{"id":190209,"date":"2026-02-17T11:57:49","date_gmt":"2026-02-17T08:57:49","guid":{"rendered":"https:\/\/wardoon.net\/so\/?p=190209"},"modified":"2026-02-17T11:57:49","modified_gmt":"2026-02-17T08:57:49","slug":"xiisadda-gobolka-awdal-oo-kasii-dareysa","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/wardoon.net\/so\/xiisadda-gobolka-awdal-oo-kasii-dareysa\/","title":{"rendered":"Xiisadda Gobolka Awdal oo kasii dareysa"},"content":{"rendered":"<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-190211\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/20231031638343451373081845.jpg\" alt=\"\" width=\"660\" height=\"355\" srcset=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/20231031638343451373081845.jpg 660w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/20231031638343451373081845-300x161.jpg 300w\" sizes=\"(max-width: 660px) 100vw, 660px\" \/><\/p>\n<p>Guddiga dhaqanka beelaha Gadabuursi ayaa ku dhawaaqay inay hakiyeen wada-shaqeyntii ay la lahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.<\/p>\n<p>Odayaasha dhaqanka Gadabuursi ayaa Wasiirka ku eedeeyay inuu ka been sheegay in lasoo xidhay nabada beelaha wada dega gobollada Awdal iyo Salal, xilli maalin ka hor uu dagaal culus ka dhacay ka dhacay deegaanno dhaca Salal.<\/p>\n<p>Guddidu waxay sheegtay in ay bulshadu si weyn uga walaacsan tahay hadallada ka soo yeeray wasiirka, iyaga oo ku tilmaamay kuwo marin-habaabin ah oo aan ka turjumayn xaqiiqada ka jirta deegaannada ay colaaduhu ka dheceen.<\/p>\n<p>Bayaan kasoo baxay guddida ayaa lagu sheegay in wasiirku ku andacooday in colaaddii ka taagnayd deegaannadaasi la dhammeeyay, balse arrintaasi aanay sal ku lahayn xaqiiqada jirta, maadaama labadii maalmood ee u dambeeyay ay halkaas ka dhaceen dagaallo culus oo geystay khasaare naf iyo maalba leh.<\/p>\n<p>\u201cWasiirku waxa uu si cad aan oo badheedh ah u aflagaadeeyay madax-dhaqameedka beelaha Gadabuursi oo uu ku sheegay dagaal-oogayaal nabada diidan, arrintaana waxa aanu ka leenahay wasiir way kaa hoostay ee waxa aad illoowday in madax-dhaqameedka reerku ay yihiin kuwa dhaliyay ee keenay nabadda iyo quruxda aad wasiirka ku tahay,\u201d ayaa lagu yiri bayaanka odayaasha dhaqanka beelaha Gadabuursi.<\/p>\n<p>Dhanka kale, guddigu waxa ay tilmaameen in hadallada wasiirku muujinayaan isbeddel ku yimid mowqifkiisii hore, iyaga oo xusay in ay jireen dadaallo nabadeed oo hore si wadajir ah u wadeen madax-dhaqameedka iyo mas\u2019uuliyiinta xukuumadda.<\/p>\n<p>\u201cWaxa aanu bulshadayada iyo dawladda Somaliland-ba u caddaynaynaa in aanu si ku meel-gaadh ah u joojinay wada shaqeyntii aanu la lahayn wasiirka arrimaha gudaha, maadaama oo uu wasiirku ka baxay xeyndaabkii dawladnimo. Sidoo kalena uu lumiyey dhex-dhexaadnimadii.\u201d<\/p>\n<p>Ugu dambeyntii, Guddiga Dhaqanka Beelaha Gadabuursi waxay ugu baaqeen bulshada iyo xukuumadda Somaliland in si mideysan looga hawlgalo nabad waarta iyo xal u helidda khilaafaadka taagan.<\/p>\n<p>Waxay sidoo kale adkeeyeen muhiimadda ay leedahay ilaalinta wada shaqeynta iyo xasilloonida gobolka, iyaga oo caddeeyay inay sii wadi doonaan doorkooda nabadeynta iyo midnimada bulshada.<\/p>\n<p>Xiisadda ka taagan gobollada Awdal iyo Salal ayaa kasii dareysa, kadib markii uu buray heshiis nabadeed oo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland uu sheegay in lagu soo afjaray colaadda taagan, taas oo kasoo bilaabatay joojintii buugga xeer Ciise ee magaalada Saylac.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-190210\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/637420142_925195773229740_7277661599085457242_n.webp\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"928\" srcset=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/637420142_925195773229740_7277661599085457242_n.webp 696w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/637420142_925195773229740_7277661599085457242_n-225x300.webp 225w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/637420142_925195773229740_7277661599085457242_n-315x420.webp 315w\" sizes=\"(max-width: 696px) 100vw, 696px\" \/><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Guddiga dhaqanka beelaha Gadabuursi ayaa ku dhawaaqay inay hakiyeen wada-shaqeyntii ay la lahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland. Odayaasha dhaqanka Gadabuursi ayaa Wasiirka ku eedeeyay inuu ka been sheegay in lasoo xidhay nabada beelaha wada dega gobollada Awdal iyo Salal, xilli maalin ka hor uu dagaal culus ka dhacay ka dhacay deegaanno dhaca Salal. Guddidu waxay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":190211,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"rop_custom_images_group":[],"rop_custom_messages_group":[],"rop_publish_now":"no","rop_publish_now_accounts":{"facebook_10221280388112155_325455220908133":""},"rop_publish_now_history":[{"account":"facebook_10221280388112155_325455220908133","service":"facebook","timestamp":1771318695,"status":"success"}],"rop_publish_now_status":"done","footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-190209","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-somali-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v25.6 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Xiisadda Gobolka Awdal oo kasii dareysa - Wardoon<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/xiisadda-gobolka-awdal-oo-kasii-dareysa\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Xiisadda Gobolka Awdal oo kasii dareysa - Wardoon\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Guddiga dhaqanka beelaha Gadabuursi ayaa ku dhawaaqay inay hakiyeen wada-shaqeyntii ay la lahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland. Odayaasha dhaqanka Gadabuursi ayaa Wasiirka ku eedeeyay inuu ka been sheegay in lasoo xidhay nabada beelaha wada dega gobollada Awdal iyo Salal, xilli maalin ka hor uu dagaal culus ka dhacay ka dhacay deegaanno dhaca Salal. Guddidu waxay [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/xiisadda-gobolka-awdal-oo-kasii-dareysa\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Wardoon\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2026-02-17T08:57:49+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/20231031638343451373081845.