{"id":191557,"date":"2026-05-09T12:05:34","date_gmt":"2026-05-09T09:05:34","guid":{"rendered":"http:\/\/wardoon.net\/so\/?p=191557"},"modified":"2026-05-09T12:05:34","modified_gmt":"2026-05-09T09:05:34","slug":"ninkii-weeraray-ilhaan-cumar-oo-maxkamada-lakeenay-sawirro","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/wardoon.net\/so\/ninkii-weeraray-ilhaan-cumar-oo-maxkamada-lakeenay-sawirro\/","title":{"rendered":"Ninkii weeraray Ilhaan Cumar oo Maxkamada lakeenay. +SAWIRRO"},"content":{"rendered":"<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-191566\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/images.jpg\" alt=\"\" width=\"611\" height=\"407\" \/><\/p>\n<p>Nin deggen magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa maxkamad horteed ka qirtay dambi ah inuu weeraray mas\u2019uul federaal ah, kadib markii uu silinge (siriinjo) ugu buufiyay khal Xildhibaan Ilhaan Cumar, xilli ay kulan dadweyne qabaneysay horraantii sanadkan.<\/p>\n<p>Anthony James Kazmierczak, oo 55 jir ah, ayaa qirtay inuu weeraray xildhibaanadda isagoo ku qeylinayay \u201cWaxaad kala qeybineysaa reer Minnesota.\u201d Weerarkan ayaa dhacay habeenkii 27-kii Janaayo xilli Ilhaan ay khudbad u jeedineysay taageerayaasheedii, sida ku cad heshiis qirasho dambi ah oo la horkeenay maxkamadda federaalka.<\/p>\n<p>Xilliga uu ninkan soo boodayay, Ilhaan Cumar oo laga soo doorto deegaankaas tan iyo 2019-kii, waxay si adag ugu baaqeysay in ay is-casisho Kristi Noem oo xilligaas ahayd Xoghayaha Amniga Gudaha Mareykanka. Baaqa xildhibaanadda ayaa ku soo aaday xilli uu meeshii ugu sarreysay marayay hawlgalkii adkaa ee maamulka Trump uu ku bartilmaameedsanayay soo-galootiga gobolka Minnesota.<\/p>\n<p>Laba sarkaal oo dhanka amniga ah ayaa dhulka ku dhuftay Kazmierczak waxyar kadib markii uu ka soo istaagay kursigiisii safka hore, isagoo silingaha ku buufiyay Ilhaan. Kadib markii ay laamaha amnigu gacanta ku dhigeen ninkaas, Ilhaan Cumar waxay si caadi ah u sii wadatay kulankeedii.<\/p>\n<p>Dambiga uu ninkan qirtay ayaa ciqaabtiisu gaari kartaa ilaa siddeed sano oo xabsi ah. Silingaha uu ninkani u adeegsaday weerarka ayaa la xaqiijiyay inuu ku jiray isku-dhaf ah biyo ah iyo khalka tufaaxa.<\/p>\n<p>Intii ay socotay dhageysiga qirashada dambiga ee ka dhacday Maxkamadda Federaalka ee Minneapolis maalintii Khamiista, Garsoore Joan Ericksen ayaa weydiisay eedeysanaha sida uu u xasuusto wixii dhacay habeenkaas. Sida uu qoray wargeyska deegaanka ee The Minnesota Star Tribune, wuxuu ku jawaabay in xasuustiisu ay \u201cis-dhexyaacsan tahay.\u201d<\/p>\n<p>Sida ku xusan heshiiska, markii sarkaal ka tirsan booliska Minneapolis uu u yimid ninkan kadib weerarka, wuxuu markiiba u sheegay ciidamada, \u201cWaxaan ku buufiyay khal.\u201d Kazmierczak ayaa intii ay maxkamaddu socotay xusay inuu degdeg u caddeeyay waxa ku jiray silingaha si uusan qofna u moodin in nolosha xildhibaanaddu ay halis ku jirto.<\/p>\n<p>Dabayaaqadii bishii Febraayo, xeerbeegti federaal ah ayaa ninkan ku soo oogtay hal dambi oo ah inuu weeraray sarkaal federaal ah.<\/p>\n<p>Intaas waxaa dheer, Kazmierczak wuxuu wajihi doonaa dacwado gooni ah oo heer gobol ah oo salka ku haya weerarkan. Xeer-ilaaliyeyaasha deegaanka ayaa ku eedeeyay dambi culus oo ah hanjabaad argagixiso iyo hal dambi oo ah weerar heerka shanaad ah. Dacwadda heerka gobol ayaa dib loo bilaabi doonaa marka la soo afjaro kiiskiisa federaalka ah.<\/p>\n<p>Ilhaan Cumar oo 43 jir ah, dalka Mareykankana timid iyadoo canug yar ah kadib markii ay kasoo qaxday dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya, ayaa sheegtay in weerarkani uusan marnaba cabsi gelin doonin.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan ahay qof soo badbaaday, marka dhib-wadahan yari igama hor istaagi doono inaan shaqadeyda qabsado,\u201d ayay tiri Ilhaan oo fariin soo saartay waxyar kadib dhacdadaas. Waxayna raacisay, \u201cMa oggolaan doono in cagajugleeyayaashu ay guuleystaan.