{"id":189985,"date":"2026-02-01T13:10:33","date_gmt":"2026-02-01T10:10:33","guid":{"rendered":"https:\/\/wardoon.net\/so\/?p=189985"},"modified":"2026-02-01T13:10:33","modified_gmt":"2026-02-01T10:10:33","slug":"puntland-iyo-jubbaland-oo-cambaareeyay-goaankii-lagu-celiyay-ciidankooda","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/wardoon.net\/so\/puntland-iyo-jubbaland-oo-cambaareeyay-goaankii-lagu-celiyay-ciidankooda\/","title":{"rendered":"Puntland iyo Jubbaland oo cambaareeyay go\u2019aankii lagu celiyay ciidankooda."},"content":{"rendered":"<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-189986\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/Screenshot-2026-02-01-100628.png\" alt=\"\" width=\"688\" height=\"489\" srcset=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/Screenshot-2026-02-01-100628.png 688w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/Screenshot-2026-02-01-100628-300x213.png 300w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/Screenshot-2026-02-01-100628-591x420.png 591w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/Screenshot-2026-02-01-100628-100x70.png 100w\" sizes=\"(max-width: 688px) 100vw, 688px\" \/><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Maamullada Puntland iyo Jubbaland oo warsaxaafadeedyo soo saaray ayaa si adag uga hadlay falkii maanta lagu celiyay ciidamadii ay usoo direen magaalada Muqdisho, kuwaas oo dowladda dhexe u diiday diyaaradihii siday in ay ka dagaan garoonka Aadan Cadde.<\/p>\n<p>Puntland oo marka hore cambaareysay falkan, waxayna sheegtay in khatar la galiyay saraakiil ka tirsan maamulkaas iyo ciidamo hordhac u ahaa safarka la filayo in uu caasimada Soomaaliya kusoo gaaro Madaxweyne Saciid Deni.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Puntland ayaa tilmaamtay in ujeedka ka dambeeyo go\u2019aankan uu yahay in la fashiliyo wada-hadallada lagu wado in ay dhex-maraan Villa Soomaaliya iyo Golaha Mustaqalka oo loo qorsheeyay inay berri bilowdaan.<\/p>\n<p>\u201cIllaa waqtigii ay Dowladda Puntland iyo guud ahaan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ay aqbaleen ka qayb-galka gogosha ay dhigtay DFS, Madaxweynaha wuxuu qaaday tillaabooyin uu dhammaantood uga gol lahaa in uu fashiliyo Gogosha lagu ballamay, isaga oo sida muuqato aan fileyn in Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed in ay aqbali doonaan gogosha\u201d ayaa lagu yiri bayaanka.<\/p>\n<p>Dhankeeda Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada iyo wafdiga la socday ay ku wargelisay Hay\u2019adda Duulista, balse si sharci darro ah hawada looga celiyay, iyada oo aan la hubin in diyaaraddu haysato shidaal ku filan.<\/p>\n<p>\u201cBilowgii safarka, diyaarada siday xubnahan oo ka duushay Garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan, waxaa si rasmi ah loola socodsiiyay Hay\u2019adda Duulista Rayidka, guddiga qaban-qaabada shirka iyo laamaha Amniga Dowladda Federaalka ah. Hase yeeshee, markii diyaaraddu ku dhowaatay inay ka degto Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, ayaa si lama filaan ah loo soo saaray go\u2019aan cusub oo ah inay dib ugu laabato Magaalada Kismaayo, iyadoo aan la hubin in diyaaraddu haysato shidaal ku filan oo ay dib ugu laaban karto magaalada Kismaayo. Arrintan waxay ka tarjumaysaa masuuliyad-darro weyn iyo go\u2019aan cadownimo ah oo halis geliyay nolosha wafdiga hordhaca ah\u201d ayaa iyana lagu yiri bayaanka kasoo baxay Jubbaland.<\/p>\n<p>Waxaa kale oo lasii raaciyay \u201cDowladda Federaalka ah oo ka caga-jiidaysa qabsoomidda Shirka Wadatashiga ah ee Muqdisho, waxay u muuqataa in ay ka go\u2019antahay inay wado walba u marto baajinta shirkaas, arrintaas oo muujinaysa niyad-sami la\u2019aan iyo ka go\u2019naansho la\u2019aanta in xal laga gaaro xaaladda cakiran ee dalka\u201d..<\/p>\n<p>Dhanka kale Jubbaland ayaa sheegtay in maanta hawada laga celiyay labo diyaaradood oo kale oo shacab siday, kuwaas oo kasoo baxay garoonka Kismaayo, iyada oo xustay in tallaabooyinkan ay ka dhalan karaan halis iyo qalalaase horleh.<\/p>\n<p>Si kastaba, berri oo Isniin ah ayaa loo qorsheeyay in wada-hadalladu ay bilowdaan, hadana waa soo baxaya caqabado waa wayn oo sii kala fogeyn karo dhinacyada, xilli lagu jaro marxaalad xasaasi ah iyo xaalad kala guur ah.