{"id":184347,"date":"2024-12-12T10:49:10","date_gmt":"2024-12-12T07:49:10","guid":{"rendered":"http:\/\/wardoon.net\/so\/?p=184347"},"modified":"2024-12-12T10:49:10","modified_gmt":"2024-12-12T07:49:10","slug":"soomaaliya-iyo-itoobiya-oo-heshiis-kugaaray-turkiga","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/wardoon.net\/so\/soomaaliya-iyo-itoobiya-oo-heshiis-kugaaray-turkiga\/","title":{"rendered":"Soomaaliya iyo Itoobiya oo heshiis kugaaray Turkiga"},"content":{"rendered":"<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-184348\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/20241212638695611182132786.jpg\" alt=\"\" width=\"660\" height=\"379\" srcset=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/20241212638695611182132786.jpg 660w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/20241212638695611182132786-300x172.jpg 300w\" sizes=\"(max-width: 660px) 100vw, 660px\" \/><\/p>\n<p><span style=\"color: #000000;\"><span style=\"font-family: georgia, times new roman, times, serif;\"><span style=\"font-size: large;\">Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra\u2019iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa Ankara ku saxiixday heshiis taariikhi ah oo lagu soo afjarayo khilaafkii labada dal, kaasi oo uu fududeeyey madaxweyne Erdogan. <\/span><\/span><\/span><\/p>\n<p><span style=\"color: #000000;\"><span style=\"font-family: georgia, times new roman, times, serif;\"><span style=\"font-size: large;\">Itoobiya ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in ay ilaalineyso oo ay ixtiraameyso qarannamada, madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, halka Soomaaliya ay Itoobiya u ogolaaneyso marin badeed hoos imanaya maamulkeeda, oo dib looga wada-hadli doono qaabka uu noqonayo.<\/span><\/span><\/span><\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-184352\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/Erdogan-Xasan-Abiy-scaled-1.webp\" alt=\"\" width=\"1392\" height=\"1040\" srcset=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/Erdogan-Xasan-Abiy-scaled-1.webp 1392w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/Erdogan-Xasan-Abiy-scaled-1-300x224.webp 300w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/Erdogan-Xasan-Abiy-scaled-1-1024x765.webp 1024w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/Erdogan-Xasan-Abiy-scaled-1-768x574.webp 768w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/Erdogan-Xasan-Abiy-scaled-1-696x520.webp 696w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/Erdogan-Xasan-Abiy-scaled-1-1068x798.webp 1068w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/Erdogan-Xasan-Abiy-scaled-1-562x420.webp 562w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/Erdogan-Xasan-Abiy-scaled-1-80x60.webp 80w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/Erdogan-Xasan-Abiy-scaled-1-265x198.webp 265w\" sizes=\"(max-width: 1392px) 100vw, 1392px\" \/><\/p>\n<p><strong><span style=\"color: #000000;\"><span style=\"font-family: georgia, times new roman, times, serif;\"><span style=\"font-size: large;\">Hoos ka aqriso war-murtiyeedka ka soo baxay shirka. <\/span><\/span><\/span><\/strong><\/p>\n<p><span style=\"color: #000000;\"><span style=\"font-family: georgia, times new roman, times, serif;\"><span style=\"font-size: large;\">War-murtiyeedka Ankara ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay fududeysay Jamhuuriyadda Turkiga.<\/span><\/span><\/span><\/p>\n<p><span style=\"color: #000000;\"><span style=\"font-family: georgia, times new roman, times, serif;\"><span style=\"font-size: large;\">Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Recep Tayyip Erdo\u011fan, ayaa ku martigeliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra\u2019iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya, Mudane Abiy Axmed Cali, 11-kii December 2024, magaalada Ankara.<\/span><\/span><\/span><\/p>\n<p><strong><span style=\"color: #000000;\"><span style=\"font-family: georgia, times new roman, times, serif;\"><span style=\"font-size: large;\">Kulanka oo ku qabsoomay jawi saaxiibtinimo iyo isfaham, ayaa suurtageliyey wada-hadal furan oo wax-ku-ool ah.<\/span><\/span><\/span><\/strong><\/p>\n<p><span style=\"color: #000000;\"><span style=\"font-family: georgia, times new roman, times, serif;\"><span style=\"font-size: large;\">Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya waxay mar kale si cad u xaqiijiyeen xushmad iyo ka go\u2019naantooda ku aadan madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka siyaasadeed iyo dhuleed ee midba midka kale, iyo ku dhaqanka qiyamka caalamiga ah ee ku xusan sharciga caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo Axdiga Ururka Midowga Afrika.<\/span><\/span><\/span><\/p>\n<p><span style=\"color: #000000;\"><span style=\"font-family: georgia, times new roman, times, serif;\"><span style=\"font-size: large;\">Waxay ku heshiiyeen in ay ka gudbaan khilaafaadka iyo murannadii hore, una dhaqaaqaan waddo wadajir ah oo ay ku raadiyaan horumar iyo barwaaqo wadaag ah iyada oo lagu dhisayo is-ixtiraam iyo saaxiibtinimo dhab ah.