{"id":189423,"date":"2026-01-11T13:30:18","date_gmt":"2026-01-11T10:30:18","guid":{"rendered":"http:\/\/wardoon.net\/so\/?p=189423"},"modified":"2026-01-11T13:30:18","modified_gmt":"2026-01-11T10:30:18","slug":"madaxweyne-xasan-sheekh-oo-tagaya-laascaanood","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/wardoon.net\/so\/madaxweyne-xasan-sheekh-oo-tagaya-laascaanood\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Xasan Sheekh oo tagaya Laascaanood"},"content":{"rendered":"<p><!--StartFragment --><\/p>\n<p class=\"pf0\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-189424\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/xasa.webp\" alt=\"\" width=\"1200\" height=\"675\" srcset=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/xasa.webp 1200w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/xasa-300x169.webp 300w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/xasa-1024x576.webp 1024w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/xasa-768x432.webp 768w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/xasa-696x392.webp 696w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/xasa-1068x601.webp 1068w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/xasa-747x420.webp 747w\" sizes=\"(max-width: 1200px) 100vw, 1200px\" \/><\/p>\n<p class=\"pf0\">\n<p class=\"pf0\"><span class=\"cf0\">Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in todobaadkan uu booqasho ku tego magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo ay haatan ka socoto qaban qaabada soo dhaweyntiisa.<\/span><\/p>\n<p class=\"pf0\">\n<p class=\"pf0\"><span class=\"cf1\">Ilo wareedyo xilkas ah ayaa <\/span><span class=\"cf0\">warbaahinta Wardoon.net u<\/span><span class=\"cf1\">sheegay in Madaxweynuhuu bixi doono maalinta Khamiista ah ee soo socoto, isaga oo ka qayb-gelaya xafladda caleema saarka Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-cali (Firdhiye) oo lagu qabanayo Laascaanood.<\/span><\/p>\n<p class=\"pf0\"><span class=\"cf1\">Wararka ayaa intaasi ku daraya in saacadaha soo socda ay Muqdisho ka bixi doonaan wafdi horudhac ah safarka Madaxweynaha, si ay qayb uga noqdaan qaban qaabada soo dhaweyntiisa, ugana shaqeeyaan howlaha amniga.<\/span><\/p>\n<p class=\"pf0\">\n<p class=\"pf0\"><span class=\"cf1\">Sidoo kale, Ra\u2019iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo qaar kamid golihiisa wasiirrada ayaa tegi doono halkaasi, waxaana la qorsheeyay in shirka golaha wasiirrada uu Khamiista ka dhaco magaalada Laasacaanood.<\/span><\/p>\n<p class=\"pf0\">\n<p class=\"pf0\"><span class=\"cf1\">Waxaa kale oo tegi doono caleema saarka Firdhiye qaar kamid ah madaxda dowlad-goboleedyada Soomaaliya oo iyagana lagu casuumay munaasaabadda oo dib uga dhacday xilligeeda, kadib culeysyo yimid dartood.<\/span><\/p>\n<p class=\"pf0\">\n<p class=\"pf0\">\n<p class=\"pf0\"><span class=\"cf1\">Hoggaamiyaha Waqooyi Bari Cabdulqaadir Axmed Aw-cali (Firdhiye) oo markii hore KMG ahaa ayaa mar kale dib loogu doortay xilka Madaxweynaha, kadib doorasho sanadkii hore ka dhacday Laascaanood, taas oo lag<\/span><span class=\"cf0\">u<\/span><span class=\"cf1\"> dhammeystiray maamulkan oo aqoonsi buuxa ka helay dowladda federaalka Soomaaliya.<\/span><\/p>\n<p class=\"pf0\">\n<p class=\"pf0\"><span class=\"cf1\">Ninkan ayaa toos ugu xiran Villa Somalia, wuxuuna horay ugu biiray Xisbiga uu dhisay Xasan Sheekh Maxamuud ee JSP, isagoo taageeradaas ku caana maalay, maadaama uu mar kale ku guuleystay inuu sii hogaamiyo maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya.<\/span><\/p>\n<p class=\"pf0\">\n<p class=\"pf0\"><span class=\"cf1\">Si kastaba, safarka Madaxweynaha iyo Ra\u2019iisul wasaaraha ee Laascaanood ayaa kusoo aadayo, xilli haatan ay isku dhacsan yihiin dowladda federaalka iyo Somaliland, sababo la xiriira aqoonsiga ay Israa\u2019iil siisay maamulka Hargeysa.<\/span><\/p>\n<p><!--EndFragment --><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in todobaadkan uu booqasho ku tego magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo ay haatan ka socoto qaban qaabada soo dhaweyntiisa. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa warbaahinta Wardoon.net usheegay in Madaxweynuhuu bixi doono maalinta Khamiista ah ee soo socoto, isaga oo ka qayb-gelaya [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":189424,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"rop_custom_images_group":[],"rop_custom_messages_group":[],"rop_publish_now":"no","rop_publish_now_accounts":{"facebook_10221280388112155_325455220908133":""},"rop_publish_now_history":[{"account":"facebook_10221280388112155_325455220908133","service":"facebook","timestamp":1768127444,"status":"success"}],"rop_publish_now_status":"done","footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-189423","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-somali-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v25.6 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Madaxweyne Xasan Sheekh oo tagaya Laascaanood - Wardoon<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/madaxweyne-xasan-sheekh-oo-tagaya-laascaanood\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Madaxweyne Xasan Sheekh oo tagaya Laascaanood - Wardoon\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in todobaadkan uu booqasho ku tego magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo ay haatan ka socoto qaban qaabada soo dhaweyntiisa. