{"id":182560,"date":"2024-09-14T11:34:11","date_gmt":"2024-09-14T08:34:11","guid":{"rendered":"http:\/\/wardoon.net\/so\/?p=182560"},"modified":"2024-09-14T11:34:11","modified_gmt":"2024-09-14T08:34:11","slug":"maxamed-abduba-dida-oo-ku-jira-xabsi-kuyaalla-mareykanka","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/wardoon.net\/so\/maxamed-abduba-dida-oo-ku-jira-xabsi-kuyaalla-mareykanka\/","title":{"rendered":"Maxamed Abduba Dida  oo ku jira Xabsi kuyaalla Mareykanka"},"content":{"rendered":"<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-182561\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/dIDA.webp\" alt=\"\" width=\"800\" height=\"450\" srcset=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/dIDA.webp 800w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/dIDA-300x169.webp 300w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/dIDA-768x432.webp 768w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/dIDA-696x392.webp 696w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/dIDA-747x420.webp 747w\" sizes=\"(max-width: 800px) 100vw, 800px\" \/><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Musharraxii hore ee madaxtinnimada Kenya Maxamed Abduba Dida ayaa la sheegay inuu ku jiro xabsi ku yaalla gobolka Illinois, ee dalka Mareykanka.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Sida ay qorayaan warbaahinta gudaha ee Kenya, Dida ayaa lagu xukumay toddoba sano oo xabsi ah, isagoo lagu xiray xabsiga Big Muddy Correctional Centre ee Illinois 18-kii November 2022, kadib markii lagu eedeeyay inuu dabagal iyo hanjabaad u geystay qof aan la magacaabin.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Ninkan 49 jirka ah horena u ahaa macallin ayaa la sheegay in lagu helay labo dembo, kan koowaad ayaa ah inuu dagabal iyo hanjabaad sameeyay, taasoo uu ku muteystay labo sano oo xabsi ah.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Dembiga labaad ayaa lagu sheegay inuu sii kordhiyay dabagalka uuna carqaladeeyay amar booliiska kasoo baxay taasoo uu ku muteystay shan sano oo xabsi ah.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Mar lasoo taagay maxkamad sanadkii 2021, Dida ayaa wuxuu ku jiray xabsi ku yaalla deegaanka Mclean County ee Illinois halkaasoo ah meesha uu ku galay eedeymaha loo heystay.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Dida ayaa kadib aaday maxkamad isagoo sheegay in xuquuqdiisa dastuuriga ah meel looga dhacay, wuxuuna ku dooday in laga hor istaagay helidda barnaamijyo waxbarasho iyo kuwo kale.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Sida laga soo xigtay warbaahinta Citizen ee Kenya, waraaqaha maxkamadda oo ku taariikheysan July 8, 2024, ayuu Dida ku sheegay in laga qadiyay helidda barnaamijyo waxbarasho, laga bilaabo 31 may, 2022, xilli uu ku xirnaa xabsiga East Moline Correctional Center<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Bishii February 2023, Dida ayaa sheegay in lagu wargeliyay inuusan dib u sameyn karin imtixaanka uuna ku jiro liiska sugidda, kaddib markii uu cabashadiisa gudbiyay, waxaa loo sheegay inuusan geli karin imtixaan amaba uu iskuulka ka qeybgalo ilaa 2027 sababo la xiriira in liiska sugitaanka uu ku xiran yahay taariikhda la filayo in maxbuuska laga sii daayo xabsiga.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Wuxuu kale oo uu sheegay in laga diiday shaqo iyo inuu ka faa\u2019iideysto dhammaanba barnaamijyada.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Ninkan Kenya u dhashay ayaa sidoo kale sheegay in loo diiday daryeel caafimaad, isagoo ku dooday in caafimaadkiisa uu kasii darayay xiliggii uu ku jiray xabsiga.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Dhanka kale, waraaqaha maxkamadda ayaa muujiyay in Dida uu ka cawday suuxdin dhanka bidix ee jirkiisa ah bishii January 2023, iyadoo xaaladda ay kasii dartay iskuna sii beddeshay barar cagaha iyo faraha ah iyo xanuun dhabarka ah.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Waxaa sidoo kale laga helay dhiig yaraan daran laga soo bilaabo February 2024 kadib markii lagu arkay inuu ku yaryahay fitamiinka B-12. Waxaa sidoo kale loo sameeyay daaweynt toddoba bilood oo la siinayay kaniiniga B-12.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Wuxuu Dida ku dooday in xabsiga lagu hayay uusan ka heli jirin daryeel caafimaad oo wanaagsan.