<\/span><\/span><\/span><\/p>\n<p><span style=\"color: #000000;\"><span style=\"font-family: georgia, times new roman, times, serif;\"><span style=\"font-size: large;\">Soomaaliya waxay aqoonsan tahay naf-hurnimada iyo dadaalka ay sameeyeen ciidamada Itoobiya ee ka qayb galay hawlgalada Midowga Afrika. <\/span><\/span><\/span><\/p>\n<p><span style=\"color: #000000;\"><span style=\"font-family: georgia, times new roman, times, serif;\"><span style=\"font-size: large;\">Labada dhinac waxay isla qireen faa\u2019iidooyinka ballaaran ee ka dhalan kara in Itoobiya ay hesho marin rasmi ah oo ammaan ah oo badda ah, iyada oo la ixtiraamayo madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. <\/span><\/span><\/span><\/p>\n<p><span style=\"color: #000000;\"><span style=\"font-family: georgia, times new roman, times, serif;\"><span style=\"font-size: large;\">Waxya sidoo kale ku heshiiyeen in ay si dhow uga wada shaqeeyaan sidii loo dhammeystiri lahaa heshiisyo ganacsi oo ay wadaagaan faa\u2019iidooyinkooda, heshiisyadan oo lagu gaari doonoqaab laba-geesood ah, ayna ku jiraan qandaraasyo, kirayn, iyo habab kale oo la mid ah, oo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya u ogolaanayo inay hesho marin joogto ah oo sugan oo nabdoon oo ay ku gaarto badda, taasi oo hoos imaneysa maamulka qarannimo ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.<\/span><\/span><\/span><\/p>\n<p><span style=\"color: #000000;\"><span style=\"font-family: georgia, times new roman, times, serif;\"><span style=\"font-size: large;\">Waxay ku heshiiyeen in ay billaabaan wada-xaajoodyada farsamo oo daacad ah oo ku saleysan arrimahan, oo la billaabayo wax aan ka dambeyn bisha Febraayo 2025, iyadoo ay fududeynayso Turkiga, lana dhammeystiro heshiiska muddo afar bilood gudahood ah. <\/span><\/span><\/span><\/p>\n<p><span style=\"color: #000000;\"><span style=\"font-family: georgia, times new roman, times, serif;\"><span style=\"font-size: large;\">Waxay soo dhaweeyeen taageerada iyo doorka Turkiga ee ku aadan fulinta ballanqaadyadan, waxayna isku raaceen in wixii muran ah ee la xiriira fasiraadda iyo hirgelinta heshiisyadan lagu xalliyo wada-hadal iyo hab nabadeed iyadoo ay gacan ka geysanayso Turkiga marka loo baahdo.<\/span><\/span><\/span><\/p>\n<p><span style=\"color: #000000;\"><span style=\"font-family: georgia, times new roman, times, serif;\"><span style=\"font-size: large;\">Waxay ugu mahadceliyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Recep Tayyip Erdo\u011fan, dadaalkiisa iyo taageeradiisa joogtada ah ee ku aaddan geeddi-socodkan.<\/span><\/span><\/span><\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-0 wp-image-184350\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/GejDO29WkAAAKM8.webp\" alt=\"\" width=\"1170\" height=\"1629\" srcset=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/GejDO29WkAAAKM8.webp 1170w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/GejDO29WkAAAKM8-215x300.webp 215w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/GejDO29WkAAAKM8-735x1024.webp 735w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/GejDO29WkAAAKM8-768x1069.webp 768w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/GejDO29WkAAAKM8-1103x1536.webp 1103w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/GejDO29WkAAAKM8-696x969.webp 696w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/GejDO29WkAAAKM8-1068x1487.webp 1068w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/GejDO29WkAAAKM8-302x420.webp 302w\" sizes=\"(max-width: 1170px) 100vw, 1170px\" \/><\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-184349\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/GejDO25W8AAti0Z.webp\" alt=\"\" width=\"1170\" height=\"1640\" srcset=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/GejDO25W8AAti0Z.webp 1170w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/GejDO25W8AAti0Z-214x300.webp 214w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/GejDO25W8AAti0Z-731x1024.webp 731w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/GejDO25W8AAti0Z-768x1077.webp 768w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/GejDO25W8AAti0Z-1096x1536.webp 1096w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/GejDO25W8AAti0Z-696x976.webp 696w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/GejDO25W8AAti0Z-1068x1497.webp 1068w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/GejDO25W8AAti0Z-300x420.webp 300w\" sizes=\"(max-width: 1170px) 100vw, 1170px\" \/><\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-184355\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/20241212638695611182132786-1.jpg\" alt=\"\" width=\"660\" height=\"379\" srcset=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/20241212638695611182132786-1.jpg 660w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/20241212638695611182132786-1-300x172.jpg 300w\" sizes=\"(max-width: 660px) 100vw, 660px\" \/> <img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-184354\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/Abiy-Xasan-Erdogan-scaled-1.webp\" alt=\"\" width=\"1392\" height=\"945\" srcset=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/Abiy-Xasan-Erdogan-scaled-1.webp 1392w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/Abiy-Xasan-Erdogan-scaled-1-300x204.webp 300w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/Abiy-Xasan-Erdogan-scaled-1-1024x695.webp 1024w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/Abiy-Xasan-Erdogan-scaled-1-768x521.webp 768w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/Abiy-Xasan-Erdogan-scaled-1-696x473.webp 696w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/Abiy-Xasan-Erdogan-scaled-1-1068x725.webp 1068w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/Abiy-Xasan-Erdogan-scaled-1-619x420.webp 