\u201d<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"size-full wp-image-191558\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/3DUE5LIDKBEXNBPOKK4D4VX3N4-scaled.jpg\" alt=\"\" width=\"2560\" height=\"1707\" srcset=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/3DUE5LIDKBEXNBPOKK4D4VX3N4-scaled.jpg 2560w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/3DUE5LIDKBEXNBPOKK4D4VX3N4-300x200.jpg 300w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/3DUE5LIDKBEXNBPOKK4D4VX3N4-1024x683.jpg 1024w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/3DUE5LIDKBEXNBPOKK4D4VX3N4-768x512.jpg 768w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/3DUE5LIDKBEXNBPOKK4D4VX3N4-1536x1024.jpg 1536w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/3DUE5LIDKBEXNBPOKK4D4VX3N4-2048x1365.jpg 2048w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/3DUE5LIDKBEXNBPOKK4D4VX3N4-696x464.jpg 696w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/3DUE5LIDKBEXNBPOKK4D4VX3N4-1068x712.jpg 1068w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/3DUE5LIDKBEXNBPOKK4D4VX3N4-630x420.jpg 630w\" sizes=\"(max-width: 2560px) 100vw, 2560px\" \/><\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-0 wp-image-191559\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/07nat-omar-syringe-01-cqmb-articleLarge.webp\" alt=\"\" width=\"600\" height=\"400\" srcset=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/07nat-omar-syringe-01-cqmb-articleLarge.webp 600w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/07nat-omar-syringe-01-cqmb-articleLarge-300x200.webp 300w\" sizes=\"(max-width: 600px) 100vw, 600px\" \/> <img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-0 wp-image-191560\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/28dc-trump-omar-3-qclw-articleLarge.webp\" alt=\"\" width=\"600\" height=\"400\" srcset=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/28dc-trump-omar-3-qclw-articleLarge.webp 600w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/28dc-trump-omar-3-qclw-articleLarge-300x200.webp 300w\" sizes=\"(max-width: 600px) 100vw, 600px\" \/> <img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-191561\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/5190.avif\" alt=\"\" width=\"608\" height=\"405\" srcset=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/5190.avif 465w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/5190-300x200.avif 300w\" sizes=\"(max-width: 608px) 100vw, 608px\" \/> <img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-0 wp-image-191562\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/260128-Ilhan-Omar-rs-fae934.webp\" alt=\"\" width=\"1500\" height=\"1000\" srcset=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/260128-Ilhan-Omar-rs-fae934.webp 1500w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/260128-Ilhan-Omar-rs-fae934-300x200.webp 300w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/260128-Ilhan-Omar-rs-fae934-1024x683.webp 1024w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/260128-Ilhan-Omar-rs-fae934-768x512.webp 768w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/260128-Ilhan-Omar-rs-fae934-696x464.webp 696w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/260128-Ilhan-Omar-rs-fae934-1068x712.webp 1068w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/260128-Ilhan-Omar-rs-fae934-630x420.webp 630w\" sizes=\"(max-width: 1500px) 100vw, 1500px\" \/> <img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-0 wp-image-191563\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/4710172-706840175.jpg\" alt=\"\" width=\"670\" height=\"448\" srcset=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/4710172-706840175.jpg 670w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/4710172-706840175-300x201.jpg 300w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/4710172-706840175-628x420.jpg 628w\" sizes=\"(max-width: 670px) 100vw, 670px\" \/> <img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-0 wp-image-191564\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/ilhan-omar-sprayed-at-conference.webp\" alt=\"\" width=\"1200\" height=\"675\" srcset=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/ilhan-omar-sprayed-at-conference.webp 1200w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/ilhan-omar-sprayed-at-conference-300x169.webp 300w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/ilhan-omar-sprayed-at-conference-1024x576.webp 1024w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/ilhan-omar-sprayed-at-conference-768x432.webp 768w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/ilhan-omar-sprayed-at-conference-696x392.webp 