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"660\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"355\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"admin\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"admin\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"3 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/xiisadda-gobolka-awdal-oo-kasii-dareysa\/\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/xiisadda-gobolka-awdal-oo-kasii-dareysa\/\",\"name\":\"Xiisadda Gobolka Awdal oo kasii dareysa - Wardoon\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/xiisadda-gobolka-awdal-oo-kasii-dareysa\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/xiisadda-gobolka-awdal-oo-kasii-dareysa\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/20231031638343451373081845.jpg\",\"datePublished\":\"2026-02-17T08:57:49+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/xiisadda-gobolka-awdal-oo-kasii-dareysa\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"http:\/\/wardoon.net\/so\/xiisadda-gobolka-awdal-oo-kasii-dareysa\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/xiisadda-gobolka-awdal-oo-kasii-dareysa\/#primaryimage\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/20231031638343451373081845.jpg\",\"contentUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/20231031638343451373081845.jpg\",\"width\":660,\"height\":355},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/xiisadda-gobolka-awdal-oo-kasii-dareysa\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Xiisadda Gobolka Awdal oo kasii dareysa\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/\",\"name\":\"Wardoon\",\"description\":\"News Media\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\",\"name\":\"admin\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"admin\"},\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Xiisadda Gobolka Awdal oo kasii dareysa - Wardoon","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"http:\/\/wardoon.net\/so\/xiisadda-gobolka-awdal-oo-kasii-dareysa\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Xiisadda Gobolka Awdal oo kasii dareysa - Wardoon","og_description":"Guddiga dhaqanka beelaha Gadabuursi ayaa ku dhawaaqay inay hakiyeen wada-shaqeyntii ay la lahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland. Odayaasha dhaqanka Gadabuursi ayaa Wasiirka ku eedeeyay inuu ka been sheegay in lasoo xidhay nabada beelaha wada dega gobollada Awdal iyo Salal, xilli maalin ka hor uu dagaal culus ka dhacay ka dhacay deegaanno dhaca Salal. Guddidu waxay [&hellip;]","og_url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/xiisadda-gobolka-awdal-oo-kasii-dareysa\/","og_site_name":"Wardoon","article_published_time":"2026-02-17T08:57:49+00:00","og_image":[{"width":660,"height":355,"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/20231031638343451373081845.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"admin","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"admin","Est. reading time":"3 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/xiisadda-gobolka-awdal-oo-kasii-dareysa\/","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/xiisadda-gobolka-awdal-oo-kasii-dareysa\/","name":"Xiisadda Gobolka Awdal oo kasii dareysa - Wardoon","isPartOf":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/xiisadda-gobolka-awdal-oo-kasii-dareysa\/#primaryimage"},"image":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/xiisadda-gobolka-awdal-oo-kasii-dareysa\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/20231031638343451373081845.jpg","datePublished":"2026-02-17T08:57:49+00:00","author":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28"},"breadcrumb":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/xiisadda-gobolka-awdal-oo-kasii-dareysa\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["http:\/\/wardoon.net\/so\/xiisadda-gobolka-awdal-oo-kasii-dareysa\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/xiisadda-gobolka-awdal-oo-kasii-dareysa\/#primaryimage","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/20231031638343451373081845.jpg","contentUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/20231031638343451373081845.jpg","width":660,"height":355},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/xiisadda-gobolka-awdal-oo-kasii-dareysa\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"http:\/\/wardoon.net\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Xiisadda Gobolka Awdal oo kasii dareysa"}]},{"@type":"WebSite","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/","name":"Wardoon","description":"News Media","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28","name":"admin","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","caption":"admin"},"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/190209"}],"collection":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=190209"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/190209\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":190212,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/190209\/revisions\/190212"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/190211"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=190209"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=190209"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=190209"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}