{"id":189247,"date":"2026-01-06T11:52:17","date_gmt":"2026-01-06T08:52:17","guid":{"rendered":"http:\/\/wardoon.net\/so\/?p=189247"},"modified":"2026-01-06T11:52:17","modified_gmt":"2026-01-06T08:52:17","slug":"maduro-oo-maxkamad-lagu-soo-taagay-magaalada-new-york","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/wardoon.net\/so\/maduro-oo-maxkamad-lagu-soo-taagay-magaalada-new-york\/","title":{"rendered":"Maduro oo maxkamad lagu soo taagay magaalada New York"},"content":{"rendered":"<p><!--StartFragment --><\/p>\n<p class=\"pf0\"><span class=\"cf0\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-189220\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/609019164_1387185519528372_7630143149868785423_n.jpg\" alt=\"\" width=\"720\" height=\"868\" srcset=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/609019164_1387185519528372_7630143149868785423_n.jpg 720w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/609019164_1387185519528372_7630143149868785423_n-249x300.jpg 249w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/609019164_1387185519528372_7630143149868785423_n-696x839.jpg 696w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/609019164_1387185519528372_7630143149868785423_n-348x420.jpg 348w\" sizes=\"(max-width: 720px) 100vw, 720px\" \/><\/span><\/p>\n<p class=\"pf0\"><span class=\"cf0\">Madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Venezuela, Nicolas Maduro, ayaa Isniintii maxkamad horteeda ka sheegay inuusan wax dambi ah lahayn oo la xiriira ka ganacsiga daroogada, kadib markii madaxweyne Donald Trump uu amray hawlgal layaab leh oo lagu soo qabtay, kaas oo gilgilay hoggaamiyeyaasha caalamka, isla markaana saraakiisha magaalada Caracas ku riday jahwareer iyo kala daadsanaan.<\/span><\/p>\n<p class=\"pf0\">\n<p class=\"pf0\"><span class=\"cf0\">\u201cAnigu ma ahi dambiile. Waxba ma galabsan. Waxaan ahay nin sharaf leh. Wali waxaan ahay madaxweynaha dalkayga,\u201d ayuu yiri Maduro, oo 63 jir ah, isagoo hadalkiisa sii marinaya turjumaan, ka hor inta uusan hadalka ka jarin Garsooraha Maxkamadda Federaalka ee Manhattan, Alvin Hellerstein.<\/span><\/p>\n<p class=\"pf0\">\n<p class=\"pf0\">\n<p class=\"pf0\"><span class=\"cf0\">Xaaska Maduro, Cilia Flores, ayaa iyaduna dhankeeda iska fogeysay dambiyada lagu soo oogay. Maxkamadda ayaa ballanta xigta u qabatay 17-ka bisha Maarso. Dibadda maxkamadda, waxaa isugu soo baxay tobanaan dadweyne ah oo isugu jira kuwo taageersan Maduro iyo kuwo kasoo horjeeda, ka hor inta uusan bilaaban dhageysigii socday nus-saaca.<\/span><\/p>\n<p class=\"pf0\">\n<p class=\"pf0\"><span class=\"cf0\">Saacado kadib, magaalada Caracas, madaxweyne ku xigeenkii Maduro, Delcy Rodriguez, ayaa loo dhaariyay xilka sii-hayaha madaxweynaha Venezuela. Waxay muujisay inay garab taagan tahay Maduro, balse ma aysan bixin wax calaamad ah oo muujinaya inay la dagaallamayso tallaabada Mareykanka.<\/span><\/p>\n<p class=\"pf0\">\n<p class=\"pf0\"><span class=\"cf0\">\u201cWaxaan halkan imid iyadoo xanuun weyn uu qalbigayga ku jiro, kaas oo ka dhashay afduubka loo geystay laba halyeey oo hadda la haysto,\u201d ayay tiri Rodriguez, iyadoo wacad ku martay inay dalka horay u sii wadi doonto xilligan lagu jiro \u201cwaqtiyadaas aadka u adag.\u201d<\/span><\/p>\n<p class=\"pf0\">\n<p class=\"pf0\">\n<p class=\"pf0\"><strong><span class=\"cf0\">Eedeymaha ka ganacsiga daroogada<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"pf0\"><span class=\"cf0\">Maduro waxaa lagu eedeeyay inuu hoggaaminayay shabakad ka ganacsata daroogada nooca Cocaine-ta, taas oo gacan-saar la lahayd kooxo rabshado wada oo ay ka mid yihiin maafiyada Mexico ee Sinaloa iyo Zetas, jabhadda FARC ee Colombia, iyo burcadda Tren de Aragua ee Venezuela.<\/span><\/p>\n<p class=\"pf0\">\n<p class=\"pf0\"><span class=\"cf0\">Wuxuu wajahayaa afar dacwad dambiyeed: Argagixisonimo la xiriirta daroogada, shirqool lagu soo dhoofinayo daroogo, iyo haysashada qoryaha darandooriga u dhaca iyo aaladaha wax gumaada.