{"id":184460,"date":"2024-12-17T12:39:40","date_gmt":"2024-12-17T09:39:40","guid":{"rendered":"http:\/\/wardoon.net\/so\/?p=184460"},"modified":"2024-12-18T11:50:47","modified_gmt":"2024-12-18T08:50:47","slug":"daawo-somaliland-oo-beenisay-inay-dhul-iyo-badba-siisay-itoobiya","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-somaliland-oo-beenisay-inay-dhul-iyo-badba-siisay-itoobiya\/","title":{"rendered":"DAAWO:-Somaliland oo beenisay inay dhul iyo badba siisay Itoobiya"},"content":{"rendered":"<p><span style=\"font-size: large;\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-184461\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/images.jpeg\" alt=\"\" width=\"515\" height=\"288\" \/><\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Wasiirka xafiiska baneeyey ee Arrimaha Dibedda Somaliland, Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa ka warbixiyay heshiiskii is afgaradka ahaa ee xukuumaddii madaxweyne Biixi ay la gashay Itoobiya iyo halka ay ku danbaysay xilli Ra\u2019iisul wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha Soomaaliya ay heshiis ka gaareen arrinkaas.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Dr. Ciise-Kayd ayaa sheegay in nuqulladii heshiiskaas ay ku wareejinayaan xukuumadda cusub ee uu soo dhisay madaxweyne Cirro si halkaas ay uga sii ambaqaadaan dhamaystirka heshiiska.<\/span><\/p>\n<p>\u201c<span style=\"font-size: large;\">Heshiiskaas waxa uu quseynayay qiyamka dalka iyo umadda Somaliland, mana ahan wax si dhibyar u dhamaaday, isfahankii waa la saxiixay khubaro labada dhan ah ayaa shaqaynayay, waxyaabihii markii hore la saxiixay ayaa isku hagaajin u baahan, sidii labada dal iyo labada dadba uu ugu cuntami lahaa ayaynu ka shaqeenaynay,\u201d ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee xafiiska baneeyey ee Somaliland.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Waxa uu intaa ku daray in isfahanka oo la doonayay in labada dhinacba ay ka faa\u2019iidaan uu yahay mid dan ay ugu wada jirto, ayna haystaan sharciyad adag oo heshiiskaas ah aysanna jirin wax caqabad ah oo ku hor gudban.<\/span><\/p>\n<p>\u201c<span style=\"font-size: large;\">Ma jiraan wax caqabad ah oo ku hor gudban heshiiskaas, annaga iyo Itoobiya xiriirkeenii sidii hore weeye, ka shaqaynta MOU-gaas iyo xeerarkii ku yaalay heshiisyadii iyo waxyaabaha aan u baahanahay inay ka muuqdaan ayuun baa la iskugu noqnoqonayay,\u201d ayuu yiri Ciise Kayd.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Dr Ciise Kayd ayaa sheegay in warqadaha heshiiskaas ay wasaaraddiisa ku wareejisay madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, iyo xukuumaddiisa.<\/span><\/p>\n<p>\u201c<span style=\"font-size: large;\">Waxaan ku wareejinay madaxweyne Cirro iyo xukuumaddiisa oo halkaas ka sii ambaqaadi doona iyaguna waxa ay is yiraahdaan ama ka badali doona ama ku kordhin doona,\u201d ayuu raaciyay.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Dhanka kale waxa uu ka dhawaajiyay in Somaliland uusan khusayn wada xaajoodkii todobaadkii hore dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya kaas oo ka dhacay caasimadda Turkiga ee Ankara uuna dhex dhexaad ka ahaa madaxweyne Erdogan.<\/span><\/p>\n<p>\u201c<span style=\"font-size: large;\">Kulankaas nama quseeyo Soomaaliya iyo Itoobiya waxa ay ku heshiiyeen ama aysan ku heshiin anaga nama quseeyo, dal xor ah ayaan nahay, aayahiisa ka tashada, oo baddiisa aan looga talin karin,\u201d ayuu yiri Ciise Kayd.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Dr. Ciise Kayd waxa uu xusay in aanay waxba ka jirin hadalka uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ee ah in Itoobiya ay ka laabatay isfahankii Somaliland iyo Itoobiya dhex maray.<\/span><\/p>\n<p>\u201c<span style=\"font-size: large;\">Madaxbannaanida Soomaaliya waa wax u gaar ah anaga Somaliland ayaa nahay, marka Muqdisho ayaga xor ha ka noqdaan argagaxisada, marnaba awood umaleh in uu ka taliyo ama uu sheegto badda iyo dhulka Somaliland,\u201d ayuu yiri wasiirka arimaha dibadda xafiiska sii banaynaya ee Somaliland.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Wasiirka ayaa ka dhawaajiyay in tan iyo markii ay Itoobiya la saxiixdeen is afgaradka ay wada xiriirayeen meel fiicanna wax u marayaan.<\/span><\/p>\n<p>\u201c<span style=\"font-size: large;\">Had iyo jeer waanu ka xiriirnaa arimahaas, si joogto ah ayaan uga xiriirnaa in la sii adkeeyo oo laga sii wada hadlo, oo la sii wado, dowladda cusub ee madaxweyne Cirrana uu halkaasi ka sii ambaqaado,\u201d ayuu raaciyay.