{"id":191159,"date":"2026-04-06T22:08:51","date_gmt":"2026-04-06T19:08:51","guid":{"rendered":"https:\/\/wardoon.net\/so\/?p=191159"},"modified":"2026-04-06T22:16:48","modified_gmt":"2026-04-06T19:16:48","slug":"taliyihii-sirdoonka-kacaanka-iran-oo-la-dilay","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/wardoon.net\/so\/taliyihii-sirdoonka-kacaanka-iran-oo-la-dilay\/","title":{"rendered":"Taliyihii sirdoonka kacaanka IRAN oo la dilay."},"content":{"rendered":"<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-191160\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/69d3689b9880c.r_d.737-327-9375.jpeg\" alt=\"\" width=\"1200\" height=\"525\" srcset=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/69d3689b9880c.r_d.737-327-9375.jpeg 1200w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/69d3689b9880c.r_d.737-327-9375-300x131.jpeg 300w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/69d3689b9880c.r_d.737-327-9375-1024x448.jpeg 1024w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/69d3689b9880c.r_d.737-327-9375-768x336.jpeg 768w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/69d3689b9880c.r_d.737-327-9375-696x305.jpeg 696w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/69d3689b9880c.r_d.737-327-9375-1068x467.jpeg 1068w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/69d3689b9880c.r_d.737-327-9375-960x420.jpeg 960w\" sizes=\"(max-width: 1200px) 100vw, 1200px\" \/><\/p>\n<p>Taliska Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay geerida madaxii sirdoonka ee kacaanka, Majid Jademi, kaas oo lagu dilay weerar ay si wadajir ah u fuliyeen Mareykanka iyo Israa\u2019iil.<\/p>\n<p>Weerarkan ayaa qeyb ka ahaa guluf ballaaran oo dalkaas lagu qaaday dhammaadkii bishii Febraayo, kaas oo ilaa hadda galaaftay nolosha in ka badan 2,000 oo qof gudaha Iiraan.<\/p>\n<p>Bayaan lagu baahiyay telefishinka qaranka Iiraan ee IRIB ayaa Ciidamada Ilaalada Kacaanka ku sheegeen in \u201cJademi uu helay sharafta shahiidnimada kadib weerar argagixiso oo dambiyeed, oo uu cadowga Mareykanka iyo Sahyuuniyaddu fuliyay saacadihii hore ee maanta.\u201d<\/p>\n<p>Qoraalka rasmiga ah ee kasoo baxay dowladda ayaa si weyn loogu amaanay waayihiisii shaqo ee ciidanimo, iyadoo waxqabadkiisa lagu tilmaamay mid weyn oo \u201cku dayasho mudan,\u201d kadib ku dhawaad nus qarni oo uu u adeegayay dalka.<\/p>\n<p>Bayaanka ayaa intaas lagu daray in dhaxalkiisu uu hage u noqon karo bahda sirdoonka dalka sanado badan, gaar ahaan marka la wajahayo cadawga shisheeye ee heer istiraatiijiyadeed iyo qorshayaashooda gurracan ee ay ku doonayaan inay carqaladeeyaan amniga iyo nabadda Iiraan.<\/p>\n<p>Sidoo kale, bayaanka kacaanka Iiraan ayaa waxaa qeyb ka aheyd hanjabaad ka dhan ah Mareykanka iyo Israa\u2019iil, iyadoo lagu sheegay in dhiigga Khademi aanu si fudud u qalali doonin, isla markaana ay u aari doonaan.<\/p>\n<p>Majid Jademi ayaa loo magacaabay madaxa sirdoonka ciidamada Ilaalada Kacaanka bishii Juun 2025, isagoo bedelay Mohamad Kazemi, oo ahaa mid ka mid ah taliyeyaashii sarsare ee militariga ee lagu dilay dagaalkii 12-maalmood qaatay ee ay sidoo kale Maraykanka iyo Israa\u2019iil ku qaadeen Iiraan xagaagii hore.<\/p>\n<p>Sida lagu sheegay xogtii ugu dambeysay ee xukuumadda Tehran, gulufkan ayaa ilaa hadda sababay dhimashada 2,076 qof, oo ay ku jiraan 216 carruur ah.<\/p>\n<p>Ururka Bisha Cas ee Iiraan ayaa dhankiisa faah-faahiyay in duqeymaha culus ay burburiyeen ama waxyeelo weyn gaarsiiyeen in ka badan 100,000 oo hanti dadweyne iyo goob rayid ah, kuwaas oo ku dhawaad 40,000 ay ku yaalliin caasimadda Tehran.<\/p>\n<p>Intaas waxaa dheer, afartii toddobaad ee weerarada cirka ah waxyeelo lixaad leh ayaa soo gaartay ilaa 600 oo iskuul iyo ku dhawaad 300 xarumo caafimaad.<\/p>\n<p>Si kastaba, Iiraan aan ayaa hore u sheegtay in mas\u2019uul walba oo ay beegsanayaan Mareykanka iyo Israa\u2019iil uu diyaar yahay qofkii beddeli lahaa, si uusan u dhicin firaaq, uguna tashteen, si ay u jabiyaan cadawgooda kusoo duulay.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Taliska Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay geerida madaxii sirdoonka ee kacaanka, Majid Jademi, kaas oo lagu dilay weerar ay si wadajir ah u fuliyeen Mareykanka iyo Israa\u2019iil. Weerarkan ayaa qeyb ka ahaa guluf ballaaran oo dalkaas lagu qaaday dhammaadkii bishii Febraayo, kaas oo ilaa hadda galaaftay nolosha in ka badan 2,000 [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":191160,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"rop_custom_images_group":[],"rop_custom_messages_group":[],"rop_publish_now":"no","rop_publish_now_accounts":{"facebook_10221280388112155_325455220908133":""},"rop_publish_now_history":[{"account":"facebook_10221280388112155_325455220908133","service":"facebook","timestamp":1775502545,"status":"error"}],"rop_publish_now_status":"done","footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-191159","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-somali-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v25.6 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Taliyihii sirdoonka kacaanka IRAN oo la dilay. - Wardoon<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/taliyihii-sirdoonka-kacaanka-iran-oo-la-dilay\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Taliyihii sirdoonka kacaanka IRAN oo la dilay. - Wardoon\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Taliska Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay geerida madaxii sirdoonka ee kacaanka, Majid Jademi, kaas oo lagu dilay weerar ay si wadajir ah u fuliyeen Mareykanka iyo Israa\u2019iil. Weerarkan ayaa qeyb ka ahaa guluf ballaaran oo dalkaas lagu qaaday dhammaadkii bishii Febraayo, kaas oo ilaa hadda galaaftay nolosha in ka badan 2,000 [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/taliyihii-sirdoonka-kacaanka-iran-oo-la-dilay\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Wardoon\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2026-04-06T19:08:51+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2026-04-06T19:16:48+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/69d3689b9880c.r_d.737-327-9375.jpeg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"1200\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"525\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"admin\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"admin\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"3 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/taliyihii-sirdoonka-kacaanka-iran-oo-la-dilay\/\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/taliyihii-sirdoonka-kacaanka-iran-oo-la-dilay\/\",\"name\":\"Taliyihii sirdoonka kacaanka IRAN oo la dilay. - Wardoon\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/taliyihii-sirdoonka-kacaanka-iran-oo-la-dilay\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/taliyihii-sirdoonka-kacaanka-iran-oo-la-dilay\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/69d3689b9880c.r_d.737-327-9375.jpeg\",\"datePublished\":\"2026-04-06T19:08:51+00:00\",\"dateModified\":\"2026-04-06T19:16:48+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/taliyihii-sirdoonka-kacaanka-iran-oo-la-dilay\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/wardoon.net\/so\/taliyihii-sirdoonka-kacaanka-iran-oo-la-dilay\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/taliyihii-sirdoonka-kacaanka-iran-oo-la-dilay\/#primaryimage\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/69d3689b9880c.r_d.737-327-9375.jpeg\",\"contentUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/69d3689b9880c.r_d.737-327-9375.jpeg\",\"width\":1200,\"height\":525},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/taliyihii-sirdoonka-kacaanka-iran-oo-la-dilay\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Taliyihii sirdoonka kacaanka IRAN oo la dilay.\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/\",\"name\":\"Wardoon\",\"description\":\"News Media\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\",\"name\":\"admin\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"admin\"},\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Taliyihii sirdoonka kacaanka IRAN oo la dilay. - Wardoon","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/wardoon.net\/so\/taliyihii-sirdoonka-kacaanka-iran-oo-la-dilay\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Taliyihii sirdoonka kacaanka IRAN oo la dilay. - Wardoon","og_description":"Taliska Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay geerida madaxii sirdoonka ee kacaanka, Majid Jademi, kaas oo lagu dilay weerar ay si wadajir ah u fuliyeen Mareykanka iyo Israa\u2019iil. Weerarkan ayaa qeyb ka ahaa guluf ballaaran oo dalkaas lagu qaaday dhammaadkii bishii Febraayo, kaas oo ilaa hadda galaaftay nolosha in ka badan 2,000 [&hellip;]","og_url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/taliyihii-sirdoonka-kacaanka-iran-oo-la-dilay\/","og_site_name":"Wardoon","article_published_time":"2026-04-06T19:08:51+00:00","article_modified_time":"2026-04-06T19:16:48+00:00","og_image":[{"width":1200,"height":525,"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/69d3689b9880c.r_d.737-327-9375.jpeg","type":"image\/jpeg"}],"author":"admin","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"admin","Est. reading time":"3 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/taliyihii-sirdoonka-kacaanka-iran-oo-la-dilay\/","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/taliyihii-sirdoonka-kacaanka-iran-oo-la-dilay\/","name":"Taliyihii sirdoonka kacaanka IRAN oo la dilay. - Wardoon","isPartOf":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/taliyihii-sirdoonka-kacaanka-iran-oo-la-dilay\/#primaryimage"},"image":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/taliyihii-sirdoonka-kacaanka-iran-oo-la-dilay\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/69d3689b9880c.r_d.737-327-9375.jpeg","datePublished":"2026-04-06T19:08:51+00:00","dateModified":"2026-04-06T19:16:48+00:00","author":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28"},"breadcrumb":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/taliyihii-sirdoonka-kacaanka-iran-oo-la-dilay\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/wardoon.net\/so\/taliyihii-sirdoonka-kacaanka-iran-oo-la-dilay\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/taliyihii-sirdoonka-kacaanka-iran-oo-la-dilay\/#primaryimage","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/69d3689b9880c.r_d.737-327-9375.jpeg","contentUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/69d3689b9880c.r_d.737-327-9375.jpeg","width":1200,"height":525},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/taliyihii-sirdoonka-kacaanka-iran-oo-la-dilay\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"http:\/\/wardoon.net\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Taliyihii sirdoonka kacaanka IRAN oo la dilay."}]},{"@type":"WebSite","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/","name":"Wardoon","description":"News Media","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28","name":"admin","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","caption":"admin"},"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/191159"}],"collection":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=191159"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/191159\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":191161,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/191159\/revisions\/191161"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/191160"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=191159"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=191159"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=191159"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}