{"id":176586,"date":"2023-01-26T14:32:57","date_gmt":"2023-01-26T11:32:57","guid":{"rendered":"http:\/\/wardoon.net\/so\/?p=176586"},"modified":"2023-01-26T15:39:21","modified_gmt":"2023-01-26T12:39:21","slug":"taliye-xijaar-oo-xilkii-laga-qaaday","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/wardoon.net\/so\/taliye-xijaar-oo-xilkii-laga-qaaday\/","title":{"rendered":"Taliye Xijaar oo xilkii laga qaaday"},"content":{"rendered":"<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-176587\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/xijaar.jpeg\" alt=\"\" width=\"909\" height=\"512\" srcset=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/xijaar.jpeg 909w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/xijaar-300x169.jpeg 300w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/xijaar-768x433.jpeg 768w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/xijaar-696x392.jpeg 696w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/xijaar-746x420.jpeg 746w\" sizes=\"(max-width: 909px) 100vw, 909px\" \/><\/p>\n<p>Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa xilka qaadis ku sameeyay taliyihii ciidanka Booliska Soomaaliya, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).<\/p>\n<p>Golaha wasiirada ayaa sidoo lale Ganaraal Sulub Axmed Firin u magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.<br \/>\nSulub ayaa horay u ahaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Gaadiidka, wuxuuna ka soo jeeda deegaan ahaan Jubbaland.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-176595\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/firin.webp\" alt=\"\" width=\"1392\" height=\"783\" srcset=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/firin.webp 1392w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/firin-300x169.webp 300w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/firin-1024x576.webp 1024w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/firin-768x432.webp 768w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/firin-696x392.webp 696w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/firin-1068x601.webp 1068w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/firin-747x420.webp 747w\" sizes=\"(max-width: 1392px) 100vw, 1392px\" \/><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Magacaabistan ayaa timid, kadib soo jeedin ka timid, Wasaaradda Amniga Gudaha, ayada oo goluhuna uu ku raacay, kadibna asnixiyay magacaabista taliyaha cusub.<\/p>\n<p>Xilka qaadista Xijaar ayaa ku soo aaday, xilli magaalada Muqdisho ay ku jirto xaalad ammaan darro, kadib markii ay kordheen weerarada qaraxyada ah iyo dilalka kala duwan ee ka dhacaya gudaha caasimadda.<\/p>\n<p>Isbeddalkan ayaa ah mid la filayey, balse soo daahay, kadib doorashadii dalka ka dhacday 15-kii bishii may ee sanadkii hore ee 2022-kii.<br \/>\nTaliyaha cusub ayaa waxaa la sugayaa inuu wax ka qabto xaaladda magaalada Muqdisho oo ay hataan Al-Shabaab soo saartay culeys xoogan, waxayna todobaadkan oo kaliya ay laba weerar ka fulisay caasimadda, waxaana mid kamid ah lagu beegsaday xarunta gobolka Banaadir, halka kan kalena oo ah hoobiye lagu garaacay agagaarka Xarunta Madaxtooyada.<\/p>\n<p>Dhana kale Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladihii ugu danbeeyey ee amni iyo howlgallada dalka looga xoreynayo Shabaab.<\/p>\n<p>Labada Wasaaradood ayaa sheegay in toddobaadkan guulo waawayn ay ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanku ka gaareen dagaallada ka socdo gobollada dalka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa xilka qaadis ku sameeyay taliyihii ciidanka Booliska Soomaaliya, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar). Golaha wasiirada ayaa sidoo lale Ganaraal Sulub Axmed Firin u magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Sulub ayaa horay u ahaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Gaadiidka, wuxuuna ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":176587,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"rop_custom_images_group":[],"rop_custom_messages_group":[],"rop_publish_now":"initial","rop_publish_now_accounts":{"facebook_10221280388112155_325455220908133":""},"rop_publish_now_history":[],"rop_publish_now_status":"pending","footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-176586","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-somali-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v25.6 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Taliye Xijaar oo xilkii laga qaaday - Wardoon<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/taliye-xijaar-oo-xilkii-laga-qaaday\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Taliye Xijaar oo xilkii laga qaaday - Wardoon\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa xilka qaadis ku sameeyay taliyihii ciidanka Booliska Soomaaliya, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar). Golaha wasiirada ayaa sidoo lale Ganaraal Sulub Axmed Firin u magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Sulub ayaa horay u ahaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Gaadiidka, wuxuuna ka [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/taliye-xijaar-oo-xilkii-laga-qaaday\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Wardoon\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2023-01-26T11:32:57+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2023-01-26T12:39:21+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/xijaar.jpeg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"909\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"512\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"admin\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"admin\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"1 minute\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/taliye-xijaar-oo-xilkii-laga-qaaday\/\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/taliye-xijaar-oo-xilkii-laga-qaaday\/\",\"name\":\"Taliye Xijaar oo xilkii laga qaaday - Wardoon\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/taliye-xijaar-oo-xilkii-laga-qaaday\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/taliye-xijaar-oo-xilkii-laga-qaaday\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/xijaar.jpeg\",\"datePublished\":\"2023-01-26T11:32:57+00:00\",\"dateModified\":\"2023-01-26T12:39:21+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/taliye-xijaar-oo-xilkii-laga-qaaday\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"http:\/\/wardoon.net\/so\/taliye-xijaar-oo-xilkii-laga-qaaday\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/taliye-xijaar-oo-xilkii-laga-qaaday\/#primaryimage\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/xijaar.jpeg\",\"contentUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/xijaar.jpeg\",\"width\":909,\"height\":512},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/taliye-xijaar-oo-xilkii-laga-qaaday\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Taliye Xijaar oo xilkii laga qaaday\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/\",\"name\":\"Wardoon\",\"description\":\"News Media\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\",\"name\":\"admin\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"admin\"},\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Taliye Xijaar oo xilkii laga qaaday - Wardoon","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"http:\/\/wardoon.net\/so\/taliye-xijaar-oo-xilkii-laga-qaaday\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Taliye Xijaar oo xilkii laga qaaday - Wardoon","og_description":"Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa xilka qaadis ku sameeyay taliyihii ciidanka Booliska Soomaaliya, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar). Golaha wasiirada ayaa sidoo lale Ganaraal Sulub Axmed Firin u magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Sulub ayaa horay u ahaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Gaadiidka, wuxuuna ka [&hellip;]","og_url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/taliye-xijaar-oo-xilkii-laga-qaaday\/","og_site_name":"Wardoon","article_published_time":"2023-01-26T11:32:57+00:00","article_modified_time":"2023-01-26T12:39:21+00:00","og_image":[{"width":909,"height":512,"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/xijaar.jpeg","type":"image\/jpeg"}],"author":"admin","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"admin","Est. reading time":"1 minute"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/taliye-xijaar-oo-xilkii-laga-qaaday\/","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/taliye-xijaar-oo-xilkii-laga-qaaday\/","name":"Taliye Xijaar oo xilkii laga qaaday - Wardoon","isPartOf":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/taliye-xijaar-oo-xilkii-laga-qaaday\/#primaryimage"},"image":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/taliye-xijaar-oo-xilkii-laga-qaaday\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/xijaar.jpeg","datePublished":"2023-01-26T11:32:57+00:00","dateModified":"2023-01-26T12:39:21+00:00","author":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28"},"breadcrumb":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/taliye-xijaar-oo-xilkii-laga-qaaday\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["http:\/\/wardoon.net\/so\/taliye-xijaar-oo-xilkii-laga-qaaday\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/taliye-xijaar-oo-xilkii-laga-qaaday\/#primaryimage","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/xijaar.jpeg","contentUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/xijaar.jpeg","width":909,"height":512},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/taliye-xijaar-oo-xilkii-laga-qaaday\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"http:\/\/wardoon.net\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Taliye Xijaar oo xilkii laga qaaday"}]},{"@type":"WebSite","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/","name":"Wardoon","description":"News Media","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28","name":"admin","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","caption":"admin"},"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/176586"}],"collection":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=176586"}],"version-history":[{"count":2,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/176586\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":176596,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/176586\/revisions\/176596"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/176587"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=176586"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=176586"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=176586"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}