<\/span><\/p>\n<p class=\"pf0\">\n<p class=\"pf0\"><span class=\"cf0\">\u201cAnigu ma ahi dambiile. Waxba ma galabsan. Waxaan ahay nin sharaf leh. Wali waxaan ahay madaxweynaha dalkayga,\u201d ayuu yiri Maduro, oo 63 jir ah, isagoo hadalkiisa sii marinaya turjumaan, ka hor inta uusan hadalka ka jarin Garsooraha Maxkamadda Federaalka ee Manhattan, Alvin Hellerstein.<\/span><\/p>\n<p class=\"pf0\">\n<p class=\"pf0\">\n<p class=\"pf0\"><span class=\"cf0\">Xaaska Maduro, Cilia Flores, ayaa iyaduna dhankeeda iska fogeysay dambiyada lagu soo oogay. Maxkamadda ayaa ballanta xigta u qabatay 17-ka bisha Maarso. Dibadda maxkamadda, waxaa isugu soo baxay tobanaan dadweyne ah oo isugu jira kuwo taageersan Maduro iyo kuwo kasoo horjeeda, ka hor inta uusan bilaaban dhageysigii socday nus-saaca.<\/span><\/p>\n<p class=\"pf0\">\n<p class=\"pf0\"><span class=\"cf0\">Saacado kadib, magaalada Caracas, madaxweyne ku xigeenkii Maduro, Delcy Rodriguez, ayaa loo dhaariyay xilka sii-hayaha madaxweynaha Venezuela. Waxay muujisay inay garab taagan tahay Maduro, balse ma aysan bixin wax calaamad ah oo muujinaya inay la dagaallamayso tallaabada Mareykanka.<\/span><\/p>\n<p class=\"pf0\">\n<p class=\"pf0\"><span class=\"cf0\">\u201cWaxaan halkan imid iyadoo xanuun weyn uu qalbigayga ku jiro, kaas oo ka dhashay afduubka loo geystay laba halyeey oo hadda la haysto,\u201d ayay tiri Rodriguez, iyadoo wacad ku martay inay dalka horay u sii wadi doonto xilligan lagu jiro \u201cwaqtiyadaas aadka u adag.\u201d<\/span><\/p>\n<p class=\"pf0\">\n<p class=\"pf0\">\n<p class=\"pf0\"><strong><span class=\"cf0\">Eedeymaha ka ganacsiga daroogada<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"pf0\">\n<p class=\"pf0\"><span class=\"cf0\">Maduro waxaa lagu eedeeyay inuu hoggaaminayay shabakad ka ganacsata daroogada nooca Cocaine-ta, taas oo gacan-saar la lahayd kooxo rabshado wada oo ay ka mid yihiin maafiyada Mexico ee Sinaloa iyo Zetas, jabhadda FARC ee Colombia, iyo burcadda Tren de Aragua ee Venezuela.<\/span><\/p>\n<p class=\"pf0\">\n<p class=\"pf0\"><span class=\"cf0\">Wuxuu wajahayaa afar dacwad dambiyeed: Argagixisonimo la xiriirta daroogada, shirqool lagu soo dhoofinayo daroogo, iyo haysashada qoryaha darandooriga u dhaca iyo aaladaha wax gumaada.<\/span><\/p>\n<p class=\"pf0\">\n<p class=\"pf0\"><span class=\"cf0\">Maduro ayaa in muddo ah beeninayay eedeymahan, isagoo ku tilmaamay inay yihiin maqaar-saar lagu qarinayo damaca gumeysi ee Mareykanku ka leeyahay kheyraadka shidaalka ee Venezuela.<\/span><\/p>\n<p class=\"pf0\">\n<p class=\"pf0\"><span class=\"cf0\">Trump marnaba ma uusan qarin rabitaankiisa ku aaddan inuu qeyb ka helo hodantinimada shidaalka ee Venezuela. Saamiyada shirkadaha shidaalka ee Mareykanka ayaa sare u kacay Isniintii, iyadoo ay sare u qaadday rajada laga qabo in la helo keydkaas shidaal ee baaxadda leh.<\/span><\/p>\n<p class=\"pf0\">\n<p class=\"pf0\"><span class=\"cf0\">Halka hoggaamiyeyaasha caalamka iyo siyaasiyiinta Mareykanka ay la yaaban yihiin dhacdadan aan caadiga ahayn ee lagu soo qabtay madaxweyne qaran, amar degdeg ah oo Isniintii lagu daabacay Venezuela ayaa faraya booliiska inay baaraan oo soo qabtaan cid kasta oo taageertay weerarkii Sabtidii ee Mareykanka.<\/span><\/p>\n<p class=\"pf0\">\n<p class=\"pf0\">\n<p class=\"pf0\"><span class=\"cf0\">Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka dooday cawaaqibka ka dhalan kara weerarkan, kaas oo ay cambaareeyeen dalalka Ruushka, Shiinaha, iyo xulafada garabka bidix ee Venezuela.<\/span><\/p>\n<p class=\"pf0\">\n<p class=\"pf0\"><span class=\"cf0\">Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa walaac ka muujiyay xasillooni-darrada Venezuela iyo sharciyadda weerarka Trump, kaas oo ah faragelintii ugu cuslayd ee Mareykanku ku sameeyo Laatiin Ameerika tan iyo duullaankii Panama ee 1989-kii.