619w\" sizes=\"(max-width: 1392px) 100vw, 1392px\" \/> <img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-184353\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/Erdogan-Abiy-Xasan-scaled-1.webp\" alt=\"\" width=\"1392\" height=\"922\" srcset=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/Erdogan-Abiy-Xasan-scaled-1.webp 1392w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/Erdogan-Abiy-Xasan-scaled-1-300x199.webp 300w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/Erdogan-Abiy-Xasan-scaled-1-1024x678.webp 1024w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/Erdogan-Abiy-Xasan-scaled-1-768x509.webp 768w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/Erdogan-Abiy-Xasan-scaled-1-696x461.webp 696w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/Erdogan-Abiy-Xasan-scaled-1-1068x707.webp 1068w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/Erdogan-Abiy-Xasan-scaled-1-634x420.webp 634w\" sizes=\"(max-width: 1392px) 100vw, 1392px\" \/> <img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-184352\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/Erdogan-Xasan-Abiy-scaled-1.webp\" alt=\"\" width=\"1392\" height=\"1040\" srcset=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/Erdogan-Xasan-Abiy-scaled-1.webp 1392w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/Erdogan-Xasan-Abiy-scaled-1-300x224.webp 300w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/Erdogan-Xasan-Abiy-scaled-1-1024x765.webp 1024w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/Erdogan-Xasan-Abiy-scaled-1-768x574.webp 768w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/Erdogan-Xasan-Abiy-scaled-1-696x520.webp 696w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/Erdogan-Xasan-Abiy-scaled-1-1068x798.webp 1068w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/Erdogan-Xasan-Abiy-scaled-1-562x420.webp 562w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/Erdogan-Xasan-Abiy-scaled-1-80x60.webp 80w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/Erdogan-Xasan-Abiy-scaled-1-265x198.webp 265w\" sizes=\"(max-width: 1392px) 100vw, 1392px\" \/> <img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-184351\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/Xasan-Abiy-Erdogan-scaled-1.webp\" alt=\"\" width=\"1392\" height=\"933\" srcset=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/Xasan-Abiy-Erdogan-scaled-1.webp 1392w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/Xasan-Abiy-Erdogan-scaled-1-300x201.webp 300w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/Xasan-Abiy-Erdogan-scaled-1-1024x686.webp 1024w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/Xasan-Abiy-Erdogan-scaled-1-768x515.webp 768w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/Xasan-Abiy-Erdogan-scaled-1-696x467.webp 696w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/Xasan-Abiy-Erdogan-scaled-1-1068x716.webp 1068w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/Xasan-Abiy-Erdogan-scaled-1-627x420.webp 627w\" sizes=\"(max-width: 1392px) 100vw, 1392px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra\u2019iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa Ankara ku saxiixday heshiis taariikhi ah oo lagu soo afjarayo khilaafkii labada dal, kaasi oo uu fududeeyey madaxweyne Erdogan. Itoobiya ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in ay ilaalineyso oo ay ixtiraameyso qarannamada, madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, halka Soomaaliya ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":184348,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"rop_custom_images_group":[],"rop_custom_messages_group":[],"rop_publish_now":"yes","rop_publish_now_accounts":{"facebook_10221280388112155_325455220908133":"","twitter_917774835383787521_917774835383787521":""},"rop_publish_now_history":[],"rop_publish_now_status":"pending","footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-184347","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-somali-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v25.6 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Soomaaliya iyo Itoobiya oo heshiis kugaaray Turkiga - Wardoon<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/soomaaliya-iyo-itoobiya-oo-heshiis-kugaaray-turkiga\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Soomaaliya iyo Itoobiya oo heshiis kugaaray Turkiga - Wardoon\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra\u2019iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa Ankara ku saxiixday heshiis taariikhi ah oo lagu soo afjarayo khilaafkii labada dal, kaasi oo uu fududeeyey madaxweyne Erdogan. Itoobiya ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in ay ilaalineyso oo ay ixtiraameyso qarannamada, madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, halka Soomaaliya ay [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/soomaaliya-iyo-itoobiya-oo-heshiis-kugaaray-turkiga\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Wardoon\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2024-12-12T07:49:10+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/20241212638695611182132786.