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Xukun soo baxay May 29, 2024, ayaa Qareen Gilbert Sison wuxuu amray in baaritaan lagu sameeyo sheegashada Dida iyo in dadka la eedeeyay, oo ay ku jiraan maamulka xabsiga Warden Kimberly Hvarre iyo maamulaha dhanka caafimaadka, lala xisaabtamo haddii lagu helo dembi.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Si kastaba, maxkamadda ayaa laashay sheegashooyinka Dida, iyadoo sheegtay inaysan lahayn wax dastuuri ah oo gacan siinaya inuusan awoodin helidda barnaamijyo waxbarasho iyo kuwo tababar.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Maxkamadda ayaa sheegtay in kiiskan la laalay isla markaana uu ku guuldarreystay caddeynta xaq dastuuri ah.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Dida ayaa la filayaa in xaruntaas laga sii daayo April 3, 2029.<\/span><\/p>\n<p><strong><span style=\"font-size: large;\">Source BBC<\/span><\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Musharraxii hore ee madaxtinnimada Kenya Maxamed Abduba Dida ayaa la sheegay inuu ku jiro xabsi ku yaalla gobolka Illinois, ee dalka Mareykanka. Sida ay qorayaan warbaahinta gudaha ee Kenya, Dida ayaa lagu xukumay toddoba sano oo xabsi ah, isagoo lagu xiray xabsiga Big Muddy Correctional Centre ee Illinois 18-kii November 2022, kadib markii lagu eedeeyay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":182561,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"rop_custom_images_group":[],"rop_custom_messages_group":[],"rop_publish_now":"yes","rop_publish_now_accounts":{"facebook_10221280388112155_325455220908133":"","twitter_917774835383787521_917774835383787521":""},"rop_publish_now_history":[],"rop_publish_now_status":"pending","footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-182560","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-somali-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v25.6 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Maxamed Abduba Dida oo ku jira Xabsi kuyaalla Mareykanka - Wardoon<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/maxamed-abduba-dida-oo-ku-jira-xabsi-kuyaalla-mareykanka\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Maxamed Abduba Dida oo ku jira Xabsi kuyaalla Mareykanka - Wardoon\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Musharraxii hore ee madaxtinnimada Kenya Maxamed Abduba Dida ayaa la sheegay inuu ku jiro xabsi ku yaalla gobolka Illinois, ee dalka Mareykanka. Sida ay qorayaan warbaahinta gudaha ee Kenya, Dida ayaa lagu xukumay toddoba sano oo xabsi ah, isagoo lagu xiray xabsiga Big Muddy Correctional Centre ee Illinois 18-kii November 2022, kadib markii lagu eedeeyay [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/maxamed-abduba-dida-oo-ku-jira-xabsi-kuyaalla-mareykanka\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Wardoon\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2024-09-14T08:34:11+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/dIDA.webp\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"800\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"450\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/webp\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"admin\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"admin\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"3 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/maxamed-abduba-dida-oo-ku-jira-xabsi-kuyaalla-mareykanka\/\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/maxamed-abduba-dida-oo-ku-jira-xabsi-kuyaalla-mareykanka\/\",\"name\":\"Maxamed Abduba Dida oo ku jira Xabsi kuyaalla Mareykanka - Wardoon\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/maxamed-abduba-dida-oo-ku-jira-xabsi-kuyaalla-mareykanka\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/maxamed-abduba-dida-oo-ku-jira-xabsi-kuyaalla-mareykanka\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/dIDA.webp\",\"datePublished\":\"2024-09-14T08:34:11+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/maxamed-abduba-dida-oo-ku-jira-xabsi-kuyaalla-mareykanka\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"http:\/\/wardoon.net\/so\/maxamed-abduba-dida-oo-ku-jira-xabsi-kuyaalla-mareykanka\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/maxamed-abduba-dida-oo-ku-jira-xabsi-kuyaalla-mareykanka\/#primaryimage\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/dIDA.webp\",\"contentUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/dIDA.webp\",\"width\":800,\"height\":450},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/maxamed-abduba-dida-oo-ku-jira-xabsi-kuyaalla-mareykanka\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Maxamed