696w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/ilhan-omar-sprayed-at-conference-1068x601.webp 1068w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/ilhan-omar-sprayed-at-conference-747x420.webp 747w\" sizes=\"(max-width: 1200px) 100vw, 1200px\" \/> <img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-191566\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/images.jpg\" alt=\"\" width=\"608\" height=\"405\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Nin deggen magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa maxkamad horteed ka qirtay dambi ah inuu weeraray mas\u2019uul federaal ah, kadib markii uu silinge (siriinjo) ugu buufiyay khal Xildhibaan Ilhaan Cumar, xilli ay kulan dadweyne qabaneysay horraantii sanadkan. Anthony James Kazmierczak, oo 55 jir ah, ayaa qirtay inuu weeraray xildhibaanadda isagoo ku qeylinayay \u201cWaxaad kala qeybineysaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":191562,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"rop_custom_images_group":[],"rop_custom_messages_group":[],"rop_publish_now":"yes","rop_publish_now_accounts":{"facebook_10221280388112155_325455220908133":""},"rop_publish_now_history":[{"account":"facebook_10221280388112155_325455220908133","service":"facebook","timestamp":1778317535,"status":"queued"}],"rop_publish_now_status":"queued","footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-191557","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-somali-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v25.6 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Ninkii weeraray Ilhaan Cumar oo Maxkamada lakeenay. +SAWIRRO - Wardoon<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/ninkii-weeraray-ilhaan-cumar-oo-maxkamada-lakeenay-sawirro\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Ninkii weeraray Ilhaan Cumar oo Maxkamada lakeenay. +SAWIRRO - Wardoon\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Nin deggen magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa maxkamad horteed ka qirtay dambi ah inuu weeraray mas\u2019uul federaal ah, kadib markii uu silinge (siriinjo) ugu buufiyay khal Xildhibaan Ilhaan Cumar, xilli ay kulan dadweyne qabaneysay horraantii sanadkan. Anthony James Kazmierczak, oo 55 jir ah, ayaa qirtay inuu weeraray xildhibaanadda isagoo ku qeylinayay \u201cWaxaad kala qeybineysaa [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/ninkii-weeraray-ilhaan-cumar-oo-maxkamada-lakeenay-sawirro\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Wardoon\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2026-05-09T09:05:34+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/260128-Ilhan-Omar-rs-fae934.webp\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"1500\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"1000\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/webp\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"admin\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"admin\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"4 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/ninkii-weeraray-ilhaan-cumar-oo-maxkamada-lakeenay-sawirro\/\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/ninkii-weeraray-ilhaan-cumar-oo-maxkamada-lakeenay-sawirro\/\",\"name\":\"Ninkii weeraray Ilhaan Cumar oo Maxkamada lakeenay. +SAWIRRO - Wardoon\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/ninkii-weeraray-ilhaan-cumar-oo-maxkamada-lakeenay-sawirro\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/ninkii-weeraray-ilhaan-cumar-oo-maxkamada-lakeenay-sawirro\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/260128-Ilhan-Omar-rs-fae934.webp\",\"datePublished\":\"2026-05-09T09:05:34+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/ninkii-weeraray-ilhaan-cumar-oo-maxkamada-lakeenay-sawirro\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"http:\/\/wardoon.net\/so\/ninkii-weeraray-ilhaan-cumar-oo-maxkamada-lakeenay-sawirro\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/ninkii-weeraray-ilhaan-cumar-oo-maxkamada-lakeenay-sawirro\/#primaryimage\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/260128-Ilhan-Omar-rs-fae934.webp\",\"contentUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/260128-Ilhan-Omar-rs-fae934.webp\",\"width\":1500,\"height\":1000},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/ninkii-weeraray-ilhaan-cumar-oo-maxkamada-lakeenay-sawirro\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Ninkii