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa\u2019uud Aweys oo hadlay kadib heshiiskii madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra\u2019iisul wasaare Abiy Axmed, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiiskii dowladda Itoobiya ay la gashay Somaliland kaas oo dad badan shaki geliyeen halka uu ku danbeeyay.<\/span><\/p>\n<p>\u201c<span style=\"font-size: large;\">Dabcan waxaa muuqata in si khalad ah loo fahmay warsaxaafadeedka, waxaa ku qorneyd in dhamaanba laga tagay wixii hore taas oo muujineysa in uusan jirin heshiis hore,\u201d ayuu yiri wasiirka warfafinta Soomaaliya Daa\u2019uud Aweys.<\/span><\/p>\n<p><iframe loading=\"lazy\" title=\"&quot;Itoobiya wax dhul ah oo loo balan qaaday ma jirto&quot; Wasiirka xilka wareejinaya ee arrimada dibadda\" src=\"https:\/\/www.youtube.com\/embed\/8KkU_I3Tou4\" width=\"853\" height=\"480\" frameborder=\"0\" allowfullscreen=\"allowfullscreen\"><\/iframe><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasiirka xafiiska baneeyey ee Arrimaha Dibedda Somaliland, Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa ka warbixiyay heshiiskii is afgaradka ahaa ee xukuumaddii madaxweyne Biixi ay la gashay Itoobiya iyo halka ay ku danbaysay xilli Ra\u2019iisul wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha Soomaaliya ay heshiis ka gaareen arrinkaas. Dr. Ciise-Kayd ayaa sheegay in nuqulladii heshiiskaas ay ku wareejinayaan xukuumadda cusub [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":184461,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"rop_custom_images_group":[],"rop_custom_messages_group":[],"rop_publish_now":"yes","rop_publish_now_accounts":{"facebook_10221280388112155_325455220908133":"","twitter_917774835383787521_917774835383787521":""},"rop_publish_now_history":[],"rop_publish_now_status":"pending","footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-184460","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-somali-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v25.6 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>DAAWO:-Somaliland oo beenisay inay dhul iyo badba siisay Itoobiya - Wardoon<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-somaliland-oo-beenisay-inay-dhul-iyo-badba-siisay-itoobiya\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"DAAWO:-Somaliland oo beenisay inay dhul iyo badba siisay Itoobiya - Wardoon\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Wasiirka xafiiska baneeyey ee Arrimaha Dibedda Somaliland, Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa ka warbixiyay heshiiskii is afgaradka ahaa ee xukuumaddii madaxweyne Biixi ay la gashay Itoobiya iyo halka ay ku danbaysay xilli Ra\u2019iisul wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha Soomaaliya ay heshiis ka gaareen arrinkaas. Dr. Ciise-Kayd ayaa sheegay in nuqulladii heshiiskaas ay ku wareejinayaan xukuumadda cusub [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-somaliland-oo-beenisay-inay-dhul-iyo-badba-siisay-itoobiya\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Wardoon\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2024-12-17T09:39:40+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2024-12-18T08:50:47+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/images.jpeg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"300\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"168\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"admin\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"admin\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"3 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-somaliland-oo-beenisay-inay-dhul-iyo-badba-siisay-itoobiya\/\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-somaliland-oo-beenisay-inay-dhul-iyo-badba-siisay-itoobiya\/\",\"name\":\"DAAWO:-Somaliland oo beenisay inay dhul iyo badba siisay Itoobiya - Wardoon\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-somaliland-oo-beenisay-inay-dhul-iyo-badba-siisay-itoobiya\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-somaliland-oo-beenisay-inay-dhul-iyo-badba-siisay-itoobiya\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/images.jpeg\",\"datePublished\":\"2024-12-17T09:39:40+00:00\",\"dateModified\":\"2024-12-18T08:50:47+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-somaliland-oo-beenisay-inay-dhul-iyo-badba-siisay-itoobiya\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-somaliland-oo-beenisay-inay-dhul-iyo-badba-siisay-itoobiya\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-somaliland-oo-beenisay-inay-dhul-iyo-badba-siisay-itoobiya\/#primaryimage\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/images.jpeg\",\"contentUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/images.jpeg\",\"width\":300,\"height\":168},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-somaliland-oo-beenisay-inay-dhul-iyo-badba-siisay-itoobiya\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"DAAWO:-Somaliland