{"id":192613,"date":"2026-07-19T19:03:05","date_gmt":"2026-07-19T16:03:05","guid":{"rendered":"https:\/\/wardoon.net\/so\/?p=192613"},"modified":"2026-07-19T19:03:05","modified_gmt":"2026-07-19T16:03:05","slug":"goorta-uu-furmayo-kalfadhiga-bf-oo-la-shaaciyay","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/wardoon.net\/so\/goorta-uu-furmayo-kalfadhiga-bf-oo-la-shaaciyay\/","title":{"rendered":"Goorta uu furmayo kalfadhiga BF oo la shaaciyay."},"content":{"rendered":"<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-192614\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/749300661_1629089795457153_4588769984706588431_n.jpg\" alt=\"\" width=\"2048\" height=\"1292\" srcset=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/749300661_1629089795457153_4588769984706588431_n.jpg 2048w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/749300661_1629089795457153_4588769984706588431_n-300x189.jpg 300w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/749300661_1629089795457153_4588769984706588431_n-1024x646.jpg 1024w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/749300661_1629089795457153_4588769984706588431_n-768x485.jpg 768w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/749300661_1629089795457153_4588769984706588431_n-1536x969.jpg 1536w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/749300661_1629089795457153_4588769984706588431_n-696x439.jpg 696w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/749300661_1629089795457153_4588769984706588431_n-1068x674.jpg 1068w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/749300661_1629089795457153_4588769984706588431_n-666x420.jpg 666w\" sizes=\"(max-width: 2048px) 100vw, 2048px\" \/><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka JFS ayaa si rasmi ah u shaaciyey in 1-da August 2026 la furi doono kalfadhiga 8-aad ee baarlamaanka 11-aad, kaddib kulamo wadatashi ah oo ay yeesheen madaxda labada Aqal.<\/p>\n<p>War-saxaafadeed kasoo baxay guddoonka ayaa lagu sheegay in xildhibaannada Golaha Shacabka iyo xubnaha Aqalka Sare lagu wargeliyey inay soo xaroodaan ka hor taariikhda furitaanka, si loo dardar-geliyo gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee horyaalla baarlamaanka.<\/p>\n<p>Furitaanka kalfadhigan ayaa kusoo beegmaya xilli baarlamaanku horyaallo ajendayaal culus oo saameyn ku leh jihada siyaasadda dalka, kuwaas oo la filayo in si weyn looga doodo toddobaadyada ugu horreeya ee kalfadhiga.<\/p>\n<p>Ajendaha ugu weyn ee horyaalla baarlamaanka ayaa ah doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka, kursigaas oo bannaanaaday kadib markii Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) loo doortay hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.<\/p>\n<p>\u201cXildhibaannada iyo Senatarrada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa lagu wargalinayaa inay soo xaroodaan ka hor muddada la go\u2019aamiyay ee furitaanka Kalfadhigga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya; si loo sii ambaqaado gudashada waajibaadka Dastuuriga ah ee loo hayo dadwaynaha Soomaaliyeed,\u201d ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka guddoonka baarlamaanka.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-192615\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/IMG_1784462476923.webp\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"870\" srcset=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/IMG_1784462476923.webp 696w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/IMG_1784462476923-240x300.webp 240w, http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/IMG_1784462476923-336x420.webp 336w\" sizes=\"(max-width: 696px) 100vw, 696px\" \/><\/p>\n<p>Doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa la filayaa inay noqoto mid aad loogu tartamo, waxaana durba isa soo sharaxay saddex xubnood oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo kala ah: Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Cabdullaahi Jaamac iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Saadaad Maxamed Caliyow.<\/p>\n<p>Loollanka doorashadan ayaa si gaar ah isha loogu hayaa, maadaama guddoomiyaha cusub uu door muhiim ah ku yeelan doono hoggaaminta Golaha Shacabka inta ka harsan muddo xileedka baarlamaanka 11-aad.<\/p>\n<p>Dhanka kale, mucaaradka ayaa weli muujinaya inaanay ku qanacsanayn qaabka loo wajahayo doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka, inkastoo ay jiraan dadaallo socda oo lagu doonayo in dhammaan xildhibaannadu si buuxda uga qayb qaataan codbixinta.<\/p>\n<p>Haddii xildhibaannada mucaaradku si mideysan uga qayb-galaan doorashada waxay saameyn weyn ku yeelan karaan natiijada, isla markaana ay suuragal tahay inay ka adkaadaan musharraxa ay taageerayso Villa Soomaaliya.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>&nbsp; Guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka JFS ayaa si rasmi ah u shaaciyey in 1-da August 2026 la furi doono kalfadhiga 8-aad ee baarlamaanka 11-aad, kaddib kulamo wadatashi ah oo ay yeesheen madaxda labada Aqal. War-saxaafadeed kasoo baxay guddoonka ayaa lagu sheegay in xildhibaannada Golaha Shacabka iyo xubnaha Aqalka Sare lagu wargeliyey inay soo xaroodaan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":192614,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"rop_custom_images_group":[],"rop_custom_messages_group":[],"rop_publish_now":"no","rop_publish_now_accounts":{"facebook_10221280388112155_325455220908133":""},"rop_publish_now_history":[{"account":"facebook_10221280388112155_325455220908133","service":"facebook","timestamp":1784476999,"status":"error"}],"rop_publish_now_status":"done","footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-192613","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-somali-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v25.6 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Goorta uu furmayo kalfadhiga BF oo la shaaciyay. - Wardoon<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/goorta-uu-furmayo-kalfadhiga-bf-oo-la-shaaciyay\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Goorta uu furmayo kalfadhiga BF oo la shaaciyay. - Wardoon\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"&nbsp; Guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka JFS ayaa si rasmi ah u shaaciyey in 1-da August 2026 la furi doono kalfadhiga 8-aad ee baarlamaanka 11-aad, kaddib kulamo wadatashi ah oo ay yeesheen madaxda labada Aqal. War-saxaafadeed kasoo baxay guddoonka ayaa lagu sheegay in xildhibaannada Golaha Shacabka iyo xubnaha Aqalka Sare lagu wargeliyey inay soo xaroodaan [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/goorta-uu-furmayo-kalfadhiga-bf-oo-la-shaaciyay\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Wardoon\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2026-07-19T16:03:05+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/749300661_1629089795457153_4588769984706588431_n.