{"id":173343,"date":"2022-09-19T11:22:35","date_gmt":"2022-09-19T08:22:35","guid":{"rendered":"http:\/\/wardoon.net\/so\/?p=173343"},"modified":"2022-09-19T11:22:35","modified_gmt":"2022-09-19T08:22:35","slug":"cali-dheere-maanta-inuu-calaalacalo-waa-gar","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/wardoon.net\/so\/cali-dheere-maanta-inuu-calaalacalo-waa-gar\/","title":{"rendered":"&#8220;Cali Dheere Maanta inuu calaalacalo waa gar&#8221;"},"content":{"rendered":"<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-173344\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/09\/2022919637991570742700992.jpeg\" alt=\"\" width=\"660\" height=\"371\" srcset=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/09\/2022919637991570742700992.jpeg 660w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/09\/2022919637991570742700992-300x169.jpeg 300w\" sizes=\"(max-width: 660px) 100vw, 660px\" \/><\/p>\n<p>Taliyaha ciidanka Lugta xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa si adag uga jawaabay hadalkii kasoo yeeray Afhayeenka Kooxda Al-shabaab Sheekh Cali Dheere ee uu uga hadlay dagaalka ay iclaamisay dowladda Soomaaliya iyo kacdoonka Shacab ay wajahayaan Al-shabaab.<\/p>\n<p>Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa wareysi uu siiyay Radio Muqdisho ku sheegay inuu dhageystay hadalka Afhayeenka Shabaab, kaasoo uu ku tilmaamay inuu yahay mid u muuqda cataaw iyo calaacal la xariira guuldarada kasoo wajahday kooxda dagaalada lagu jebiyay.<\/p>\n<p>\u201cMarka hore Cali Dheere iyo Al-Shabaab waxaan leeyahay kala daaya in caruur aad leysaan, kadibna aad dhahdaan falilaahil xamdu, hoteelo shacab kaligood ku jiraan intaad ku laaysaan oo hadana ad dhahdan falilaahil xamdu, inta kadib calaacalka Cali Dheere oo aan\u00a0 dhageystay waxaa iiga muuqatay inay ku guul dareysteen dagaalkooda waxuushnimada ah\u201d ayuu yiri Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi.<\/p>\n<p>Taliye Biixi ayaa sidoo kale tilmaamay in dhibaatada ugu weyn ee Al-shabaab haysata ay tahay shacabka Soomaaliyeed oo ay mudada dheer dhibaateeyn jireen oo hada fahmay iney iska dhicin karaaan kooxda, islamarkaana haatan hormuud ka yihiin dadka shacabka dagaalada xoogeystay ee lagu jebiyay Shabaab.<\/p>\n<p>\u201cCali Dheere Maanta inuu calaalacalo waa gar, laakiin weli jaanis ayaa u furan ha isku soo dhiibeen gacanta dowladda, kuwa la qaldayna mid walba hortiisa ha u cararo, weli jaanisbaa idiin furan ayaa leeyahay\u201d ayuu yiri Jenaraal Biixi.<\/p>\n<p>Hadalka Jenaraal Biixi ayaa kusoo beegmaya iyadoo saacado kooban ka hor uu Afhayeenka Shabaab Sheekh Cali Dheere uu si faahfaahsan uga hadlay kacdoonka Shacab ee Al-shabaab uga bilaawday qaar ka mid ah gobolada dalka iyo dagaalka uu iclaamiyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.<\/p>\n<p><iframe loading=\"lazy\" style=\"border: none; overflow: hidden;\" src=\"https:\/\/www.facebook.com\/plugins\/video.php?height=314&amp;href=https%3A%2F%2Fwww.facebook.com%2FRadioMogadishu%2Fvideos%2F1054561121887202%2F&amp;show_text=false&amp;width=560&amp;t=0\" width=\"560\" height=\"314\" frameborder=\"0\" scrolling=\"no\" allowfullscreen=\"allowfullscreen\"><\/iframe><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Taliyaha ciidanka Lugta xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa si adag uga jawaabay hadalkii kasoo yeeray Afhayeenka Kooxda Al-shabaab Sheekh Cali Dheere ee uu uga hadlay dagaalka ay iclaamisay dowladda Soomaaliya iyo kacdoonka Shacab ay wajahayaan Al-shabaab. Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa wareysi uu siiyay Radio Muqdisho ku sheegay inuu dhageystay hadalka Afhayeenka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":173344,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"rop_custom_images_group":[],"rop_custom_messages_group":[],"rop_publish_now":"initial","rop_publish_now_accounts":{"facebook_10221280388112155_325455220908133":""},"rop_publish_now_history":[],"rop_publish_now_status":"pending","footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-173343","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-somali-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v25.6 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>&quot;Cali Dheere Maanta inuu calaalacalo waa gar&quot; - Wardoon<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/cali-dheere-maanta-inuu-calaalacalo-waa-gar\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"&quot;Cali Dheere Maanta inuu calaalacalo waa gar&quot; - Wardoon\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Taliyaha ciidanka Lugta xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa si adag uga jawaabay hadalkii kasoo yeeray Afhayeenka Kooxda Al-shabaab Sheekh Cali Dheere ee uu uga hadlay dagaalka ay iclaamisay dowladda Soomaaliya iyo kacdoonka Shacab ay wajahayaan Al-shabaab. Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa wareysi uu siiyay Radio Muqdisho ku sheegay inuu dhageystay hadalka Afhayeenka [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/cali-dheere-maanta-inuu-calaalacalo-waa-gar\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Wardoon\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2022-09-19T08:22:35+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/09\/2022919637991570742700992.jpeg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"660\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"371\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"admin\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"admin\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"1 minute\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/cali-dheere-maanta-inuu-calaalacalo-waa-gar\/\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/cali-dheere-maanta-inuu-calaalacalo-waa-gar\/\",\"name\":\"\\\"Cali Dheere Maanta inuu calaalacalo waa gar\\\" - Wardoon\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/cali-dheere-maanta-inuu-calaalacalo-waa-gar\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/cali-dheere-maanta-inuu-calaalacalo-waa-gar\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/09\/2022919637991570742700992.jpeg\",\"datePublished\":\"2022-09-19T08:22:35+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/cali-dheere-maanta-inuu-calaalacalo-waa-gar\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"http:\/\/wardoon.net\/so\/cali-dheere-maanta-inuu-calaalacalo-waa-gar\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/cali-dheere-maanta-inuu-calaalacalo-waa-gar\/#primaryimage\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/09\/2022919637991570742700992.jpeg\",\"contentUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/09\/2022919637991570742700992.jpeg\",\"width\":660,\"height\":371},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/cali-dheere-maanta-inuu-calaalacalo-waa-gar\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"&#8220;Cali Dheere Maanta inuu calaalacalo waa gar&#8221;\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/\",\"name\":\"Wardoon\",\"description\":\"News Media\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\",\"name\":\"admin\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"admin\"},\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"\"Cali Dheere Maanta inuu calaalacalo waa gar\" - Wardoon","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"http:\/\/wardoon.net\/so\/cali-dheere-maanta-inuu-calaalacalo-waa-gar\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"\"Cali Dheere Maanta inuu calaalacalo waa gar\" - Wardoon","og_description":"Taliyaha ciidanka Lugta xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa si adag uga jawaabay hadalkii kasoo yeeray Afhayeenka Kooxda Al-shabaab Sheekh Cali Dheere ee uu uga hadlay dagaalka ay iclaamisay dowladda Soomaaliya iyo kacdoonka Shacab ay wajahayaan Al-shabaab. Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa wareysi uu siiyay Radio Muqdisho ku sheegay inuu dhageystay hadalka Afhayeenka [&hellip;]","og_url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/cali-dheere-maanta-inuu-calaalacalo-waa-gar\/","og_site_name":"Wardoon","article_published_time":"2022-09-19T08:22:35+00:00","og_image":[{"width":660,"height":371,"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/09\/2022919637991570742700992.jpeg","type":"image\/jpeg"}],"author":"admin","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"admin","Est. reading time":"1 minute"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/cali-dheere-maanta-inuu-calaalacalo-waa-gar\/","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/cali-dheere-maanta-inuu-calaalacalo-waa-gar\/","name":"\"Cali Dheere Maanta inuu calaalacalo waa gar\" - Wardoon","isPartOf":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/cali-dheere-maanta-inuu-calaalacalo-waa-gar\/#primaryimage"},"image":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/cali-dheere-maanta-inuu-calaalacalo-waa-gar\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/09\/2022919637991570742700992.jpeg","datePublished":"2022-09-19T08:22:35+00:00","author":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28"},"breadcrumb":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/cali-dheere-maanta-inuu-calaalacalo-waa-gar\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["http:\/\/wardoon.net\/so\/cali-dheere-maanta-inuu-calaalacalo-waa-gar\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/cali-dheere-maanta-inuu-calaalacalo-waa-gar\/#primaryimage","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/09\/2022919637991570742700992.jpeg","contentUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/09\/2022919637991570742700992.jpeg","width":660,"height":371},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/cali-dheere-maanta-inuu-calaalacalo-waa-gar\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"http:\/\/wardoon.net\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"&#8220;Cali Dheere Maanta inuu calaalacalo waa gar&#8221;"}]},{"@type":"WebSite","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/","name":"Wardoon","description":"News Media","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28","name":"admin","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","caption":"admin"},"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/173343"}],"collection":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=173343"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/173343\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":173345,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/173343\/revisions\/173345"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/173344"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=173343"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=173343"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=173343"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}