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-189987\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/1.webp\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"984\" srcset=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/1.webp 696w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/1-212x300.webp 212w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/1-297x420.webp 297w\" sizes=\"(max-width: 696px) 100vw, 696px\" \/><\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-189988\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/2.jpg\" alt=\"\" width=\"512\" height=\"640\" srcset=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/2.jpg 512w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/2-240x300.jpg 240w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/2-336x420.jpg 336w\" sizes=\"(max-width: 512px) 100vw, 512px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>&nbsp; Maamullada Puntland iyo Jubbaland oo warsaxaafadeedyo soo saaray ayaa si adag uga hadlay falkii maanta lagu celiyay ciidamadii ay usoo direen magaalada Muqdisho, kuwaas oo dowladda dhexe u diiday diyaaradihii siday in ay ka dagaan garoonka Aadan Cadde. Puntland oo marka hore cambaareysay falkan, waxayna sheegtay in khatar la galiyay saraakiil ka tirsan maamulkaas [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":189986,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"rop_custom_images_group":[],"rop_custom_messages_group":[],"rop_publish_now":"no","rop_publish_now_accounts":{"facebook_10221280388112155_325455220908133":""},"rop_publish_now_history":[{"account":"facebook_10221280388112155_325455220908133","service":"facebook","timestamp":1769940658,"status":"success"}],"rop_publish_now_status":"done","footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-189985","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-somali-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v25.6 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Puntland iyo Jubbaland oo cambaareeyay go\u2019aankii lagu celiyay ciidankooda. - Wardoon<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/puntland-iyo-jubbaland-oo-cambaareeyay-goaankii-lagu-celiyay-ciidankooda\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Puntland iyo Jubbaland oo cambaareeyay go\u2019aankii lagu celiyay ciidankooda. - Wardoon\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"&nbsp; Maamullada Puntland iyo Jubbaland oo warsaxaafadeedyo soo saaray ayaa si adag uga hadlay falkii maanta lagu celiyay ciidamadii ay usoo direen magaalada Muqdisho, kuwaas oo dowladda dhexe u diiday diyaaradihii siday in ay ka dagaan garoonka Aadan Cadde. Puntland oo marka hore cambaareysay falkan, waxayna sheegtay in khatar la galiyay saraakiil ka tirsan maamulkaas [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/puntland-iyo-jubbaland-oo-cambaareeyay-goaankii-lagu-celiyay-ciidankooda\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Wardoon\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2026-02-01T10:10:33+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/Screenshot-2026-02-01-100628.png\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"688\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"489\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/png\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"admin\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"admin\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"3 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/puntland-iyo-jubbaland-oo-cambaareeyay-goaankii-lagu-celiyay-ciidankooda\/\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/puntland-iyo-jubbaland-oo-cambaareeyay-goaankii-lagu-celiyay-ciidankooda\/\",\"name\":\"Puntland iyo Jubbaland oo cambaareeyay go\u2019aankii lagu celiyay ciidankooda. - Wardoon\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/puntland-iyo-jubbaland-oo-cambaareeyay-goaankii-lagu-celiyay-ciidankooda\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/puntland-iyo-jubbaland-oo-cambaareeyay-goaankii-lagu-celiyay-ciidankooda\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/Screenshot-2026-02-01-100628.png\",\"datePublished\":\"2026-02-01T10:10:33+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/puntland-iyo-jubbaland-oo-cambaareeyay-goaankii-lagu-celiyay-ciidankooda\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"http:\/\/wardoon.net\/so\/puntland-iyo-jubbaland-oo-cambaareeyay-goaankii-lagu-celiyay-ciidankooda\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/puntland-iyo-jubbaland-oo-cambaareeyay-goaankii-lagu-celiyay-ciidankooda\/#primaryimage\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/Screenshot-2026-02-01-100628.png\",\"contentUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/Screenshot-2026-02-01-100628.png\",\"width\":688,\"height\":489},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/puntland-iyo-jubbaland-oo-cambaareeyay-goaankii-lagu-celiyay-ciidankooda\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Puntland iyo Jubbaland oo cambaareeyay go\u2019aankii lagu celiyay ciidankooda.