeniyay - Wardoon\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-gabdho-sheegay-in-la-afduubtay-oo-booliska-beeniyay\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-gabdho-sheegay-in-la-afduubtay-oo-booliska-beeniyay\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/Screenshot-2022-07-22-at-09.00.53.png\",\"datePublished\":\"2022-07-23T08:08:19+00:00\",\"dateModified\":\"2022-07-23T08:21:41+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-gabdho-sheegay-in-la-afduubtay-oo-booliska-beeniyay\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-gabdho-sheegay-in-la-afduubtay-oo-booliska-beeniyay\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-gabdho-sheegay-in-la-afduubtay-oo-booliska-beeniyay\/#primaryimage\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/Screenshot-2022-07-22-at-09.00.53.png\",\"contentUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/Screenshot-2022-07-22-at-09.00.53.png\",\"width\":1272,\"height\":760},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-gabdho-sheegay-in-la-afduubtay-oo-booliska-beeniyay\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"DAAWO:-Gabdho sheegay in la afduubtay oo booliska beeniyay\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/\",\"name\":\"Wardoon\",\"description\":\"News Media\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\",\"name\":\"admin\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"admin\"},\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"DAAWO:-Gabdho sheegay in la afduubtay oo booliska beeniyay - Wardoon","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-gabdho-sheegay-in-la-afduubtay-oo-booliska-beeniyay\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"DAAWO:-Gabdho sheegay in la afduubtay oo booliska beeniyay - Wardoon","og_description":"Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay wariyeyaasha ayaa faahfaahin ka bixiyey dhacdo ka dhacday degmada Dayniile, taas oo ku saabsan Afduub jileen ah oo ay sameeyeen laba gabdhood walaalo ah. Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa marka hore beeniyey in la afduubtay gabdhahaasi, sida ay warisay warbaahinta qaar, kuwaas oo lagu kala magacaabo Asmo [&hellip;]","og_url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-gabdho-sheegay-in-la-afduubtay-oo-booliska-beeniyay\/","og_site_name":"Wardoon","article_published_time":"2022-07-23T08:08:19+00:00","article_modified_time":"2022-07-23T08:21:41+00:00","og_image":[{"width":1272,"height":760,"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/Screenshot-2022-07-22-at-09.00.53.png","type":"image\/png"}],"author":"admin","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"admin","Est. reading time":"1 minute"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-gabdho-sheegay-in-la-afduubtay-oo-booliska-beeniyay\/","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-gabdho-sheegay-in-la-afduubtay-oo-booliska-beeniyay\/","name":"DAAWO:-Gabdho sheegay in la afduubtay oo booliska beeniyay - Wardoon","isPartOf":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-gabdho-sheegay-in-la-afduubtay-oo-booliska-beeniyay\/#primaryimage"},"image":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-gabdho-sheegay-in-la-afduubtay-oo-booliska-beeniyay\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/Screenshot-2022-07-22-at-09.00.53.png","datePublished":"2022-07-23T08:08:19+00:00","dateModified":"2022-07-23T08:21:41+00:00","author":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28"},"breadcrumb":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-gabdho-sheegay-in-la-afduubtay-oo-booliska-beeniyay\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-gabdho-sheegay-in-la-afduubtay-oo-booliska-beeniyay\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-gabdho-sheegay-in-la-afduubtay-oo-booliska-beeniyay\/#primaryimage","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/Screenshot-2022-07-22-at-09.00.53.png","contentUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/Screenshot-2022-07-22-at-09.00.53.png","width":1272,"height":760},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-gabdho-sheegay-in-la-afduubtay-oo-booliska-beeniyay\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"http:\/\/wardoon.net\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"DAAWO:-Gabdho sheegay in la afduubtay oo booliska beeniyay"}]},{"@type":"WebSite","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/","name":"Wardoon","description":"News Media","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28","name":"admin","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","caption":"admin"},"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/171595"}],"collection":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=171595"}],"version-history":[{"count":8,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/171595\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":171616,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/171595\/revisions\/171616"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/171585"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=171595"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=171595"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=171595"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}