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"660\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"379\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"admin\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"admin\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"4 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/soomaaliya-iyo-itoobiya-oo-heshiis-kugaaray-turkiga\/\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/soomaaliya-iyo-itoobiya-oo-heshiis-kugaaray-turkiga\/\",\"name\":\"Soomaaliya iyo Itoobiya oo heshiis kugaaray Turkiga - Wardoon\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/soomaaliya-iyo-itoobiya-oo-heshiis-kugaaray-turkiga\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/soomaaliya-iyo-itoobiya-oo-heshiis-kugaaray-turkiga\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/20241212638695611182132786.jpg\",\"datePublished\":\"2024-12-12T07:49:10+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/soomaaliya-iyo-itoobiya-oo-heshiis-kugaaray-turkiga\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"http:\/\/wardoon.net\/so\/soomaaliya-iyo-itoobiya-oo-heshiis-kugaaray-turkiga\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/soomaaliya-iyo-itoobiya-oo-heshiis-kugaaray-turkiga\/#primaryimage\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/20241212638695611182132786.jpg\",\"contentUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/20241212638695611182132786.jpg\",\"width\":660,\"height\":379},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/soomaaliya-iyo-itoobiya-oo-heshiis-kugaaray-turkiga\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Soomaaliya iyo Itoobiya oo heshiis kugaaray Turkiga\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/\",\"name\":\"Wardoon\",\"description\":\"News Media\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\",\"name\":\"admin\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"admin\"},\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Soomaaliya iyo Itoobiya oo heshiis kugaaray Turkiga - Wardoon","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"http:\/\/wardoon.net\/so\/soomaaliya-iyo-itoobiya-oo-heshiis-kugaaray-turkiga\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Soomaaliya iyo Itoobiya oo heshiis kugaaray Turkiga - Wardoon","og_description":"Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra\u2019iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa Ankara ku saxiixday heshiis taariikhi ah oo lagu soo afjarayo khilaafkii labada dal, kaasi oo uu fududeeyey madaxweyne Erdogan. Itoobiya ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in ay ilaalineyso oo ay ixtiraameyso qarannamada, madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, halka Soomaaliya ay [&hellip;]","og_url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/soomaaliya-iyo-itoobiya-oo-heshiis-kugaaray-turkiga\/","og_site_name":"Wardoon","article_published_time":"2024-12-12T07:49:10+00:00","og_image":[{"width":660,"height":379,"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/20241212638695611182132786.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"admin","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"admin","Est. reading time":"4 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/soomaaliya-iyo-itoobiya-oo-heshiis-kugaaray-turkiga\/","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/soomaaliya-iyo-itoobiya-oo-heshiis-kugaaray-turkiga\/","name":"Soomaaliya iyo Itoobiya oo heshiis kugaaray Turkiga - Wardoon","isPartOf":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/soomaaliya-iyo-itoobiya-oo-heshiis-kugaaray-turkiga\/#primaryimage"},"image":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/soomaaliya-iyo-itoobiya-oo-heshiis-kugaaray-turkiga\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/20241212638695611182132786.jpg","datePublished":"2024-12-12T07:49:10+00:00","author":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28"},"breadcrumb":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/soomaaliya-iyo-itoobiya-oo-heshiis-kugaaray-turkiga\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["http:\/\/wardoon.net\/so\/soomaaliya-iyo-itoobiya-oo-heshiis-kugaaray-turkiga\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/soomaaliya-iyo-itoobiya-oo-heshiis-kugaaray-turkiga\/#primaryimage","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/20241212638695611182132786.jpg","contentUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/20241212638695611182132786.jpg","width":660,"height":379},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/soomaaliya-iyo-itoobiya-oo-heshiis-kugaaray-turkiga\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/wardoon.net\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Soomaaliya iyo Itoobiya oo heshiis kugaaray Turkiga"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/","name":"Wardoon","description":"News Media","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28","name":"admin","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","caption":"admin"},"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/184347"}],"collection":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=184347"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/184347\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":184356,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/184347\/revisions\/184356"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/184348"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=184347"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=184347"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=184347"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}