\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/\",\"name\":\"Wardoon\",\"description\":\"News Media\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\",\"name\":\"admin\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"admin\"},\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Puntland iyo Jubbaland oo cambaareeyay go\u2019aankii lagu celiyay ciidankooda. - Wardoon","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"http:\/\/wardoon.net\/so\/puntland-iyo-jubbaland-oo-cambaareeyay-goaankii-lagu-celiyay-ciidankooda\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Puntland iyo Jubbaland oo cambaareeyay go\u2019aankii lagu celiyay ciidankooda. - Wardoon","og_description":"&nbsp; Maamullada Puntland iyo Jubbaland oo warsaxaafadeedyo soo saaray ayaa si adag uga hadlay falkii maanta lagu celiyay ciidamadii ay usoo direen magaalada Muqdisho, kuwaas oo dowladda dhexe u diiday diyaaradihii siday in ay ka dagaan garoonka Aadan Cadde. Puntland oo marka hore cambaareysay falkan, waxayna sheegtay in khatar la galiyay saraakiil ka tirsan maamulkaas [&hellip;]","og_url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/puntland-iyo-jubbaland-oo-cambaareeyay-goaankii-lagu-celiyay-ciidankooda\/","og_site_name":"Wardoon","article_published_time":"2026-02-01T10:10:33+00:00","og_image":[{"width":688,"height":489,"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/Screenshot-2026-02-01-100628.png","type":"image\/png"}],"author":"admin","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"admin","Est. reading time":"3 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/puntland-iyo-jubbaland-oo-cambaareeyay-goaankii-lagu-celiyay-ciidankooda\/","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/puntland-iyo-jubbaland-oo-cambaareeyay-goaankii-lagu-celiyay-ciidankooda\/","name":"Puntland iyo Jubbaland oo cambaareeyay go\u2019aankii lagu celiyay ciidankooda. - Wardoon","isPartOf":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/puntland-iyo-jubbaland-oo-cambaareeyay-goaankii-lagu-celiyay-ciidankooda\/#primaryimage"},"image":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/puntland-iyo-jubbaland-oo-cambaareeyay-goaankii-lagu-celiyay-ciidankooda\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/Screenshot-2026-02-01-100628.png","datePublished":"2026-02-01T10:10:33+00:00","author":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28"},"breadcrumb":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/puntland-iyo-jubbaland-oo-cambaareeyay-goaankii-lagu-celiyay-ciidankooda\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["http:\/\/wardoon.net\/so\/puntland-iyo-jubbaland-oo-cambaareeyay-goaankii-lagu-celiyay-ciidankooda\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/puntland-iyo-jubbaland-oo-cambaareeyay-goaankii-lagu-celiyay-ciidankooda\/#primaryimage","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/Screenshot-2026-02-01-100628.png","contentUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/Screenshot-2026-02-01-100628.png","width":688,"height":489},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/puntland-iyo-jubbaland-oo-cambaareeyay-goaankii-lagu-celiyay-ciidankooda\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/wardoon.net\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Puntland iyo Jubbaland oo cambaareeyay go\u2019aankii lagu celiyay ciidankooda."}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/","name":"Wardoon","description":"News Media","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28","name":"admin","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","caption":"admin"},"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/189985"}],"collection":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=189985"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/189985\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":189989,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/189985\/revisions\/189989"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/189986"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=189985"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=189985"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=189985"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}