{"id":186305,"date":"2025-06-22T18:54:11","date_gmt":"2025-06-22T15:54:11","guid":{"rendered":"https:\/\/wardoon.net\/so\/?p=186305"},"modified":"2025-06-22T18:54:11","modified_gmt":"2025-06-22T15:54:11","slug":"sidee-ay-dalalka-caalamku-uga-falceliyeen-weerarka-uu-trump-ku-qaaday-iran","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/wardoon.net\/so\/sidee-ay-dalalka-caalamku-uga-falceliyeen-weerarka-uu-trump-ku-qaaday-iran\/","title":{"rendered":"Sidee ay dalalka caalamku uga falceliyeen weerarka uu Trump ku qaaday  Iran"},"content":{"rendered":"<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-186293\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/2025622638861538381211368.jpg\" alt=\"\" width=\"660\" height=\"353\" srcset=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/2025622638861538381211368.jpg 660w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/2025622638861538381211368-300x160.jpg 300w\" sizes=\"(max-width: 660px) 100vw, 660px\" \/><\/p>\n<p>Waddamada caalamka iyo ururrada caalamiga ah ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyay weerarkii ay ciidamada Maraykanku xalay ku qaadeen saddexda xarumood ee nukliyeerka Iran ee Fordow, Natanz, iyo Isfahan. Qaramada qaar ayaa taageeray, qaar kalena si adag u cambaareeyay, halka kuwa kalena ay ku baaqeen in xiisadda la dejiyo.<\/p>\n<p><strong>Israa\u2019iil Way Hambalyaysay Weerarka, Waxayna u Muujisay Taageero Buuxda<\/strong><\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Israa\u2019iil, Benjamin Netanyahu, ayaa si weyn u bogaadiyay madaxweyne Donald Trump, isagoo sheegay in go\u2019aankiisu yahay mid geesinimo leh. Wuxuu sheegay in weerarka lagu qaaday xarumaha nukliyeerka Iran uu yahay mid taariikhi ah oo aduunka ka difaacaya khatar weyn.<\/p>\n<p><strong>Iran Waxay Kaga Jawaabtay Digniin, Waxayna Ballanqaadday in ay Isdifaaci Doonto<\/strong><\/p>\n<p>Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araqchi, ayaa ku eedeeyay Maraykanka inuu si badheedh ah ugu xadgudbay Axdiga Qaramada Midoobay, xeerarka caalamiga ah, iyo heshiiska Joojinta Faafista Hubka Nukliyeerka ee NPT. Wuxuu sheegay in Iran ay xaq u leedahay inay iska difaacdo ayna adeegsan doonto dhammaan ikhtiyaaraadka ay hayso si ay u ilaaliso madax-bannaanideeda dhuleed iyo danta shacabka.<\/p>\n<p><strong>Qaramada Midoobay: Walaac Culus iyo Baaq Dibloomaasiyadeed<\/strong><\/p>\n<p>Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ant\u00f3nio Guterres, ayaa si kulul uga hadlay weerarka. Wuxuu ku tilmaamay tallaabada Maraykanku qaaday mid halis ah oo khatar weyn ku ah nabadda gobolka iyo tan caalamkaba.<br \/>\nGuterres wuxuu ka digay in xiisaddu ay kasii dari karto, taasoo keeni karta cawaaqib xun oo ay ku waxyeelloobaan dad rayid ah. Wuxuu ugu baaqay dhammaan waddamada inay ka fogaadaan gacan ka hadal, islamarkaana ay kusoo laabtaan miiska wadahadalka si xal diblomaasiyadeed loo gaadho.<\/p>\n<p>Boqortooyada Ingiriiska (UK) ayaa Bogaadisay Weerarka, Waxayna Ku Baaqday Wadahadal<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa sheegay in barnaamijka nukliyeerka Iran uu yahay halis weyn. Wuxuu ammaanay tallaabada Maraykanku qaaday, balse wuxuu sidoo kale ugu baaqay Iran inay miiska wadahadalka kusoo noqoto.<\/p>\n<p><strong>Midowga Yurub (EU): Baaq Nabadeed<\/strong><\/p>\n<p>Kaja Kallas, oo ah madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in la joojiyo gacan ka hadalka. Waxay ku baaqday in dhinacyadu kusoo noqdaan miiska wadahadalka si looga hortago fiditaanka khatarta.<\/p>\n<p><strong>Dalalka Carabta iyo Bariga Dhexe: Walaac iyo Digniino<\/strong><\/p>\n<p>Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qadar ayaa muujisay walaac aad u weyn, iyadoo ka digtay in xiisaddu ay horseedi karto cawaaqib halis ah oo heer gobol iyo caalami ah. Sacuudi Carabiya ayaaa weerarka ku tilmaamay xadgudub lagula kacay sharciga caalamiga ah. Dhanka kale, Maryam Rajavi oo ah hoggaamiyaha mucaaradka Iran, ayaa ku tilmaantay weerarka \u201cdhammaadka wax ay ugu yeedhay mashruuca hubka ee Khamayni&#8221; waxayna ugu baaqday hoggaamiyaha Iran inuu xilka baneeyo.<\/p>\n<p><strong>Dalalka Aasiya iyo Latin Amerika: Cambaareyn iyo Baaqyo Diblomaasiyadeed<\/strong><\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Japan, Shigeru Ishiba, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee New Zealand ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda. Dowladda Australia ayaa ku baaqday xal diblomaasiyadeed, iyadoo xustay in barnaamijka nukliyeerka Iran uu yahay khatar caalami ah.