{"id":182125,"date":"2024-08-26T12:34:31","date_gmt":"2024-08-26T09:34:31","guid":{"rendered":"http:\/\/wardoon.net\/so\/?p=182125"},"modified":"2024-08-26T12:34:31","modified_gmt":"2024-08-26T09:34:31","slug":"mulkiilaha-telegram-oo-lagu-xiray-faransiiska","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/wardoon.net\/so\/mulkiilaha-telegram-oo-lagu-xiray-faransiiska\/","title":{"rendered":"Mulkiilaha Telegram oo lagu xiray Faransiiska"},"content":{"rendered":"<p><span style=\"font-size: large;\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-182126\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/bb01f600-630c-11ef-b43e-6916dcba5cbf.jpg.webp\" alt=\"\" width=\"800\" height=\"518\" srcset=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/bb01f600-630c-11ef-b43e-6916dcba5cbf.jpg.webp 800w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/bb01f600-630c-11ef-b43e-6916dcba5cbf.jpg-300x194.webp 300w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/bb01f600-630c-11ef-b43e-6916dcba5cbf.jpg-768x497.webp 768w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/bb01f600-630c-11ef-b43e-6916dcba5cbf.jpg-696x451.webp 696w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/bb01f600-630c-11ef-b43e-6916dcba5cbf.jpg-649x420.webp 649w\" sizes=\"(max-width: 800px) 100vw, 800px\" \/><\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Qareenka madaxa Telegram Pavel Durov kaas oo lagu xiray dalka Faransiiska ayaa sheegay in xarigiisa uu yahay wax lagu qoslo oo ka dhan ah xorriyadda hadalka.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Mr Durov waxa xiray booliska Faransiiska kadib markii diyaaraddiisa gaarka ah ay ku degtay garoonka Le Bourget ee waqooyiga magaalada Paris Sabtidii, sida ay ku warrantay warbaahinta Faransiiska.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Sida ay saraakiishu sheegeen, bilyaneerkan 39-jirka ah ayaa loo xiray baaritaan ku saabsan dhexdhexaad la\u2019aanta Telegram &#8211; taasoo oo uu horay u beeniyay.<\/span><\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-182127\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/75515f50-6308-11ef-8c32-f3c2bc7494c6.jpg.webp\" alt=\"\" width=\"800\" height=\"450\" srcset=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/75515f50-6308-11ef-8c32-f3c2bc7494c6.jpg.webp 800w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/75515f50-6308-11ef-8c32-f3c2bc7494c6.jpg-300x169.webp 300w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/75515f50-6308-11ef-8c32-f3c2bc7494c6.jpg-768x432.webp 768w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/75515f50-6308-11ef-8c32-f3c2bc7494c6.jpg-696x392.webp 696w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/75515f50-6308-11ef-8c32-f3c2bc7494c6.jpg-747x420.webp 747w\" sizes=\"(max-width: 800px) 100vw, 800px\" \/><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Mr Durov ayaa lagu eedeeyay inuu ku guuldareystay inuu qaado tallaabooyin lagu xakameynayo isticmaalka dambiyada ee Appka Telegram, Appka ayaa lagu eedeeyay in uusan la shaqeyn sharci fulinta si looga hortago ka ganacsiga daroogada, Muuqaallo ay ku jiraan galmada carruurta iyo wax isdabamarin.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Qareenkiisa, Dmitry Agranovsky, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Ruushka ee RIA Novosti in eedeymahaasi ay la mid yihiin, in shirkad soo saarta baabuurta lagu eedeeyo shil, ama baabuurteeda loo isticmaalo dambiyo.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Pavel Durov waxa uu ku dhashay dalka Ruushka waxa uuna ku nool yahay Dubai. Waxa uu haystaa laba dhalasho oo kala ah Imaaraadka Carabta iyo Faransiiska.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Telegram ayaa si gaara caan uga ah Ruushka, Ukrain iyo dalalkii horey la iskugu oran jiray Midowgii Soofiyeeti.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">App-ka ayaa laga mamnuucay Ruushka 2018, ka dib markii uu horey u diiday inuu gudbiyo xogta isticmaalaha. Mamnuucida ayaa dib looga noqday 2020.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Telegram waxa lagu qiimeeyaa mid ka mid ah aaladaha warbaahinta bulshada ee waaweyn kadib Facebook, YouTube, WhatsApp, Instagram, TikTok iyo Wechat.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Pavel Durov ayaa aasaasay Telegram sanadkii 2013kii. Waxa uu ka tagay Ruushka sanadkii 2014 kadib markii uu diiday in uu u hoggaansamo dalabaadka dawladda ee lagu xirayey bulshooyinka mucaaradka ah ee bartiisa bulshada ee VKontakte, taas oo uu iibiyey.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Maalintii Axadda, safaaradda Ruushka ee Faransiiska ayaa ku soo qortay Facebook inay dooneeyso &#8220;in la caddeeyo sababaha xarigiisa iyo in la ilaaliyo xuquuqda Mr Durov loona fududeeyo in Qunsuliyaddu ay aragto&#8221;.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Qoraalka ayaa intaas ku daray in mas\u2019uuliyiinta Faransiiska aysan wax wada shaqeyn la sameynin saraakiisha Ruushka.