oo beenisay inay dhul iyo badba siisay Itoobiya\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/\",\"name\":\"Wardoon\",\"description\":\"News Media\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\",\"name\":\"admin\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"admin\"},\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"DAAWO:-Somaliland oo beenisay inay dhul iyo badba siisay Itoobiya - Wardoon","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-somaliland-oo-beenisay-inay-dhul-iyo-badba-siisay-itoobiya\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"DAAWO:-Somaliland oo beenisay inay dhul iyo badba siisay Itoobiya - Wardoon","og_description":"Wasiirka xafiiska baneeyey ee Arrimaha Dibedda Somaliland, Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa ka warbixiyay heshiiskii is afgaradka ahaa ee xukuumaddii madaxweyne Biixi ay la gashay Itoobiya iyo halka ay ku danbaysay xilli Ra\u2019iisul wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha Soomaaliya ay heshiis ka gaareen arrinkaas. Dr. Ciise-Kayd ayaa sheegay in nuqulladii heshiiskaas ay ku wareejinayaan xukuumadda cusub [&hellip;]","og_url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-somaliland-oo-beenisay-inay-dhul-iyo-badba-siisay-itoobiya\/","og_site_name":"Wardoon","article_published_time":"2024-12-17T09:39:40+00:00","article_modified_time":"2024-12-18T08:50:47+00:00","og_image":[{"width":300,"height":168,"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/images.jpeg","type":"image\/jpeg"}],"author":"admin","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"admin","Est. reading time":"3 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-somaliland-oo-beenisay-inay-dhul-iyo-badba-siisay-itoobiya\/","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-somaliland-oo-beenisay-inay-dhul-iyo-badba-siisay-itoobiya\/","name":"DAAWO:-Somaliland oo beenisay inay dhul iyo badba siisay Itoobiya - Wardoon","isPartOf":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-somaliland-oo-beenisay-inay-dhul-iyo-badba-siisay-itoobiya\/#primaryimage"},"image":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-somaliland-oo-beenisay-inay-dhul-iyo-badba-siisay-itoobiya\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/images.jpeg","datePublished":"2024-12-17T09:39:40+00:00","dateModified":"2024-12-18T08:50:47+00:00","author":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28"},"breadcrumb":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-somaliland-oo-beenisay-inay-dhul-iyo-badba-siisay-itoobiya\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-somaliland-oo-beenisay-inay-dhul-iyo-badba-siisay-itoobiya\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-somaliland-oo-beenisay-inay-dhul-iyo-badba-siisay-itoobiya\/#primaryimage","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/images.jpeg","contentUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/images.jpeg","width":300,"height":168},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-somaliland-oo-beenisay-inay-dhul-iyo-badba-siisay-itoobiya\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/wardoon.net\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"DAAWO:-Somaliland oo beenisay inay dhul iyo badba siisay Itoobiya"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/","name":"Wardoon","description":"News Media","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28","name":"admin","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","caption":"admin"},"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/184460"}],"collection":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=184460"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/184460\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":184462,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/184460\/revisions\/184462"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/184461"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=184460"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=184460"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=184460"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}