weeraray Ilhaan Cumar oo Maxkamada lakeenay. +SAWIRRO\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/\",\"name\":\"Wardoon\",\"description\":\"News Media\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\",\"name\":\"admin\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"admin\"},\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Ninkii weeraray Ilhaan Cumar oo Maxkamada lakeenay. +SAWIRRO - Wardoon","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"http:\/\/wardoon.net\/so\/ninkii-weeraray-ilhaan-cumar-oo-maxkamada-lakeenay-sawirro\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Ninkii weeraray Ilhaan Cumar oo Maxkamada lakeenay. +SAWIRRO - Wardoon","og_description":"Nin deggen magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa maxkamad horteed ka qirtay dambi ah inuu weeraray mas\u2019uul federaal ah, kadib markii uu silinge (siriinjo) ugu buufiyay khal Xildhibaan Ilhaan Cumar, xilli ay kulan dadweyne qabaneysay horraantii sanadkan. Anthony James Kazmierczak, oo 55 jir ah, ayaa qirtay inuu weeraray xildhibaanadda isagoo ku qeylinayay \u201cWaxaad kala qeybineysaa [&hellip;]","og_url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/ninkii-weeraray-ilhaan-cumar-oo-maxkamada-lakeenay-sawirro\/","og_site_name":"Wardoon","article_published_time":"2026-05-09T09:05:34+00:00","og_image":[{"width":1500,"height":1000,"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/260128-Ilhan-Omar-rs-fae934.webp","type":"image\/webp"}],"author":"admin","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"admin","Est. reading time":"4 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/ninkii-weeraray-ilhaan-cumar-oo-maxkamada-lakeenay-sawirro\/","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/ninkii-weeraray-ilhaan-cumar-oo-maxkamada-lakeenay-sawirro\/","name":"Ninkii weeraray Ilhaan Cumar oo Maxkamada lakeenay. +SAWIRRO - Wardoon","isPartOf":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/ninkii-weeraray-ilhaan-cumar-oo-maxkamada-lakeenay-sawirro\/#primaryimage"},"image":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/ninkii-weeraray-ilhaan-cumar-oo-maxkamada-lakeenay-sawirro\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/260128-Ilhan-Omar-rs-fae934.webp","datePublished":"2026-05-09T09:05:34+00:00","author":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28"},"breadcrumb":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/ninkii-weeraray-ilhaan-cumar-oo-maxkamada-lakeenay-sawirro\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["http:\/\/wardoon.net\/so\/ninkii-weeraray-ilhaan-cumar-oo-maxkamada-lakeenay-sawirro\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/ninkii-weeraray-ilhaan-cumar-oo-maxkamada-lakeenay-sawirro\/#primaryimage","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/260128-Ilhan-Omar-rs-fae934.webp","contentUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/260128-Ilhan-Omar-rs-fae934.webp","width":1500,"height":1000},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/ninkii-weeraray-ilhaan-cumar-oo-maxkamada-lakeenay-sawirro\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/wardoon.net\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Ninkii weeraray Ilhaan Cumar oo Maxkamada lakeenay. +SAWIRRO"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/","name":"Wardoon","description":"News Media","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28","name":"admin","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","caption":"admin"},"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/191557"}],"collection":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=191557"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/191557\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":191567,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/191557\/revisions\/191567"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/191562"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=191557"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=191557"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=191557"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}