<\/span><\/p>\n<p class=\"pf0\">\n<p class=\"pf0\"><span class=\"cf0\">Ciidamada Gaarka ah ee Mareykanka ayaa Sabtidii diyaaradaha qumaatiga u kaca (helicopters) ku galay Caracas, iyagoo burburiyay xayndaabkii amniga ee Maduro, kadibna kasoo jiiday qolkiisii gabbaadka ahaa.<\/span><\/p>\n<p class=\"pf0\">\n<p class=\"pf0\">\n<p class=\"pf0\"><strong><span class=\"cf0\">Maxkamadeynta Maduro iyo xaaskiisa<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"pf0\"><span class=\"cf0\">Subaxnimadii Isniinta, Maduro<\/span><span class=\"cf1\">\u2014oo gacmaha ka xiran\u2014iyo xaaskiisa ayaa waxaa xabsiga Brooklyn kasoo kaxeeyay ilaalada sida gaarka ah u tababaran, iyagoo saaray diyaarad helicopter ah oo u wadday maxkamadda federaalka ee Manhattan.<\/span><\/p>\n<p class=\"pf0\">\n<p class=\"pf0\"><span class=\"cf1\">Garsooraha ayaa dhageysiga bilaabay 12:02 duhurnimo. Isagoo lugaha ka katiinadaysan, xiranna dharka maxaabiista oo isugu jira oranji iyo bune, ayuu Maduro dhageysanayay eedeymaha iyadoo loo turjumayo.<\/span><\/p>\n<p class=\"pf0\">\n<p class=\"pf0\">\n<p class=\"pf0\"><span class=\"cf1\">Garsoore Hellerstein ayaa Maduro ka codsaday inuu istaago oo xaqiijiyo aqoonsigiisa. Maduro wuxuu ku jawaabay luuqadda Isbaanishka. Garsooraha ayaa lamaanaha u sheegay inay xaq u leeyihiin inay qunsuliyadda Venezuela ku wargeliyaan xarigooda.<\/span><\/p>\n<p class=\"pf0\">\n<p class=\"pf0\"><span class=\"cf1\">Xeer-ilaaliyeyaasha ayaa sheegay in Maduro uu ku lug lahaa ka ganacsiga daroogada tan iyo markii uu xubin ka noqday Baarlamaanka Venezuela sanadkii 2000, intii uu ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda, iyo doorashadiisii 2013-kii markii uu baddalay madaxweynihii geeriyooday ee Hugo Chavez.<\/span><\/p>\n<p class=\"pf0\">\n<p class=\"pf0\"><strong><span class=\"cf1\">Dagaal sharci iyo \u2018afduub militari\u2019<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"pf0\"><span class=\"cf1\">Qareenka Maduro, Barry Pollack, ayaa sheegay inuu filayo dacwad dheer oo qallafsan oo ku saabsan waxa uu ugu yeeray \u201cafduub milatari\u201d oo loo geystay macmiilkiisa. Wuxuu sheegay in Maduro uusan hadda codsaneyn in damiin lagu sii daayo, balse laga yaabo inuu gadaal ka codsado.<\/span><\/p>\n<p class=\"pf0\">\n<p class=\"pf0\"><span class=\"cf1\">Qareenka Flores, Mark Donnelly, ayaa sheegay in haweeneydaas ay soo gaareen dhaawacyo culus, oo ay ku jirto nabarro waaweyn oo feeraha ah, wuxuuna codsaday in loo sameeyo raajo iyo baaritaan caafimaad.<\/span><\/p>\n<p class=\"pf0\">\n<p class=\"pf0\"><span class=\"cf1\">Xeer-ilaaliyeyaasha federaalka ee New York ayaa markii ugu horreysay dacwad kusoo oogay Maduro sanadkii 2020, taas oo qeyb ka ahayd kiis ballaaran oo ka dhan ah saraakiil reer Venezuela ah iyo jabhado reer Colombia ah. Warqad dacwadeed cusub oo Sabtidii la shaaciyay ayaa lagu daray faahfaahino horleh iyo eedeysanayaal cusub, oo ay ku jirto Cilia Flores.<\/span><\/p>\n<p class=\"pf0\">\n<p class=\"pf0\">\n<p class=\"pf0\"><span class=\"cf1\">Mareykanka ayaa Maduro u arkayay kali-taliye aan sharci ahayn tan iyo markii uu ku dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashadii 2018, taas oo hareeyeen eedeymo la xiriira musuq-maasuq baahsan.<\/span><\/p>\n<p class=\"pf0\">\n<p class=\"pf0\"><span class=\"cf1\">Khubarada sharciga caalamiga ah ayaa su\u2019aal galiyay sharciyadda weerarkan, iyadoo qaarkood ay tallaabada Trump ku tilmaameen mid meel-ka-dhac ku ah nidaamka caalamiga ah ee ku dhisan sharciga.<\/span><\/p>\n<p><!