<\/p>\n<p>Dhanka Latin Amerika, Venezuela waxay si adag u cambaareysay weerarka, iyadoo ku tilmaantay gardarro milatari oo Maraykanku ku kula kacay Iran. Madaxweynaha Cuba, Miguel D\u00edaz-Canel, ayaa isna ku tilmaamay weerarka \u201cxadgudub weyn oo ka dhan ah Axdiga Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah.\u201d<\/p>\n<p>Iran ayaa sheegtay in weerarka Maraykanku aanu burbur weyn u geysan goobaha nukliyeerka, maaddooyinkii muhiimka ahna horey looga qaaday. Inkasta oo aanay weli cadayn nooca jawaabta rasmiga ah ee ay qaadi doonto, haddana indhaha caalamka ayaa kusii jeeda Iran iyo tallaabada xigta ee ay qaadi doonto.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Waddamada caalamka iyo ururrada caalamiga ah ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyay weerarkii ay ciidamada Maraykanku xalay ku qaadeen saddexda xarumood ee nukliyeerka Iran ee Fordow, Natanz, iyo Isfahan. Qaramada qaar ayaa taageeray, qaar kalena si adag u cambaareeyay, halka kuwa kalena ay ku baaqeen in xiisadda la dejiyo. Israa\u2019iil Way Hambalyaysay Weerarka, Waxayna u [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":186293,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"rop_custom_images_group":[],"rop_custom_messages_group":[],"rop_publish_now":"yes","rop_publish_now_accounts":{"facebook_10221280388112155_325455220908133":"","twitter_917774835383787521_917774835383787521":""},"rop_publish_now_history":[],"rop_publish_now_status":"pending","footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-186305","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-somali-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v25.6 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Sidee ay dalalka caalamku uga falceliyeen weerarka uu Trump ku qaaday Iran - Wardoon<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/sidee-ay-dalalka-caalamku-uga-falceliyeen-weerarka-uu-trump-ku-qaaday-iran\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Sidee ay dalalka caalamku uga falceliyeen weerarka uu Trump ku qaaday Iran - Wardoon\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Waddamada caalamka iyo ururrada caalamiga ah ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyay weerarkii ay ciidamada Maraykanku xalay ku qaadeen saddexda xarumood ee nukliyeerka Iran ee Fordow, Natanz, iyo Isfahan. Qaramada qaar ayaa taageeray, qaar kalena si adag u cambaareeyay, halka kuwa kalena ay ku baaqeen in xiisadda la dejiyo. Israa\u2019iil Way Hambalyaysay Weerarka, Waxayna u [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/sidee-ay-dalalka-caalamku-uga-falceliyeen-weerarka-uu-trump-ku-qaaday-iran\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Wardoon\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2025-06-22T15:54:11+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/2025622638861538381211368.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"660\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"353\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"admin\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"admin\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"3 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/sidee-ay-dalalka-caalamku-uga-falceliyeen-weerarka-uu-trump-ku-qaaday-iran\/\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/sidee-ay-dalalka-caalamku-uga-falceliyeen-weerarka-uu-trump-ku-qaaday-iran\/\",\"name\":\"Sidee ay dalalka caalamku uga falceliyeen weerarka uu Trump ku qaaday Iran - Wardoon\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/sidee-ay-dalalka-caalamku-uga-falceliyeen-weerarka-uu-trump-ku-qaaday-iran\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/sidee-ay-dalalka-caalamku-uga-falceliyeen-weerarka-uu-trump-ku-qaaday-iran\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/2025622638861538381211368.jpg\",\"datePublished\":\"2025-06-22T15:54:11+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/sidee-ay-dalalka-caalamku-uga-falceliyeen-weerarka-uu-trump-ku-qaaday-iran\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"http:\/\/wardoon.net\/so\/sidee-ay-dalalka-caalamku-uga-falceliyeen-weerarka-uu-trump-ku-qaaday-iran\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/sidee-ay-dalalka-caalamku-uga-falceliyeen-weerarka-uu-trump-ku-qaaday-iran\/#primaryimage\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/2025622638861538381211368.jpg\",\"contentUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/2025622638861538381211368.jpg\",\"width\":660,\"height\":353},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/sidee-ay-dalalka-caalamku-uga-falceliyeen-weerarka-uu-trump-ku-qaaday-iran\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Sidee