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Afhayeen u hadashay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka Maria Zakharova ayaa soo dhigtay barta Telegram iyada oo waydiinaysa in Hay\u2019adaha aan dowliga ahayn ee xuquuqul insaanka ee Reer Galbeedka ay ka aamusi doonaan xariga Mr Durov, kadib markii ay dhaleeceeyeen go&#8217;aanka Ruushka ee &#8220;caqabadaha&#8221; ka abuuray shaqada Telegram ee Ruushka 2018.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Dhowr sarkaal oo Ruush ah ayaa cambaareeyay xariga ganacsadaha, iyagoo sheegay in ay muujinayso in reer galbeedku ay laba wajiileeyaan marka ay timaado xorriyadda hadalka iyo dimuqraadiyadda.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Edward Snowden oo ah Maraykan musaafuris ugu nool Ruushka tan iyo 2013, ayaa ku sheegay X in xariga Mr Durov &#8220;uu xad-gudub ku yahay xuquuqda aasaasiga ah iyo xuquuqda aadanaha ee hadalka iyo ururrada madaxa banaan&#8221;.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Milkiilaha X Elon Musk, oo la kulmay dhaleeceyn ballaaran oo ku saabsan dhexdhexaadnimada iyo qoraalada lagu baahiyo bartiisa bulshada, ayaa si isdaba joog ah wax uga qorayey xaaladda.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Waxa uu qoraal ku qoray #freepavel, (Sii daaya Pavel). Qoraal kalena wuxuu ku oray: &#8220;[Aragtida: Waa 2030, Yurub, waxaa lagugu xukumayaa in aad jeceshahay halkudhig.&#8221;<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Telegram waxa ay u ogolaataa kooxo ilaa 200,000 oo xubnood ah, kuwaas oo kuwa dhaleecayaTtelegram ay ku doodeen in ay u sahlayso in macluumaadka khaldan lagu faafiyo, iyo in isticmaalayaashu ay wadaagaan shirqoolka, astaanta neo-Nazi, faraxumeynta caruurta, ama waxyaabaha la xiriira argagaxisnimada.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Gudaha UK, app-ka waxaa isticmaala kooxaha midigta-fog ee udub dhexaadka u ahaa abaabulkii rabshadaha ee magaalooyinka Ingiriiska horaantii bishan.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Telegram waxa ay meesha ka saartay kooxaha qaar, laakiin guud ahaan nidaamkeeda dhexdhexaadnimada, xagjirnimada iyo waxyaabaha sharci darrada ah aad ayuu uga liitaa kan shirkadaha kale ee warbaahinta bulshada iyo apps-ka fariimaha, ayay yiraahdeen khubarada amnigu.<\/span><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Qareenka madaxa Telegram Pavel Durov kaas oo lagu xiray dalka Faransiiska ayaa sheegay in xarigiisa uu yahay wax lagu qoslo oo ka dhan ah xorriyadda hadalka. Mr Durov waxa xiray booliska Faransiiska kadib markii diyaaraddiisa gaarka ah ay ku degtay garoonka Le Bourget ee waqooyiga magaalada Paris Sabtidii, sida ay ku warrantay warbaahinta Faransiiska. Sida [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":182126,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"rop_custom_images_group":[],"rop_custom_messages_group":[],"rop_publish_now":"yes","rop_publish_now_accounts":{"facebook_10221280388112155_325455220908133":"","twitter_917774835383787521_917774835383787521":""},"rop_publish_now_history":[],"rop_publish_now_status":"pending","footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-182125","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-somali-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v25.6 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Mulkiilaha Telegram oo lagu xiray Faransiiska - Wardoon<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/mulkiilaha-telegram-oo-lagu-xiray-faransiiska\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Mulkiilaha Telegram oo lagu xiray Faransiiska - Wardoon\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Qareenka madaxa Telegram Pavel Durov kaas oo lagu xiray dalka Faransiiska ayaa sheegay in xarigiisa uu yahay wax lagu qoslo oo ka dhan ah xorriyadda hadalka. Mr Durov waxa xiray booliska Faransiiska kadib markii diyaaraddiisa gaarka ah ay ku degtay garoonka Le Bourget ee waqooyiga magaalada Paris Sabtidii, sida ay ku warrantay warbaahinta Faransiiska. Sida [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/mulkiilaha-telegram-oo-lagu-xiray-faransiiska\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Wardoon\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2024-08-26T09:34:31+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/bb01f600-630c-11ef-b43e-6916dcba5cbf.jpg.webp\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"800\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"518\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/webp\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"admin\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"admin\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"3 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/mulkiilaha-telegram-oo-lagu-xiray-faransiiska\/\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/mulkiilaha-telegram-oo-lagu-xiray-faransiiska\/\",\"name\":\"Mulkiilaha Telegram oo lagu xiray Faransiiska - Wardoon\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/mulkiilaha-telegram-oo-lagu-xiray-faransiiska\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/mulkiilaha-telegram-oo-lagu-xiray-faransiiska\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/bb01f600-630c-11ef-b43e-6916dcba5cbf.jpg.webp\",\"datePublished\":\"2024-08-26T09:34:31+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/mulkiilaha-telegram-oo-lagu-xiray-faransiiska\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"http:\/\/wardoon.net\/so\/mulkiilaha-telegram-oo-lagu-xiray-faransiiska\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/mulkiilaha-telegram-oo-lagu-xiray-faransiiska\/#primaryimage\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/bb01f600-630c-11ef-b43e-6916dcba5cbf.jpg.webp\",\"contentUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/bb01f600-630c-11ef-b43e-6916dcba5cbf.jpg.webp\",\"width\":800,\"height\":518},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/mulkiilaha-telegram-oo-lagu-xiray-faransiiska\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Mulkiilaha Telegram oo lagu xiray Faransiiska\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/\",\"name\":\"Wardoon\",\"description\":\"News Media\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\",\"name\":\"admin\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"admin\"},\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Mulkiilaha Telegram oo lagu xiray Faransiiska - Wardoon","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"http:\/\/wardoon.net\/so\/mulkiilaha-telegram-oo-lagu-xiray-faransiiska\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Mulkiilaha Telegram oo lagu xiray Faransiiska - Wardoon","og_description":"Qareenka madaxa Telegram Pavel Durov kaas oo lagu xiray dalka Faransiiska ayaa sheegay in xarigiisa uu yahay wax lagu qoslo oo ka dhan ah xorriyadda hadalka. Mr Durov waxa xiray booliska Faransiiska kadib markii diyaaraddiisa gaarka ah ay ku degtay garoonka Le Bourget ee waqooyiga magaalada Paris Sabtidii, sida ay ku warrantay warbaahinta Faransiiska. Sida [&hellip;]","og_url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/mulkiilaha-telegram-oo-lagu-xiray-faransiiska\/","og_site_name":"Wardoon","article_published_time":"2024-08-26T09:34:31+00:00","og_image":[{"width":800,"height":518,"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/bb01f600-630c-11ef-b43e-6916dcba5cbf.jpg.webp","type":"image\/webp"}],"author":"admin","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"admin","Est. reading time":"3 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/mulkiilaha-telegram-oo-lagu-xiray-faransiiska\/","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/mulkiilaha-telegram-oo-lagu-xiray-faransiiska\/","name":"Mulkiilaha Telegram oo lagu xiray Faransiiska - Wardoon","isPartOf":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/mulkiilaha-telegram-oo-lagu-xiray-faransiiska\/#primaryimage"},"image":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/mulkiilaha-telegram-oo-lagu-xiray-faransiiska\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/bb01f600-630c-11ef-b43e-6916dcba5cbf.jpg.webp","datePublished":"2024-08-26T09:34:31+00:00","author":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28"},"breadcrumb":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/mulkiilaha-telegram-oo-lagu-xiray-faransiiska\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["http:\/\/wardoon.net\/so\/mulkiilaha-telegram-oo-lagu-xiray-faransiiska\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/mulkiilaha-telegram-oo-lagu-xiray-faransiiska\/#primaryimage","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/bb01f600-630c-11ef-b43e-6916dcba5cbf.jpg.webp","contentUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/bb01f600-630c-11ef-b43e-6916dcba5cbf.jpg.webp","width":800,"height":518},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/mulkiilaha-telegram-oo-lagu-xiray-faransiiska\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/wardoon.net\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Mulkiilaha Telegram oo lagu xiray Faransiiska"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/","name":"Wardoon","description":"News Media","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28","name":"admin","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","caption":"admin"},"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/182125"}],"collection":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=182125"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/182125\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":182128,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/182125\/revisions\/182128"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/182126"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=182125"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=182125"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=182125"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}