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa warbaahinta Wardoon.net usheegay in Madaxweynuhuu bixi doono maalinta Khamiista ah ee soo socoto, isaga oo ka qayb-gelaya [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/madaxweyne-xasan-sheekh-oo-tagaya-laascaanood\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Wardoon\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2026-01-11T10:30:18+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/xasa.webp\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"1200\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"675\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/webp\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"admin\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"admin\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"2 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/madaxweyne-xasan-sheekh-oo-tagaya-laascaanood\/\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/madaxweyne-xasan-sheekh-oo-tagaya-laascaanood\/\",\"name\":\"Madaxweyne Xasan Sheekh oo tagaya Laascaanood - Wardoon\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/madaxweyne-xasan-sheekh-oo-tagaya-laascaanood\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/madaxweyne-xasan-sheekh-oo-tagaya-laascaanood\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/xasa.webp\",\"datePublished\":\"2026-01-11T10:30:18+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/madaxweyne-xasan-sheekh-oo-tagaya-laascaanood\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"http:\/\/wardoon.net\/so\/madaxweyne-xasan-sheekh-oo-tagaya-laascaanood\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/madaxweyne-xasan-sheekh-oo-tagaya-laascaanood\/#primaryimage\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/xasa.webp\",\"contentUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/xasa.webp\",\"width\":1200,\"height\":675},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/madaxweyne-xasan-sheekh-oo-tagaya-laascaanood\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Madaxweyne Xasan Sheekh oo tagaya Laascaanood\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/\",\"name\":\"Wardoon\",\"description\":\"News Media\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\",\"name\":\"admin\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"admin\"},\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Madaxweyne Xasan Sheekh oo tagaya Laascaanood - Wardoon","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"http:\/\/wardoon.net\/so\/madaxweyne-xasan-sheekh-oo-tagaya-laascaanood\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Madaxweyne Xasan Sheekh oo tagaya Laascaanood - Wardoon","og_description":"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in todobaadkan uu booqasho ku tego magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo ay haatan ka socoto qaban qaabada soo dhaweyntiisa. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa warbaahinta Wardoon.net usheegay in Madaxweynuhuu bixi doono maalinta Khamiista ah ee soo socoto, isaga oo ka qayb-gelaya [&hellip;]","og_url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/madaxweyne-xasan-sheekh-oo-tagaya-laascaanood\/","og_site_name":"Wardoon","article_published_time":"2026-01-11T10:30:18+00:00","og_image":[{"width":1200,"height":675,"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/xasa.webp","type":"image\/webp"}],"author":"admin","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"admin","Est. reading time":"2 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/madaxweyne-xasan-sheekh-oo-tagaya-laascaanood\/","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/madaxweyne-xasan-sheekh-oo-tagaya-laascaanood\/","name":"Madaxweyne Xasan Sheekh oo tagaya Laascaanood - Wardoon","isPartOf":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/madaxweyne-xasan-sheekh-oo-tagaya-laascaanood\/#primaryimage"},"image":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/madaxweyne-xasan-sheekh-oo-tagaya-laascaanood\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/xasa.webp","datePublished":"2026-01-11T10:30:18+00:00","author":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28"},"breadcrumb":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/madaxweyne-xasan-sheekh-oo-tagaya-laascaanood\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["http:\/\/wardoon.net\/so\/madaxweyne-xasan-sheekh-oo-tagaya-laascaanood\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/madaxweyne-xasan-sheekh-oo-tagaya-laascaanood\/#primaryimage","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/xasa.webp","contentUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/xasa.webp","width":1200,"height":675},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/madaxweyne-xasan-sheekh-oo-tagaya-laascaanood\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/wardoon.net\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Madaxweyne Xasan Sheekh oo tagaya Laascaanood"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/","name":"Wardoon","description":"News Media","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28","name":"admin","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","caption":"admin"},"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/189423"}],"collection":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=189423"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/189423\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":189425,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/189423\/revisions\/189425"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/189424"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=189423"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=189423"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=189423"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}