ay dalalka caalamku uga falceliyeen weerarka uu Trump ku qaaday Iran\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/\",\"name\":\"Wardoon\",\"description\":\"News Media\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\",\"name\":\"admin\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"admin\"},\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Sidee ay dalalka caalamku uga falceliyeen weerarka uu Trump ku qaaday Iran - Wardoon","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"http:\/\/wardoon.net\/so\/sidee-ay-dalalka-caalamku-uga-falceliyeen-weerarka-uu-trump-ku-qaaday-iran\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Sidee ay dalalka caalamku uga falceliyeen weerarka uu Trump ku qaaday Iran - Wardoon","og_description":"Waddamada caalamka iyo ururrada caalamiga ah ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyay weerarkii ay ciidamada Maraykanku xalay ku qaadeen saddexda xarumood ee nukliyeerka Iran ee Fordow, Natanz, iyo Isfahan. Qaramada qaar ayaa taageeray, qaar kalena si adag u cambaareeyay, halka kuwa kalena ay ku baaqeen in xiisadda la dejiyo. Israa\u2019iil Way Hambalyaysay Weerarka, Waxayna u [&hellip;]","og_url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/sidee-ay-dalalka-caalamku-uga-falceliyeen-weerarka-uu-trump-ku-qaaday-iran\/","og_site_name":"Wardoon","article_published_time":"2025-06-22T15:54:11+00:00","og_image":[{"width":660,"height":353,"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/2025622638861538381211368.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"admin","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"admin","Est. reading time":"3 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/sidee-ay-dalalka-caalamku-uga-falceliyeen-weerarka-uu-trump-ku-qaaday-iran\/","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/sidee-ay-dalalka-caalamku-uga-falceliyeen-weerarka-uu-trump-ku-qaaday-iran\/","name":"Sidee ay dalalka caalamku uga falceliyeen weerarka uu Trump ku qaaday Iran - Wardoon","isPartOf":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/sidee-ay-dalalka-caalamku-uga-falceliyeen-weerarka-uu-trump-ku-qaaday-iran\/#primaryimage"},"image":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/sidee-ay-dalalka-caalamku-uga-falceliyeen-weerarka-uu-trump-ku-qaaday-iran\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/2025622638861538381211368.jpg","datePublished":"2025-06-22T15:54:11+00:00","author":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28"},"breadcrumb":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/sidee-ay-dalalka-caalamku-uga-falceliyeen-weerarka-uu-trump-ku-qaaday-iran\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["http:\/\/wardoon.net\/so\/sidee-ay-dalalka-caalamku-uga-falceliyeen-weerarka-uu-trump-ku-qaaday-iran\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/sidee-ay-dalalka-caalamku-uga-falceliyeen-weerarka-uu-trump-ku-qaaday-iran\/#primaryimage","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/2025622638861538381211368.jpg","contentUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/2025622638861538381211368.jpg","width":660,"height":353},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/sidee-ay-dalalka-caalamku-uga-falceliyeen-weerarka-uu-trump-ku-qaaday-iran\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"http:\/\/wardoon.net\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Sidee ay dalalka caalamku uga falceliyeen weerarka uu Trump ku qaaday Iran"}]},{"@type":"WebSite","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/","name":"Wardoon","description":"News Media","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28","name":"admin","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","caption":"admin"},"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/186305"}],"collection":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=186305"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/186305\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":186306,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/186305\/revisions\/186306"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/186293"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=186305"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=186305"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=186305"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}