{"id":188276,"date":"2025-11-15T13:18:54","date_gmt":"2025-11-15T10:18:54","guid":{"rendered":"http:\/\/wardoon.net\/so\/?p=188276"},"modified":"2025-11-15T13:18:54","modified_gmt":"2025-11-15T10:18:54","slug":"itoobiya-oo-sheegtay-inay-doonayso-dekeda-casab-ee-eritrea","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/wardoon.net\/so\/itoobiya-oo-sheegtay-inay-doonayso-dekeda-casab-ee-eritrea\/","title":{"rendered":"Itoobiya oo sheegtay inay doonayso Dekeda Casab ee Eritrea"},"content":{"rendered":"<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-188277\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/law-don-ethiopia.jpg\" alt=\"\" width=\"1280\" height=\"740\" srcset=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/law-don-ethiopia.jpg 1280w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/law-don-ethiopia-300x173.jpg 300w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/law-don-ethiopia-1024x592.jpg 1024w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/law-don-ethiopia-768x444.jpg 768w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/law-don-ethiopia-696x402.jpg 696w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/law-don-ethiopia-1068x617.jpg 1068w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/law-don-ethiopia-726x420.jpg 726w\" sizes=\"(max-width: 1280px) 100vw, 1280px\" \/><\/p>\n<p>Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Dr. Gideon Timothy ayaa sheegay in dowladda federaalka aysan ka sii aamusnaan doonin in ay qaado tallaabo ka dhan ah \u201cxadgudubka\u201d Eritrea ay ku sameysay \u201cmadaxbannaanida dhuleed\u201d ee Itoobiya.<\/p>\n<p>Wasiirka waxa uu sidoo kale sheegay in Cassab ay u leedahay \u201cmuhiimad sare\u201d dowladda federaalka sababtuna waxa uu ku sheegay in ay \u201cku maalgeliyaan hanti badan dakadda Cassab ka hor iyo kaddib markii ay Eritrea ka go\u2019aday Itoobiya.<\/p>\n<p>Dr. Gideon hadalkaas waxa uu shalay ka sheegay madal siyaasadeed oo ay soo qabanqaabiyeen hay\u2019ada Horn Review iyo jaamacadda Addis Ababa.<\/p>\n<p>Wasiirka waxa uu madasha ka sheegay siyaasada Itoobiya ee la xiriita waxyaabihii ugu dambeeyay ee ka soo kordhay gobolka geeska Afrika. Madasha waxaa sidoo kale joogay diblomaasiyiin iyo safiiro ka kala socday dalal badan.<\/p>\n<p>Hadalka wasiirka arrimaha dibadda waxa uu diirada saarayay xiriirka ka dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea. Waxa uu sheegay wasiirka in khilaafka mudada dheer soo jiray ee u dhexeeyay labada dal uu yahay mid aan ku ekeyn dekado iyo bad. Hadalka wasiirka oo dhameystiran waxaa lagu daabacay bogga wasaarada arrimaha dibadda ee Itoobiya.<\/p>\n<p>Mid ka mid ah waxyaabaha ugu waa weyn ee keenay khilaafka ayuu ku sheegay wasiirka in ay tahay faragelinta dowladda Eritrea ay ku hayso arrimaha gudaha Itoobiya.<\/p>\n<p>\u201cDowladda Eritrea waxay dareemeysaa in ay xaq u leedahay oo ay kaalin ka qaadato siyaasada gudaha Itoobiya\u201d, wasiirka waxa uu dhaliilay hoggaanka Eritrea oo u sheegay in ay u janjeeraan adeegsiga dhammaan awood kasta oo ka horjeeda danaha Itoobiya.<\/p>\n<p>Sidoo kale wuxuu ku dhaliilay hoggaanka dalka in ay \u201csi weyn u doonayaan in ay gobolka ka noqdaan dal taageera dagaalada si ay u gaaraan danahooda\u201d.<\/p>\n<p>Wasiirka wuxuu kaloo ka hadlay arrin kale oo ku saabsan Eritrea oo ah \u201cSiyaasada Isaiah\u201d oo ah mid ku saleysan in jiritaanka Eritrea oo ku jiro dhibaatada, qeybsanaanta, iyo deganaasho la\u2019aanta Itoobiya\u201d.<\/p>\n<p>Wuxuu u sheegay wasiirka dadkii madasha joogay in Eritrea ay gashay \u201cxadgudub ka dhan ah madaxbannaanida dal iyo dhuleed ee Itoobiya\u201d.<\/p>\n<p>\u201cHadda ciidamada Eritrea ayaa maamula dhowr deegaan oo ku yaal waqooyiga Itoobiya\u201d ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray in goobahaas \u201cay ka mid yihiin dhulka Itoobiya ee madaxbannaan\u201d<\/p>\n<p>Wuxuu kaloo ku eedeeyay wasiirka in dowladda Eritrea ay \u201cfaragelin ku hayso arrimaha gudaha Itoobiya iyadoo taageero siineysa kooxaha hubeysan ee ka horjeeda dowladda\u201d.<\/p>\n<p>Dr. Gedeon waxa uu sheegay tallaabooyinka dowladda Asmara in ay tahay wax \u201cku filan Itoobiya oo ay ku qaadi karto tallaabooyin ay isku difaacdo\u201d, wuxuu kaloo sheegay in dowladiisa ay diiday in ay qaado tallaabo la xiriirta arrintan.<\/p>\n<p>\u201cInkastoo Itoobiya ay wajaheyso xadgudubyo halis ah oo lagu sameynayo madaxbannaanideeda dhuleed hadana in aysan qaadin tallaabo ay isku difaaceyso\u201d ayuu yiri wasiirka oo sheegay in mowqifkan looga fogaanyo dagaalka \u201cuusan aheyn mid sii jiri doona.