--EndFragment --><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Venezuela, Nicolas Maduro, ayaa Isniintii maxkamad horteeda ka sheegay inuusan wax dambi ah lahayn oo la xiriira ka ganacsiga daroogada, kadib markii madaxweyne Donald Trump uu amray hawlgal layaab leh oo lagu soo qabtay, kaas oo gilgilay hoggaamiyeyaasha caalamka, isla markaana saraakiisha magaalada Caracas ku riday jahwareer iyo kala daadsanaan. [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":189220,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"rop_custom_images_group":[],"rop_custom_messages_group":[],"rop_publish_now":"no","rop_publish_now_accounts":{"facebook_10221280388112155_325455220908133":""},"rop_publish_now_history":[{"account":"facebook_10221280388112155_325455220908133","service":"facebook","timestamp":1767689566,"status":"success"}],"rop_publish_now_status":"done","footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-189247","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-somali-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v25.6 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Maduro oo maxkamad lagu soo taagay magaalada New York - Wardoon<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/maduro-oo-maxkamad-lagu-soo-taagay-magaalada-new-york\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Maduro oo maxkamad lagu soo taagay magaalada New York - Wardoon\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Venezuela, Nicolas Maduro, ayaa Isniintii maxkamad horteeda ka sheegay inuusan wax dambi ah lahayn oo la xiriira ka ganacsiga daroogada, kadib markii madaxweyne Donald Trump uu amray hawlgal layaab leh oo lagu soo qabtay, kaas oo gilgilay hoggaamiyeyaasha caalamka, isla markaana saraakiisha magaalada Caracas ku riday jahwareer iyo kala daadsanaan. [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/maduro-oo-maxkamad-lagu-soo-taagay-magaalada-new-york\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Wardoon\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2026-01-06T08:52:17+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/609019164_1387185519528372_7630143149868785423_n.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"720\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"868\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"admin\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"admin\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"6 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/maduro-oo-maxkamad-lagu-soo-taagay-magaalada-new-york\/\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/maduro-oo-maxkamad-lagu-soo-taagay-magaalada-new-york\/\",\"name\":\"Maduro oo maxkamad lagu soo taagay magaalada New York - Wardoon\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/maduro-oo-maxkamad-lagu-soo-taagay-magaalada-new-york\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/maduro-oo-maxkamad-lagu-soo-taagay-magaalada-new-york\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/609019164_1387185519528372_7630143149868785423_n.jpg\",\"datePublished\":\"2026-01-06T08:52:17+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/maduro-oo-maxkamad-lagu-soo-taagay-magaalada-new-york\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"http:\/\/wardoon.net\/so\/maduro-oo-maxkamad-lagu-soo-taagay-magaalada-new-york\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/maduro-oo-maxkamad-lagu-soo-taagay-magaalada-new-york\/#primaryimage\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/609019164_1387185519528372_7630143149868785423_n.jpg\",\"contentUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/609019164_1387185519528372_7630143149868785423_n.jpg\",\"width\":720,\"height\":868},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/maduro-oo-maxkamad-lagu-soo-taagay-magaalada-new-york\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Maduro oo maxkamad lagu soo taagay magaalada New York\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/\",\"name\":\"Wardoon\",\"description\":\"News Media\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\",\"name\":\"admin\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"admin\"},\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Maduro