Abduba Dida oo ku jira Xabsi kuyaalla Mareykanka\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/\",\"name\":\"Wardoon\",\"description\":\"News Media\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\",\"name\":\"admin\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"admin\"},\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Maxamed Abduba Dida oo ku jira Xabsi kuyaalla Mareykanka - Wardoon","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"http:\/\/wardoon.net\/so\/maxamed-abduba-dida-oo-ku-jira-xabsi-kuyaalla-mareykanka\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Maxamed Abduba Dida oo ku jira Xabsi kuyaalla Mareykanka - Wardoon","og_description":"Musharraxii hore ee madaxtinnimada Kenya Maxamed Abduba Dida ayaa la sheegay inuu ku jiro xabsi ku yaalla gobolka Illinois, ee dalka Mareykanka. Sida ay qorayaan warbaahinta gudaha ee Kenya, Dida ayaa lagu xukumay toddoba sano oo xabsi ah, isagoo lagu xiray xabsiga Big Muddy Correctional Centre ee Illinois 18-kii November 2022, kadib markii lagu eedeeyay [&hellip;]","og_url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/maxamed-abduba-dida-oo-ku-jira-xabsi-kuyaalla-mareykanka\/","og_site_name":"Wardoon","article_published_time":"2024-09-14T08:34:11+00:00","og_image":[{"width":800,"height":450,"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/dIDA.webp","type":"image\/webp"}],"author":"admin","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"admin","Est. reading time":"3 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/maxamed-abduba-dida-oo-ku-jira-xabsi-kuyaalla-mareykanka\/","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/maxamed-abduba-dida-oo-ku-jira-xabsi-kuyaalla-mareykanka\/","name":"Maxamed Abduba Dida oo ku jira Xabsi kuyaalla Mareykanka - Wardoon","isPartOf":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/maxamed-abduba-dida-oo-ku-jira-xabsi-kuyaalla-mareykanka\/#primaryimage"},"image":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/maxamed-abduba-dida-oo-ku-jira-xabsi-kuyaalla-mareykanka\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/dIDA.webp","datePublished":"2024-09-14T08:34:11+00:00","author":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28"},"breadcrumb":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/maxamed-abduba-dida-oo-ku-jira-xabsi-kuyaalla-mareykanka\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["http:\/\/wardoon.net\/so\/maxamed-abduba-dida-oo-ku-jira-xabsi-kuyaalla-mareykanka\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/maxamed-abduba-dida-oo-ku-jira-xabsi-kuyaalla-mareykanka\/#primaryimage","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/dIDA.webp","contentUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/dIDA.webp","width":800,"height":450},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/maxamed-abduba-dida-oo-ku-jira-xabsi-kuyaalla-mareykanka\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"http:\/\/wardoon.net\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Maxamed Abduba Dida oo ku jira Xabsi kuyaalla Mareykanka"}]},{"@type":"WebSite","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/","name":"Wardoon","description":"News Media","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28","name":"admin","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","caption":"admin"},"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/182560"}],"collection":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=182560"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/182560\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":182562,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/182560\/revisions\/182562"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/182561"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=182560"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=182560"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=182560"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}