\u201d<\/p>\n<p>Wasiirka arrimaha dibadda wuxuu kaloo ka hadlay arrintan ku saabsan doonista Itoobiya ee ah in ay hesho dakad, wuxuu ku celiyay hadaladii hore ay dowladiisa u sheegtay ee ahaa in arrinta dekadaha ay u tahay \u201cItoobiya nolol iyo geeri\u201d iyadoo 130ka milyan ee reer Itoobiya ay u baahan yihiin dekad laysku haleyn karo oo ammaan ah.<\/p>\n<p>Dr. Gedeon wuxuu sheegay in dakadda Cassab ay dowladda Itoobiya ugu jirto \u201cmudnaanta koowaad\u201d.<\/p>\n<p>Dr. Gedeon wuxuu kaloo ka hadlay \u201cmaalgalinta weyn ay Itoobiya ku sameysay dakadda ka hor iyo kaddib markii Eritrea go\u2019day\u201d in ay tahay tan ay mudnaanta koowaad ku siinayaan. Dalabka dowladda ayuu sheegay ee dakadda in tahay mid cadaalad ah oo macquul ah marka la eego xaalada dhaqaale ee Itoobiya.<\/p>\n<p>Wasiirka wuxuu kaloo sheegay in xiisada ka dhextaagan labada dal lagu xalin karo oo kaliya \u201cisdhexgal dhaqaale oo gobolka ah\u201d oo u dhexeeya laba dal. Wuxuu kaloo sheegay Dr. Gedeon in doonista Itoobiya ee dakad lagu xalin karo habkan.<\/p>\n<p>Wasiirka waxaa la weydiiyay waxa ay noqonayaan tallaabooyinka xiga hadii ay guuldarestaan tallaabooyinka diblomaasi ee socda. Isagoo taas ka jawaabayay wasiirka waxa uu sheegay in Itoobiya ay ka \u201cgo\u2019an tahay in ay ka fogaato wax kasta oo keenaya dagaal\u201d.<\/p>\n<p>\u201cMarka la eego xaalada jilicsan ee ka jirta dhammaan gobolka geeska Afrika, dagaal kale waa musiibo\u201d, ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray in dowladda Itoobiya ay \u201ciska dhaaftay\u201d in arrintan ay kaga aargudato Eritrea.<\/p>\n<p>Dr. Gideon oo sheegay in dowladda Itoobiya ay \u201cdiyaar u tahay wadahadal\u201d si loo baddelo mustaqbalka labada dal ayaa ugu baaqay bulshada caalamka in ay cadaadis saaraan Eritrea.<\/p>\n<p><strong>Xigasho: BBC<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Dr. Gideon Timothy ayaa sheegay in dowladda federaalka aysan ka sii aamusnaan doonin in ay qaado tallaabo ka dhan ah \u201cxadgudubka\u201d Eritrea ay ku sameysay \u201cmadaxbannaanida dhuleed\u201d ee Itoobiya. Wasiirka waxa uu sidoo kale sheegay in Cassab ay u leedahay \u201cmuhiimad sare\u201d dowladda federaalka sababtuna waxa uu ku sheegay in ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":188278,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"rop_custom_images_group":[],"rop_custom_messages_group":[],"rop_publish_now":"no","rop_publish_now_accounts":{"facebook_10221280388112155_325455220908133":""},"rop_publish_now_history":[{"account":"facebook_10221280388112155_325455220908133","service":"facebook","timestamp":1763201954,"status":"success"}],"rop_publish_now_status":"done","footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-188276","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-somali-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v25.6 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Itoobiya oo sheegtay inay doonayso Dekeda Casab ee Eritrea - Wardoon<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/itoobiya-oo-sheegtay-inay-doonayso-dekeda-casab-ee-eritrea\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Itoobiya oo sheegtay inay doonayso Dekeda Casab ee Eritrea - Wardoon\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Dr. Gideon Timothy ayaa sheegay in dowladda federaalka aysan ka sii aamusnaan doonin in ay qaado tallaabo ka dhan ah \u201cxadgudubka\u201d Eritrea ay ku sameysay \u201cmadaxbannaanida dhuleed\u201d ee Itoobiya. Wasiirka waxa uu sidoo kale sheegay in Cassab ay u leedahay \u201cmuhiimad sare\u201d dowladda federaalka sababtuna waxa uu ku sheegay in ay [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/itoobiya-oo-sheegtay-inay-doonayso-dekeda-casab-ee-eritrea\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Wardoon\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2025-11-15T10:18:54+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/asab.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"1280\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"720\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"admin\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"admin\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"4 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/itoobiya-oo-sheegtay-inay-doonayso-dekeda-casab-ee-eritrea\/\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/itoobiya-oo-sheegtay-inay-doonayso-dekeda-casab-ee-eritrea\/\",\"name\":\"Itoobiya oo sheegtay inay doonayso Dekeda Casab ee Eritrea - Wardoon\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/itoobiya-oo-sheegtay-inay-doonayso-dekeda-casab-ee-eritrea\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/itoobiya-oo-sheegtay-inay-doonayso-dekeda-casab-ee-eritrea\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/asab.jpg\",\"datePublished\":\"2025-11-15T10:18:54+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/itoobiya-oo-sheegtay-inay-doonayso-dekeda-casab-ee-eritrea\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/wardoon.net\/so\/itoobiya-oo-sheegtay-inay-doonayso-dekeda-casab-ee-eritrea\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/itoobiya-oo-sheegtay-inay-doonayso-dekeda-casab-ee-eritrea\/#primaryimage\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/asab.jpg\",\"contentUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/asab.jpg\",\"width\":1280,\"height\":720},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/itoobiya-oo-sheegtay-inay-doonayso-dekeda-casab-ee-eritrea\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Itoobiya oo sheegtay inay doonayso Dekeda Casab ee Eritrea\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/\",\"name\":\"Wardoon\",\"description\":\"News Media\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\",\"name\":\"admin\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"admin\"},\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Itoobiya oo sheegtay inay doonayso Dekeda Casab ee Eritrea - Wardoon","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/wardoon.net\/so\/itoobiya-oo-sheegtay-inay-doonayso-dekeda-casab-ee-eritrea\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Itoobiya oo sheegtay inay doonayso Dekeda Casab ee Eritrea - Wardoon","og_description":"Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Dr. Gideon Timothy ayaa sheegay in dowladda federaalka aysan ka sii aamusnaan doonin in ay qaado tallaabo ka dhan ah \u201cxadgudubka\u201d Eritrea ay ku sameysay \u201cmadaxbannaanida dhuleed\u201d ee Itoobiya. Wasiirka waxa uu sidoo kale sheegay in Cassab ay u leedahay \u201cmuhiimad sare\u201d dowladda federaalka sababtuna waxa uu ku sheegay in ay [&hellip;]","og_url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/itoobiya-oo-sheegtay-inay-doonayso-dekeda-casab-ee-eritrea\/","og_site_name":"Wardoon","article_published_time":"2025-11-15T10:18:54+00:00","og_image":[{"width":1280,"height":720,"url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/asab.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"admin","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"admin","Est. reading time":"4 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/itoobiya-oo-sheegtay-inay-doonayso-dekeda-casab-ee-eritrea\/","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/itoobiya-oo-sheegtay-inay-doonayso-dekeda-casab-ee-eritrea\/","name":"Itoobiya oo sheegtay inay doonayso Dekeda Casab ee Eritrea - Wardoon","isPartOf":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/itoobiya-oo-sheegtay-inay-doonayso-dekeda-casab-ee-eritrea\/#primaryimage"},"image":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/itoobiya-oo-sheegtay-inay-doonayso-dekeda-casab-ee-eritrea\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/asab.jpg","datePublished":"2025-11-15T10:18:54+00:00","author":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28"},"breadcrumb":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/itoobiya-oo-sheegtay-inay-doonayso-dekeda-casab-ee-eritrea\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/wardoon.net\/so\/itoobiya-oo-sheegtay-inay-doonayso-dekeda-casab-ee-eritrea\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/itoobiya-oo-sheegtay-inay-doonayso-dekeda-casab-ee-eritrea\/#primaryimage","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/asab.jpg","contentUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/asab.jpg","width":1280,"height":720},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/itoobiya-oo-sheegtay-inay-doonayso-dekeda-casab-ee-eritrea\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/wardoon.net\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Itoobiya oo sheegtay inay doonayso Dekeda Casab ee Eritrea"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/","name":"Wardoon","description":"News Media","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28","name":"admin","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","caption":"admin"},"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/188276"}],"collection":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=188276"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/188276\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":188279,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/188276\/revisions\/188279"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/188278"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=188276"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=188276"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=188276"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}