oo maxkamad lagu soo taagay magaalada New York - Wardoon","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"http:\/\/wardoon.net\/so\/maduro-oo-maxkamad-lagu-soo-taagay-magaalada-new-york\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Maduro oo maxkamad lagu soo taagay magaalada New York - Wardoon","og_description":"Madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Venezuela, Nicolas Maduro, ayaa Isniintii maxkamad horteeda ka sheegay inuusan wax dambi ah lahayn oo la xiriira ka ganacsiga daroogada, kadib markii madaxweyne Donald Trump uu amray hawlgal layaab leh oo lagu soo qabtay, kaas oo gilgilay hoggaamiyeyaasha caalamka, isla markaana saraakiisha magaalada Caracas ku riday jahwareer iyo kala daadsanaan. [&hellip;]","og_url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/maduro-oo-maxkamad-lagu-soo-taagay-magaalada-new-york\/","og_site_name":"Wardoon","article_published_time":"2026-01-06T08:52:17+00:00","og_image":[{"width":720,"height":868,"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/609019164_1387185519528372_7630143149868785423_n.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"admin","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"admin","Est. reading time":"6 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/maduro-oo-maxkamad-lagu-soo-taagay-magaalada-new-york\/","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/maduro-oo-maxkamad-lagu-soo-taagay-magaalada-new-york\/","name":"Maduro oo maxkamad lagu soo taagay magaalada New York - Wardoon","isPartOf":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/maduro-oo-maxkamad-lagu-soo-taagay-magaalada-new-york\/#primaryimage"},"image":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/maduro-oo-maxkamad-lagu-soo-taagay-magaalada-new-york\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/609019164_1387185519528372_7630143149868785423_n.jpg","datePublished":"2026-01-06T08:52:17+00:00","author":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28"},"breadcrumb":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/maduro-oo-maxkamad-lagu-soo-taagay-magaalada-new-york\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["http:\/\/wardoon.net\/so\/maduro-oo-maxkamad-lagu-soo-taagay-magaalada-new-york\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/maduro-oo-maxkamad-lagu-soo-taagay-magaalada-new-york\/#primaryimage","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/609019164_1387185519528372_7630143149868785423_n.jpg","contentUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/609019164_1387185519528372_7630143149868785423_n.jpg","width":720,"height":868},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/maduro-oo-maxkamad-lagu-soo-taagay-magaalada-new-york\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"http:\/\/wardoon.net\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Maduro oo maxkamad lagu soo taagay magaalada New York"}]},{"@type":"WebSite","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/","name":"Wardoon","description":"News Media","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28","name":"admin","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","caption":"admin"},"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/189247"}],"collection":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=189247"}],"version-history":[{"count":2,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/189247\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":189249,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/189247\/revisions\/189249"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/189220"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=189247"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=189247"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=189247"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}