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"2048\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"1292\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"admin\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"admin\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"2 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/goorta-uu-furmayo-kalfadhiga-bf-oo-la-shaaciyay\/\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/goorta-uu-furmayo-kalfadhiga-bf-oo-la-shaaciyay\/\",\"name\":\"Goorta uu furmayo kalfadhiga BF oo la shaaciyay. - Wardoon\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/goorta-uu-furmayo-kalfadhiga-bf-oo-la-shaaciyay\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/goorta-uu-furmayo-kalfadhiga-bf-oo-la-shaaciyay\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/749300661_1629089795457153_4588769984706588431_n.jpg\",\"datePublished\":\"2026-07-19T16:03:05+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/goorta-uu-furmayo-kalfadhiga-bf-oo-la-shaaciyay\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"http:\/\/wardoon.net\/so\/goorta-uu-furmayo-kalfadhiga-bf-oo-la-shaaciyay\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/goorta-uu-furmayo-kalfadhiga-bf-oo-la-shaaciyay\/#primaryimage\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/749300661_1629089795457153_4588769984706588431_n.jpg\",\"contentUrl\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/749300661_1629089795457153_4588769984706588431_n.jpg\",\"width\":2048,\"height\":1292},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/goorta-uu-furmayo-kalfadhiga-bf-oo-la-shaaciyay\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Goorta uu furmayo kalfadhiga BF oo la shaaciyay.\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/\",\"name\":\"Wardoon\",\"description\":\"News Media\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\",\"name\":\"admin\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"admin\"},\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Goorta uu furmayo kalfadhiga BF oo la shaaciyay. - Wardoon","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"http:\/\/wardoon.net\/so\/goorta-uu-furmayo-kalfadhiga-bf-oo-la-shaaciyay\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Goorta uu furmayo kalfadhiga BF oo la shaaciyay. - Wardoon","og_description":"&nbsp; Guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka JFS ayaa si rasmi ah u shaaciyey in 1-da August 2026 la furi doono kalfadhiga 8-aad ee baarlamaanka 11-aad, kaddib kulamo wadatashi ah oo ay yeesheen madaxda labada Aqal. War-saxaafadeed kasoo baxay guddoonka ayaa lagu sheegay in xildhibaannada Golaha Shacabka iyo xubnaha Aqalka Sare lagu wargeliyey inay soo xaroodaan [&hellip;]","og_url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/goorta-uu-furmayo-kalfadhiga-bf-oo-la-shaaciyay\/","og_site_name":"Wardoon","article_published_time":"2026-07-19T16:03:05+00:00","og_image":[{"width":2048,"height":1292,"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/749300661_1629089795457153_4588769984706588431_n.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"admin","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"admin","Est. reading time":"2 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/goorta-uu-furmayo-kalfadhiga-bf-oo-la-shaaciyay\/","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/goorta-uu-furmayo-kalfadhiga-bf-oo-la-shaaciyay\/","name":"Goorta uu furmayo kalfadhiga BF oo la shaaciyay. - Wardoon","isPartOf":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/goorta-uu-furmayo-kalfadhiga-bf-oo-la-shaaciyay\/#primaryimage"},"image":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/goorta-uu-furmayo-kalfadhiga-bf-oo-la-shaaciyay\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/749300661_1629089795457153_4588769984706588431_n.jpg","datePublished":"2026-07-19T16:03:05+00:00","author":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28"},"breadcrumb":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/goorta-uu-furmayo-kalfadhiga-bf-oo-la-shaaciyay\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["http:\/\/wardoon.net\/so\/goorta-uu-furmayo-kalfadhiga-bf-oo-la-shaaciyay\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/goorta-uu-furmayo-kalfadhiga-bf-oo-la-shaaciyay\/#primaryimage","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/749300661_1629089795457153_4588769984706588431_n.jpg","contentUrl":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/749300661_1629089795457153_4588769984706588431_n.jpg","width":2048,"height":1292},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/goorta-uu-furmayo-kalfadhiga-bf-oo-la-shaaciyay\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/wardoon.net\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Goorta uu furmayo kalfadhiga BF oo la shaaciyay."}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/","name":"Wardoon","description":"News Media","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28","name":"admin","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"http:\/\/2.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","caption":"admin"},"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/192613"}],"collection":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=192613"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/192613\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":192616,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/192613\/revisions\/192616"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/192614"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=192613"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=192613"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=192613"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}